Nidaamka doorashada Iswiidhishka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24 8 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay nidaamka doorashada ee Iswiidhishka. Waa dhinaca doorashooyinka sida dadka dalka degan ay raad ugu yeelan karaan siyaasada gudaha Iswiidhan.

Dhisme codayn oo gacan ay warqada codaynta gelinayso sanduuq iyo qof jooga xagga dambe ee qaybta xiran ee cod dhiibashada.

Waxaad akhrin doontaa doorashooyinka ka jira gudaha Iswiidhan, qofka codeyn kara iyo sida qofku sameeyo si loo codeeyo. Waxaa akhrin doontaa xitaa wixii ku saabsan qofka noqon kara siyaasi iyo kuwa xukuma Iswiidhan maanta.

  • Xaqa in wax raad lagu yeesho oo laga qayb qado dalkaaga hogaankiisa

    Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan hogaaminta dalkooda, si toos ah ama iyadoo loo marayo in ay wakiiladooda ku doortaan doorasho xor iyo caddaalad ah.

    Waxa kale oo aad xaq u leedahay xorriyadda fikrada iyo xorriyadda hadalka. Taas micnaheedu waa inaad xaq u leedahay inaad wax u aragto oo u fikirto sida aad doonto. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad faafiso aragtiyahaaga iyo fikradahaaga oo u gudbiso dadka kale, tusaale ahaan dhinaca baraha intarnetka ee bulshada. Laakiin maaha inaad xorriyadaada u isticmaasho inaad faafiso neceyb iyo wax xun ka sheega dad kale iyo kooxo. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad diyaariso oo ka qaybqaadato shirar nabadeed, mudaharaadyo iyo ururo. Laakiin waxaad xitaa xaq u leedahay in aanad ka qaybgelin shir, mudaharaadyo ama xubin ka ahaato urur.

Doorasho hal mar afartii sanaba

Gudaha Iswiidhan dadka oo dhan waa loo oggolayahay inay ka qayb qaataan oo wax go'aamiyaan. Tani waa aasaaska dimoqraadiyadda. Hal mar afartii sanab waa doorasho. Xilligaas ayaynu dooranaa xisbiyada aynu u aragno inay leeyihiin siyaasadda ugu fiican. Xisbiyada aynu doorano ayaa ah kuwa ka dib inoo hogaamiya Iswiidhan. Aragtida inageena ah dadka dalka ku nool sidaas darteed ayay micno weyn u leedahay sida ay Iswiidhan u shaqayn doonto.

Waxaa jira xisbiyo kala duwan oo la dooran karo. Xisbiyadan waxaa matala siyaasiyiin. Xisbiyada kala duwan badanaaba waxa ay leeyihiin fikrado iyo hindisayaal kala duwan oo ku saabsan sida dalka loo hogaaminayo. Siyaasiyiintu waxa ay go'aamiyaan tusaale ahaan inta uu leekaanayo kharashka in la raaco bas, inta ay leegtahay canshuurta aynu bixinayno iyo sida iskooladu u shaqayn doonaan. Siyaasadu waxa ay ku saabsantahay arrimaha raad ka inagu yeesha maalin walba.

Doorashooyin kala duwan

Afar doorasho oo guud ayaa ka jira gudaha Iswiidhan:

  • Doorashada golaha degmada
  • Doorashada golaha gobolka
  • Doorashada baarlamaanka
  • Doorashada baarlamaanka Yurub

Siyaasiyiinta baarlamaanka ayaa go'aamiya wixii ku saabsan dalka oo dhan. Siyaasiyiinta dhinaca gobolada iyo degmooyinka waxa ay go'aamiyaan wixii ku saabsan meesha aynu ku noolnahay. Siyaasiyiinta Baarlamaanka Yurub waxa ay gaaraan go'aamada ku saabsan arrimaha khuseeya Midowga Yurub oo dhan.

