Maxaad samayn kartaa adigu si aanad u xanuusan?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22 9 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay waxa adigu aad sameyn karto si aanad u jiran, tusaale ahaan in aad is talaasho iyo inaad tagto baaritaanada iyo kantaroolada joogtada ah. Waxay ku saabsantahay xitaa waxa aad sameyn karto haddii adiga ama qof kale jirado ama dhaawacmo, dhinaca xaaladaha halista ah iyo dhibaatooyinka fudud labadaba ee aad adigu keligaa isku daryeeli kartid guriga. 

Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan anti-bayootikada iyo sababta ay aad muhiim u tahay in aanad isticmaalin anti-bayootika marka aan loo baahnayn.

  • Xaqa loo leeyahay caafimaad iyo daryeelka bukaanka

    Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaadka ugu fiican ee suurtagal ah jir ahaan iyo maskax ahaan. Xaqa loo leeyahay caafimaad waxay muhiim u tahay in la helo xuquuqaha kale inay rumoobaan, tusaale ahaan in la awoodo in la shaqeeyo ama la aado iskoolka. Xuquuqo kale ayaa raad ku yeesha xitaa xaqa loo leeyahay caafimaad. Haddii tusaale ahaan aanad haysan meel aad ku noolaato ama haddii aanad haysan shaqo waxay taasi raad ku yeelataa sida aad dareemayso.

    Dadka oo dhan waxay sidoo kale xaq u leeyihiin daryeel bukaan. Qofka baahi deg-deg ah u qaba daryeel waa inuu ugu horeyn helaa daryeel. Kuwa ka shaqeeya daryeelka bukaanka waa inay ixtiraamaan dadka oo dhan qiimahooda isku midka ah. Adigu waxaad xaq u leedahay in shaqaalaha daryeelka caafimaadka ay kugu qaabilaan qaab xirfad iyo ixtiraam leh. Tani waxay khuseysaa iyadoo aan ku xirnayn waxa jinsigaagu yahay, shakhsiyadaada jinsi, qawmiyad, luqad, dookha galmo, diin ama waxbarasho. Laakiin xaq ma u lihid inaad shuruud ka dhigto in ay ku daryeelaan shaqaale leh jinsi, ka soo jeedid qawmiyad, diin cayiman ama wax la mid ah.

Tallaalka carruurta iyo dadka waaweyn

Carruurta waxaa lagu casuumaa tallaalka loogu talogalay kow iyo toban cudur oo khatar ah. Tallaalka ugu horeeya waxaa lagu bixyaa Xarunta daryeelka carruurta (BVC) marka ilmahu yahay lix toddobaad. Ka hor intaan ilmuhu billaabin iskoolka waxaa tallaalka bixisa Xarunta daryeelka carruurta. Marka ilmuhu sii weynaado waa daryeelka caafimaadka iskoolka kuwa mas'uulka ka ah tallaalyada.

Adigaaga buuxiyay 65 jir, uur leh ama ka tirsan koox kale oo khatar ku jirta waxaad si bilaash ah isaga tallaali kartaa hargabka xun sanad walba.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Intarnatka mararka qaarkood waxaa lagu faafiyaa macluumaad khaldan oo ah in tallaalku leeyahay khataro. Miyaad aragtay macluumaad noocaas ah oo khaldan?

    Talooyin noocee ah ayaad haysaa si loo ogaado haddii aad ku kalsoonaan karto maclumaad ama aanad ku kalsoonaan karin?

