Sidan ayaa loo hogaamiyaa Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/9-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay sida Iswiidhan loo xukumo. Iswiidhan waxay dimoqraadiyad lahayd qiyaastii boqol sano. Afartii sano hal mar ayaa dadweynuhu doortaan xisbiyada hogaamin doona baarlamaanka, gobolada iyo degmooyinka.

Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid tahay sida awoodu u qaybsantahay gudaha Iswiidhan. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan Iswiidhan sharciyadeeda iyo sida baarlamaanku u shaqeeyo.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan hogaaminta dalkooda, si toos ah ama iyadoo loo marayo in ay wakiiladooda ku doortaan doorasho xor iyo caddaalad ah.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay xorriyadda fikrada iyo xorriyadda hadalka. Taas micnaheedu waa inaad xaq u leedahay inaad wax u aragto oo u fikirto sida aad doonto. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad faafiso aragtiyahaaga iyo fikradahaaga oo u gudbiso dadka kale, tusaale ahaan dhinaca baraha intarnetka ee bulshada. Laakiin maaha inaad xorriyadaada u isticmaasho inaad faafiso neceyb iyo wax xun ka sheega dad kale iyo kooxo. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad diyaariso oo ka qaybqaadato shirar nabadeed, mudaharaadyo iyo ururo. Laakiin waxaad xitaa xaq u leedahay in aanad ka qaybgelin shir, mudaharaadyo ama xubin ka ahaato urur.

Hogaanka dadweynaha iyo nidaamka dimoqraadiga ah

Iswiidhan waa dal si dimoqraadi ah loo hogaamiyo. Tani micnaheedu waa in dhamaan awoodda guud ay ka bilaabanto dadweynaha. Innageena ku nool Iswiidhan ayaa raad ku yeelana sida dalkan u shaqayn doono. Innaga ayaa doorana siyaasiyiinta inoo hogaamin doonta Iswiidhan. Tani waxaa lagu magacaabaa hogaanka dadweynaha.

Fikrad aasaasi u ah dimoqraadiyad waa in dadka oo dhan ay leeyihiin qiimo isku mid ah oo ay lahaadaan xuquuq isku mid ah. Gudaha dimoqraadiyad waa in qofku ka fikiro oo aragti ka lahaado waxa qofku rabo oo awoodaan inay fikradahooda u cabbiraan si furan dhinaca hadalka ama qoraalka. Waxaa jira sharciyo ilaalinaya xuquuqdeena dimoqraadiyadeed.

Iswiidhan sharciyadeeda

Sharciyo badan ayaa ka jira Iswiidhan. Sharciyadan waxa ay sheegaan waxa la inoo oggolyahay iyo waxa aan la inoo oggolayn. Adigu maaha in tusaale ahaan aad baabuurka kaxayso marka nalka taraafikada yahay guduud. Adigu maaha xitaa in aad xaddo qof kale alaabtiisa. Sharciyadani waxa kale oo ay sheegaan waxa aynu xaq u leenahay. Tusaale ahaan carruurtu waxa ay xaq u leeyihiin inay tagaan iskool oo qofk waalid dhawaan noqday ahaana waxa aad xaq u leedahay gunnada waalidka. Sharciyadan waxaa loogu talogalay in innageena ah dadka aynu u awoodno inaynu si wadajir ah u noolaano una dareeno amaan.

Mararka qaarkood waxaa soo baxa sharciyo cusub. Sharciyada xitaa waa la baddali karaa. Tusaale ahaan waxaa mamnuuc ku noqotay waalidka gudaha Iswiidhan in ay garaacaan carruurtooda sanadkii 1979. Xilligaas ka hort waa la oggolaa. Tusaale kalena waa mamnuucidda in sigaar lagu cabbo gudaha maqaaxiyaha cuntada. Tani waxaa la mamnuucay 2005.

Buuga sharciga Iswiidhan oo usha madaxa buuran ee garsooraha maxkamadda.

Sharciyada aasaasiga ee Iswiidhan

Dhowr sharci ayaa si dheeraad ah muhiim u ah. Kuwaas waxaa lagu magacaabaa dastuurka ah. Iyagu way ka sareeyaan dhammaan sharciyada kale oo way adagtahay in la baddalo. Dastuurka waxaa ku qoran in Iswiidhan tahay dimoqraadi.

Iswiidhan waxaa ka jira afar sharci oo aasaasi ah. Iyaga waxaa lagu magacaabaa qaabka dawladda, nidaamka dhaxalka, sharciga xorriyadda daabacaada iyo sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka.

