Xaqa loo leeyahay jir gaar ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/11-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Si aynu u qaadano go’aan ku saabsan jirkeena waxaynu u baahanahay aqoon ku saabsan taas. Waxaynu u baahanahay tusaale ahaan aqoonta ku saabsan galmada iyo caafimaadka taranka iyo xuquuqaha (SRHR). Galmada iyo SRHR waxaa la dareemi karaa inay adagtahay in laga hadlo. Waxay xitaa ahaan kartaa wax xiiso iyo faa’iido leh in laga hadlo. Galmadu waxay raad inoogu yeelataa qaabab kala duwan. Waxay ku saabsantahay nolosha, innaga laf ahaanteena, waxa aynu ka fikirayno iyo siday inala tahay iyo kuwa aynu nahay dad ahaan.

Sawir farshaxan oo dad dhalinyaro ah iyo kuwa waayeel ah iyo noocyada kala duwan ee xiriiryada jacaylka.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay xaqa aad u leedahay jirkaaga. Waxaad akhrin doontaa waxa galmada iyo caafimaadka taranka iyo xuquuqda (SRHR) yihiin. Tani micnaheedu waa inaad akhrin doonto waxyaabo ay ka mid yihiin alaabta lagaga hortago dhalmada, cudurrada lagu kala qaado galmada, ilmo iska soo tuurista iyo baaritaanka unugyada ee haweenka. Waxaad akhrin doontaa xitaa wax ku saabsan galmo lagu baddasho lacag iyo sharciga raali ka ahaanshaha galmo. Waxaa intaas dheer inaad akhrin doonto wixii ku saabsan in la ahaado qof ku deeqa xubin jirka ka mid ah.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin jirkooda gaarka u ah. Adigu waxaad xaq u leedahay inaad u taliso jirkaaga iyo galmadaada. Waxa aad tusaale ahaan xaq u leedahay inaad go’aansato haddii aad doonaysid inaad dhasho carruur iyo in kale. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad booqato daryeelka caafimaadka iyo bukaanka si aad u hesho caawimaad iyo talobixin ku saabsan tusaale ahaan alaabta lagaga hortago dhalmada, uurka iyo ummulidda. Waxa aad xaq u leedahay inaad go’aansato wixii ku saabsan, goorta iyo qofka aad doonaysid inaad galmo la sameyso. Maaha in adigu aad caafimaadkaaga khatar u geliso qof kale dartiis. Cidnaba maaha inay kuu geysato rabshad dagaal, xadgudub galmo ama wax kale oo dhaawaci kara caafimaadkaaga. Waxaad xitaa xaq u leedahay nolol khaas kuu ah.

Caafimaadka galmo iyo taran iyo xuquuqda (SRHR)

Caafimaadka galmo iyo taran wuxuu ku saabsanyahay in la dareemo wanaag dhanka qofka galmadiisa iyo tarankiisa.

Galmadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah in la ahaado bani'aadan. Tani waxay micno u leedahay sida aynu dareemayno nolosha oo dhan. Galmadu way ka badanyahay in la sameeyo galmo. Waxa kale oo ay tahay cidda aynu nahay, in loo dhowaado dadka kale, fikradaheena, iyo xiriiryadeena. Galmadeena waxaa raad ku yeesha hareeraheena iyo bulshada aynu ku noolnahay.

Caafimaadka taranka micnahiisu daryeel caafimaad oo hubaal ah ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib marka qof dhalo ilmo. Fursada in la helo carruur way u kala duwantahay dadka kala duwan. Daryeelka bukaanka ayaa caawin bixin kara haddii ay adagtahay in la dhalo ilmo. Si dadka oo dhan u helaan caafimaad taran oo fiican waxa xitaa loo baahanyahay in la helo ilmo iska soo tuurid amaan ah iyo fursada in la doorto alaabta ka hortaga dhalmada, tusaale ahaan koondom ama qalabka dhalmada lagaga hortago.

Xuquuqda galmo iyo taran waa loo baahanyahay si dadka oo dhan u helaan caafimaad galmo iyo taran oo fiican. Tani micnaheedu waa in dadka oo dhan xaq u leeyihiin inay gaaraan go'aamada ku saabsan jirkooda. Adigu waxaad xaq u leedahay in aad

  • go'aansato wixi ku saabsan, xilliga iyo qofka aad doonaysid inaad galmo la samayso.
  • go'aansato wixi ku saabsan, xilliga iyo sida aad u doonaysid inaad u hesho carruur.
  • go'aansato wixi ku saabsan galmoodkaaga.
  • go'aansato sida aad isu aragto shakhsiyan oo cabbirto jinsigaaga tusaale ahaan haween ahaan, nin ama qof aan isu arkin inuu yahay jinsigi uu ahaa markuu dhashay.