Qaadista baaritaanka unugyada ee haweenka

Dhammaan haweenka u dhaxeeya 23 iyo 64 jir waxaa loogu yeeraa daryeelka caafimaadka si loo qaado baaritaanka unugyada. Umuliso ama dhakhtar ayaa makaanka ka qaada baaritaanka unugyada. Baaritaanka waxaa laga qaadaa siilka. Waa baaritaan muujiya haddii unugyadu makaankaagu is baddaleen. Adigu ma arkaysid mana dareemaysid isbaddaladan unugyada oo badanaaba kuwaasi ma keenaan wax dhibaato ah. Isbaddaladani maaha khatar, laakiin waxay isu baddali karaan kansar haddii aan la helin oo aan la daweyn wakhti hore oo ku filan. Qaabka keliya ee lagu heli karo isbaddalada unugyada waa baaritaanka unugyada.

Baaritaanka unugyada wuxuu qaataa dhowr daqiiqadood. Waa bilaash. Badanaaba ma laha wax xanuun ah oo ma jirto wax khatar ah in wax dhaawacmaan. Haddii aad iska qaado baaritaanka unugyada mar walba oo aad casuumaadan ka hesho daryeelka bukaanka waxaad helaysaa difaac fiican dhanka ka hortaga kansarka makaanka.

Haddii aad tahay inta u dhaxaysa 23 iyo 49 jir waxaad helaysaa warqadda yeeritaanka baaritaanka hal mar saddexdii sanaba. Haddii aad tahay inta u dhaxaysa 50 iyo 64 jir waxaad helaysaa warqadda yeeritaanka baaritaanka hal mar toddobadii sanaba.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Miyaad ogtahay siday u eegtahay warqadda yeeritaanka baaritaanka unugyada ee meesha aad deggantahay?

    Sidee ayaad samaynaysaa si aanay kuu dhaafin macluumaad noocaas ah?

Baaritaanka sawirka naasaha

Dhammaan haweenka u dhaxeeya 40 iyo 74 jir waxaa sanad dhaaf loogu yeeraa baaritaanka sawirka naasaha. Waa sawir raajo oo naasaha ah. Baaritaanka sawirka naasaha waxaa loo sameeyaa si wakhti hore loo helo kansarka naasaha. Baaritaankan waa bilaash.

In laga fikiro haddii aad heshay daryeelka xaqiijinta jinsiga ama daweyn

Niyad jabka dhinaca jinsiga waa marka aad dareemayso in jirkaagu aanu ku haboonayn shakhsiyadaada jinsi oo aad tani u dhibaataysantahay. Adigaaga ay ku haysato niyad jabka jinsiga waxaad heli kartaa daryeel hagaajin ama daryeel si aad u dareento wanaag, waxa kale oo aad heli kartaa in aad baddasho jinsigaaga ku qoran diiwaan-gelinta dadweynaha iyo lambarkaaga shakhsiga ah oo lagu baddalo mid waafaqsan shakhsiyadaada jinsi. Tani waxaa lagu magacaabaa in sharciyan la baddalo jinsiga.

Adigaaga baddalaya jinsigaaga sharciyan waxaad u baahan kartaa in adigu aad qaado mas'uuliyadda in aad ballansato hawlaha ka hortaga qaarkood sida baaritaanka sawirka naasaha iyo baaritaanka haweenka. La xiriir rugtaada caafimaadka si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Daryeelka ilkaha ee carruurta

Daryeelka ilkaha waa u bilaash carruurta iyo dhalinyarada dadka waaweyn ah ilaa iyo sanadka ay buuxinayaan 23 sano. Carruurta waxaa loogu yeeraa baaritaan marka ugu horeysa marka ay buuxiyaan 3 sano. Intaas ka dib waxaa loogu yeeraa baaritaan sanad dhaaf. Haddii loo baahdo waxaa ilmaha loo yeeraa marar ka badan.

Baaritaanadan waa khasab. Tani micnaheedu waa in adigaaga ah waalidka ama qofka haysta mas'uuliyadda shakhsi ee ilmaha aad ku hubsato in ilmahani yimaado baaritaanadan. Haddii ilmahan aanu iman baaritaanadan inkastoo dhowr yeeritaano la soo diray iyo isku dey in lala soo xiriiro waxaa daryeelka bukaanka samaynayaan wargelinta in laga welwelsanyahay oo loo dirayo degmada xafiiskeeda adeega arrimaha bulshada.