Qaabka dawladda

Qaabka dawladda waxaa ku qoran sida Iswiidhan loo hogaaminayo. Waxaa ku qoran in innageena ku nool Iswiidhan aynu ka mid nahay oo go'aamino inagoo u marayna siyaasiyiinta aynu ku doorano doorashooyinka kala duwan. Qaabka dawladda waxa uu xitaa sharraxaa xuquuqdeena. Waxaa ku qoran tusaale ahaan in xukun dil ah uu mamnuuc ka yahay Iswiidhan, iyo in dadka oo dhan ay xaq u leeyihiin diinta ama caqiidada ay iyagu doonayaan. Qaabka dawladda waxa kale oo ku jira qawaaniinta sida baarlamaankeena iyo dawladdu u shaqaynayaan.

Nidaamka dhaxalka

Iswiidhan waa boqortooyo oo waxaynu leenahay boqor ah madaxa ugu sareeya. Nidaamka dhaxalka waxaa ku jira qawaaniinta ku saabsan qofka dhaxlaya taajka Iswiidhishka ee noqonaya boqor ama boqorad cusub. Iswiidhan boqorkeeda magaciisu waa Carl XVI Gustaf. Isaga ilmahiisa ugu weyn magaceedu waa Victoria. Iyadu waxa ay noqon doontaa boqorad mustaqbalka.

Sharciga xorriyadda daabacaada iyo sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka

Dhammaan innaga ah kuwa ku nool Iswiidhan waxa aynu xaq u leenahay in aynu aragti dhiibano oo sheegno waxa aynu doonayno. Adiga waa laguu oggolyahay in aad aragtidaada ka sheegto tii-fiiga oo waa laguu oggolyahay in aragtidaada aad ku qorto intarnatka iyo joornaalka. Haddii tusaale ahaan aad aragti ka qabto siyaasada Iswiidhan markaas waxa adigu aad xaq u leedahay in aad sheegto. Sidaa si la mid ah ayaa khuseysa joornaalada wararka. Iyaga ayaa keligood go'aamiya waxa ay rabaan inay qoraan, maaha siyaasiyiinta. Tani waxa ay ku qorantahay sharciyadda aasaasiga ah ee magacuudu yahay sharciga xorriyadda daabacaada iyo sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka.

  • Sharciga xorriyadda daabacaada wuxuu ku saabsanyahay waxa qofka loo oggolyahay in lagu qoro joornaalada iyo buugaagta.
  • Sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalkana wuxuu ku saabsanyahay waxa qofka loo oggolyahay in la yiraahdo, qoro ee lagu cabbiro raadiyaha, tii-fiiga, filim iyo dhanka intarnatka.

Sharciyadan waa inay xitaa inaga ilaaliyaan wax xun sheeg iyo ku xadgudub sharafeed. Tani micnaheedu waa inay jiraan waxyaabo ka reeban xorriyadda in la qoro oo la yiraahdo wax walba. Tusaale ahaan waa dembi in si guud loo faafiyo hadalo hanjabaad ama lagu bahdilayo koox dad ah, iyadoo hadal maldahid ah loola jeedo cunsur, midab maqaar, dalka loo dhashay ama ka soo jeedka qawmiyad, caqiido ama dookha noocyada galmada. Taas waxaa lagu magacaabaa neceyb kicin lagaga soo horjeedo koox dadweyne ah. Qofka tusaale ahaan yiraahda in dhammaan dadka ka yimi dal gaar ah waa dembiilayaal waxaa lagu xukumi karaa neceyb kicin lagaga soo horjeedo koox dadweyne ah. Waxaa kale oo mamnuuc ahaan karta in la faafiyo kutidhi kuteen been ah ama la sharaf rido qof kale.

Maxay kula tahay adiga sababta sharciga xorriyadda daabacaada iyo sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka ay aad muhiim u yihiin oo ay ka mid yihiin sharciyada aasaasiga ee Iswiishan?

Iswiidhan waa boqortooyo leh boqor

Iswiidhan waa boqortooyo oo waxay sidaas ahayd dhowr boqol oo sano. Tani micnaheedu waa inay jiraan boqorad ama boqor ah madaxa dawladda dalkan. Iswiidhan waxay maanta leedahay boqor ah madaxa dawladda, Carl XVI Gustaf. Isagu waxaa uu boqor ahaa in ka badan 50 sano.

