Waa maxay caafimaad?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 28 10 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay caafimaadka. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan caafimaadka jir ahaan iyo maskax ahaan iyo waxa raad ku yeesha caafimaadkaaga. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan waxyeelada raadka khamriga, mukhaadaraadka iyo tobaakada iyo raadadka fiican ee hurdada, tababar iyo cunto fiican.

Waxaad akhrin doontaa xitaa wixii ku saabsan culeys cadaadis ah iyo dhacdooyinka naxdinta leh iyo waxa aad sameyn karto si aad u hesho caafimaad sii fiicnaada.

  • Xaqa loo leeyahay caafimaad iyo daryeelka bukaanka

    Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaadka ugu fiican ee suurtagal ah jir ahaan iyo maskax ahaan. Xaqa loo leeyahay caafimaad waxay muhiim u tahay in la helo xuquuqaha kale inay rumoobaan, tusaale ahaan in la awoodo in la shaqeeyo ama la aado iskoolka. Xuquuqo kale ayaa raad ku yeesha xitaa xaqa loo leeyahay caafimaad. Haddii tusaale ahaan aanad haysan meel aad ku noolaato ama haddii aanad haysan shaqo waxay taasi raad ku yeelataa sida aad dareemayso.

    Dadka oo dhan waxay sidoo kale xaq u leeyihiin daryeel bukaan. Qofka baahi deg-deg ah u qaba daryeel waa inuu ugu horeyn helaa daryeel. Kuwa ka shaqeeya daryeelka bukaanka waa inay ixtiraamaan dadka oo dhan qiimahooda isku midka ah. Adigu waxaad xaq u leedahay in shaqaalaha daryeelka caafimaadka ay kugu qaabilaan qaab xirfad iyo ixtiraam leh. Tani waxay khuseysaa iyadoo aan ku xirnayn waxa jinsigaagu yahay, shakhsiyadaada jinsi, qawmiyad, luqad, dookha galmo, diin ama waxbarasho. Laakiin xaq ma u lihid inaad shuruud ka dhigto in ay ku daryeelaan shaqaale leh jinsi, ka soo jeedid qawmiyad, diin cayiman ama wax la mid ah.

Nashqad leh wareegyo, qaabab iyo qoraal sharraxaya caafimaadka.

Sawirkan wuxuu muujinayaa in caafimaadkaaga ay raad ku yeeshaan waxyaabo badan oo kala duwan, waxa lagu magacaabo arrimaha go'aamiya. Dhexda waxaa ku jira da'da, jinsiga iyo dhaxalka. Waa arrimaha aad u adag in raad lagu yeesho ama adigu aanad haba yaraatee raad ku yeellan karin. Halka ugu dhow dhexdana waxaa ku jira xiriiryada iyo shabakada kuwaas oo aad muhiim ugu ah sida aad dareemayso. Halka ka sii durugsana waxaa ku jira arrimaha sida caadooyinka cuntada, caadooyinka dhaqdhaqaaqa iyo caadooyinka tobaakada kuwaas oo sidoo kale muhiim ah oo ay fududahay in raad lagu yeesho.

Caafimaadka jir ahaan iyo maskax ahaan

In la lahaado caafimaad fiican micnaheedu waa in la dareemo wanaag jir ahaan iyo maskax ahaan labadaba. Caafimaad jir ahaan fiican micnahiisu waa in jirku dareemayo wanaag. Haddii aad cunto raaashin fiican, dhaqdhaqaaq samayso si joogto ah, in kugu filan seexato oo iska ilaaliso tobaakada, khamriga iyo daroogada sidaasi waxay xoojinaysaa difaaca jirkaaga oo yaraynaysaa khatarta dhanka cudurada iyo dhibaatooyinka.

