Xuquuqda iyo waajibaadka qofka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.
Sawir farshaxan oo koox dad ah kuwaas oo matalaya sinaanta, carruurta xuquuqdeeda iyo sharciga ka hortaga takooridda.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay xuquuqda iyo waajibaadka qofka shakhsiga ah.

Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan xuquuqda bani’aadamka iyo sida xuquuqahaas raad ugu yeeshaan sharciyada gudaha Iswiidhan. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan xuquuqaha gaarka ah ee loogu talogalay tusaale ahaan haweenka, carruurta dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah iyo dadka laga tirada badanyahay.

Mawduucan wuxuu sidoo kale ku saabsanyahay takooridda. Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid tahay waxa aad sameyn karto haddii laguu geystay takoorid. Waxaad xitaa ka fikiri doontaa hannaanyada iyo sida hannaanyadu ay raad ugu yeelan karaan adiga iyo dadka kale dhinaca nolosha maalinlaha ah.