Waa muhiim inaynu ka fikirno cidda ka dambeysa war

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Miyaa wax kasta oo aynu maqalno, aragno oo ka akhrino intarnatka, joornaalada, tiifiiga iyo idaacadda yihiin run? Sidee ayaynu ku ognahay in aynu aamini karno il wareed? Oo maxay tahay micnaha run ahaantii in laga fikiro cidda ka dambeysa war?

Sawiro buugaag, raadyow, tii-fii, joornaalo iyo laba gacmood oo haya telafoon moobil oo calaamad su’aal weyn ka sareyso sawirka.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan hogaaminta dalkooda, si toos ah ama iyadoo loo marayo in ay wakiiladooda ku doortaan doorasho xor iyo caddaalad ah.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay xorriyadda fikrada iyo xorriyadda hadalka. Taas micnaheedu waa inaad xaq u leedahay inaad wax u aragto oo u fikirto sida aad doonto. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad faafiso aragtiyahaaga iyo fikradahaaga oo u gudbiso dadka kale, tusaale ahaan dhinaca baraha intarnetka ee bulshada. Laakiin maaha inaad xorriyadaada u isticmaasho inaad faafiso neceyb iyo wax xun ka sheega dad kale iyo kooxo. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad diyaariso oo ka qaybqaadato shirar nabadeed, mudaharaadyo iyo ururo. Laakiin waxaad xitaa xaq u leedahay in aanad ka qaybgelin shir, mudaharaadyo ama xubin ka ahaato urur.

Il wareed waa wax ama qof laga soo qaatay macluumaad ama xaqiiq. Waxaynu helnaa macluumaad wakhti kasta oo ku helnaa qaabab badan oo kala duwan. Waxaynu akhrinnaa joornaalo, dhageysannaa idaacad, daawannaa tiifii, wax ka akhrinaana baraha bulshada. Macluumaadku waxay xitaa ku faafaan qof u gudbiyay qof, tusaale ahaan saaxiibbo dhexdooda.

Macluumaadka aynu helnaa marnaba maaha dhexdhexaad. Sheekooyinka iyo sawiradu way noqon karaan kuwa lagu qanci karo oo xiiso leh. Laakiin innagu waa inaynu mar walba ka fikirno haddii macluumaadkan aynu helnay ee aynu faafinaynaa yahay sax ama aanu ahayn. Micnihii waa muhiim in laga fikiro cidda ka dambeysa warka dhinaca macluumaadka aynu akhrino, maqalno ama helno.

Adigu waxaad is weydiin kartaa su'aalahan si aad u ogaato haddii macluumaadkan yahay sax ama khalad:

  • Yaa ka dambeeya macluumaadkan? Hey'ad dawladeed, shirkad, urur ama cilmi-baare? Ma heli kartaa adigu halkii ugu horeysay ee il wareedkan?
  • Waa maxay sababta macluumaadkan u jiro? Ma waxa weeyaan in wax la wargeliyo, la sameeyo xayeysiis, lacag laga sameeyo ama la helo in dadka kale si la mid ah u fikiraan?
  • Waa immise da'da macluumaadkan? Miyay weli tahay wax iminka taagan? Ma waxa weeyaan tusaale ahaan war gaboobay?
  • Sidee ayaa adigu aad u heshay macluumaadkan? Miyuu ka yimi il wareed aad adigu aamini karto, taas oo horey u bixisay macluumaad sax ah?
  • Miyaad macluumaadkan ka heli kartaa ilo wareedyo kale? Ka taxaddar macluumaadka aad ka hesho hal il wareed oo keliya. Isku dey mar kastaba inaad xaqiiqda ka soo qaadato laba ilo wareed oo aan wax xiriir ah lahayn.

Miyaa adigu aad heshay macluumaad ku saabsan sida ay wax uga shaqeeyaan gudaha Iswiidhan oo ka dib ay cadaatay in aanay sax ahayn?

Sidee ayaa adigu aad u ogaan kartaa waxa run ahaantii sax ah dhinaca macluumaadka adigu aad hesho?