In la lahaado caafimaad fiican maskaxiyan micnaheedu waa inaad leedahay isku dheeli tir u dhaxeeya dareemadaada fiican iyo kuwa xun. Tani micnaheedu waa in xitaa aad ku qanacsantahay nolosha iyo inaad xiriiryo fiican la leedahay qoyska, saaxiibada ama dadka kale ee aad taqaano. Caafimaadkaaga maskax ahaan iyo jir ahaan way isa saameeyaan. Haddii aad si xun dareemayso maskax ahaan badanaaba waxaa aad leedahay xitaa xanuun jirkana ah.

Sawir farshaxan oo ah laba dhakhtar, dembiil khudrad ah, dad lugeynaya, qof indhaha isku qabtay, mid hurda iyo laba laabta isa saaray.

Sidee ayaad u heli kartaa caafimaad jir ahaan oo sii fiicnaada?

Halkan waxaad ka helaysaa talooyin ku saabsan waxa adigu aad samayn karto si caafimaadkaaga jir ahaan u sii fiicnaado.

  • Cadeeysi fiican ee cunto cunida

    Waxa aad cunto iyo waxa aad cabto waxeey mecno weeyn ugu fadhiyaan caafimaadka iyo sida aad dareeysantahay. Wanaajinta cunto cunida iyo idhaqdhaqaaqa waxeey yareenaayaan khatarta helida cuduro badan, oo ka mid yihiin cudurada wadnaha iyo xiddidada, cudurka sokorrowga, kansarka iyo xanuunyo maskaxeed.

    Jirka waxuu uu baahnyahay maadooyin kala duwan. Si aad u hesho dhammaan maaddooyinka jirku u baahan yahay waxaa muhiim ah in aad cunto cuntooyin kala duwan. Haddii aad cunto quraacda, qadada iyo cashada waqtiyo go'an, waxaa fududaaneeyso in aad cunto in kugu filan.

  • Talo oo ku saabsan cuntada u fiican caafimaadka

    Hey'adda arrimaha raashinka (Livsmedelsverket) waa hwy'ad dowladeed oo ka shaqeysa arrimaha la xiriira cuntada. Hey'adda arrimaha raashinka waxaay ku siineeysaa talooyin badan oo ku saabsan cuntada u wanaagsan caafimaadka, tusaale ahaan:

    • Waxaad badsataa oo cuntaa khudaarta iyo cagaarka. Dooro khudradda waaweyn iyo kuwa salka leh, kaabashka nuucyadiisa kala duwan, digir iyo basal.
    • Waxaad cuntaa raashinka laga sameeyey daqiiqda firida qabadinka oo qalkii lagu ridqay (fullkorn) markii aad cuneeyso rootiga, baastada, bariska, koonfelegeska iyo firi qabadin (gryn).
    • Cun mallaayga ama kallunka marar badan, qiyaastii labo illaa saddex mar toddobaadkiiba. Isku dheelli tir cunto subag leh iyo mid aanan laheyn waxaadna doorataa cuntada aan la bacriminin.
    • Dooro saliidyo faa'iido leh dhanka cunto samaynta, tusaale ahaan saliidda miraha laga sameeyay ama saliid saytuunka.

    Faytamiin D waa faytamiin muhiim ah taas oo aynu ka helno raashinka iyo in aynu joogno cadceeda. Dadka wax badan ku jira gudaha guriga, dadka maqaarkoodu madowyahay iyo dadka aan cunin kaluunka waxay u baahan karaan kordhin dheeraad ah oo ah faytamiin D, gaar ahaan xilliga jiilaalka. Carruurta ka yar laba sano iyo dadka ka weyn 75 jir waa inay cunaan faytamiin D. Waxaa laga helaa oo laga iibsan karaa farmasiga. Carruurta ah ilaa iyo laba sano waxay bilaash kaga helaan Xarunta daryeelka carruurta.