Xisbiyada siyaasadeed

Marka aad codeynayso waxa aad dooranaysaa xisbi aad u codeyso. Mararka qaarkood laga yaabo in aad u aragto in xisbiyo badan ay isku aragti yihiin. Xisbiyada oo dhan waxay ay doonayaan tusaale ahaan in la fiicnaysiiyo daryeelka bukaanka iyo iskoolada. Isla mar ahaantaasna xisbiyadu fikrado kala duwan ayay lahaan karaan dhinaca sida daryeelka bukaanka iyo iskoolada loo sii fiicnaysiinayo. Tani waxa ay ku xirantahay qayb ahaan in xisbiyadu leeyihiin aydiyoolajiyo kala duwan. Aydiyoolaji waa fikrado urursan kuna saabsan sida bulsho u eekaanayso iyo sida loo hogaaminayo. Waxaa jira aydiyoolajiyo badan oo kala duwan. Dhowr aydiyaloojiyada caanka ah waa tusaale ahaan siyaasadda dhaqanka ku dhegan, siyaasadda madaxbannaanida shakhsiga, siyaasadda hantiwadaagga iyo siyaasadda shuuciyadda. Waxaa jira xitaa aydiyaloojiyo casri ah sida tusaale ahaan ololaha dheddignimada iyo mabda'a ilaalinta noolaha iyo degaanka.

Xisbi siyaasadeed waa koox dad ah oo isu taaga doorasho siyaasadeed si ay u saameyn ugu yeeshaan arrimaha ay u arkaan inay yihiin muhiim. Xisbiyadu waxa ay caadiyan leeyihiin xubno badanaaba leh ra'yi iyo fikrado la mid ah kuna saabsan sida ay iyagu doonayaan inay raad ugu yeeshaan dalkan. Si kasta ha ahaatee ma jiraan shuruudo gaar ah dhinaca waxa ay tahay in xisbi ahaado. Dastuurka Iswiidhishka tusaale ahaan ma ku jirto sharraxaad gaar ah dhinaca waxa ay tahay in xisbi ahaado. Dastuurka waxa keliya ee ku qoran in kursiyada (boosaska) baarlamaanka loo qaybiyo xisbiyada isu diiwaangeliyay ka qaybqaadashada doorashada.

Laga yaabee in adigu aragtidaado aanay la mid ahayn ta xisbi. Adiga ayaa dooranaya arrimaha aad u aragto inay ugu muhiimsanyihiin. Adiga ayaa u codeynaya xisbiga aad u aragto inuu leeyahay siyaasadda ugu caqliga badan. Xisbiyada kala duwan muhiim ayay u yihiin dimoqraadiyad maadaama ay dadka wax dooranaya siiyaan doorashooyin kala duwan oo loo codeeyo.

Gudaha Iswiidhan waxaa badanaaba xisbiyada siyaasadeed lagu meeleeyaa derajo: derajo bidix- iyo midig. Derajadan waxay sharraxdaa tusaale ahaan inta ay leegtahay canshuuraha xisbiyadu u arkaan in aynu bixino ama inta ay leekanayso doorka dawladdu ku yeelanayso bulshada. Waxa kale oo jira xisbiyo aan si cad u ahayn bidix ama midig laakiinse loo arko in ay ka tirsanyihiin dhexda siyaasadda.

Qaybta dhinaca bari ee guriga baarlamaanka oo leh calanka Iswiidhishka iyo calanka Midowga Yurub oo ku babanaya hawada.

Sawir: Melker Dahlstrand/Baarlamaanka Iswiidhan

Doorashooyin saami-gal ah

Gudaha Iswiidhan waxay aynu leenahay wax lagu magacaabo doorashooyin saami-gal ah. Tani micnaheedu waa in xisbiga hela boqolkiiba labaatan ka mid ah codadka uu helo qiyaastii boqolkiiba labaatan ka mid ah boosaska baarlamaanka. Baarlamaanku waxa uu leeyahay isu geyn 349 boos oo la qaybsado.

Xisbiyada codadka ugu badan ka hela doorashada baarlamaanka ayaa xitaa hela boosaska ugu badan ee baarlamaanka. Waa caadi in xisbiyadu isla yeeshaan wada shaqayn si ay u helaan aqlabiyad oo qaabkaas ugu meel mariyaan hindisayaashooda siyaasadeed.

