Xuquuqda iyo waajibaadka dhinaca kulanka lala yeesho daryeelka caafimaadka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/12-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay xuquuqaha iyo waajibaadka dhinaca kulanka lala yeesho daryeelka caafimaadka. Marka aad xiriir la yeelato daryeelka caafimaadka iyo bukaanka waxaa fiicnaan karta inaad ogaato xaqa aad leedahay bukaan socod ahaan. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan xuquuqaha kala duwan ee aad leedahay markaad la kulmayso daryeelka bukaanka. Waxaad wax dheeraad ah ka ogaan doontaa damaanad qaadka daryeelka caafimaadka, xaddaynta heerka harashka iyo ku xanuun ku qornaan. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan sharciga ilaalinta cudurrada faafa iyo waajibaadka ku saaran haddii aad qabto cudur la kala qaado oo halis ah.

Dhakhtar la fadhiya oo bukaan socod kula hadlaya qaabilaada dhakhtarka.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaadka ugu fiican ee suurtagal ah jir ahaan iyo maskax ahaan. Xaqa loo leeyahay caafimaad waxay muhiim u tahay in la helo xuquuqaha kale inay rumoobaan, tusaale ahaan in la awoodo in la shaqeeyo ama la aado iskoolka. Xuquuqo kale ayaa raad ku yeesha xitaa xaqa loo leeyahay caafimaad. Haddii tusaale ahaan aanad haysan meel aad ku noolaato ama haddii aanad haysan shaqo waxay taasi raad ku yeelataa sida aad dareemayso.

Dadka oo dhan waxay sidoo kale xaq u leeyihiin daryeel bukaan. Qofka baahi deg-deg ah u qaba daryeel waa inuu ugu horeyn helaa daryeel. Kuwa ka shaqeeya daryeelka bukaanka waa inay ixtiraamaan dadka oo dhan qiimahooda isku midka ah. Adigu waxaad xaq u leedahay in shaqaalaha daryeelka caafimaadka ay kugu qaabilaan qaab xirfad iyo ixtiraam leh. Tani waxay khuseysaa iyadoo aan ku xirnayn waxa jinsigaagu yahay, shakhsiyadaada jinsi, qawmiyad, luqad, dookha galmo, diin ama waxbarasho. Laakiin xaq ma u lihid inaad shuruud ka dhigto in ay ku daryeelaan shaqaale leh jinsi, ka soo jeedid qawmiyad, diin cayiman ama wax la mid ah.