  • Calaamadda daloolka furuhu

    Dukaamada cuntada waxaa yaal cuntooyin ay ku dhegsan yihiin sawir u eg daloolka furaha. Waxaa cuntada noocaas ah ku yar dufanka, sonkorta iyo cusbada. Waxaana ku badan maaddada fiber marka la barbar dhigo cuntooyinka aan calaamaddas lahayn. Hey'adda arrimaha raashinka waxey talo ku bixineysaa cunto eey baakadahooda ku sawirantahay duleelka furaha.

    Yaree cunitaanka nacnaca, jibista, buskudyada, jukulaatada iyo caadooyinka cunto ee la midka ah. Haddii aad cunto wax badan oo cuntada noocaas ah waxaa kordhaysa khatarta in uu kordho miisaankaagu. Haddii miisaankaagu badanyahay waxa kordhaya khatarta dhinaca cudurada.

  • Talooyin ku socdo caruurta

    Caruurta waxeey uubahan yihiin in ee cunta nafaqo leh ku cunaan xilliyo go'an. Si ay si six ah ugu koraan oo ugu weynaadaan.

    Dhallanka cuntada ugu fiican waa caanaha-hooyada (caanaha naaska) ama caanaha ama caanaha loo qaso caruurta yar. Rugta daryeelka caruurta (BVC) waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan cunto caruurta uu wanaagsan.

  • Dhaqdhaqaaqa iyo tababarka

    Jirkeenu wuxuu u samaysanyahay inuu dhaqdhaqaaqo. Tani waxay khuseysa dadka waayeelka ah iyo dhalinyarada labadaba. Waxaa jira raadad badan oo fiican oo ay leedahay in si dheeraad ah loo tababarto oo la yareeyo fadhiga iyo dhaqdhaqaaq la'aanta. Adigu waxaad dareemi doontaa caafimaad sii fiicnaada oo kordhin doontaa fursadahaaga inaad noloshaadu dheeraato haddii aad firfircoontahay jir ahaan. Cuduro iyo dhibaatooyin badan waxay ku fiicnaan karaan in la tababarto. Tani waxay khafiifin kartaa xanuunka iyo murugada labadaba. Marnaba ma laga habsaamin in la billaabo in la sameeyo tababar.

    Carruurta iyo dhalinyaradu waa inay dhaqdhaqaaq sameeyaan ugu yaraan 60 daqiiqo maalin walba. Xitaa dadka waaweyn waa inay sameeyaan dhaqdhaqaaq maalin walba. Way fiicantahay in tusaale ahaan in si dhakhso ah loo soo lugeeyo 30 daqiiqo shan mar toddobaadkiiba. Way fiicantahay xitaa in tusaale ahaan la dhaanso, cararo ama la tago jiimka. Jirku wuxuu wanaag ku dareemaa in la tababaro muruqyada, weliba laba mar toddobaadkiiba. Waa muhiim in xitaa la tababaro dheeli-tirka, gaar ahaan dhanka dadka ka weyn 65 jir.

  • Hurdada

    Waa muhiim in aad hesho hurdo wanaagsan si aad u dareeynto ficnaansho. Qofka weyn wuxuu u baahan yahay lix ilaa sagaal saacadood afar iyo laabatankii saacba. Caruurta iyo dhalinyarada waxay u baahan yihiin sacoodooyin intaas ka badan.

    Haddii ay kugu adagtahay inaad seexato waxaa sabab u ahaan karta waxyaabo kala duwan, tusaale ahaan sigaar cabista, khamriga, khuuro, welwel ama cadaadis.

    Adigu waxaad heli kartaa hurdo fiican haddii qolka aad seexataa yahay mugdi, bilaa sanqar iyo qabow dabacsan. Waxaa kale oo sii fududaan karta in si fiican loo seexdo haddii aad iska ilaaliso inaad wax cunto si toos ah ka hor intaanad jiifsan. Haddii aad jiifsato oo kacdo qiyaastii wakhtiyo isku mid ah markaas waxaa xitaa sii fududaan karta in la helo hurdo fiican. Tababaryada dabacsanaanta waxay xitaa caawin karaan dhibaatooyinka hurdada.

