Dad badan waa inay qaybsadaan awoodda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Maaha oo keliya baarlamaanka, dawladda iyo siyaasiyiinta kuwa haysta awoodda gudaha Iswiidhan. Waxaa jira dad kale oo badan iyo kooxo raad ku yeelan kara bulshada.

Buuga sharciga Iswiidhan oo usha madaxa buuran ee garsooraha maxkamadda.

In awooda ay qaybsadaan oo ay u dhaxayso dad dhowr ah oo kala duwan, kooxo iyo danooyin waxay muhiim u tahay dimoqraadiyad. Waa dimoqraadiyad darro iyo khatar haddii awoodda gudaha bulshada oo dhan ay ku urursanaato hal ama dadyow kooban. Tani waa aasaaska dimoqraadiyada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay saxaafada, shirkadaha, maxkamadaha iyo bulshada rayidka ee gudaha Iswiidhan. Waxaad akhrin doontaa waxa iyagu ay sameeyaan iyo sida ay iyagu raad ugu yeelan karaan bulshada.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan hogaaminta dalkooda, si toos ah ama iyadoo loo marayo in ay wakiiladooda ku doortaan doorasho xor iyo caddaalad ah.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay xorriyadda fikrada iyo xorriyadda hadalka. Taas micnaheedu waa inaad xaq u leedahay inaad wax u aragto oo u fikirto sida aad doonto. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad faafiso aragtiyahaaga iyo fikradahaaga oo u gudbiso dadka kale, tusaale ahaan dhinaca baraha intarnetka ee bulshada. Laakiin maaha inaad xorriyadaada u isticmaasho inaad faafiso neceyb iyo wax xun ka sheega dad kale iyo kooxo. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad diyaariso oo ka qaybqaadato shirar nabadeed, mudaharaadyo iyo ururo. Laakiin waxaad xitaa xaq u leedahay in aanad ka qaybgelin shir, mudaharaadyo ama xubin ka ahaato urur.

Warbaahinta

Warbaahino xor ah waxay muhiim u yihiin dimoqraadiyad. Warbaahintu waxay faafisaa wararka, aqoonta iyo macluumaadka raad ku yeesha dadka oo dhan gudaha bulsho. Warbaahintu waxa kale oo ay muhiim tahay marka ay noqoto abuuridda doodo dhanka arrimaha bulsho ee kala duwan. Weriyayaashu waa inay awoodaan si xor ah wax u gudbiyaan oo ay baaraan siyaasiyiinta iyo dadyowga kale ee awood ku leh bulshada. Idaacad, tiifii, joornaalo iyo warbaahinta intarnatka waa inay awooddaan inay sii daayaan, qoraan oo daabacaan waxa ay iyagu doonayaan iyadoo cidnaba aanay go'aamin waxay ka koobantahay.

Dalalka qaarkood ma ka jiraan wax ah warbaahino xor ah. Kuwa haysta awoodda ayaa go'aamiya waxa warbaahinta loo oggolyahay inay qorto ama sii dayso. Weriyayaasha ayaa loogu hanjabi ama laga xanibi karaa inay qabsadaan shaqadooda. Markaas ayaa hogaamiyayaashu heli karaan awood dheeraad ah iyo inay kantaroolaan dadweynaha ku jira bulshada.

Waa maxay adeegga dadweynaha?

Waxaa jira saddex shirkadood oo warbaahin oo haya hawl gaar ah gudaha Iswiidhan. Waa Idaacadda Iswiidhan (SR), Telafishanka Iswiidhan (SVT) iyo Idaacadda Waxbarashada (UR). SR, SVT iyo UR waxaa lagu magacaabaa adeegga dadweynaha. Tani micnaheedu waa in ay sameeyaan warar iyo barnaamijyo loogu talogalay dhammaan bulshada. Dadka oo dhan ee jooga Iswiidhan way daawan iyo dhegaysan karaan barnaamijyada ka soo baxa shirkadaha adeegga dadweynaha. Qofku ma u baahna wax ah rukumasho ah.

Shirkadaha adeegga arrimaha dadweynaha waa ka madaxbannaan yihiin siyaasadda iyo danaha kale. Iyagu waa inay ka waramaan bulshada iyo aragtiyaha, maaha inay dhinac doortaan. Laakiin iyagu waa inay mawqif u istaagaan dimoqraadiyadda iyo sinaanta. Iyaga ma loo oggola inay lacag ka helaan barnaamijyadooda. Iyagu waxay lacagtooda ka helayaan khidmad laga bixiyo canshuurta.