Xisbiyada yar ma soo galaan baarlamaanka

Xisbiyada oo dhan ma ka mid noqon karaan baarlamaanka. Si loo soo galo baarlamaanka waa in xisbi haysto ugu yaraan boqolkiiba afar ka mid ah codadka doorashada baarlamaanka. Qaanuunkan wuxuu u jiraa si xisbiyada baarlamaanka ay si fudud u heshiin karaan. Way sii adkaan kartaa in xisbiyadu wada shaqeeyaan haddii ay aad u bataan.

Doorashada gobolka iyo degmada qawaaniintu way ka yara duwanyihiin. Halkaas way u sii fududahay xisbiyada yar in ay soo baxaan.

Xisbiyadee ayaa fadhiya baarlamaanka imminka?

Inta lagu jiro muddada doorashada ee imminka waa xisbiyadan soo socda kuwa wakiilo ku leh baarlamaanka.

Inta ay leegtahay tirada boqolkiiba meel ahaan codadka ah ee xisbiyadu heleen doorashadii baarlamaanka 2018 waxay ku qorantahay gudaha calaamadda qawska.

  • Centerpartiet (C) - 31 boosaska ah (8,61 %)
  • Kristdemokraterna (KD) - 22 boosaska ah (6,32 %)
  • Liberalerna (L) - 20 boosaska ah (5,49 %)
  • Miljöpartiet (MP) - 16 boosaska ah (4,41 %)
  • Moderaterna (M) - 70 boosaska ah (19,84 %)
  • Socialdemokraterna (S) - 100 boosaska ah (28,26 %)
  • Sverigedemokraterna (SD) - 62 boosaska ah (17,53 %)
  • Vänsterpartiet (V) - 28 boosaska ah (8,00 %)

Haddii aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka ogaato xisbiyada baarlamaanka Iswiidhishka arrimahooda ugu muhiimsan waxaad wixi dheeraad ka akhrin kartaa xisbiyada boggagooda intarnatka ee gaarka u ah.

Xisbiyada baarlamaanka Iswiidhishka calaamadahooda iyo tirada xildhibaanada baarlamaanka.

Xisbiyada baarlamaanka Iswiidhishka iyo tirada xildhibaanada ay ku leeyihiin baarlamaanka. Xigasho: Baarlamaanka Iswiidhan, laga soo qaatay 2021-06-14.

Afti dadweyne

Mararka qaarkood waxaa siyaasiyiintu caawimaad ka helaan dadweynaha si loo go'aamiyo arrin gaar ah. Tani waxaa lagu magacaabaa afti dadweyne. Aftiyaha dadweyne badanaaba waa talo-bixin ahaan. Tani micnaheedu waa in siyaasiyiintu aanay ku khasbanayn inay raacaan natiijada. Laakiin waa qaab fiican oo lagu ogaado waxa dadweynaha fikradoodu tahay. Sanadkii 2003 waxa aynu lahayn afti dadweyne oo ku saabsan yuurooda. Xilligaas waxa aynu u codeynaynay haddii Iswiidhan ay karoonada Iswiidhishka ah (SEK) ku baddalayso yuurooda (EUR). Dadweynaha Iswiidhan waxay u codeeyeen diidmo. Siyaasiyiintuna way dhageysteen oo Iswiidhan waxay ay sii wadatay inay haysato karoonada Iswiidhishka ah.

Aftiyaha dadweynaha waxaa xitaa lagu qaban karaa degmo ama gobol. Tani waxaa lagu magacaabaa aftida dadweyne ee degmo.

Qofkee loo oggolyahay codeynta?

Adigu waad codeyn kartaa doorashada baarlamaanka haddii aad tahay muwaadin Iswiidhish ah oo aad buuxisay 18 sano. Adigu waa in xitaa aad ku soo jirtay diiwaangelinta dadweynaha gudaha Iswiidhan xilli ka mid ah xilliyada.

Adigu waad codeyn kartaa doorashada degmada iyo doorashada gobolka haddii aad buuxisay 18 sano oo aad ku jirtay diiwaangelinta dadweynaha Iswiidhan ugu yaraan saddex sano. Adiga ma lagaaga baahna in aad ahaato muwaadin Iswiidhish ah si aad u codeyso doorashada degmada iyo doorashada gobolka. Haddii aad muwaadin ka tahay dal ka baxsan EU-da, Iislaand ama Noorway ma u baahnid in aad ku jirtay diiwaangelinta dadweynaha saddex sano si aad u codeyso doorashada degmada iyo doorashada gobolka.