Xuquuqda xilliga kulan lala yeelanayo daryeelka caafimaadka

  • Bukaan socod ahaan waxaad xaq u leedahay in laguu qaabilo qaab xirfad leh. Waa inaad mar walba hesho fursad aad keligii kaga sheekayso dhibaatooyinkaaga. Waa adiga qofka jirkaaga u dareemaya sida ugu fiican.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad daryeel caafimaad hesho gudaha wakhti macquul ah. Tani waxaa lagu magacaabaa damaanad qaadka daryeelka caafimaadka.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad ka qaybqaadasho ku lahaato daryeelkaaga caafimaadka. Shaqaaluhu waa inay, ilaa inta aad suurtagal ah, ay si wadajir ah adiga kuula qaabeeyaan oo fuliyaan daryeelka caafimaadka iyadoo laga eegayo dhinaca rabitaankaaga iyo baahidaada caafimaad ahaan.
  • Carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaadasho ku lahaadaan daryeelkooda caafimaadka iyo daweyntooda. Shaqaalaha caafimaadka waa inay weydiiyaan waxa ilmaha fikradoodu tahay oo baaritaanka ama daweynta ku haboonaysiiyaan ilaa sida ugu badan ee suurtagal ah. Ilmuhu waa inuu tusaale ahaan awooddo joojinta baaritaan ama daweyn si loo nasto ama in dib la isugu dayo mar kale. Ilmuhu waa inuu xitaa ka mid ahaado oo oo go'aamiyo sida dawooyinka loo qaadanayo ama sida baaritaan loo samayn doono marka ay jiraan dhowr qaab oo si isku mid ah u fiican.
  • Dhammaan haweenka iyo kuwa uurka leh waxay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka hooyada oo bilaa kharash ah. Dhinaca daryeelka caafimaadka hooyada waxaa ka shaqeeya ummulisooyin. Iyagu waxay ka caawiyaan daryeelka caafimaadka oo kantaroolaan inta uurku jiro.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad akhrido diiwaankaaga bukaan socodka. Waa halkaas meesha shaqaalaha caafimaadka ay ku qoraan wax walba oo ku saabsan dhibaatooyinkaaga iyo daryeelkaaga caafimaadka. Gal 1177 Hagida Daryeelka si aad u akhrisato diiwaankaaga bukaan socodka.
  • Shaqaalaha caafimaadka waxaa waajib ku ah xog qarinta sirta. Xog qarinta sirta micnaheedu waa in cidnaba gudaha daryeelka caafimaadka aan loo oggolayn inay dhiibaan macluumaad kugu saabsan iyadoo adigu aanad oggolaan taas. Laakiin waxaa jira waxyaabo ka reeban. Mararka qaarkood tusaale ahaan booliiska, Qasnadda Caymiska ama adeegga arrimaha bulshada waxay heli karaan macluumaad kugu saabsan iyadoo adigu aanad oggolaan taas.
  • Waxaad xaq u yeelan kartaa turjubaan. Sheeg ka hor booqashadaada haddii aad u baahantahay turjubaan oo markaas daryeelka bukaanka ayaa badanaaba diyaarinaya taas. Xitaa turjubaanada waxaa waajib ku ah xog qarinta sirta. Carruurta iyo qaraabadu maaha inay turjumaan.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad daryeel caafimaad ka raadsato rug caafimaad oo kasta oo ku taala gudaha gobolkan. Waxa aad xitaa xaq u leedahay inaad baddasho rugta caafimaadka. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad raadsato daryeel takhasus ah oo ku yaala gobolo kale oo aan ahayn kaaga.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad hesho talobixin bilaash ah oo ku saabsan ilmo iska soo tuurista iyo alaabta lagaga hortago dhalmada.
  • Waxaad xaq u leedhay inaad ka cabaato daryeelka caafimaadka haddii aanad ku qanacsanayn ama haddii qof kuula dhaqmay si xun. La hadal marka hore shaqaalaha rugta caafimaadka ama qaybta aad adigu tagtay. Waxaad xitaa la xiriiri kartaa guddida bukaan socodka ee gobolkaaga si aad u hesho caawimaada dhinaca cabashadaada.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad hesho qalabka caawimaada, tusaale ahaan kursiga dadka aan socon karin iyo qalabka dhegaha, haddii aad u baahato. Way ku kala duwanyihiin degmooyinka iyo gobolada kala duwan inta ay leegtahay lacagta aad bixinayso si loo helo qalab caawimaad. Mararka qaarkood waa bilaash gebi ahaanba mararka qaarkoodna waa inaad bixisaa khidmad. La hadal rugtaada caafimaadka haddii aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka ogaato qalabka caawimaada.
  • Waxaad xitaa xaq u yeelan kartaa in aad lacag ku hesho safarkan, tusaale ahaan tegitaanka isbitaal, rug caafimaad ama dhakhtarka ilkaha. Waxaa jira qaawaaniin dhinaca nooca safarada aad adigu ku heli karto lacag.

Waa maxay micnaha in shaqaalaha daryeelka bukaanka iyo turjubaanada ay waajib ku tahay xog qarinta sirta? Maxay u tahay muhiim?

Maxay u tahay muhiim in talobixinta dhinaca ilmo iska soo tuurista iyo alaabta lagaga hortago dhalmadu ay bilaash yihiin?

Adiga ma laguu oggola inaad dhiibto dalabyo takoorid ah

Waa muhiim in adigu bukaan socod ahaan ama qof qaraabo ah aad tixgelin u muujiso shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Waa xaaladaada caafimaad waxa go'aaminaysa kuwa ay yihiin shaqaalaha caafimaadka ee daryeeli doona adiga. Adigu xaq ma u lihid inaad dalbato in ay ku daryeelaan shaqaale leh jinsi, ka tirsanaan qowmiyad, diin gaar ah ama wax la mid ah. Haddii aad diido daryeel laga helo shaqaalo gaar ah taas micnaheedu waa inaad diiday daryeelka lagugu casuumay. Laakiin waxaad weli xaq u leedahay inaad daryeel caafimaad ka raadsato daryeel bixiye kale.