Sida aynu dareemayno waxay raad ku yeellataa caafimaadkeena galmada. Cafimaad daro dhanka galmada ah waxay calaamad u ahaan kartaa cuduro kale ama waxa sabab u ah daweyn iyo dawooyin. Waxaynu xaq u leenahay macluumaad iyo daryeel caafimaad oo laga helo tusaale ahaan daryeelka bukaanka si aynu u daryeeli karno caafimaadkeena galmo iyo taran ahaan inta lagu jiro nolosha oo dhan.

Ururka qaranka ee wacyi-gelinta jinsiga, RFSU, wuxuu sameeyay dhowr filim oo ku saabsan waxyaabaha fiican in qofku ka ogaado naftiisa iyo caafimaadkiisaba. Boggooda intarnatka ayaad ka helaysaa waxyaabo ku saabsan caadada, uurka iyo ummulidda. Waxaa xitaa jira filimo leh warbixin ku saabsan cunfiga la xiriira galmada, sharafta iyo gudniinka. Filimadan waxaa la helayaa iyagoo ah af Iswiidhish, Carabi, Daari, Ingiriisi, Faarsi, Ruush, Soomaali, Isbaanish, Tigrinya iyo Yuukarayni.

Alaabta ka hortaga dhalmada

Alaabta ka hortaga dhalmada waa qaabab kala duwan oo la isaga ilaalinayo uur aan la doonayn iyo cudurada lagu kala qaado galmada. Mas'uuliyadda in la haysto alaabta lagaga hortago dhalmada waxay saarantahay qofka uurka yeellan kara iyo qofka uur u yeeli kara qof.

Tusaale: Naadiya iyo Aadan waxay doonayaan inay iska ilaaliyaan uurka

Naadiya iyo ninkeeda Aadan waxay leeyihiin saddex carruur ah. Waxay doonayaan inay helaan wax amaan ah oo la isaga ilaaliyo uurka. Iyagu ma doonayaan inay dhalaan carruur kale. In aan la samayn galmo maalmaha khatarta in uur la qaado ay ugu weyntahay ama la joojiyo galmo waxay u arkaan inay tahay wax aan la hubin. Naadiya saaxibadeed waxay caawimaad ka heleen dhakhtarka haweenka iyo rugta caafimaadka.

Naadiya waxay wacday rugta ummulisooyinka oo ballansatay wakhti loogu talogalay talobixin. Marka Naadiay ay la kulanto ummuliso joogta rugta ummulisooyinka waxay ummulisadu uga sheekaysay alaabta dhalmada lagaga hortago ee leh ama aan lahayn hoormoonada. Ummulisadu waxay uga sheekaysay in koondomyadu ay u fiicanyihiin ka hortaga cudurada la isu gudbin karo xilliga galmada. Iyadu waxay tustay sida alaabta dhalmada lagaga hortago loo bixin karo qaabab kala duwan, qaab ah kiniinyo, balastar, xarig bir oo kale ah iyo irbad. Waxa kale oo xitaa suurtagal ah in caag yar la geliyo maqaarka hoostiisa ama wareeg la geliyo siilka. Naadiya iyo Aadan waxay xitaa iska xiri karaan dhalmada. Iska xirka dhalmada waa qalitaan yar kaas oo keena in aan la dhali karin carruur. Taas Naadiya iyo ninkeedu ma doonayaan inay sameeyaan. Ummulisadu waxay weydiisay Naadiya haddii ay qabto wax cuduro ah oo raad ku yeellan kara doorashadan. Iyadu way baartay, cabbirtay dhiiga, dhererka iyo miisaanka oo samaysay baaritaanka haweenka loo sameeyo. Naadiya waxay doonaysaa inay ka soo fikirto nooca alaabta dhalmada lagaga hortago ee iyada iyo Aadan ay dooran doonaan.

