In si sax ah wax loo helo dhanka daryeelka caafimaadka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/12-2022

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay daryeelka bukaanka ee Iswiidhishka. Waxaad akhrin doontaa sida daryeelka caafimaadka uga shaqeeyo Iswiidhan iyo waxa ay tahay inaad sameyso haddii aad u baahato daryeel caafimaad. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan noocyada kala duwan ee qaabilaadaha iyo nooca caawimaad ee aad heli karto.

Waxaad akhrin doontaa xitaa sida daryeelka ilkaha ee Iswiidhishka u shaqeeyo oo waxaad heli doontaa talooyin ah sida aad u daryeelayso ilkahaaga.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaadka ugu fiican ee suurtagal ah jir ahaan iyo maskax ahaan. Xaqa loo leeyahay caafimaad waxay muhiim u tahay in la helo xuquuqaha kale inay rumoobaan, tusaale ahaan in la awoodo in la shaqeeyo ama la aado iskoolka. Xuquuqo kale ayaa raad ku yeesha xitaa xaqa loo leeyahay caafimaad. Haddii tusaale ahaan aanad haysan meel aad ku noolaato ama haddii aanad haysan shaqo waxay taasi raad ku yeelataa sida aad dareemayso.

Dadka oo dhan waxay sidoo kale xaq u leeyihiin daryeel bukaan. Qofka baahi deg-deg ah u qaba daryeel waa inuu ugu horeyn helaa daryeel. Kuwa ka shaqeeya daryeelka bukaanka waa inay ixtiraamaan dadka oo dhan qiimahooda isku midka ah. Adigu waxaad xaq u leedahay in shaqaalaha daryeelka caafimaadka ay kugu qaabilaan qaab xirfad iyo ixtiraam leh. Tani waxay khuseysaa iyadoo aan ku xirnayn waxa jinsigaagu yahay, shakhsiyadaada jinsi, qawmiyad, luqad, dookha galmo, diin ama waxbarasho. Laakiin xaq ma u lihid inaad shuruud ka dhigto in ay ku daryeelaan shaqaale leh jinsi, ka soo jeedid qawmiyad, diin cayiman ama wax la mid ah.

Nidaamka daryeelka bukaanka

Daryeelka caafimaadka iyo bukaanka waa daryeel dhammaan dadka ka midka ah bulshada ay isticmaali karaan oo xaq u leeyihiin. Sida daryeelka caafimaadka u shaqeeyo wuu kala duwanyahay aduunka. Iswiidhan waxay go'aansatay in xaqa loo leeyahay daryeel caafimaad oo fiican ay u sinaadaan dadka oo dhan – micnihii sinaan. Sidaas darteed ma u baahnid inaad bixiso lacag badan haddii aad u baahato inaad la kulanto dhakhtar, lagu qalayo ama lagu dhigo isbitaal. Kharashka ugu weyn waxaa laga bixiyaa lacagta cashuuraha. Gobolada iyo degmooyinka ayaa mas'uul ka ah daryeelka caafimaadka. Waa muhiim inaad ogaato sida daryeelka caafimaadku u shaqeeyo iyo waxa aad samaynayso haddii aad u baahato daryeel caafimaad.

Isbitaalada iyo rugaha qaabilaada

Rugaha caafimaadka

Marka adiga ama carruurtaadu xanuusataan waxa badanaaba ay tahay inaad tagtaan rugtiina caafimaadka. Halkaas ayaad ka helaysaa caawimaada cudurada iyo dhibaatooyinka ugu badan. Rug caafimaad waxaa ka shaqeeya dad badan oo ah xirfado kala duwan tusaale ahaan kalkaaliyayaal caafimaad, dhakhtar guud, dhakhtarka degmada, ku xigeen kalkaaliyayaal caafimaad iyo la-taliyayaal. Haddii dhakhtar qiimeeyo in adiga ama ilmahaagu u baahantihiin daryeel caafimaad oo takhasus ah waxaa dhakhtarku kugu hubsan doonaa inaad warqad yeeritaan ha hesho dhakhtar takhasus ah.

Gudaha Iswiidhan adiga ayaa dooran kara rugta caafimaad ee aad doonaysid inaad ka hesho daryeel caafimaad. Dad badan waxay doortaan rugta caafimaad ee ugu dhow guriga. Marka ugu horeysa ee aad tagto rugta caafimaadka waxaad heli doontaa caawimaada inaad is qorto gelida nidaamka rugta caafimaadka. Haddii aanad ku qanacsanayn rugtaada caafimaadka waad baddali kartaa.