Damaanad qaadka daryeelka iyo xadka sare ee kharashka

Ballanqaad daryeel caafimaad

Iswiidhan dadku waxay marar badan waqti dheer sugaan in ay helaan daryeel caafimaad. Si looga hortago sugida waqtiga dheer waxaa la sameeyey wax lagu magacaabo ballanqaad daryeel caafimaad. Ballanqaadka daryeelka caafimaadku waxuu ka tirsan sharciga daryeelka caafimaadka iyo bukaanka. Waxuuna nidaamkaas xaq ku siina in aad daryeel hesho mudo xadidan gudaheed.

Daryeelka caafimaadka asaasiga ah - Haddii aad isku daydo in aad la xiriirto rugaha daryeelka caafimaadka asaasiga ah, waxaa lagu xariiraa isla maalintaas. Taasi micneheedu waxa weeye in aad isla maalintaasba tagto rugta daryeelka caafimaadka ama aad qof ku la hadasho telefoonka. Haddii shaqaalaha rugta daryeelka caafimaadku u arkaan in aad u baahan tahay in aad dakhtar la kulanto, waa in aadan sugin muddo ka badan toddoba maalmood.

Saddex maalmood gudahood waa inaad ku heshaa qiimeyn caafimaad oo laga helo shaqaale caafimaad oo la aqoonsanyahay, tusaale ahaan kalkaaliso caafimaad ama dhakhtar.

Qaabbilaadda takhtarka takhasuska ah - Haddii laguu gudbiyo dakhtar takhasus ah, waa in aadan sugin in ka badan 90 maalmood. Waxaa sidaas oo kale noqoneyso marka aad la xiriirto dakhtarka takhasuska adigoo aan dakhtar ku gudbin.

Daaweynta - Marka uu dakhtarku go'aamiyo in aad u baahan tahay hab daaweyn, sida qalliin, waa in aadan ubahhan in aad sugto mudo ka badan 90 maalmood.

Haddii aad si degdeg ah u xanuusato ma u baahnid inaad sugto. Bukaan socod si degdeg ah u xanuusanaya waa inuu helo daryeel caafimaad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah.

Xadka sare ee kharashka

Xadka sare ee kharashku waxa weeye in xad ugu sarreeya loo sameeyo kharashka lagu bixinayo daryeelka caafimaad iyo daawooyinka.

Xadka sare ee kharashka ee daryeelka caafimaadka micnahiisu waa in adigu aanad u baahnayn inaad bixiso in ka badan lacag cayiman dhinaca daryeelka bukaanka muddo laba iyo tobban bilood ah. Muddadaas laba iyo tobbanka bilood ah waxaa la bilaabaa in la xisaabiyo xilliga booqashadaadi ugu horeysay ee dhinaca daryeelka bukaanka, ma ku xirna goorta inta lagu jiray sannad ee aad samaysay booqashadan. Marka aad bixisay ilaa lacag cayiman ayaad xaq u leedahay kaarka bilaashka. Kaarka bilaashka wuxuu ansax yahay ka dib inta ka harsan muddada laba iyo tobbanka bilood ah. Inta lagu jiro muddadaas waxba ma ka bixinaysid booqashooyinkaaga.

Xadka sare ee kharashka ee daryeelka caafimaadka waa: 1 400 karoon.

Ka ilaalinta kharashka badan ee dawo micnaheedu waa in adigu aanad u baahanayn inaad bixiso wax ka badan cadad lacag ah dhinaca dawooyin dhakhtar qoray oo badan inta lagu jiro muddo ah laba iyo toban bilood. Muddadaas laba iyo tobbanka bilood ah waxaa la bilaabaa in la xisaabiyo marki ugu horreysay ee aad iibsatay dawo. Marka aad bixisay ilaa lacag cayiman ma u baahnid inaad wax dheeraad ah bixiso inta ka hartay muddadaas laba iyo tobbanka bilood ah.