    Haddii dhibaatooyinka hurdadaada ay socdaan wakhti dheer waxaa fiican in la raadsado daryeel.

Khamriga, daroogada iyo tobaakada

In la cabo khamri oo la isticmaalo tobaako iyo daroogo waxay waxyeello u leedahay jirkaaga. Waxaa intaas sii dheer in alaabtaasi ay yihiin waxyaabo ay adagtahay in la iska daayo.

Sida ku cad qaraarka carruurta waxay dhammaan carruurtu xaq u leeyihiin inay helaan caafimaad fiican iyo inay ku koraan bilaa daroogo. Waa dadka waaweyn mas'uuliyadooda inay carruurta ka ilaaliyaan inay iyagu laf ahaantoodu isticmaalaan ama ku koraan meel ay ka jirto tobaako, khamri iyo daroogo.

  • Khamri

    Qofka doonaya inuu khamri ka iibsado gudaha Iswiidhan waa inuu buuxiyay 20 jir. Khamriga waxaa lagu iibiyaa Systembolaget, taas oo ay iska leedahay dawladda Iswiidhan. Cabbitaanada ay ku jiraan wax yar oo khamri ah, tusaale ahaan noocyada biirka qaarkood iyo sharaabka tufaaxa, waxaa xitaa lagu iibiyaa dukaamada raashinka. Si loo iibsado cabbitaanada ay ku jiraan wax yar oo khamri ah waa inaad ahaato 18 jir. Adigu waa inaad xitaa ahaato 18 sano si aad khamri uga dalban karto maqaaxi cunto. Waa mamnuuc in khamri laga iibiyo dadka ka yar 20 jir.

    In mudo dheer la cabo khamriga waxeey keeni kartaa xanuunka niyad-jibka, walwal iyo hurdo la'an. Haddii aad khamri badan cabto waxaad halis ugu jirtaa in aad noqoto qof aan marnaba ka maarmin. Waxaa kaloo khatar ugu jirtaa in ay kuugu dhacaan cudurro ama in ee ku soo gaaraan dhaawacyo.

  • Maandooriye

    Iswiidhan waxaa ka mamnuuc ah maandooriyayaasha dhamaantood. Waa mamnuuc in maandooriye la gado iyo in la iibsado. Sido kale waa mamnuc in qofka maandooriye si gaar ah u isticmaalo. Ciqaabta dembiyada maandooriyayaashu aad ayey u adag tahay oo badanaa waxay keentaa xabsi.

    Inta badanaa aad ayey u adag tahay in uu qofku iskiis isaga dhaafo isticmaalka maandooriyaha. Dadka badankood ee aan joojin karin isticmaalka maandooriyaha waxeey uu baahan yihiin caawinaad joojin uga baahan yihiin shaqaalaha daryeelka.

    Daroogada ugu caadisan gudaha Iswiidhan waa kaanabis (xashiishad, maariwaana). Waxa kale oo jira tusaale ahaan kookayn, ektasii, amfatamiin iyo hiirowiin. Qaadku waa daroogo.

  • Tobaakada waxaa ku jira waxyaabo ah nikotiin

    Sigaarka

    Sigaar cabistu waxay keeni kartaa cuduro badan oo keentaa in dadku dhinto wakhti ka horeeya markay dhiman lahaayeen haddii aanay sigaar cabbi lahayn. Kaansarka, cudurada sambabada, cudurada wadnaha iyo xididada iyo nabarka caloosha waa dhowr ka mid ah cudurada kugu dhici kara marka aad sigaar cabto. Marka aad qol isku mid ah la joogtid qof sigaar cabba waxaad neefsanaysaa qiiq. Tani waxaa lagu magacaabaa sigaar cabista dadban. Sigaar cabbista dadban waxay keentaa in adigu aad yeellan karto cuduro la mid ah haddii adiga laf ahaantaada aad cabbi lahayd sigaar.

