Waa maxay dimoqraadiyad?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Waa maxay dimoqraadiyad? Waa su’aal adag oo aanay jirin wax cad oo u ah jawaab. Dadka qaarkood waxay dimoqraadiyad u tahay wax hubaal ah, dad kalena ma u aha sidaas. Iswiidhan waa dimoqraadiyad, laakiin weligeed sidaas may ahaan jirin. Qaar badan oo ka mid ah xorriyaddaha, xuquuqaha iyo fursadaha aynu ku haysano maanta gudaha Iswiidhan may haysan dad badan boqol sano ka hor.

Dhismaha dadku ku ururo oo ah bilowgii 1900-yadii oo ay ku jiraan haween iyo boodhadh kala duwan iyo boodh leh qoraalka "Xaqa codaynta ee haweenka".

Sawir: Madxafka dalalka waqooyiga Yurub

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dimoqraadiyadda. Waxaad akhrin doontaa waxa astaanta u ah dimoqraadiyad iyo noocyada kala duwan ee dimoqraadiyad. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan hawlaha hor yaala dimoqraadiyadda gudaha Iswiidhan. Waxaa intaas dheer inaad akhrin doonto waxyaabaha kala duwan ee adigu aad sameyn karto si aad raad ugu yeelato oo uga qaybqaadato gudaha bulshada.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan hogaaminta dalkooda, si toos ah ama iyadoo loo marayo in ay wakiiladooda ku doortaan doorasho xor iyo caddaalad ah.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay xorriyadda fikrada iyo xorriyadda hadalka. Taas micnaheedu waa inaad xaq u leedahay inaad wax u aragto oo u fikirto sida aad doonto. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad faafiso aragtiyahaaga iyo fikradahaaga oo u gudbiso dadka kale, tusaale ahaan dhinaca baraha intarnetka ee bulshada. Laakiin maaha inaad xorriyadaada u isticmaasho inaad faafiso neceyb iyo wax xun ka sheega dad kale iyo kooxo. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad diyaariso oo ka qaybqaadato shirar nabadeed, mudaharaadyo iyo ururo. Laakiin waxaad xitaa xaq u leedahay in aanad ka qaybgelin shir, mudaharaadyo ama xubin ka ahaato urur.

Maxaa lagu sifeeyaa dimoqraadiyad?

Dimoqraadiyad waa qaab ah in la habeeyo bulshada. Ereyga dimoqraadi waxa uu ka yimi Giriiga oo micnahiisu qiyaas ahaan waa "hogaanka dadweynaha" dhinaca luqadda af Soomaaliga. Dhinaca dimoqraadiyadaha waa dadweynaha kuwa haysta awoodda siyaasadeed. Ka soo horjeedka dimoqraadiyad waa diktatooriyad. Gudaha diktatooriyad waxaa wax go'aamiya xisbi keliya ama qof keliya.

Iswiidhan waa dimoqraadi. Dastuurka Iswiidhishka waxaa ku qoran waxyaabo ay ka mid tahay in awoodda guud oo dhan gudaha Iswiidhan ay ka bilaabanto dadweynaha. Tani micnaheedu waa in dadweynuhu go'aamiyaan cidda hogaaminaysa dalka. Dadweynaha ayaa doorta xisbiyada iyo siyaasiyiinta iyaga u hogaamin doonta dalkan.

Dadku waxa ay dimoqraadiyadda ka sheekaysanayeen dhowr kun oo sano. Way adagtahay in la sharraxo dimoqraadiyadda si dadka oo dhan ay heshiis ku yihiin. Laakiin dadka badankoodu way isku raacsanyihiin in ay ku saabsantahay in dadku qayb ku lahaado go'aaminta. Waxa kale oo ay ku saabsantahay in awoodda ay wada qaybsadaan dawladda, shacbiga iyo siyaasiyiinta iyo in qaybintan u dhacdo si caddaalad, sinaan iyo qaab sharci ah.

Waa kuwan dhowr tusaale oo ah waxa sifo u ah dimoqraadiyad.