Qaybo kale oo aduunka ah waxaa ka jira boqortooyin halkaas oo boqoradda ama boqorka leeyihiin awood ay u taliyaan bulshada. Iswiidhan boqorkeedu ma laha wax ah awood siyaasadeed. Isaga hawlihiisu summad matalaad ah iyo wakiilnimo oo keliya. Boqorku waxa uu qaabab badan ku muujiyaa oo matalaa Iswiidhan. Isagu waxa uu tusaale ahaan sameeyaa booqasho dawladeed oo la kulmaa madaxda dalalka kale. Isagu waxa kale oo uu booqdaa ururada iyo shirkadaha kala duwan ee Iswiidhan ku yaala.

Sanadkii 1979 ayaa baarlamaanka Iswiidhan go'aamiyeen in boqorka ama boqoradda ilmahooda ugu weyn noqdo boqorad ama boqor. Xilliyadii ka horeeyay waxaa ugu horaan ay ahaan jirtay wiilka ugu weyn qofka noqda boqor. Maanta wax micno ah ma laha haddii ay tahay haweenay ama nin. Maalin maalmaha ka mid ah boqorka gabadhiisa ah amiirada leh dhaxalka Victoria ayaa noqon doonta madaxa ugu sareeya ee dawladda.

Iswiidhan waxaa laga xukumaa dhinacyada dawlad, gobolo iyo degmooyin

Awoodda siyaasadeed waxay kala qaybsaday qaar badan gudaha Iswiidhan. Waa muwaadiniinta kuwa go'aamiya siyaasiyiinta hogaamin doonta Iswiidhan. Taas waxaynu ku samaynaa in aynu u codeyno siyaasiyiin:

  • Dhinaca heer maxali ah – gudaha degmada
  • Dhinaca heer gobol – gudaha gobolka
  • Dhinaca heer qaran – dhinaca baarlamaanka
  • Dhinaca Midowga Yurub – dhinaca baarlamaanka Midowga Yurub

Siyaasiyiinta baarlamaanka ayaa go'aamiya waxyaabaha ku saabsan dalka oo dhan. Iswiidhan waxa kale oo ay u qaybsantahay 21 gobol iyo 290 degmooyin ah. Siyaasiyiinta dhinaca gobolada iyo degmooyinka waxa ay go'aamiyaan waxyaabaha ku saabsan meesha aynu ku noolnahay. Baarlamaanka Yurubna waxa uu go'aamiyaa waxyaabaha khuseeya Midowga Yurub oo dhan.

Waa tee degmadaadu?

Gobolkee ayaad ku nooshahay?

Baarlamaanka ayaa go'aamiya sharciyada Iswiidhan

Ra’iisal wasaaraha Iswiidhan magaciisu waa Ulf Kristersson. Waa hogaamiyaha xisbiga Moderaterna. Moderaterna waxay dawlad si wadajir ah ula dhiseen Kristdemokraterna iyo Liberalerna.

Dawladda ayaa hogaamisa dalkan heer qaran. Tani waxa ay u dhacdaa in dawladu hubsato in baarlamaanka go'aamadisaa la fuliyo. Dawladdu waxa kale oo ay talo ahaan u soo jeedin kartaa sharciyo cusub ama wax ka baddalka sharciyo. Baarlamaanka ayaa u codeeya oggolaanshaha ama diidmada dawladda hindisaheeda. Baarlamaanku wuxuu gaaraa go'aamo ansax ka ah dalka oo dhan.

Baarlamaanka waxaa lagu go'aamiyaa xitaa dawladda dakhliyadeeda iyo kharashyadeeda. Dawladda lacagteeda waxaa loo isticmaalaa waxyaabo ay ka mid yihiin jaamicadaha sare iyo jaamicadaha, booliiska iyo lacagta kaalmada carruurta.

Baarlamaanka iyo dawladdu waxa ay qayb ka yihiin waxa lagu magacaabo dawlad.

Goboladda ayaa mas'uul ka ah daryeelka bukaanka

Iswiidhan waxaa ka jira 21 gobol. Goboladda hawshooda ugu muhiimsan waa in ay daryeelaan daryeelka caafimaadka. Iyagu waxa ay daryeelaan daryeelka bukaanka, daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha. Iyagu waxa ay mas'uul ka yihiin in la helo gaadiid dadweyne sida basaska, tareenada dhulka korkiisa mara iyo tareenka dhulka hoostiisa mara.

Goboladda waxaa hogaamiya siyaasiyiin innageena muwaadiniinta ah aynu ku dooranay doorashada gobolka. Go'aanka sida goboladda loo hogaaminayo wuxuu ka dhacaa gudaha golaha gobolka.