Maalintii ku xigtay ayaa Aadan la soo xiriiray ummulisada. Iyagu waxay ku wada hadleen telafoonka. Aadan wuxuu doonayaa inuu wax dheeraad ah ka ogaado koondomyada iyo noocyada sida ugu fiican u shaqeeya. Ummulisadu waxay u sheegtay inay jiraan qiyaasyo kala duwan iyo alaabta ay ka samaysanyihiin oo kala duwan. Ummulisadu waxay xitaa u sheegtay qaabilaadaha kala duwan ee Aadan tegi karo si uu u helo caawimaada inuu helo koondom sax ah. Halkaas ayuu xitaa isagu ka ballansan karaa wada hadal ku saabsan sida loo isticmaalo koondomka oo heli karaa koondomyo bilaash ah oo qiyaasyo kala duwan ah si uu guriga ugu soo tijaabiyo. Naadiya iyo Aadan waxay la tahay in si fiican ay u shaqaynayso koondoom oo waxay doorteen inay taas u ahaato alaabta dhalmada lagaga hortago.

Qaabab noocee ah oo lagaga hortago dhalmada ayaa ay heli karaan Naadiya iyo Aadan?

Cudurada la isugu gudbiyo galmada

Cudurada la isugu gudbiyo galmada waa cudurada lagu qaadi karo in galmo lala sameeyo qof qaba cudur kuwaas oo la kala qaadi karo xilliga galmada, tusaale ahaan caabuq jabtida oo kale ah.

Cudurrada lagu kala qaado galmada waxaa sidoo kale lagu magacaabaa cudurrada galmada.

Tusaale: George wuxuu u malaynayaa inuu qabo cudur lagu kala qaado galmada

George waxaa dheecaano ka soo baxaan daloolka kaadida oo wuu hafeefaa marka uu kaajayo. Isagu wuxuu galmo la sameeyay Johanna iyo Emilio labadaba. Isagu wuxuu tagay rugtiisa caafimaadka waayo wuxuu ka shakisanyahay in uu qaaday cudur galmada lagu kala qaado. Dhakhtar ayaa baaray isaga oo waxaa laga qaaday baaritaan kaadi iyo dhiig ah. Jawaabtu waa diyaar hal toddobaad ka dib, George wuxuu qabaa caabuq jabtida oo kale ah. Isaga waxa la siiyay daweyn ah kiniinyo.

Waxaa jira sharci gaar ah kuna saabsan cudurada la kala qaado. Sharcigan waxaa lagu magacaabaa sharciga ilaalinta cudurada la kala qaado. Cudurka jabtida oo kale ah waa mid ka mid ah cudurada ku jira sharcigan. Tani micnaheedu waa in George aanu u baahnayn inuu wax lacag ah bixiyo booqashadan, baaritaanka ama daweynta. Waxa loo sheegay in ay khasab tahay inuu isticmaalo koondom haddii uu samaynayo galmo iyo weliba in aanu galmo samayn ka hor intaan daweyntan dhammaan. Isagu waa inuu xitaa sheego dadka uu la sameeyay galmo sanadkii ugu dambeeyay. Rugta caafimaadka ayaa ogaan doonta haddii qof ka mid ah iyaga ay xitaa qabaan cudurka jabtida oo kale ah. Iyaga ayaa la xiriiray Johanna iyo Emilio, kuwaas ay xitaa ay tahay inay dhiibaan shay-baar. Rugta caafimaadka ma loo oggola inay u sheegaan in uu yahay George qofka qaba cudurka jabtida oo kale ah ee u sheegay magacyadooda rugta caafimaadka.

Johanna iyo Emilio ma dareemayaan wax dhibaato ah. Laakiin waa khasab in iyaguna ay is baaraan waayo waa caadi in iyadoo la qabo cudur galmo lagu gala qaaday haddana aan la dareemin. Johanna waxay iska baartay dhakhtarka haweenka halka Emilio iska baaray qaabilaada dhalinyarada.

Miyaad bixin kartaa tusaale ah xuquuqda iyo sharciyada ku saabsan cudurada lagu kala qaado galmada?

Ilmo iska soo tuurid

In ilmo la iska soo tuuro micnaheedu waa in la joojinayo uur.