Rugta caafimaadka waxay furantahay isniinaha ilaa jimcayaasha, badanaaba saacadaha 8–17 laakiin way kala duwanaan karaan. Adigu waad tegi kartaa rug caafimaad adigoo aan lahayn wakhti kuu ballansan haddii ay degdeg tahay, tusaale ahaan haddii aad leedahay nabar dhiig ka imanayo. Haddii kale waa inaad marka hore wakhti ballansato. Rugo badan oo caafimaad adiga ayaa wakhti ballansan kara adigoo galaya www.1177.se. Rugaha caafimaadka qaarkoodna waxaad iman kartaa saacad cayiman adigoo aan u baahnayn inaad ballansatay wakhti. Tani waxaa badanaaba lagu magacaabaa wakhtiyada degdega ah ama la yimaado bilaa balan.

Qaabilaada heeganka

Galbihii iyo maalmaha fasaxa rugta caafimaadka way xirantahay. Haddii aad u baahantahay daryeel caafimaad galabnimo ama maalin fasax ah waa inaad tagto qaabilaada heeganka ama degdega heeganka. Fadlan wac talobixinta daryeeka caafimaadka 1177 ka hor intaanad tegin. Mararka qaarkood waxaa kugu filan in talobixin laga helo shaqaalaha 1177 dhinaca sida ay tahay inaad samayso. Laga yaabee inay fiicantahay in la sugo ilaa rugta caafimaadka dib u furmayso.

Qaabilaadaha degdega waxay lahaan karaan magacyo kala duwan dhanka qaybaha kala duwan ee dalka. Waxaa tusaale ahaan magacoodu ahaan karaa heeganka degdega, heeganka daryeelka ee koowaad ama magac kale oo u eeg. Adigu ma u baahnid inaad ballansato wakhti dhinaca qaabilaada heeganka. Qaabilaada heeganka waxaad ka helaysaa caawimaada waxa ugu degdegsan. Haddii dhakhtarka ay la tahay in dhibaatadaada ay tahay in si dheeraad ah loo baaro markaas waa rugtaada caafimaad kuwa samaynaya sidaas.

Weydii rugtaada caafimaadka ta ay tahay qaabilaada degdega ee ugu dhow, ama ka akhri rugta caafimaadka boggeeda intarnatka.

Cudurrada iyo dhaawacyada halista ah

Haddii cudur kedis ah ama dhaawac halis ahi kuugu dhaco, waxaad tegeysaa qaabbilaadda gargaarka degdegga ah ee isbitaalka. Haddii aadan ku tegi karin baabuur ama taksi, waxaad wacaneeysaa ambalaas. Waxaad maarkaasna waceysaa SOS qayladhaan oo lambarkeedu yahay 112.

Haddiise ilmo aad kaaga xanuunsado ama dhaawacmo, waxaad geyneysaa qaabbilaadda gargaarka degdegga ah ee carruurta oo ku taal isbitaalka. Gargaarka degdegga ah ee carruurta waxaa lagu qaabbilaa carruurta da'doodu u dhexeyso 0 ilaa 16 sano.

Ma jiraan qaabilaado degdeg ah oo carruurta gaar u ah meel walba oo gudaha Iswiidhan ah. Haddii qaabilaad degdeg oo carruurta ah aanay ku oolin meesha aad deggantahay waa inaad tagtaa qaabilaada degdega ee ugu dhow.

Waa maxay qaababka kala duwan ee caawimaad looga heli karo daryeelka bukaanka haddii aad u baahato taas?

Halkee ayay ku yaallaan rugta caafimaadka iyo qaabilaada degdega ee kuugu dhow?

Halkee ayuu ku taalla qaabilaada degdega ee kuugu dhow?

Isbitaalada

Isbitaalku wuxuu ka kooban yahay qaybo kala duwan. Isbitaalku waxaa ku yaalo qaabbilaadda dakhtarka takhasuuska leh iyo gargaarka degdegga ah. Isbitaalada badankood waxaa ku yaal qaybaha ummulinta. Waxaadna halkaa tegeysaa marka aad ilmo ummuleyso.