Adiga waa laguu oggolyahay codeynta doorashada baarlamaanka Yurub haddii aad buuxisay 18 sano oo aad muwaadin ka tahay dal EU ah oo aad ku jirtid diiwaangelinta dadweynaha gudaha Iswiidhan.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Dib u akhri qoraalkan oo ka fikir marka aad fursad u hesho inaad ka codeyso gudaha Iswiidhan marka kuugu horeysa iyo nooca doorashada markaas laguu oggolyahay inaad ka codeyso.

Sidee ayaad samaynaysaa si aad u codeyso?

Axadda labaad ee gudaha Sebtembar afartii sanaba hal mar waa doorasho. Saddex doorasho ayaa isku mar dhaca. Ta baarlamaanka, gobolada iyo degmooyinka.

Adigaaga xaq u leh inaad codeyso waxa aad helaysaa kaar codeyn oo guriga laguugu soo diro ka hor doorashada. Kaarka doorashada waxaa ku qoran dhismaha doorashada ee aad tegi doontid. Waxa ay ahaan kartaa tusaale ahaan iskool u dhow meesha aad adigu degantahay. Adigu waa inaad tusto kaarkaaga aqoonsiga, baasaboor ama kaarka liisanka marka aad adigu codeynayso.

Dhismaha doorashada waxaa yaala warqadaha codeynta ee xisbiyada kala duwan. Warqadda codeynta waxa aad gelinaysaa gal warqad. Waxaa jira waraaqo doorasho oo saddex midab ah. Kuwa hurdiga/jaalaha ah waxaa loo isticmaalaa doorashada baarlamaanka. Kuwa buluuga ah waxaa loo isticmaalaa doorashada gobolka. Kuwa caddaanka ah waxaa loo isticmaalaa doorashada degmada. Haddii adigu aad doonaysid waxa aad xitaa u codeyn kartaa siyaasiyiin gaar ah. Markaas waxa aad isku talaab ku qoraysaa halka ka horeysa qofka siyaasiga ah magacooda.

Adigu ma u baahnid inaad sheegto xisbiga aad u codeynaysid haddii sidaas aanad doonayn. Gudaha dhismaha doorashada waxa aad galaysaa xagga dambe ee dabool ku qarinaya si aad warqadaada doorashada ugu rido galka warqadda. Dadka ka shaqeeya doorashada ma ogaan karaan xisbiga aad adigu u codeysay.

Adigu waad codeyn kartaa xitaa doorashada ka hor. Taas waxaa lagu magacaabaa doorashada hordhaca ah. Doorashada hordhaca ah waxay bilaabantaa 18 maalmood ka hor doorashada. Dhismayaasha doorashada hordhaca ah waxay ku yaalaan dalka oo dhan.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Dib u akhri qoraalkan oo ka fikir waxa dhacaya marka ay gaarto wakhtigaad ka codeyn lahayd doorasho ah gudaha Iswiidhan. Maxay tahay in adiga laf ahaantaadu aad samayso?

Codeynta doorashada EU-da

In la codeeyo doorashada EU-da waxay u dhacdaa qaab la mid ah doorashada baarlamaanka. Doorashadan waxay dhacdaa shantii sano hal mar. Xilligaas waxaa jira hal midab oo keliya oo ah waraaqaha doorashada oo waa caddaan.

Ka qaybqaadashada doorashada

Iyadoo la adeegsanayo in la codeeyo doorasho ayaa dadkeena ku nool dalka aynu raad ku yeelan karnaa siyaasadda Iswiidhan. Tani waa qaab aynu wax kaga baddali karno waxyaabaha aynu u aragno inay yihiin caddaalad daro ama si liidata u shaqaynaya. Haddii dadku aany codeyn waxa taas ay noqon kartaa in iyagu aanay aaminsanayn siyaasiyiinta. Tani waxa ay calaamad u ahaan kartaa in dimoqraadiyadda shaqaynteedu liidato.