Tusaale: Sahra waxay doonaysaa inay ilmo iska soo tuurto

Sahra uur ayay leedahay oo waxay doonaysaa inay iska soo tuurto ilmaha. Dadka uurka leh oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay iska soo tuuraan ilmo. Tani waxaa loo oggolyahay xitaa qofka aan ahayn muwaadin Iswiidhish ah. Sahra waxay wacday qaabilaada isbitaalka ee dhinaca ilmo iska soo tuurida oo waxay heshay wakhti ballan ah. Ninkeeda Johan ayaa sii raacay. Isagu ma hubo sida ay iyagu samayn doonaan. Shaqaalaha ayaa uga sheekeeyay qawaaniinta ku saabsan ilmo iska soo tuurida. Iyagu waxay ogaadaan in qofka uurka leh uu yahay qofka leh go’aanka ku saabsan ilmo iska soo tuurid. Shaqaaluhu waxay u sheegeen in xitaa iyagu ay dareenadooda kala hadli karaan la-taliye haddii ay doonayaan. Ilaa iyo inta la gaarayo toddobaadka uurka ee 18-aad waxay Sahra awooddaa inay keligeed go’aansato ilmo iska soo tuurid. Inta u dhaxaysa toddobaadka 18–21 waxay u baahantahay inay oggolaansho ka hesho Maamulka arrimaha bulshada. Wixi ka dambeeya toddobaadka 21 ma la oggola ilmo iska soo tuurid.

Ta ugu caadisan waa in ilmo iska soo tuurida lagu sameeyo dawooyin. Sahra waxa la siiyay hal kiniin oo waxay dib ugu soo noqotay isbitaalka dhowr maalmood ka dib. Ninkeeda Johan ayaa la socda. Sahra waxaa la siiyay dawo keenaysa in dhiig ka yimaado oo uurkan la joojiyo. Dhowr saacadood ka dib waxay tegi kartaa guriga. Ilmo iska soo tuurid waxaa lagu samayn karaa xitaa qalitaan yar. Markaas xitaa waxaa qofku guriga tegi karaa isla maalintaas.

Miyaad bixin kartaa tusaale ah dhinaca xuquuqda iyo qawaaniinta ku saabsan ilmo iska soo tuurid?

Qaadista baaritaanka unugyada ee haweenka

Dhammaan haweenka u dhaxeeya 23 iyo 64 jir waxaa loogu yeeraa daryeelka caafimaadka si loo qaado baaritaanka unugyada. Umuliso ama dhakhtar ayaa makaanka ka qaada baaritaanka unugyada. Baaritaanka waxaa laga qaadaa siilka. Waa baaritaan muujiya haddii unugyadu makaankaagu is baddaleen. Adigu ma arkaysid mana dareemaysid isbaddaladan unugyada oo badanaaba kuwaasi ma keenaan wax dhibaato ah. Isbaddaladani maaha khatar, laakiin waxay isu baddali karaan kansar haddii aan la helin oo aan la daweyn wakhti hore oo ku filan. Qaabka keliya ee lagu heli karo isbaddalada unugyada waa baaritaanka unugyada.

Baaritaanka unugyada wuxuu qaataa dhowr daqiiqadood. Waa bilaash. Badanaaba ma laha wax xanuun ah oo ma jirto wax khatar ah in wax dhaawacmaan. Haddii aad iska qaado baaritaanka unugyada mar walba oo aad casuumaadan ka hesho daryeelka bukaanka waxaad helaysaa difaac fiican dhanka ka hortaga kansarka makaanka.

Haddii aad tahay inta u dhaxaysa 23 iyo 49 jir waxaad helaysaa warqadda yeeritaanka baaritaanka hal mar saddexdii sanaba. Haddii aad tahay inta u dhaxaysa 50 iyo 64 jir waxaad helaysaa warqadda yeeritaanka baaritaanka hal mar toddobadii sanaba.

Shakhsiyadda jinsiga iyo jirka

Niyad jabka dhinaca jinsiga waa marka aad dareemayso in jirkaagu aanu ku haboonayn shakhsiyadaada jinsi oo micnaheedu tahay in aad tani kugu tahay dhibaato. Adigaaga qaba niyad jabka jinsiga waxaad heli kartaa daryeel hagaajin ama daryeel si aad u dareento wanaag. Daryeelka ama daweynta noocan ahi waxay ku saabsantahay in jirka la waafajiyo shakhsiyadaada jinsi. Waxay tani ahaan kartaa tusaale ahaan ku daweynta hoormoono iyo noocyo qalitaano kala duwan. Waa suurtagal xitaa in jinsiga ku qoran diiwaan-gelinta dadweynaha iyo lambarka shakhsiga loo baddalo ta ku haboon qofkaas shakhsiyadiisa jinsi. Tani waxaa lagu magacaabaa in sharciyan la baddalo jinsiga.