Rugaha takhasuska ah waxaa ka shaqeeya dhakhtar wax dheeraad ah ka yaqaano cudurada qaarkood. Waxaa jira qaabab kala duwan oo loo iman karo qaabilaad takhasus ah. Badanaaba waa dhakhtarkaaga rugta caafimaadka qofka ka codsanaya qaabilaada degdega inay kuugu yeeraan booqasho. Tani waxaa lagu magacaabaa inaad helayso u gudbin. Laakiin adigu xitaa waad la xiriiri kartaa qaabilaad takhasus ah keligaa, iyadoo aanay jirin u gudbin ka timi dhakhtar. Tani waxaa lagu magacaabaa isu gudbin qofku keligii sameeyay, ama codsi daryeel caafimaad oo qofku keligii sameeyay. Waxaa jira qaabab in la sameeyo codsi daryeel oo qofku keligii sameeyo. Qaabilaadaha qaarkood waxay codsiga daryeel ee qofku keligii sameeyo ku gudoomaan dhinaca 1177 Hagida daryeelka adeegyadeeda elaktarooniga ah. Qaabilaadaha kalena waxay leeyihiin foomam gaar ah oo loogu talogalay codsiga daryeel ee qofku keligii sameeyo.

Qeeybaha isbitaalka waxaa ka mid ah:

  • Qaybta lafaha: Waxay qaabbilsan tahay dhibaatooyinka qalfoofka iyo xubnaha dhaqadhaqaaqa, sida haddii laf jabto.
  • Qaybta daaweynta: Cudurrada gudaha jirka, sida xanuuno caloosha iyo mindhicirrada.
  • Qaybta qalliinka: Cudurrada u baahan qalliinka.
  • Qaabilaada haweenka: Loogu talogalay cudurada iyo dhibaatooyinka dhanka haweenka xubnahooda taranka.
  • Qaybta indhaha: La xiriira cudurrada indhaha.
  • Qaybta dhegaha, sanka iyo dhuunta: La xiriira cilladaha dhegaha, sanka iyo dhuunta.
  • Qaabilaada cilmi nafisiga: Loogu talogalay adigaaga maskaxiyan dareemaya caafimaad daro.

Haddii aad qabto dhaawac khatar ah ama cudur khatar ah waa inaad tagtaa qaabilaad degdega ah. Tusaalaha xaaladaha degdega waa xanuun dhinaca shafka ah oo si dhakhso ah u yimi, neefsiga oo adaga, madax xanuun aad u xoogan oo si dhakhso ah u yimi, calool xanuun aad u badan, muruq kokidyo, jabitaanka laf iyo miyir la'aan. Gobolkaaga waxaa mar walba laga helayaa dhowr ah qaabilaadaha degdega kuwaas oo furan maalintii iyo habeenkii oo dhan.

Qaabilaada degdega dadka xanuunkoodu ugu badanyahay ama dhaawaca ah ayaa daryeel ka hela ugu horeyn. Tani micnaheedu waa in ay dhici karto inaad wakhti ka dheer sugto doorkaaga. Haddii aanad si khatar ah u xanuusanayn ama dhaawacnayn waxaa fiican in aad tagto rugtaada caafimaadka ama qaabilaada heeganka. Halkaas ayaa badanaaba aad ka ballansan kartaa wakhti ama iman kartaa wakhtiyada bilaa ballanta ah.

Magaalooyinka waaweyn waxaa ku yaal isbitaallo gaar ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada. Magaalooyinka yaryarna waxaa ku yaal rugo qaabbilaad loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada u dhexeeyo 0 ilaa 16 sano.

Marka aad dhalayso ilmo waa inaad tagto qaybta ummulida ee isbitaal. Fadlan wac qaybtaas ka hor intaanad tegin. Marka ilmuhu dhasho waxaa mararka qaarkood hooyada iyo ilmuhu joogi karaan dhowr maalmood qayb gaar ah oo loogu talogalay haweenka ilmo cusub dhalay. Tani waxaa lagu magacaabaa BB qaybta carruurta lagu dhalo.

Qaabilaadda ummulisooyinka waxaa loogu talogalay haweenka uurka leh. Adigu waxaad tagaysaa qaabilaadda ummulisooyinka dhammaan wakhtiga uurka sii loo hubiyo in ilmaha iyo adiguba aad caafimaad qabtaan. Waa bilaash in la tago qaabilaada ummulisooyinka.

Qaabilaadda ummulisooyinka waxa kale oo ay kula yeelanayaan kulamo aad ku helaysid macluumaad ku saabsan uurka, ummulida iyo naas nuujinta. Waa caadi in waalidka kale ee ilmaha la sugayo uu joogo kulamadan iyo xilliga ummulida.