Gudaha Iswiidhan dad badan ayaa doorta inay codeeyaan. Doorashadii baarlamaanka ee 2018 waxaa codeeyay boqolkiiba 87 ka tirsan Iswiidhishka. Waxay tahay ka qaybqaadasho doorasho oo sareysa marka la barbardhigo dalal badan oo kale.

Kuwa doorta inay isticmaalaan codkooda farqi ayaa u dhaxeeya dhinaca kooxaha kala duwan gudaha Iswiidhan. Ka qaybqaadashada doorashada way hooseysaa dhanka dadka leh dakhli hoose, heer waxbarasho oo hoose iyo dhinaca dadka ku dhashay meel ka baxsan Iswiidhan. Tani waxay ku xirnaan kartaa waxyaabo ay ka mid yihiin in dadka oo dhan aanay garanayn nooca xuquuqda ay leeyihiin ee inay codeeyaan doorasho, ama inay aaminsanyihiin in codkoodu aanu lahayn wax micno leh.

Laakiin cod kastaaba raad ayuu ku leeyahay natiijada doorashada. Doorashadii barlamaanka ee ugu dambeysay ku dhawaad hal milyan oo dad ah ayaan codeyn. Tani waa ku dhawaad hal milayn oo cod oo si wadajir ah u awoodi lahaa inay raad ku yeeshaan siyaasadda Iswiidhishka.

Qofkee noqon kara siyaasi?

Si loo noqdo siyaasi waxaa ansax ah qawaaniin la mid ah kuwa qofka codeyn kara doorashooyinka. Haddii adigu tusaale ahaan aad Iswiidhan ku noolayd saddex sano waxaad isu taagi kartaa doorashada degmada.

Adigu waxaad xitaa ku hawlanaan kartaa xisbi siyaasadeed adigoo aan hayn wax hawl siyaasadeed ah. Dhinaca in xubin laga noqdo xisbi siyaasadeed waxa aad raad ku yeelan kartaa siyaasadda. Haddii aanad jeclayn mid ka mid ah xisbiyada jira waxaad ku hawlanaan kartaa dhaq-dhaqaaq bulsho ama urur kale. Adigu maqaal aragtidaada ah ayaad ku qor kartaa joornaalada, wici kartaa barnaamijyada idaacadaha ee kala duwan ama xitaa bilaabi kartaa xisbi siyaasadeed oo gaar kuu ah.

Waa ayo kuwa dadweynuhu doorto?

Siyaasiyiinta aynu u codeyno doorasho waa inay matalaan dadweynaha iyo aragtiyaha jira. Waxaa jira kooxo cayiman oo wakiilnimadoodu hooseyso dhinaca siyaasiyiinta dadweynu doortay. In wakiilnimadu hooseuyso micnaheedu waa in qeybta tirada siyaasiyiinta goob cayiman ka soo jeeda ay ka hooseyso qeybta tirada shacabka ey isku goobta ka soo jeedaan.

Gudaha baarlamaanka Iswiidhan tusaale ahaan marka la isbarbardhigo waxaa yar dadka ka weyn 65 sano, marka loo eego sida ay u badanyihiin shacbiga Iswiidhan ee ka weyn 65 sano. Gudaha baarlamaanka waxa kale oo marka la isbarbardhigo yar dadka ku dhashay dalka dibediisa marka loo eego sida ay u badanyihiin shacbiga Iswiidhan ee ku dhashay dalka dibediisa.

Laakiin waxaa ku dhowaad isleeg badnaanta haweenka iyo ragga ku jira Iswiidhan baarlamaankeeda. Tani waa mid aan caadi ahayn. Dalal badan ragga ayaa aad uga badan marka loo eego haweenka dhinaca siyaasiyiinta hogaanka haya. Inkastoo ay jirto isku dheelli tirnaan u dhaxaysa ragga iyo haweenka ku jira baarlamaanka haddana Iswiidhan waxay yeelatay hal haweenay ah ra’iisal wasaare. Ka hor intaan Magdalena Andersson noqon ra’iisal wasaare sanadka 2021 waxaa ra’iisal wasaarayaasha oo dhan ahaayeen rag. Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay Iswiidhan wuxuu bilaabay sanadkii 1876.