Caawimaad in laga tago xiriir dagaal badan

Adigaaga la nool lamaane ama qoys ku kantaroola oo kuu geysta dhibaato dagaal waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawimaad iyo taageero. Dagaalku wuxuu ka jiri karaa dhamaan noocyada xiriiryada u dhaxeeya dadka. Dagaalku wuxuu ahaan karaa jir ahaan, galmo ahaan ama maskax ahaan.

Haddii adiga ama qof aad taqaano loo gaystay dhibaato dagaal waa inaad wargeliso booliiska iyadoo la wacayo 114 14. Wac 112 haddii ay tahay xaalad deg-deg ah. Adigu waxa kale oo aad la xiriiri kartaa saldhiga booliiska ee meesha aad ku nooshahay.

Dagaal wuxuu keeni karaa dhaawacyo jir ahaan iyo dhibaatooyin kale dhinaca caafimaadka. Adigu waxaad ka cabsan kartaa waxa dhici doonaa haddii aad ka baxdo xiriir dhow. Waxaa jira caawimaad la helo si looga tago xiriir dagaal badan iyo si loo dareemo wanaag. Haddii aad doonaysid caawimaad waxaad la xiriiri kartaa xafiiska arrimaha bulshada ama rugta caafimaadka. Adigu waxaad xitaa toos u wici kartaa heeganka haweenka iyo heeganka dhibanayaasha dembi soo gaaray. Iyaga ayaa kuu sheegi kara wixi dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqdaada. Adigu waxaad heli kartaa xitaa caawimaad iyo taageero xaaladaha qaarkood hoy ku yaalla cinwaan qarsoodi ah.

Galmo lagu baddasho lacag

Galmo lagu baddasho lacag micnaheedu waa in lacag lagu qaato in la sameeyo dhacdooyin galmo ah. Dhacdooyin galmo waxay ahaan karaan waxyaabo badan oo kala duwan. Tani waxay ahaan kartaa in qofku isagoo qaawan is tuso qof kale ama taabto xubnaha taranka. Tani waxay ahaan kartaa in la sameeyo galmada afka, galmada siilka ama galmada futada. Gunnadu maaha inay ahaato lacag. Dadku waxay gunno ku baddashaan galmo sababo badan oo kala duwan dartood. Waxay ahaan kartaa in baahi loo qabo lacag, raashin, dhar, sigaar ama meel la seexdo. Waxaa jiri kara heshiis ku saabsan gunno ka hor, laakiin waxay xitaa ahaan kartaa wax la go'aansaday ka dib. Maaha sharci daro in gunno lagu baddasho dhacdooyin galmo gudaha Iswiidhan. Laakiinse waxaa sharci daro ah in la lacag laga bixiyo galmo. Sharcigan waxaa lagu magacaabaa "sharciga mamnuucida iibsiga adeegyo galmo".

Haddii aad galmo ku samayso gunno lagu siiyo oo aad doonaysid inaad qof kala hadasho sida aad dareemayso ama inaad hesho caawimaada in la iska joojiyo waxaad la xiriiri kartaa xafiiska adeega arrimaha bulshada ama rugta caafimaadka. Waxaa jira xitaa qaabilaado gaar ah iyo ururo taageera dadka lacag ku qaata inay galmo sameeyaan. Haddii adigu aad iibsato ama gunno kale ku bixiso inaad hesho galmo oo doonayso caawimaada inaad iska joojiso xitaa taas waa la heli karaa caawimaadeeda.

Miyaad garanaysaa wax shaciyo ah oo ku saabsan iibsiga dhacdooyin galmo ee dalalka kale?

Miyay la mid yihiin ama ka duwanyihiin sharciga Iswiidhishka?

Galmo waa inay mar walba ahaato wax raali laga wada yahay – sida uu dhigayo sharcigu

Adigu waxaad xaq u leedahay inaad u taliso jirkaaga iyo galmadaada. Galmo waa in ay dareen fiican u leedahay dhammaan dadka ku wada jira. Galmo waa inay mar walba ahaato wax raali laga yahay, sida uu dhigayo sharcigu. Sharcigan waxaa lagu magacaabaa "sharciga isku raacida". Isku raacida galmo waxaa qofku ku muujin karaa erayo ama jirka.