Qaabilaadda ummulisooyinka waxaad tagaysaa haddii aad u baahantahay talobixinta alaabta lagaga hortago dhalmada ama warqad laguugu qoro farmasiga oo ah alaabta lagaga hortago dhalmada. Adigu waxaad xitaa halkaas tagaysaa si loo qaado baaritaanka unugyada ee haweenka iyo si loo joojiyo uur (la isaga soo tuuro).

Xarunta daryeelka caafimaadka carruurta (BVC) adigaaga waalidka ah waxaad ka heli kartaa caawimaad. Dhinaca BVC waxaad ka heli kartaa talooyin ku saabsan ilmaha horumarkiisa, naas nuujinta iyo raashinka ilmaha. Adigu waxaad xitaa BVC weydiin kartaa talooyin ku saabsan cudurrada. Marka guriga timaado ee soo ummushay ayaad adigu laf ahaantaada la xiriir kartaa BVC si loo go'aamiyo wakhtiga kulanka ugu horeeya. Kulanka ugu horeeya badanaaba waxaa lagu yeeshaa guriga. Markaas ayaa kalkaalisada caafimaadka kaaga sheekaynaysaa BVC oo eegaysaa in ilmuhu caafimaad qabo.

Ka dib waxaa ilmaha looga yeeraa BVC si loo sameeyo baaritaanada caafimaadka ilaa ilmuhu buuxinayo shan sano. Dhanka BVC ayaa ilmaha lagu siiyaa irbadaha tallaalyada. Iyaga ayaa hubiya waxyaabo ay ka mid yihiin aragtida, maqalka iyo in ilmuhu u korayo. Baaritaannada caafimaadka waxaa loogu talogalay in wakhti hore la awooddo in la caawiyo ilmaha haddii wax aanay u shaqaynayn sidii ay ahaan lahaayeen.

Xarumaha qaabbilaadda dhallinyarada waxaa loogu talagalay gabdhaha iyo wiilasha qaba su'aalo ku saabsan isu-galmoodka, caafimaadka iyo xiriirada dadka. Xarumaha qaabbilaadda dhallinyaradu waxay u furan yihiin dhallinyarada da'doodu u dhexeyso 13 ilaa 25 sano. Xadka da'da waa kukala duwanyihiin degmooyinka. Qaabbilaadduna waa lacag la'aan. Waxaa xarumaha qaabbilaadda dhallinyarada jooga ummulisooyin, lataliyayaal, aqoonyahanno cilmi-nafsi, kalkaaliyayaal hoose, dhakhtarro dumarka iyo dhakhtaro caadi ah.

Waxa kale oo jira qaabilaado dhalinyarada ah oo dijitaal ah lagana helo intarnatka, tusaale ahaan UMO.se iyo YOUMO.se. Dhanka YOUMO waxaa ku jira qaybo ka mid ah UMO nuxurkeeda oo lagu turjumay luqaddo kala duwan.

Qaabilaadda cilmi nafsiga ee carruurta iyo dhalinyarada (BUP) waxaa loogu talogalay carruurta iyo dhalinyarada ah ilaa iyo 18 jir ee u baahan daryeel cilmi nafsi oo ah takhasus. Adigaaga ah qof weyn waxaad caawimaad u raadin kartaa carruurta aad mas'uulka ka tahay. Adigaaga ah ilaa iyo 18 sano adiga laf ahaantaada ayaa raadsan kara caawimaad. Waa wax aad caadi u ah in carruurta iyo dhalinyaradu ay wakhti ka mid ah wakhtiyada ay dareemaan cafimaad daro maskaxiyan oo ay wakhti u baahdaan taageero. Markaas ayaad la xiriir kartaa xarunta daryeelka caafimaadka carruurta, rugta caafimaadka, kalkaaliye caafimaad, la-taliyaha iskoolka ama qaabilaadda dhalinyarada. Haddii taageeradan aanay caawimaad keenin oo dhibaatadu sii weynaatay oo noloshi maalinlaha ahayd ee guriga, gudaha iskoolka iyo dhanka saaxiibada aanay siiba shaqaynayn, waxaaad la xiriiri kartaa BUP.

Adigaaga ah qof bukaan ah waxaad badanaaba heli kartaa wada hadal fiidyow oo dijitaal ah oo aad la yeelato dhakhtar si loo sameeyo qiimeynta ugu horeysa ee dhibaatada ku haysata. Weydii qof jooga rugtaada caafimaadka nooca adeegyada dijitaalka ee aad helayso.