Xadka sare ee kharashka dawada waa: 2 850 karoon.

Caruurta qooyska waxaa dhamantood loogu xisaaba hal kaar (xadka sare ee kharashka). Taasi waxeey khuseeysaa Xadka sare ee kharashka daawooyinka iyo daryeelkaba.

Daawada carruurta ka yar 18 sano waa lacag la'aan.

Sharciga difaaca cudurrada faafa

Waxaa Iswiidhan ka jira sharci lagu magacaabo sharciga difaaca cudurrada faafa. Sharcigu wuaxaa loogu tala galay si looga hortago faafidda cudurrada halista ah oo la is qaadsiiyo.Sharcigu waxuu ku saabsanyahay waajibaad iyo xuquuq oo uu leeyahay qofka eey ku dhacaan cudurrada qaar, sida HIV, kalameediya, tiibisho, cudur faafa oo mindhicirrada ku dhaca (salmonella), cagaarshowga lees qaadsiiyo ama jabto.

Sharciga difaaca cudurrada faafa waxaa ku qoran liiska cudurrada. Qiyaastii waa 60 cudur. Cudurradaasina waxaa waajib ah in qofka qabo uu sheego.

Taas micneheedu waxa weeye in aad la xiriirto rugta daryeelka caafimaadka (ku wargeliso) haddii aad u maleyneyso in aad qaadday cudur noocaas ah. Waxaana waajib kugu ah in aad sheegto magaca/magacyada qofka/ dadka aad ka qaadsiisay cudurka. Dhawr ka mid ah cudurrada ku qoran sharciga difaaca cudurrada faafa waxaa la isku qaadsiiyaa galmada.

Haddii aad qabto cudur noocaas ah, dhammaan baaritaanada, daryeelka iyo daawooyinkuba waa lacag la'aan. Waxaa kaloo lagaa caawinaa in aad la xiriirto dadkii aad cudurka in aad qaadsiisay laga yaabo.

Maxay u tahay muhiim in aanay kharash lacag ah yeelan in la baaro qof qaba cudur la kala qaado?

Ku maqnaanshaha xanuun

Adigu waxaad xaq u yeelan kartaa gunno lacag ah haddii aad xanuusato oo aanad shaqayn karin, raadin karin shaqo ama aanad daryeeli karin ilmahaaga. Tani waxaa lagu magacaabaa gunnada bukaanka. Gunnada bukaanku waxay magdhabid u tahay lacagta aad heli lahayd haddii tusaale ahaan aad shaqayn jirtay, raadinaysay shaqo ama daryeelaysay ilmahaaga. Adigaaga doonaya inaad hesho gunnada bukaanka waa inaad wargelinta jirada samayso oo gunnada bukaanka ka codsato Qasnadda Caymiska. Adigaaga wax ku barta taageerada waxbarasho waxaad ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska inaad haysato taageeradaada waxbarasho inta lagu jiro wakhtiga aad xanuusanayso.

Nooca qawaaniinta ansaxa ah dhinac gunnada bukaanka way kala duwanyihiin oo ku xirantahay haddii aad tahay bilaa shaqo, shaqaale, leedahay shirkad gaar kuu ah, ku jirto fasax waalidnimo ama wax barato.

Marka aad codsato gunnada bukaanka waa inaad dhiibto caddayn dhakhtar oo muujinaysa sababta aanad u shaqayn karin, u raadin karin shaqo ama u daryeeli karin ilmahaaga. Waa caadi in dhakhtarku caddaynta dhakhtar si elaktaroonig ah ugu diro Qasnadda Caymiska ka dib booqashadaada dhakhtarka. Adigu waxaad mar walba weydiin kartaa dhakhtarkaaga sida taasi u dhacdo.

Adigu waxaad gunnada bukaanka ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka. Boggan intarnatka ayaad qaabab kala duwan uga codsan kartaa. Waxa kale oo aad ka helaysaa foomamka kuwaas oo aad daabici karto oo boosta ugu diri karto Qasnadda Caymiska.