Sharciga isku raacida wuxuu sheegayaa:

  • Dhammaan wixi galmo ah ee qof aanu sheegin ama muujin inuu doonayo, waa sharci daro. Wax micno ah ma samaynayso haddii aad wada socotaan ama is qabtaan.
  • Adigu waxaad xaq u leedahay in mar walba oo aad doontid aad is badasho, xitaa haddii aad oggolaatay galmo bilowgii hore.
  • Waxaa jira xaalado marnaba aan ahaan karin wax raali laga ahaa. Tani waa marka qof lagu khasbo, loogu hanjabo ama loo gaysto dhibaato si loo sameeyo galmo.
  • Ilmo carruur ah oo ka yar 15 jir si raali ah ma uga qaybqaadan karo galmo, si la mid ah qof weyn u awooddo. Sidaas darteed waxaa mamnuuc ah in qof ka weyn 15 jir uu galmo la sameeyo qof ka yar 15 jir.
  • Haddii aad galmo la samayso qof aan muujin inuu doonayo inuu galmo kula sameeyo waxaa lagugu xukumi karaa xabsi.

Waa maxay micnaha in raali laga ahaado sida ku cad qoraalkan?

Dagaal galmo

Dagaal galmo waa dhammaan dhacdooyinka galmo ee aanad samayn adigoo raali ka ah, laakiin ah in aad dareemayso in lagugu khasbay ama cabsi. Dhacdooyinkan waxaa samayn kara qof agtaada ka dhow, tusaale ahaan lamaane, saaxiib ama qaraaabo. Waxa ay xitaa noqon kartaa qof gebi ahaanba aanad aqoon u lahayn.

Dhacdooyinkan waxay ahaan karaan waxyaabo badan oo kala duwan. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa in lagugu khasbo inaad samayso galmo qaab ama wakhti aanad adigu doonayn. Waxa kale oo ay ahaan kartaa in lagu hanjabo in wax xun dhici doonaan haddii aanad oggolaan galmo ama in qofku kugu qanciyo in aad samayso galmo inkastoo adigu aad tidhi maya. Waxay ahaan karaan waxyaabo qof kale kugu sameeyay ama qofkani kugu khasbayo inaad samayso. Waa sharci daro in qof loo gaysto dhibaato galmo, xitaa gudaha guur. Qofka taas sameeya waxa uu muteysan karaa xarig.

Gudniinka gabdhaha iyo gudniinka wiilasha

Gudniinka gabdhaha micnahiisu waa in la jaro ama la dhaawaco qaybo ka mid ah kintirka iyo faruuryaha ibta gabdhaha iyo haweenka. Gudniinka gabdhaha waxa uu ku saabsanyahay in la kantaroolo haweenayda galmadeeda oo sharci daro ayay ka tahay gudaha Iswiidhan. Gudniinka gabdhaha waxaa badanaaba lagu sameeyaa carruur u dhaxaysa afar iyo 14 jir. Gudniinka gabdhaha wuxuu ka jiraa meelo ay ka mid tahay dalalka ku yaalla Afrika iyo Bariga dhexe.

Gudniinka carruurta leh qoore micnaheedu waa in maqaarka xaga hore ee qooraha la jaro. Sababtu waxay ahaan kartaa diiniyan, dhaqan ama sabab caafimaad, tusaale ahaan haddii maqaarka xaga hore ee qooraha uu yahay ciriiri. Gudniinka qooraha sharci ayuu ka yahay gudaha Iswiidhan laakiin waxa keliya ee samayn kara dadka haysta shahaado gaar ah.

Xarunta Qaran ee ka hortagga xadgudubyada la xiriira sharafta iyo cadaadintu waxay haysaa buug yar oo ku saabsan gudniinka gabdhaha iyo haweenka. Buuggan yar waxaa la helayaa isagoo dhowr luqadood ah.

Tusaale: Layla waxaa lagu sameeyay gudniinka gabdhaha oo waxay caawimaad ka heshay rugta qaabilaadda dhalinyarada

Layla waa 16 jir oo waxay tagtay qaabilaada dhalinyarada. Iyadu waxa ay wakhti dheer lahayd dareen hafeefad ah marka ay kaajayso oo badanaaba waxaa ay leedahay caabuqyo. Ummuliso Xamiida ayaa baartay Layla oo aragtay in iyada loo gaystay gudniinka gabdhaha. Ummulisadu waxay tiri "Anigu waan arkaa in lagu guday" oo waxay u sharraxday in taasi ay sabab u tahay dhibaatadan. Layla hoos ayay eegtay oo tidhi "Anigu waxaan u malaynayay in dadka oo dhan ay sidayda oo kale u eegyihiin". Ummulisadu waxay uga sheekaysay qaabilaad samaysa qalitaannada lagu furayo marinka siilka. Tani waxay ahaan kartaa qaab lagu joojinayo dhibaatadan. Layla waxay u sheegtay inay ka soo fikiri doonto arrintan. Waxaa iyada la siiyay macluumaad oo waxay sameeyeen ballanta wakhti cusub oo la wada hadlo.