Dadweynaha ayaa ku hogaamiya dhinaca doorashooyin xor iyo caddaalad ah

Doorashooyin xor iyo caddaalad ah waxa ay aad muhiim ugu yihiin dimoqraadiyad. Tani micnaheedu waa in dhammaan dadka qaan-gaarka ah, haween iyo rag labadaba, ay awoodaan codeynta dhinaca doorashada baarlamaanka. Kuwa codeynaya ma u baahna in ay dadka kale u sheegaan waxa ay u codeeyeen.

Aqlabiyadda ayaa badanaaba wax go'aamisa

Gudaha dimoqraadiyad badanaaba aqlabiyadda ayaa wax go'aamisa. Tani micnaheedu waa in hindisaha hela codadka ugu badan ay guuleystaan xilliga codbixinta. Qof keligii wax ma go'aamin karo haddii dhowr qof aanay ku raacsanayn. Laakiin aqlabiyadduna ma gaari karaan go'aan jebinaya dastuurka ama xuquuqda bani'aadamka.

Aqlabiyadda ma loo oggola in marnaba ay cadaadiyaan dadka laga tirada badanyahay ee jooga dal. Dadka laga tirada badanyahay waa kooxaha bulshada ee dad yar ay ka mid yihiin marka la barbardhigo aqlabiyadda.

Dhammaan dadku waxa ay leeyihiin qiimo isku mid ah

Dhammaan dadku waxa ay leeyihiin qiimo isku mid ah oo waa in ay lahaadaan xuquuq isku mid ah dhanka dimoqraadiyad. Cidnaba maaha in si caddaalad daro ah loola dhaqmo. Adigu waa in aad lahaato xuquuq, fursado iyo waajibaad isku mid ah iyadoo aanay ku xirnayn qofka aad tahay.

Dadweynuhu waxa ay leeyihiin xorriyado siyaasadeed iyo xuquuq

Si dimoqraadiyad u shaqayso waa muhiim in dadka oo dhan aragtidooda dhiibtaan oo sheegaan waxa ay doonayaan. Tani waxaa lagu magacaabaa xorriyada fikradda. Dadka oo dhan waa in ay awoodaan in ay cabbiraan fikradahooda, tusaale ahaan gudaha joornaalada, idaacad ama tii-fiiga. Tani waxaa lagu magacaabaa xorriyadda hadalka iyo xorriyadda daabacaadda. Laakiinse maaha adigu in aad xorriyadaada hadalka u isticmaasho in aad ku faafiso neceyb iyo wax xun ka sheegga dad kale iyo kooxo. Dadku waa in ay u kulmi karaan koox ahaan si ay uga mudaharaadaan wax ay u arkaan in aanay ka shaqaynayn gudaha bulshada. Tani waxaa lagu magacaabaa xorriyadda kulanka.

Xorriyadda fikradda, xorriyadda hadalka, xorriyadda daabacaadda iyo xorriyadda kulanka waa tusaalooyinka xorriyaddaha siyaasada iyo xuquuqda. Xorriyadahan iyo xuquuqahan waxay badanaaba ku qoranyihiin dal dastuurkiisa.

Dhammaan waa loo simanyahay sharciga hortiisa

Qayb kale oo muhiim u ah dimoqraadiyad waa in dadka oo dhan ay simanyihiin sharciga hortiisa. Wax micno ah ma laha haddii aad tahay taajir ama sabool, nin ama haweenay, ku dhalatay dal kale ama gudaha Iswiidhan. Dadka oo dhan waa in ay raacaan sharciyada jira. Haddii aad gashay dembi ama lagugu eedeeyo dembi waxa aad xaq u leedahay in taas la baaro. Qofnaba maaha in la xukumo iyadoo aanay dhicin dacwad maxkamad oo caddaalad ah.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo dimoqraadiyad ah

Waxaa jira noocyo kala duwan oo dimoqraadiyad ah. Dalalka dimoqraadiga ah ee kala duwan waxa ay doorteen qaabab kala duwan oo ay ku oggolaadeen in dadweynuhu hogaamiyo. Dal waxa uu tusaale ahaan lahaan karaa dimoqraadiyad wakiilnimo ah. Tani waxa ay tahay in dadweynuhu doortaan wakiilada u hogaaminaya dalka, tusaale ahaan xisbiyo iyo siyaasiyiin. Iswiidhan waa dimoqraadiyad wakiilnimo ah. Dhammaan dadka xaqa u leh in ay codeeyaan ayaa doorta xisbiyada kuraas ka helaya baarlamaanka, gobolka, degmada iyo Baarlamaanka Yurub.