Haddii aad doorato adeeg daryeel oo dijitaal ah oo aan ku xiriirsanayn nidaamka daryeelka bukaanka ee Iswiidhishka markaas adiga ayaa bixinaya kharashka oo dhan.

Shaqaalaha daryeelka

Daryeelka caafimaadka waxaa ka shaqeeyo shaqaale kala duwan. Waxaad halkaan ka akhrisan kartaa daryeelka caafimaadka Iswiidhan shaqaalaha joogo ee ugu badan:

Waxaa badanaa rugaha daryeelka caafimaadka jooga dakhtaro daaweyn guud. Mecnaheed waa in ee baaraan oo daaweeyaan bukaanka qaba cudurrada caadiga ah.

Dakhtarada daawynta guud waxay kaloo ka shaqeeyaan daryeel caafimaad ka hortagga ah. Mecnaheed waa in dadka ka caawinaan ka hortagga cudurrada. Waxaana ka mid noqon kara in dadka laga caawino joojinta cabbidda sigaarka, misaan iska dhimidda iyo yaraysiga cabbidda khamriga.

Dhakhaatiirta guud waxaa kale oo ay arkayaan haddii aad u baahantahay daryeelka dhakhtar ku takhasusay cudurada gaarka ah, tusaale ahaan dhakhtarka indhaha ama dhakhtarka wadnaha. Markaasi dhakhtarka guud ayaa u gudbinta u diraya rug caafimaad oo haysata takhasusiintan.

Ku dhowaad dhammaan meelaha aad ka raadsato daryeel caafimaad waxaa ka shaqeeya kalkaaliyayaal caafimaad. Kalkaaliyayaasha caafimaadka waxa ay badanaaba wada shaqeeyaan kooxo kale oo xirfadeed. Kalkaaliyayaasha caafimaadka waxa ay leeyihiin hawlo shaqo oo kala duwan, tusaale ahaan daryeelka bukaanka, maareynta dawooyinka iyo fulinta daweynaha iyo baaritaannada. Kalkaaliyayaal caafimaad oo badan waxay xitaa haystaan waxbarasho dheeraad ah iyo aqoon gaar ah dhanka qayb gaar ah, tusaale ahaan cilmi nafsiga ama xiiqda.

Kalkaaliyayaasha hoose waxay la shaqeeyaan dakhtarada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka. Waxayna tusaale ahaan qabtaan qaadista dhiigga iyo dhayida nabarrada.

Aqoonyahanka jimicsiga bukaanka wuxuu caawinaa dadka ay dhib ku tahay in ay dhaqdhaqaaqaan sida qof dhabarku xanuunayo.

Aqoonyahanka dhaqancelinta bukaanka wuxuu caawinaa dadka cudur ku dhacay ama dhaawacmay si ay nololmaalmeed wanaagsan ugu noolaadaan.

Aqoonyahanada cilmi-nafsiga, dakhtarada cudurrada maskaxda iyo lataliyayaashu waxay caawiyaan dadka maskax ahaan xanuunsan, oo uu sababay cudurka niyad-jabka (depression) ama kadeedka.

La taliyaha raashinka wuxuu dadka ka caawiyaa inay doortaan waxa ay cunayaan iyo cabayaan si ay u sii caafimaadaan.

Caafimaadka ilkaha

Iswiidhan waxaa ka jira daryeel ilko oo guud iyo mid gaar loo leeyahay. Daryeelka ilkaha ee guud waxaa lagu magacaabaa Daryeelka ilkaha dadweynaha. Adiga laf ahaantaada ayaa dooranaya haddii aad doonaysid inaad tagto Daryeelka ilkaha dadweynaha ama dhakhtar ilko oo gaar loo leeyahay.

Wax kharash ah ma laha in loo tago dhakhtarka ilkaha ilaa iyo sanadka aad buuxinayso 23. Laakiin laga billaabo 1 Janaayo isla sanadka aad buuxinayso 24 waa inaad adigu bixiso lacagta.

Tusaale: Pia iyo Axmed waa inay bixiyaan lacagta daryeelkooda ilkaha

Pia iyo Axmed labaduba waxay buuxinayaan 24 jir inta lagu jiro 2022. Pia waxay buuxinaysaa sanad 1 Janaayo iyo Axmed oo buuxinaya sanad 31 Diisambar. Labadooduba waa inay bixiyaan lacagta booqashadooda dhakhtarka ilkaha laga billaabo 1 Janaayo 2022.