Maxaad u malaynaysaa in Layla ka fikirayso ka dib booqashada ay joogtay qaabilaada dhalinyarada?

Macluumaad noocee ah ayaad u malaynaysaa inay iyadu u baahantahay?

Ka ganacsiga dadka

Ka ganacsiga dadka waa in gaadiid dadka lagaga qaado meel oo la geeyo meel kale si dad kale ay uga faa'ideystaan qaabab kala duwan. Dadka waxaa looga faa'iideysan karaa iyadoo lagu khasbay inay galmo lacag ku qaataan, shaqeeyaan, galaan dembi ama bixiyaan xubnaha jirka.

Dadka qaarkood waxaa lagu khiyaameeyaa inay tagaan meelo kale iyagoo rajo ka qaba inay helaan shaqo iyo mustaqbal sii fiicnaada. Qaar kalena waxaa lagu khasbaa hanjabaad iyo dagaal inay raacaan. Ka ganacsiga dadka waa nooc ah adoonsi. Ka ganacsiga dadka waa dembi. Dhammaan kuwa ka qaybqaata in dad lagu dhibey ka ganacsiga dadka waxaa lagu xukumi karaa ilaa iyo afar sano oo xarig ah gudaha Iswiidhan.

Xaqa loo leeyahay aqoon iyo macluumaad

Si loo awoodo in aynu u yeelano go'aanka jirkeena, jinsigeena iyo caafimaadkeena waxaynu u baahanahay aqoon iyo macluumaad. Tani waxay khuseysaa dadka oo dhan, carruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Wax micno ah ma samaynayso haddii aynu wax aragno ama maqalno, haddii aynu wax akhrino ama aanaynu akhrin. Waxaynu dhammaanteen xaq u leenahay macluumaadka ku saabsan galmada iyo caafimaadka taranka (SRHR) oo aynu fahmi karno. Tani micnaheedu waa in kuwa bixiya daryeelka caafimaadka – kalkaaliyayaasha caafimaadka, dhakhtarada iyo ummulisooyinka – ay tahay inay macluumaadka ku bixiyaan qaab qofka raadsaday daryeel uu fahmi karo.

Adigu waxaad xaq u yeellan kartaa turjubaan si aad u fahanto macluumaadka daryeelka bukaanka. Adigu waxaad xaq u leedahay inaad fahanto waxa shaqaaluhu sheegayaan iyo in shaqaaluhu fahmaan adiga. Turjubaannada waxaa waajib ku ah xog qarinta sirta oo ma loo oggola inay qof kale kala hadlaan wixii la sheegay.

Qaabab kale oo loo heli karo macluumaad waxay ahaan kartaa in laga akhriyo intarnatka. Waxaa jira macluumaad aad u fiican kuna saabsan caafimaadka iyo jirka.

Deeqsiinta xubnaha

Iswiidhan waxaa sanad kasto 700 oo qof oo aad uu jiran helaan hal xubin ama xubno, sida kelli ama wadno, jirka lagu tallaayo.

Isla markaana deeqsiinta xubanaha kuma filno. Dad badan ayaa dhinto maadama ee sugayaan xubno jirka loogu talaalo. Waxaana lala la' yahay xubno.

Marka aad dhimato waxaad xaq u lee dahay in aad go'aamiso waxa lagu sameeynaayo xubanhaada jireed. Waxaad dooran kartaa:

  • In aadan deeq ku dhiibin xubnahaada
  • In aad deeq ku dhiibto xubanaha in qof kale lagu talaalo ama
  • In aad deeq ku dhiibto xubanaha in qof kale lagu talaalo iyo ujeedo caafimaad.

Haddii aadan qooyskaada uga waramin in aad deeq ku bixiso xubanahaada, ayaga (qoyska) ayaa go'aan ka gaari karo marka aad dhimato.