    Adigu waa inaad ahaato 18 sano si aad u iibsato sigaar, buuriga isnuus iyo alaabta kale ee ay ku jirto nikotiin.

    Badeecadda biyaha

    Si la mid ah qiiqa sigaarka ayaa qiiqa badeecadaha biyaha ay ku jiraan maadooyin sun ah. Qiiqa ka soo baxa badeecadaha biyaha waa wax adag in la iska daayo oo waxay sababi karaan kansar iyo cudurada sambabada. Maadaama tobaakada loo isticmaalo badeecada biyaha ay macaantahay waxay dad badan aaminsanyihiin in waxyeelladeedu yartahay, laakiin sidaas maaha.

    Tubaakada afka

    Tubaakada afka waa tubaako la galiyo faruurta hoosteed. Tubaakada afka waxeey afka gaarsiinta kartaa cuduro iyo dhaawacyo. Waxeeyna sababi kartaa cudurka kansarka.

    Sigaarka nalka

    Sigaarka nalka waa sigaar koronto oo ka kooban halka afka la saaro, beetari, qiiq sameeye iyo dareere qiiq ah. Waa qaab loo qaato nikotiin iyadoo aan la cabbin tobaako. Sigaarka nalka waxaa ku jira dhowr maado kuwaas oo dhaawici kara caafimaadkaaga, tusaale ahaan nikotiin.

    In la cabbo sigaarka nalka waxay raad ku yeellan kartaa marinada neefta, keenaysaa caafimaadka afka oo sii xumaada iyo inay kordhiso khatarta dhanka cudurada wadnaha iyo xididada.

Waxa jirta caawimaad la helo

Haddii aad yeellatay balwad ah khamri ama isticmaasho daroogo waxaad heli kartaa caawimaad. Xitaa adigaaga leh xubin qoys oo yeeshay balwad khamri ama isticmaala daroogo waxaad heli kartaa caawimaad. Adigu waxaad caawimaad ka heli kartaa daryeelka bukaanka ama xafiiska adeega arrimaha bulshada. Adigu waxaad xitaa caawimaad ka heli kartaa qaar ah ururrada samafalka ama kaniisadda Iswiidhan. Adigu waxa kale oo aad wici kartaa oo talobixinta daryeelka bukaanka ka heli kartaa telafoon lambarka 1177.

Haddii aad doonaysid inaad joojisid sigaar cabbista ama buuriga isnuuska waxaad la xiriiri kartaa rugtaada caafimaadka. Adigu waxaad isku deyi kartaa inaad joojiso iyadoo aad isticmaasho balastaryada nikotiinta iyo alaabta kale ee adigu aad ka iibsan kartid farmasiga iyo dukaamada raashinka qaarkood. Waxaa fiican inaad marka hore la hadasho dhakhtarkaaga.

Cadaadiska iyo dhacdooyinka naxdinta leh

Cadaadiska

In loo soo guuro dal cusub waa isbaddal weyn. Laga yaabee inaad ku khasbanayd inaad ka qaxdo dalka aad u dhalatay. Waa caadi in la dareemo welwel, murugo ama cadaadis.

Laakiin cadaadis oo dhan maaha wax xun. Cadaadisku waxa kale oo uu noqon karaa wax fiican. Cadaadis wuxuu keeni karaa awood dheeraad ah oo lagaga baxo xaalado adag. Laakiin cadaadis badan oo wakhti dheer socday wuxuu khatar ku noqon karaa caafimaadkaaga. Haddii aad dareemayso cadaadis waxaa fiican inaad fahamto sababta. Markaas ayaad isku deyi kartaa inaad wax ka baddasho xaaladaada.