Waxaa jira dalal kala duwan oo leh qaybo ah dimoqraadiyad toos ah. Dimoqraadiyad toos ah micnaheedu waa in dhammaan dadka haysta xuquuq codeyn ay ka mid yihiin oo gaaraan go'aan. Tusaale ka mid ah dimoqraadiyad toos ah waa afti ka qaadista dadweynaha. Markaas dadweynaha ayaa ka mid ah oo go'aamiya ama fikradooda ka dhiibta arrin gaar ah.

Hawlaha u yaala dimoqraadiyada Iswiidhishka

Marka la barbardhigo dalal badan oo kale dimoqraadiyada Iswiidhan waa xoog. Tusaale ahaan waxaa codeeya qayb badan oo ka mid ah dadweynaha, ragga iyo haweenka labaduba, dhinaca doorashooyinka Iswiidhishka. Gudaha Iswiidhan dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin in codkooda la maqlo oo ay sheegaan fikradooda. Badankooda dadka ku nool Iswiidhan waxa ay aaminaan hey'addaha dawladeed, dawladda iyo dhexdoodaba. Laakiin waxa kale oo jira hawlo u yaala dimoqraadiyada Iswiidhishka.

Mid hawshaas ka mid ah waa inay jiraan farqiyo weyn oo ka jira dhinaca ka qaybqaadashada doorashooyinka Iswiidhishka. Tusaale ahaan ka qaybqaadashada doorashooyinka way hooseysaa dhinaca dadka haysta waxbarasho hoose.

Hawl kalena waa in dacaayada, beenta iyo neceyb lagu dhex faafiyo baraha bulshada ee intarnatka. Siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo dadka kale ee ka qaybqaata doodaha bulshada ayaa mararka qaarkood loo hanjabaa. Haweenka sheega ee qora aragtidooda ayaa mararka qaarkood ay soo gaartaa dhibaato ah neceyb, hanjabaad iyo dhibaatooyin anshax xumo jinsigooda awgeed ah oo ay sabab u tahay inay yihiin haween. Dadyow ayaa xitaa dhibaato ka soo gaari kartaa dembiyo neceyb iyo takoorid ah, tusaale ahaan sababtoo ah diintooda, jinsigooda ama midabka maqaarkooda. Haddii aad khatar ugu jirto in lagugu dhibo tusaale ahaan neceyb waxaa adkaan karta in lagu dhiirado ka qaybqaadashada dimoqraadiyadda.

Waxa kale oo jira kooxo doonaya in ay carqaladeeyaan dimoqraadiyadda oo abuuraan kalsooni darro iyo qaybinta bulshada iyagoo tusaale ahaan kooxo kala duwan ka horgaynaya kuwa kale ama faafiya macluumaad khalad ah.

Dimoqraadiyadu keligeed ma is badbaadiso. Waa in innagu aynu gacanta ku hayno. Waa muhiim tusaale ahaan in la isticmaalo xaqa codeynta, fikrad laga yeesho arrimaha bulsho oo la qaato wararka iyo macluumaadka bulshada, si dimoqraadiyaddu u awooddo inay sii jirto una horumarto.

Maxaa adigu aad samayn kartaa si loo daryeelo dimoqraadiyadda imminka iyo mustaqbalkaba?