Baaritaanka caafimaadka

Dhammaan dadka magan-gelyo ama sharci degganaansho ka codsaday gudaha Iswiidhan waxaa lagu casuumaa baaritaan caafimaad oo bilaash ah oo ka dhaca rugta caafimaadka. Baaritaankan caafimaadka waa mid qofku hadduu doono sameeyo oo waxaad xaq u leedahay turjubaan. Baaritaanka caafimaadka wuxuu ka koobanyahay wada hadal caafimaad, shay baar iyo baaritaan fudud oo jirka ah haddii loo baahdo. Xilliga booqashadan waxaad ogaanaysaa xitaa fursadahaaga in aad daryeel caafimaad iyo bukaan iyo ilko ka hesho Iswiidhan. Adigu waxaad helaysaa warqadda yeeritaanka baaritaankan. Soo qaado kaarkaaga LMA, baasaboor ama dukumenti kale oo aqoonsi.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Waa maxay ayaad u malaynaysaa inay tahay sababta dhammaan dadka yimaada Iswiidhan ee ka raadsada sharci degganaansho loogu casuumo baaritaan caafimaad oo bilaash ah?

Daryeelka qofku iskii isu daryeelo

Cuduro iyo dhaawacyo badan oo fudud adiga ayaa daryeeli kara keligaa. Taas waxay ahaan kartaa hargab, xummad (qandho), calool xanuun ama nabaro yar. Qaybtan waxaad wax dheeraad ah ka ogaanaysaa sida adigu aad u daryeeli karto caafimaadkaaga.

Adigu waxaad la xiriir kartaa 1177 Hagida daryeelka si aad u hesho talobixin ku saabsan sida aad keligaa isu daryeeli kartid. Lambarka telafoonkan waa 1177. Haddii aad wacdo 1177 waxaad la hadli doontaa kalkaaliso caafimaad oo ku siinaya talobixin. Adigu waad wici kartaa 1177 maalintii iyo habeenkiiba. Gobolada qaarkood waxaa laga helaa fursada ah in talobixin lagu helo luqaddo kale oo aan ahayn Iswiidhishka.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Gudaha Iswiidhan dadka badankoodu iyagaa is daryeela haddii ay qabaan harga caadi ah ama xummad (qandho). Ma sidaasaa xitaa meesha aad horey ugu noolayd?

    Misse dadka badankoodu waxay la xiriiraan dhakhtar?

Hargab iyo hargabka xun

Hargab iyo hargabka xun waa infekshano aad ka qaado faayras.

Marka aad hargabsantahay waxaad dareemi kartaa daal. Waxa kale oo caadi ah diif, xanuun cunaha ah iyo qufac. Adigu waxaad xitaa xummad (qandho) ay kaaga iman kartaa hargab, laakiin badanaa xummadu (qandhadu) ma sareyso.

Marka aad leedahay hargab xun waa caadi in si degdeg ah aad u yeelato xummad (qandho), muruq xanuun, cuno xanuun iyo qufac. Faayraska hargabka xun wuxuu Iswiidhan yimaadaa sanad walba oo waa caadi xilliga jiilaalka.

Dadka badankooda leh hargab ama hargabka xun ma u baahna inay la xiriiraan daryeelka caafimaadka, maadaama caabuqyadani ay badanaaba keligood iska joogsadaan. Antibayootiga wax ma ka taraan ka hortaga faayras sida tusaale ahaan hargab ama hargabka xun.

Waxaa jira waxyaabo badan oo aad samayn karto si aad u dareento wanaag. Waxaa fiican in la nasto. Cab biyo badan haddii aad leedahay xummad (qandho), maadaama adigu aad u dhididayso markaas. Haddii aad leedahay xanuun badan ama xummad (qandho) sareysa waxaad qaadan kartaa dawooyin bilaa wakhtar dhakhtar lagu iibsado, tusaale ahaan baarasatamool ama ibuubaroofiin.