Cadaadis badan wuxuu keeni karaa in hurdadaadu xumaato iyo in aad dareento murugo. Adiga waxaa xitaa kugu adkaan karta inaad feejignaato, xusuustu xumaato, dhibaato caloosha ah, madax-xanuun iyo xanuun ah qaybaha kale ee jirka. Cadaadis badan oo jiray wakhti dheer wuxuu keeni karaa niyad jab.

Dhacdooyin naxdin leh

Adigaaga ay ku soo martay ama soo arkay dhacdooyin naxdin leh tusaale ahaan shilyo, dagaal iyo dagaal galmo ama jir ahaan waxaad yeellan kartaa riyooyin cabsi leh, waxaa kugu adkaan karta feejignaanta oo si fudud ayaad u caroon kartaa. Xaaladdan waxaa lagu magacaabaa calaamadaha cadaadiska ee ka dib dhacdo naxdin leh, PTSD. Waa caadi in adigaaga leh PTSD ay dib kuugu soo noqdaan xusuusyo adag oo ah wixii dhacay, waxa lagu magacaabo dib u milicsi. Waxay leedahay dareen ah in adigu aad xaaladdii cabsida lahayd ku jirto mar kale. Marka la helo daryeel sax ah waxaa dad badan oo leh calaamadaha cadaadiska ee ka dib dhacdo naxdin leh way ladnaadaan. La xiriir rug caafimaad haddii ay ku soo mareen dhacdooyin xun oo aanad dareemayn wanaag.

Maaree xusuusyaha adag

In la lahaado xusuusyo adag oo ka yimi tusaale ahaan dagaal ama qax waxay raad ku yeellan karaan caafimaadkaaga. Adiga waxaa kugu adkaan karta feejignaanta oo waxaa kugu adkaan karta hurdada. Way adagtahay tani oo waxay raad ku yeellanaysaa noloshaada maalinlaha ah. Wax adag ayay ahaan kartaa in wax laga baddalo laakiin waxaa jira waxyaabo adigu aad samayn karto:

  • Isku dey inaad la kulanto dad kale.
  • Isku dey inaad jadwal u samayso maalmahaaga. In aad kacdo wakhti isku mid ah maalin walba, iyo inaad cunto quraacda, qadada iyo cashada.
  • Ha daawan filimada ama qaybo filimo oo ay ku jiraan dagaal iyo rabshad dagaal.
  • Ha daawan wararka ka imanaya dalka aad u dhalatay badanaaba iyo gaar ahaan habeenkii.
  • Ha isticmaalin kombiyuutarka ama tiifiiga ka hor intaanad seexan. Markaas waxaa adkaanaysa in la seexdo.
  • Waxa aad ka fikirayso kala hadal qof shaqadiisu tahay in la dhagaysto, tusaale ahaan la taliye ama dhakhtarka cilmi nafsiga. Caawimaad toos isla markiiba ma laga helo, laakiin caawimaad ayay noqon kartaa wakhti ka dib. Adigu ma ilaawaysid, laakiin fikradihii ayaan qaadanayn boos weyn.

Sidee ayaad u fiicnaysiin kartaa caafimaadkaaga jir ahaan?

Waxaa jira waxyaabo badan oo aad keligaa samayn karto si aad u sii fiicnaysiisid. Waa muhiim in la seexdo oo si fiican wax loo cuno oo jir ahaan la firfircoonaado maalin walba.

Adigu waad dareemi kartaa caafimaad daro mararka qaarkood adigoo aan u baahnayn daryeel caafimaad, laakiin haddii aad caafimaad daro dareemaysay wakhti dheer oo ay kugu adagtahay inaad dabarto noloshaada maalinlaha ah, markaas waa inaad raadsato daryeel caafimaad. Haddii aad dareemayso in aanad doonayn inaad noolaato waa khasab in xitaa aad raadsato caawimaad.