Degmooyinku waxa ay ka shaqeeyaan iskoolada

Iswiidhan waxa ay u qaybsantahay 290 degmooyin ah. Waxaa jira degmooyin waaweyn iyo degmooyin yar. Degmada ugu weyn waa degmada Stockholm. Halkaas waxaa ku nool ku dhowaad hal milyan oo qof. Degmada ugu yar waa degmada Bjurholm. Halkaas waxaa ku nool in ka yar 3000 oo qof.

Degmooyinku waxa ay mas'uul ka yihiin wax badan oo ka mid ah adeega ka jira halka adigu aad degantahay. Waa degmada kuwa hubiya in biyo soo baxaan marka aad furto qasabadda guriga iyo inay jiraan iskoolo loogu talogalay carruurta. Degmadu waxa kale oo ay hubisaa in dadka gaboobay iyo kuwa xanuusanaya ay helaan caawimaad marka iyagu keligood aanay is daryeeli karin.

Degmooyinka waxaa hogaamiya siyaasiyiin innageena muwaadiniinta ah aynu ku dooranay doorashada degmada. Go’aanka ku saabsan sida degmada loo hogaaminayo wuxuu ka dhacaa golaha degmada.

Degmooyinka iyo goboladu waxa ay lacag ka helaan canshuurta

Degmooyinka iyo goboladu waxa ay u baahanyihiin lacag si ay u socodsiiyaan hawlahooda. Sidaas darteed ayaynu u bixinaa canshuur. Canshuurtu waxa ay tahay qaybta ugu weyn ee gobolada iyo degmooyinka dakhliyadooda. Dakhliyadan waxa kale oo ay ka koobanyihiin kaalmooyinka dawladeed iyo khidmadaha adeegyada.

Lacagahan waxaa loo isticmaalaa iskoolada, isbitaalada, jidadka iyo waxyaabo kale. Dadka ku nool ee leh dakhli waxa ay canshuurta ay bixiyaan ay siiyaan degmada ay ku noolyihiin.

Degmooyinka iyo gobolada ayaa keligood go'aamiya sida canshuurta badnaanteedu ay ahaanayso. Tani waxa ay qayb ka tahay waxa lagu magacaaboo is-maamulka.

Midowga Yurub

Midowga Yurub, EU, waa urur ah 27 dal oo Yurubiyan ah. Dalalka ku jira EU waxa ay ka wada shaqeeyaan arrimo dhowr ah, tusaale ahaan ganacsiga, deegaanka iyo beeraha. Iyagu waxa kale oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan inay hubiyaan in nabad ka jirto gudaha Yurub. Dalal badan oo EU-da ah waxa ay isticmaalaan lacag isku mid ah. Lacagtan waxaa lagu magacaabaa yuuroo.

Iswiidhan waxa ay xubin ka noqotay EU 1995. Ka hor Ingiriiska ayaa xubin ka ahaa EU, laakiin waxa ay ka baxeen 2020. Ingiriiska ka bixidooda waxaa lagu magacaabaa bereksit.

EU waxay go'aamisaa sharciyada ansaxa ka ah EU-da oo dhan. Qaar badan oo ah sharciyada EU-da waxay ay fududeeyeen in la sameeyo dukaano, safarka iyo shaqada gudaha EU-da.

Guddida EU-da, Baarlamaanka Yurub iyo golaha wasiirada waa saddex waaxood oo muhiim ka ah EU-da. Waax kasta waxaa ka shaqeeya wakiilo ka yimi dalalka xubnaha ka ah. Waa guddida EU-da kuwa soo jeediya sharciyada ka shaqayn doona gudaha EU-da. Baarlamaanka Yurub iyo golaha wasiirada ayaa ka wada hadla hindisayaashan oo oggolaada ama diida sharciyadan. Haddii iyagu ay oggolaadaan sharci EU oo cusub waa in dhammaan dalalka EU-da ay raacaan sharcigan.

Iswiidhan dhowr siyaasiyiin ah ayay ku leedahay baarlamaanka EU-da. Inaga ayaa dooranay iyaga. Iyagu waxa ay ka qaybqaataan oo go'aamiyaan sida EU-da u shaqayn doonto.

Miyaad ka fikiri kartaa dhowr tusaale oo ah arrimo siyaasadeed iyo go'aamo?

Ka fikir nooca arrimaha lagu go'aamiyo mid walba oo ka mid ah afartan heer.