Dimoqraadiyadda nolosha maalinlaha ah

Tusaale: Aadam wuxuu doonayaa inuu raad ku yeesho bulshada

Aadam waxa uu haystaa sharciga deganaansho oo ku noolaa Göteborg afar sano. Isagu waxa uu mar dhawayd ka soo codeeyay doorashada degmada ee Göteborg. Isagu waxa uu ka fikirayaa in ay qaadan doonto afar sano ilaa marka uu ka mid ahaan karo in uu raad ku yeesho siyaasada Göteborg mar kale. Ma maalinta doorashada oo keliya ayaa Aadam raad ku yeelan karaa kana qaybqaadan karaa dimoqraadiyadda? Misse waxaa jira qaabab kale oo isagu uu raad ugu yeelan karo kana qaybqaadan karo bulshada?

Dimoqraadiyad ma ku saabsana oo keliya in la codeeyo doorashooyinka siyaasadeed. Oo maaha siyaasiyiinta oo keliya kuwa ka shaqeeya dimoqraadiyadda. Dimoqraadiyad waxaa la isticmaali karaa nolosha maalinlaha ah – gudaha iskoolka, xaafada aad ku nooshahay, dhinaca isboortiga iyo goobta shaqada.

Waa muhiim ah in dhammaanteen ku nool gudaha Iswiidhan aynu sii wadno in la horumariyo oo la daryeelo dimoqraadiyaddeena. Waxaa muhiim ah xitaa in aynu dareeno ka qaybqaadasho aynu ku lahaano bulshada oo dareeno in aynu fursad u leenahay in raad lagu yeesho.

Miyaad fikrado ka qabtaa sida jidka ka taga gurigaaga ilaa shaqadaada uu amaankiisu u sii kordhi karo? Miyay kula tahay adiga inay muhiim tahay in laga fikiro deegaanka? Liistadan waxaa ku jira talooyin kala duwan oo ah waxa adigu aad samayn karto si aad uga qaybqaadato bulshada oo raad ugu yeelato xaaladaada maalinle. Codkaaga iyo fikradaadu waa muhiim.

Mudaharaad halkaa oo saddexda qof ee ugu horeeyaa hayaan boodh iyo dad badan oo xagga dambe ka muuqda.

Waxyaabo aad samayn karto si aad raad ugu yeelato ugana qaybqaadato bulshada

  • Adigu waxa aad codeyn kartaa doorashooyinka siyaasadeed
  • Adigu waxa aad xubin ka noqon kartaa xisbi siyaasadeed
  • Adigu waxa aad la xiriir kartaa siyaasiyiinta
  • Adigu waxa aad bilaabi kartaa ama saxeexi kartaa ururinta magacyo
  • Adigu waad mudaharaadi kartaa
  • Adigu waxa aad xubin ka noqon kartaa ama bilaabi kartaa jaalliyad ama urur
  • Adigu waxa aad la xiriiri kartaa saxaafada una sheegi kartaa wax adigu aad u aragto inay yihiin muhiim
  • Adigu waxa aad qori kartaa maqaalo dood ah iyo fikrad aad ku qorto joornaalada
  • Adigu waxa aad wax ku qori kartaa baraha bulshada intarnatka si aad u muujiso arrin
  • Adigu waxa aad raad ku yeelan kartaa goobtaada shaqada, tusaale ahaan dhinaca ururada shaqaalaha
  • Adigu waxa aad aragtiyo ama cabasho u gudbin kartaa degmadaada
  • Adigaaga dhigta iskool waxa aad raad ku yeelan kartaa iyadoo aad u sheegayso macallinkaaga ama guddida ardayda waxa fikradaadu tahay
  • Adigu waxa aad raad ku yeelan kartaa xaafada aad ku nooshahay
  • Adigu waxa aad ka qaybqaadan kartaa shirarka ay degmadaadu diyaariso
  • Adigu waxaad hindise muwaadin u dhiibi kartaa degmadaada ama gobolkaaga

Ka fikir waxa aad doonaysid in aad wax ka baddashid bulshada ama waxa aad u aragto inay yihiin muhiim. Tusaalahee ku jira liistadan ayaad dooni lahayd si aad u socodsiiso fikradaada ama hindisahaaga?