Baraha bulshada ee intarnatka

Baraha bulshada ee intarnatka waxaa isticmaala dadka aduunka oo dhan. Baraha bulshada ee intarnatka waa magaca boggag intarnat badan oo kala duwan iyo aab-yada intarnatka. Dhinaca baraha bulshada intarnatka waxay dadku ugu wada xiriira si toos ah. Waxay kaga duwanyihiin warbaahinta la caadaystay sida idaacadda, tiifiiga iyo joornaalada in cid kastaaba awooddo inay abuurto nuxur la dhigo baraha bulshada ee intarnatka.

Tusaalayaasha baraha bulshada ee intarnatka waa baloogyada, baraha intarnatka, Facebook, Instagram, Telegram, Twitter, WhatsApp iyo Youtube.

Baraha bulshada ee intarnatka waxay kaalmeeyeen in dad badan ay fursad u heleen inay cabbiraan, fidiyaan oo helaan fikrado kala duwan iyo macluumaad. Isla mar ahaantaas hawlaheeda ayay leedahay baraha bulshada ee intarnatka. Dadku waxay baraha bulshada ee intarnatka u isticmaali karaan inay fidiyaan macluumaad been ah, kutidhi kuteen ama dacaayad. Mararka qaarkood waxaa la fidiyaa xitaa hanjabaad iyo neceyb lagula kacay dad caan ah dhanka baraha bulshada ee intarnatka. Waa muhiim in qofku ka fikiro cidda ka dambeysa warka marka aad isticmaalayso baraha bulshada ee intarnatka.

Waa maxay farqiyada u dhaxeeya warbaahinta caadiga ah iyo baraha bulshada intarnatka?

Suuqa

Xitaa shirkadaha iyo dadka wax iibsadayaasha ah waxay raad ku yeeshaan bulshada. Iyagu waxay qayb ka yihiin suuqan. Shirkaduhu waxay soo saaraan oo iibiyaan badeecado iyo adeegyo gudaha bulshada ah. Shirkaduhu waxa kale oo ay shaqaalaysiiyaan dad aad u badan. Iswiidhan dhaqaalaheeda waxaa raad ku yeesha suuqan, tusaale ahaan inta ay leegtahay canshuurta dawladda, gobolada iyo degmooyinka soo gelaya ee ay helaan. Suuqan ayaa raad ku yeesha xitaa inta ay leegyihiin dadka haysta shaqo ee isku dabari kara mushahaaradooda gaara u ah.

Nidaamka sharciga iyo caddaalada

Nidaamka sharciga iyo caddaalada waxaa caadi ahaan ku jira hey'addaha dawladeed ee mas'uulka ka ah caddaalad hubaal ah iyo amaan caddaaladeed. Maxkamadaha ayaa aasaas u ah nidaamka sharciga iyo caddaalada. Nidaamka sharciga iyo caddaalada waxa kale oo ku jira hey'addaha dawladeed ee ka hortaga iyo dembiyada iyo baaritaanka, tusaale ahaan Booliisa iyo Hey'adda dawladdeed ee dhibanayaasha dembi loo geystay.

Iswiidhan maxkamaddaheedu waa inay go'aamiyaan dacwadaha iyo arrimaha – micnihii ay wax xukumaan. Iyagu waa inay ahaadaan dhexdhexaad oo isku filnaadaan. Tani micnaheedu waa in baarlamaanka, dawladda ama hey'addaha dawladdeed ee kale aanay u talin karin sida maxkamaddu xukun u ridayso dhinaca dacwad gaar ah.

Gudaha Iswiidhan waxaa ka jira saddex nooc oo maxkamaddo ah: maxkamadaha guud, maxkamadaha maamul iyo maxkamadaha gaarka ah.

Maxkamadaha guud

Maxkamad degmo, maxkamadda racfaanka iyo Maxkamadda ugu sarraysa ayaa lagu magacaabaa maxkamadaha guud. Iyagu waxay go'aan ka gaaraan dacwaddaha dembi iyo dacwadaha laba qof is haystaan. Dacwad dembi waa marka qof lagu tuhunsanyahay inuu galay dembi. Dacwad laba qof is haystaan waa mara laba dhinac aanay heshiis ahayn oo iyagu laf ahaantooda aanay xalin karin. Dhowr ka mid ah is qabsiyada ugu caadisan waxay ku saabsanyihiin lacag iyo wax la kala iibsaday.

Maxkamadduhu waxay qiimeeyaan haddii qof uu galay dembi iyo nooca ciqaabta ee qofkaas la siinayo haddii xaaladu sidaas tahay. Waxaa jira noocyo ciqaab oo kala duwan. Waxa ay noqon kartaa tusaale ahaan ganaax ama xabsi. Qof lagu tuhunsanyahay dembi waa in loo arko in aanu lahayn dembi ilaa iyo xeer ilaaliye caddayn karo in qofkaas dembi galay.