Hargabka iyo hargabka xun waxaa loo kala qaadaa si fudud. Si aan loo qaadsiin dadka kale waxaa muhiim ah in la dhaqo gacmaha wax badan oo lagu qufaco oo lagu hindhiso laabatada gacanta.

Adigu waxaad la xiriiri kartaa 1177 Hagida daryeelka haddii aad doonaysid inaad hesho talobixin iyo caawimaad in la qiimeeyo calaamadahaaga.

Xummad

Xummad micnaheedu waa in heer-kulka jirka ay ka sareyso 38 digrii Sasiyas. Adigu waxaa xummad kugu keeni kara sababo kala duwan, tusaale ahaan harga. Badanaaba xummadu keligeed ayay joogsataa iyadoo aan loo baahan in la raadsado daryeel caafimaad.

Marka ay xummad ku hayso waxaad dareemi kartaa tabar daro iyo dawakhaad yar. Caadi ahaan waad qar-qaraysaa marka heer-kulka jirka kor u kacdo ee aad dhididayso marka heer-kulka jirka uu dib hoos ugu dhacayo. Adigu waxaad heer-kulka ku cabbiri kartaa heerkulbeeg la geliyo afka, dabada, kilinkilada, fooda wejiga ama dhegta. Raac tilmaamaha heerbulbeegta xummadda ee aad isticmaalayso.

Adigu waa inaad guriga ka joogto shaqada ama iskoolka marka aad leedahay xummad oo jirka u deysaa inuu nasto. Ha tababararn.

Calool xanuun

Calool xanuunku badanaaba wuxuu u yimaadaa si dhakhso ah. Adigu waad matagaysaa, leedahay shuban oo dareemaysaa caafimaad daro. Adigu waxaad dareemaysaa caafimaad daro laakiin badanaaba waxaad fiicnaanaysaa dhowr maalmood gudahood. Waa muhiim in la nasto oo la cabbitaan badan la cabbo, si aan loo qallalin.

Guriga ka joog shaqada iyo iskoolka haddii aad leedahay calool xanuun, si aanad u qaadsiin dadka kale. Gacmaha dhaq badanaaba. Guriga joog 48 saacadood ka dib markii ugu dambeysay ee aad matagtay ama shuban lahayd.

Gargaarka degdega ah

Gargaarka degdega ah wuxuu ku saabsanyahay in la badbaadiyo nolol ama la caawiyo qof dhaawacmay, tusaale ahaan leh nabar ama nabar gubitaan yar.

Gargaarka degdega ee badbaadinta nolol wuxuu ahaan karaa tusaale ahaan in la bixiyo badbaadinta wadnaha iyo sambabada (HLR) ama furidda marinada neefta haddii qof uu naqasku ku dhegayo.

Mar walba wac 112 markay jirto xaalad degdeg ah ama qof yahay bilaa miyir.

Badbaadinta wadnaha iyo sambabada (HLR)

Badbaadinta wadnaha iyo sambabada waxaa loo isticmaalaa in lagu kiciyo wadnaha iyo neefsiga ee qof uu ku dhacay wadne istaag. Ka hor intaanad billaabin inaad bixiso badbaadinta wadnaha iyo sambabada waa inaad hubiso haddii qofkani uu leeyahay miyir oo neefsanayo. Haddii qofkaasi yahay bilaa miyir oo aanu neefsanayn waa inaad wacdaa 112 oo ka dibna bilowdaa badbaadinta wadnaha iyo sambabada. Dhinaca 112 ayaa ku siin kara talobixin ku saabsan sida aad u samaynayso badbaadinta wadnaha iyo sambabada.