Daryeelka ilkaha ee gudaha Iswiidhan wuu ka qaalisanyahay daryeelka bukaanka ee kale. Laakiin haddii kharashyadaada daryeelka ilkaha ay bataan inta lagu jiro hal sano ma u baahid in adigu aad bixiso lacagta wax walba. Qayb ka mid ah lacagta cashuuraha ee la siiyo dawladda ayaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo daryeelka ilkaha. Adiga laf ahaantaada ayaa bixinaya lacagta ilaa iyo cadad cayiman. Intaas ka dib waxaad helaysaa qiimo dhimis dhanka sicirka ah. Tani waxaa lagu magacaabaa ilaalinta kharashka sare.

Sidan ayay u shaqaysaa ilaalinta kharashka sare ee daryeelka ilkaha:

  • Kharashyada ah ilaa iyo 3000 karoon – adiga ayaa keligaa bixinaya lacagta wax walba
  • Kharashyada u dhaxeeya 3001 iyo 15 000 karoon – adiga ayaa bixinaya kala bar ah kharashyadan. Qasnadda Caymiska ayaa bixinaysa kala bar.
  • Kharashyada ka sareeya 15 000 karoon – adiga ayaa bixinaya boqolkiiba 15% ah kharashyadan. Qasnadda Caymiska ayaa bixnaysa 85%.

(Tirooyinkan waxay khuseeyaan oo loogu talagalay 2021.)

Adigu waxaad xitaa dooran kartaa daryeel ilko oo leh qiimo go'an, micnihii in aad bixiso lacag isku mid ah dhanka daryeelkaaga ilkaha bil walba ama sanadkiiba. Markaasi dhakhtar ilkaha ah ayaa samaynaya qiimeynta ilkahaaaga. Ka dib ayaad helaysaa soo jeedinta waxa aad bixin doonto bil ama sanad walba ee tusaale ahaan gudaha saddex sano. Haddii ay tahay inaad hagaajisato ilig ama hesho caawimaad kale dhanka ilkahaaga inta lagu jiro saddexdaas sano markaas ma bixinaysid wax dheer kharahkaaga bishii ama kharashkaaga sanadkii. Tani waxaa ku jira xitaa baaritaannada dhinaca qiimahan. Dhinaca Daryeelka ilkaha dadweynaha waxaa tani lagu magacaabaa Daryeelka ilko caafimaad leh. Dhakhtarada ilkaha ee gaarka loo leeyahay qaarkood xitaa way ku casuumaan dadka qorshe leh qiimo go'an.

Marka ilmo noqdo saddex jir waxaa looga yeeraa daryeelka ilkaha si loo baaro ilkaha. Intaas ka dib waxaa carruurta iyo dhalinyarada si joogta ah looga yeeraa daryeelka ilkaha. Dadka waaweyn waa inay iyaga laf ahaantoodu la xiriiraan daryeelka ilkaha.

Sidee ayaa daryeelka ilkaha uga shaqayn jiray dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd?

Qaabka 2-2-2-2

  • Ilkaha caddayo 2 mar maalintiiba
  • ilaa 2 daqiiqo
  • lehna 2 sentimitir oo kiriimka ilkaha ah lehna foloraydh (waxay tani khuseysaa dadka waaweyn iyo carruurta ka weyn lix jir)
  • ka dib sug ugu yaraan 2 saacadood ka hor inta aanad wax cunin si ilkuhu u "nastaan".

Haddii aad raacdo tilmaantan waxaad si fiican u daryeelaysaa ilkahaaga. Adigu waxaad xitaa foloraydh ku luq-luqan kartaa afka oo isticmaali kartaa dunta ilkaha. Markaasi waxaad ilkahaaga u daryeelaysaa si ka sii fiican.

Haddii ilkahaagu caafimaad qabaan waxay taasi xitaa raad ku yeellanaysaa qaybaha kale ee jirkaaga. Haddii baakteeriya kaaga jirto afka waxaad si fudud u qaadi kartaa cuduro kale, tusaale ahaan bararka sambabada. Tani waxay si gaar ah khatar ugu tahay dadka waayeelka ah. Cilmi baarayaashu waxay arkeen in xitaa caafimaad daro ilkaha ahi ay keeni karto cuduro kale sida tusaale ahaan cudurada sonkorta iyo wadnaha iyo xididada.