Iswiidhan ma laha ciqaab xukun dil ah. Baarlamaanka ayaa joojiyay ciqaab dil wakhti nabadeed 1921 iyo ciqaab dil wakhti dagaal 1973.

Maxkamadaha maamulka

Maxkamadaha maamulka, maxkamadda sare ee maamulka iyo maxkamadda ugu sareysa waxaa lagu magacaabaa maxkamadaha maamulka. Maxkamadaha maamulka ayaa go'aamiya is qabsiyada u dhaxeeya shakhsiyaad gaar ah iyo hey'addaha dawladeed iyo is qabsiyada u dhaxeeya shirkad iyo hey'addaha dawladeed. Haddii adigu aanad ku qanacsanayn go'aan aad ka heshay tusaale ahaan adeegga arrimaha bulshada, Qasnadda Caymiska ama Hey'adda Cashuuraha waxaad rafcaan u dirsan kartaa maxkamadda maamulka. Maxkamadaha arrimaha socdaalka xitaa iyagu waa maxkamaddo maamul.

Degmooyinka qaarkood degmada xafiiskeeda muwaadiniinta ayaa ku caawin kara haddii adigu aad u baahato macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida aad rafcaan uga qaadanayso go’aan.

Tusaale: Anita waxay heshay caawimaad inay rafcaan ka qaadato go’aan

Anita waa 73 jir oo waxay codsatay adeegga qofka ku caawiya guriga inay ka hesho adeegga arrimaha bulshada ee degmada ay iyadu ku nooshahay. Shaqaale qaabilsan caawimaada ayaa baaray haddii Anita ay baahi u qabto taageero. Ka dib baaritaankan ayaa shaqaalihii qaabilsanaa caawimaadka go’aanki oo warqad ah u dirtay Anita. Iyadu waxay heshay diidmo dhinaca codsigeedi oo ma helayso adeegga guriga qofka lagu caawiyo. Iyadu waxay u aragtaa tani inay tahay khalad. Maxay samayn doontaa? Go’aankan waxaa ku qoran wax ku saabsan rafcaan, laakiin iyadu waxay u aragtaa in tani adagtahay in la fahmo. Iyadu waxay wacday shaqaalaha qaabilsan caawimaada oo ay waajib ku tahay inay wargeliso Anita sida ay rafcaan ugu dirsanayso maxkamadda maamulka.

Maxkmaddaha gaarka ah

Maxkmaddaha gaarka ah waxay go'aamiyaan is qabsiyada dhinaca arrimo gaar ah oo kala duwan. Tusaale waxaa ah Maxkamadda shaqada taas oo go'aamisa is qabsiyada u dhaxeeya shaqaale iyo shaqo-bixiye.

Bulshada rayidka ah

Gudaha dimoqraadiyad waa muhiim in adigaaga ah qof dalka degan aad ka qayb qaadato oo raad ku yeelato bulshada. Bulshada rayidka ah waa goob aad adigu ku haysato fursad in aad raad ku yeelato oo ka shaqayso arrimaha adigu aad u aragto inay yihiin muhiim. Adigu waxaad sidaas wadajir ula samayn kartaa dad kale. Bulshada rayidka maaha qayb ka mid ah dawladda ama suuqa.

Bulsho rayid ah oo xoog ah waa muhiim gudaha dimoqraadiyad. Gudaha bulsho rayid ah waxay dadku tusaale ahaan raad ku yeelan karaan siyaasadda, baari karaan kuwa haysta awoodda oo ka shaqayn karaan in la difaaco xuquuqda bani'aadamka.

Ururo iyo kooxo badan oo ku jira bulshada rayidka ah waa ururo samafal. Qaar badan waxay ku shaqeeyaan bilaash dhanka ururada samafalka ah. Urur samafal wuxuu ahaan karaa tusaale ahaan naadi kubbadda cagta ah looguna talogalay carruurta iyo dhalinyarada, urur casharada ka caawiya dadka waaweyn ama maqaaxi luqadda ay ku bartaan dadka dalka ku cusub.

Iswiidhan waxaa ka jirta xoriyada jaaliyadaha taas oo qayb muhiim ah ka ah bulshada dimoqraadiga ah. Xoriyada jaaliyadaha micnaheedu waa in dadka oo dhan ay xaq u leeyihiin inay bilaabaan ama ku biiraan jaaliyad. Koox dad ah oo leh xiiso wada-jir ah ama asal ahaan meel ka soo wada jeeda waxay bilaabi karaan jaaliyad.

Haddii aad doonaysid inaad ku biirto jaaliyad, bilowdo jaaliyad ama lacag u codsatid jaaliyadaada waxaad la xiriiri kartaa degmadaada. Gudaha degmadan waxaa tusaale ahaan caawiya jaaliyadaha qaybta maamulka xilli firaaqaha.