SGI

Inta ay leegtahay gunnada bukaanka ee aad helaysaa waxay ku salaysantahay SGI-gaaga, dakhliga ku salaysan gunnada bukaanka. SGI-gaaga wuxuu ku xiranyahay inta ay leegtahay lacagta aad shaqayso ama aad u hesho kaalmo ahaan. Adigu ma u baahnid inaad codsato inaad hesho SGI. Qasnadda Caymiska ayaa qiimeysa oo go'aamisa SGI-gaaga xilliga marka aad codsato in aad hesho gunnada bukaanka.

Haddii aad tahay shaqaale oo aad xanuusato waa inaad wargelinta jirada siiso shaqo-bixiyahaaga. 14-ka maalmood ee ugu horeeya shaqo-bixiyahaaga ayaa bixinayaa mushahaarada bukaanka oo ku siinaya. Mushahaarada bukaanka waa 80% ah mushahaaradaada caadiga ah. Shaqo-bixiyahaaga ayaa ka jara mushahaaradaada bukaanka waxa lagu magacaabo maalinta ugu horeysa ee jirada ee bilaa lacag qofku yahay. Shaqo-bixiyahaagu wuxuu codsan karaa caddayn dhakhtar taas oo muujinaysa sababta adigu aanad u shaqayn karin, laakiin badanaaba wax caddayn ah ma loo baahna toddobada maalmood ee ugu horeeya ee aad jirantahay.

Ka dib maalinta 14-aad ayaad gunnada bukaanka ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska. Tani sida ugu fudud waxaad uga samaynaysaa Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka.

Shaqo-raadiye ahaan xitaa waxaad xaq u yeelan kartaa gunada bukaanka haddii aad xanuusato oo sidaas darteed aanad raadin karin ama geli karin shaqo. Shaqo-raadiye ahaan waxaad xaq u yeelan kartaa gunnada bukaanka isla bilowga wakhtiga xanuunka. Qofku waa inuu wargelinta xanuunka ka sameeeyaa Qasnadda Caymiska qaybta adeegeeda qofku iskii u sameeyo.

Adigu waa inaad Xafiiska Shaqada ka diiwaan-gashaneed inaad ahayd shaqo-raadiye si aad xaqu ugu yeelato gunada bukaanka ee shaqo-raadiyaha.

Haddii aad xanuusato oo aanad daryeeli karin ilmahaaga waxaad hakad gelin kartaa gunnadaada waalidnimo oo taas baddalkeeda aad heli kartaa gunnada bukaanka. Adigu waxaad xaq u yeelan kartaa gunnada bukaanka haddii

  • adigu aad xanuusanayso oo qof kale daryeelayo ilmaha
  • adigu aad leedahay dakhli ku salaysan gunnada bukaanka (SGI).

Adigu waxaad heli kartaa gunno bukaan oo ah boqolkiiba 25, boqolkiiba 50, boqolkiiba 75 ama boqolkiiba 100.

Adigaaga leh shirkad gaar kuu ah ee xanuusaday waxaad xitaa xaq u yeelan kartaa gunnada bukaanka. Nooca qawaaniinta ansaxa ah dhinaca gunnada bukaanka way kala duwanyihiin kuna xirantahay nooca shirkadda aad leedahay, tusaale ahaan shirkad saamilay ama shirkad gaar loo leeyahay.

Gunnada hawlaha waa gunno loogu talogalay adigaaga u dhaxeeya 19–29 jir oo sababtoo ah jiro, dhaawac ama hoos u dhac awoodda laxaadka ah ay u badantahay in aanad awoodi doonin inaad shaqayso wakhti buuxi muddo ah ugu yaraan hal sano. Waxaad xitaa gunnada hawlaha heli kartaa haddii aad u baahantahay inaad sii wadato tegitaanka iskoolkaaga sababtoo ah jiro ama hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Lacagta bukaanka waa guno taas oo aad heli karto haddii aad u dhaxayso 19 iyo 64 sano oo aad leedahay xanuun ama hoos u dhac awooda ah taas oo keenay in weligaa aanad awoodi doonin inaad shaqayso, iminka iyo mustaqbalka labadaba.