Badbaadinta wadnaha iyo sambabada waxay u dhacdaa in qofku 30 goor xoog u cadaadiyo shafkaqofka bilaa nafta ah, ka dibna wuxuu qofku neef ku afuufaa afka 2 goor. Taas ayaa qofku ku cel-celiyaa wakhtiga oo dhan ilaa iyo inta ambulaanstu imanayso.

Meelo badan waxaa laga helaa wadne dhaqaajiye ama kiciye sidaas oo xitaa lagu magacaabo. Wadne dhaqaajiye waa aalad qofka jirkiisu bilaa nafta yahay siisa jug koronto si loo wadnaha loo dhaqaajiyo mar kale. Dadka oo dhan way isticmaali karaan wadne dhaqaajiye. Adigu ma u baahnid inaad haysato waxbarasho daryeelka bukaanka ah.

Fiiro gaar ah u yeelo in talooyinkan ay khuseeyaan badbaadinta wadnaha iyo sambabada ee dadka waaweyn. Badbaadinta wadnaha iyo sambabada ee carruurta ma loo sameeyo qaab la mid ah. Dhinaca guddida HLR boggeeda intarnatka ayay ku jirtaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan badbaadinta wadnaha iyo sambabada iyo filimo muujinaya sida loo sameeyo badbaadinta wadnaha iyo sambabada, dhinaca dadka waaweyn iyo carruurta ah da' kala duwan labadaba.

Qof badbaadinta wadnaha iyo sambabada siinaya qof kale oo jiifa.

Si aad kalsooni ugu dareento inaad bixiso badbaadinta wadnaha iyo sambabada waa inaad ku tababarataa. Waxaa jira koorsooyin la geli karo. Dhinaca guddida HLR boggeeda intarnatka waxaad ka arki kartaa meesha aad waxbarashadan ka heli karto.

Haddii wax istaagaan cunaha

Haddii wax cunaha u istaagaan qof waa inaad isku deydaa inaad ka saarto waxa ku istaagay. Adigu waa inaad sii wado inaad isku deydo inaad ka soo saarto xitaa haddii qofkan yahay bilaa miyir. Haddii qofkan yahay bilaa miyir waa inaad wacdo 112 oo bilowdo badbaadinta wadnaha iyo sambabada.

Ta ugu fudud ee wax looga soo saari karo cunaha waa in la qufaco. Sidaas darteed haddii qofkani qufaco waa inaad ka codsato in qofkani sii wado inuu qufaco. Laakiin haddii qofkani aanu keligii qufaci karin waa inaad caawiso. Tani waxaad u samaynaysaa adigoo siinaya waxa lagu magacaabo garaacidda dhabarka ama garaacidda caloosha.

Dhaawacyada dabka

Dhaawacyo dab sababay way kugu dhici karaan haddii tusaale ahaan biyo kulul kugu dhacaan ama aad isku gubto daawaha saxanka dabka wax lagu kariyo. Hadduu uu kugu dhaco dhaawac gubasho waxaad ku khafiifin kartaa inaad isla markiiba maqaarka dhaawacmay aad ku dhaqdo biyo qabow khafiif ah. Ha dhaqin wax ka badan 15 daqiiqo. Dhaawac gubasho oo korka sare ah badanaaba keligii ayuu iska bogsadaa, laakiin haddii adigu aad u gubatay waxaad u baahantahay inaad daryeel caafimaad ka hesho isbitaal.

Daawo

Dawada waxaa laga gataa farmashiyaha. Dawooyinka qaarkood waxaa loo baahan yahay waraaqad dhakhtar. Mecnaheed waa in uu dhakhtar soo go'aamiyaa in aad uu baahtantahay daawada. Daawada antibiotikadana waa in uu dhakhtar qoro. Waxaa qofka qaadan karaa markii uu qabo infekshin uu sababy bakteeriyo sida xanuunka xummada leh ee cumuhuna dadka xanuunaan ama caabuqa sambabada. Dhakhtarka ayaa markaas daawada qoraayo si aad uga soo iibsato farmashiyaha.

