Daryeelidda caafimaadka ee dalka Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.
Sawir farshaxan oo ah laba dhakhtar, dembiil khudrad, dad lugeynaya, qof indhaha isku qabtay, mid hurda iyo laba laabta isa saaray.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay in qofku daryeelo caafimaadkiisa gudaha Iswiidhan.

Waxaad ka fikiri doontaa waxa caafimaad yahay iyo waxa aad adigu keliga sameyn karto si aad u dareento wanaag oo u haysato caafimaad qab. Waxaad akhrin doontaa sida adigu aad isu daryeeli karto haddii aad jirato laakiin aanad u baahnayn inaad raadsato daryeel caafimaad.

Waxaad waxa dheeraad ah ka ogaan doontaa sida daryeelka bukaanka ee gudaha Iswiidhan u shaqeeyo, sida aad si sax ah u helayso daryeelka bukaanka iyo kuwa ka shaqeeya halkaas. Waxaad xitaa ka fikiri doontaa wixii ku saabsan xuquuqahaaga iyo waajibaadkaaga dhinaca daryeelka bukaanka.

Waxaa intaas dheer inaad ka fikiri doonto dhinaca arrimo ku saabsan jirkaaga iyo xaqa in qofku u taliyo jirkiisa.