  • Samee waxyaabo aad ku dareento wanaag

    Marka aad dareemayso caafimaad daro waxaa la dareemi karaa in wax waliba aanay xiiso lahayn oo ay yihiin bilaa micno. Xitaa haddii ay adagtahay waxaa fiican in la sameeyo waxyaabo iyo in lala kulmo dadka. Waxyaabaha aad horey u jeclayd oo keenay inaad dareento caafimaad.

  • Naftaada sii hurdo ku filan iyo nasasho

    Adigu waxaad ku maarayn kartaa cadaadiska iyo walbahaarka si fiican haddii aad si wanaagsan u seexato. Isku dey inaad soo jeedo oo aad firfircoonaato maalintii iyo inaad seexato habeenkii. Ka fikir inaad is dejisid wax yar ka hor intaanad jiifsan si aad u seexato. Isku dey in aanad ka fikirin waxyaabaha welwelka ku gelinaya marka aad jiifto sariirta.

  • Daryeel jirka

    Sida aad dareemayso jir ahaan waxay raad ku yeelataa sida aad dareemayso maskax ahaan. Waa muhiim inaad cunto raashin nafaqo leh iyo in la sameeyo dhaqdhaqaaq badan. Marka aad samayso dhaqdhaqaaq ee garaaca wadnaha kaco waxaa jirka ku samaysma maado keenta inaad degganaato oo aad ku hesho inaad dareento caafimaad. Ku tababaro bannaanka guriga iyo marka ay tahay iftiin. Waxaad wanaag ku dareemaysaa inaad joogto bannaanka ee iftiinka maalintii. Caadooyin iyo nidaamyadu waxay keenaan inaad si fiican uga bixi karto cadaadiska iyo niyad jabka.

  • Dareenka micno ahaan iyo nidaam

    Waa caadi in la iska ilaaliyo dadka kale marka qofku dareemayo in aanu wanaag dareemayn. Waxaa inay adagtahay loo dareemi karaa in lala kulmo dad kale marka qofku aanu wanaag dareemayn. Waxaynu dhammaanteen doonaa inaynu keli ahaano mararka qaarkood, laakiin maaha taasi inay ahaato wakhti dheer. Markaas ma helaysid taageerada iyo farxada ay dadka kale bixin karaan. Ku xirnaanshaha qoyska iyo saaxiibada, ku xirnaanshaha ururo ama kooxo intarnatka ah waxay kaa caawin kartaa oo kugu taageeri kartaa inaad micno u abuurto nolosha.

Raadso caawimaad

Haddii aad dareemayso inaad maskaxiyan aanad dareemayn wanaag waa inaad la xiriirtaa rugtaada caafimaadka. Iyaga ayaa kaa caawin kara talobixin, taageero iyo wada hadal. Adigu waxaad xitaa heli kartaa dawooyin haddii aad taas u baahato.

Haddii adiga ama qof kale aanaydin doonayn inaad sii noolaataan markaas taaasi waa khatar. Qof doonaya inaanu noolaan waa khasab inuu raadsado caawimaad. Waxaa jira rugo ah qaabilaada degdega ee cilmi nafsiga looguna talogalay dadka waaweyn iyo carruurta iyo dhalinyarada (Qaybta cilmi nafsiga ee carruurta iyo dhalinyarada, BUP). Rugaha qaabilaada degdega ee cilmi nafsiga waxay badanaaba furanyihiin maalintii iyo habeenkii oo dhan, si la mid ah rugaha qaabilaada degdega.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Miyaad ka fikiri kartaa tusaale ah marka cadaadis fiicanyhaya?

    Miyaad ka fikiri kartaa tusaale ah marka cadaadis u xunyahay caafimaadka?

    Miyaad ka fikiri kartaa tusaale ah marka qof caawimaad ka helay daryeelka bukaanka?

    Miyaad ka fikiri kartaa tusaale ah marka qof u baahday caawimaad laakiin aanu helin taas?