Shaqaalaha joogo farmshiyaha in badan ayee ka kasaayaan cudurada iyo daawooyinka kala duwan. Waxeey ka jaawaabi karaan su'aalooyin badan oo arimahaas ku saabsan. Waxaa kaloo farmashiyaha laga helaa qoraallo ku saabsan cudurro badan.

Haddii aad 18 sano ka weeyntahay waxaad iibsan kartaa dukaamda cuntada daawada aan uu baahneeyn qoraalka dhakhtarka sida daawada madaxxanuunka.

Haddii aad su'aalo ka qabtid daawooyin waxaad la xiriiri kartaa talosiiinta daawooyinka. Waxaa tusaale ahan halkaas ka heleysaa sida eey daawooyinka u shaqeeyaan, sida aad u qaadaneysid ama sida aad u keydineysid. Waxaad laanta talosiinta daawooyinka ka wacdaa 0771-46 70 10.

Iska caabinta antibayootikada

Antibayootikada waa mid ka mid ah daryeelka dawooyinka ugu muhiimsan daryeelka bukaanka. Laakiin daryeelka bukaanka ee Iswiidhan iyo aduunka kale waxay si aad ah u isticmaaleen antibayootikada iyo mararka qaarkood qaab khalad ah. Tani waxay keentay in baakteeriyada qaarkeed aanay antibayootikadu ku yeelan wax raad ah haba yaraatee. Waxaa badanaaba lagu sheegaa in baakteeriyadi ay adkaysi yeelatay. Haddii baakteeriyadu adkaysi dheeraad ah u yeellato antibayootikada markaas cudurada caadiga ah, sida tusaale ahaan bararka sambabada, ma noqonayso suurtagal in lagu daweeyo iyadoo la adeegsanayo antibayootika.

Jirka difaaciisa gaarka u ah wuxuu la dagaalami karaa cuduro badan iyo caabuqyada ay sababaan baakteeriyadu. Dhakhtar ayaa qiimeeya haddii aad u baahantahay antibayootika ama aanad u baahnayn. Haddii aad antibayootika isticmaasho wax badan waxaa sii xumaanaya difaaca jirkaaga. Sidaas darteed waa muhiim in la isticmaalo antibayootikada marka aad run ahaantii u baahato oo keliya.

Antibayootikadu ma bogsiin karto cudurada faayraska ee ugu badan sida tusaale ahaan hargab, calool xanuun, hargabka xun iyo hablabaas (busbus). Kuwaas waa in jirka difaaciisa gaarka ahi oo ka shaqeeyo. Cudurada faayraska ee khatarta ahna badanaa waxaa jira tallaalyo ka hortaga.

Adigu caawimaad ayaad geysan kartaa in laga hortago in caabuqyada baakteeriyada ay faafaan, iyo inaad caawimaad ka geysan karto in la yareeyo u adkaysiga antibayootikada:

  • Gacmaha dhaq badanaaba.
  • Dooro inaad qaadato tallaalyada uu daryeelka bukaanku kugu casuumo. Markaas waxaa yaraanaysa khatarta inaad xanuusato oo u baahato inaad isticmaasho antibayootika.
  • Isticmaal antibayootika haddii taasi oo keliya ay tahay lagama maarmaan.
  • Weligaa ha isticmaalin antibayootika ka soo hartay daweyn antibayootika. Weligaa qof kale ha siin antibayootika. Tani waxay khuseysaa xitaa xayawaanka.
  • Antibayootikada aanad isticmaalin u dhiib farmasiga. Ha ku tuurin qashinka ama suuliga. Markaas waxay galayaan deegaanka dabiiciga ah. Haddii baakteeriya badan gasho deegaanka dabiiciga ah markaas baakteeriyadu waxay noqonaysaa mid adkaysigeedu dhakhsado.