Xuquuqda caruurta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/11-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay carruurta xuquuqdooda. Waxaa jira carruur ku kora dagaal, carruur ku khasban inay shaqeeyaan iyo carruur aan helin iskool ay tagaan. Waxaa jira xitaa carruur aan haysan dad waaweyn oo dan ka leh iyaga, carruur la garaaco iyo carruur aan haysan cunto ay cunaan. Si loo ilaaliyo carruurta iyo xuquuqdooda ayaa Qaramada Midoobey ku heshiisay qaraar ku saabsan carruurta xuquuqdooda. Taas waxaa lagu magacaabaa Heshiiska Xuquuqda Carruurta.

Saddex carruur ah oo ku fadhiya kursi dheer oo xagga dambena laga arko calanka Qaramada Midoobey.

Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin Heshiiska Xuquuqda Carruurta iyo sida sharciga Iswiidhishka u ilaaliyo carruurta. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan ururada ka shaqeeya carruurta waxa ugu fiican.

Qaraarka carruurta

Qaraaarka carruurta waxa uu u jiraa in la damaanad qaado carruurta oo dhan xuquuqdooda bani'aadanimo. Carruurtu waxa ay si gaar ah ugu xiranyihiin dadka waaweyen si ay u helaan in la ixtiraamo xuquuqdooda bani'aadanimo. Tani waxa ay keentay in iyagu ay ku noolyihiin xaalad nugul. Qaraarkan waxaa ku qoran in carruurta oo dhan ay yihiin shakhsiyaad gaar ah oo leh xuquuqo gaar u ah.

Qaraarka carruurta waxa uu xoogga saarayaa xitaa ilmaha gaar ahaantiisa. Carruurtu waa shakhsiyaad gaar ah, leh baahiyo gaar ah, xiisooyin iyo aragtiyo.

Qaraarka carruurta waxaa ku jira xuquuqo khuseeya carruurta oo dhan ilaa iyo inta ay iyagu buuxinayaan 18 sano. Xuquuqdani waxay ku saabsan yihiin tusaale ahaan in carruurta laga ilaaliyo dagaal iyo in loo gaysto xadgudubyo. Xuquuqdani waxa kale oo ay ku saabsan yihiin in carruurtu xaq u leedahay nolol gaar u ah. Tani micnaheedu waa in tusaale ahaan carruurtu xaq u leedahay inay wada hadal gaar ah la yeeshaan saaxiibadood ama qoraan buugga xusuus-qorka kaas oo dadka waaweyn aanay akhrin.

Qaraarkan waxaa ku jira xitaa qawaaniin. Dalka saxeexa qaraar wuxuu ballan qaadayaa inuu raaco qawaaniintan. Iswiidhan iyo ku dhawaad dhammaan dalalka aduunka way oggolaadeen inay raacaan qaraarka carruurta. Qaraarka caruurta wuxuu sharci ka yahay xitaa gudaha Iswiidhan.

Qaraarka carruurta waxa uu jiray ilaa iyo 1989. Iswiidhan waxa ay saxeexday qaraarkan 1990 laakiin waxay u shaqaynaysay carruurta xuquuqdooda xitaa xilligaas ka hor. Tusaale ahaan waxaa mamnuuc noqotay in macallimiintu garaacaan ardaydooda 1950. 1979 waxaa mamnuuc noqotay in waalidka iyo qaraabadu ay garaacaan carruurtooda. Ilaa iyo xilligaas dhammaan dagaal lagula kaco carruurta waa mamnuuc.

Qaraarka carruurta mabaadi'diisa aasaasiga ah

Heshiiska Xuquuqda Carruurta waxaa ku jira 54 qaanuun, laguna magacaabo qodobo. Qodobada oo muhiimadoodu waa isku mid, laakiin waxaa jira afar qodob oo hagid ah oo ay tahay in aynu ka fikirno marka aynu akhrinayno qodobada kale.

Afartan qodob waa Heshiiska Xuquuqda Carruurta mabaadi’diisa aasaasiga ah:

  • Qodobka 2 wuxuu ku saabsanyahay in carruurta oo dhan ay isku qiimo tahay oo leedahay xuquuq isku mid ah. Maaha in ilmo la oggolaado in la takooro.
  • Qodobka 3 wuxuu ku saabsanyahay carruurta waxa dantooda ugu fiican ah. Siyaasiyiinta, hey’addaha dawladda iyo maxkamaduhu waa inay mar walba ka fikiraan waxa ugu fiican ilmahan dhinaca dhammaan go’aanada raad ku yeelanaya ilmo.
  • Qodobka 6 wuxuu ku saabsanyahay in carruurta oo dhan ay xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo horumaraan.
  • Qodobka 12 wuxuu ku saabsanyahay in carruurtu xaq u leeyihiin inay sheegaan aragtidooda, iyo in dadka waaweyn ay dhagaystaan ilmaha.

Hey'addaha dawladeed iyo dadka waaweyn ayay saarantahay mas'uuliyadda ah inay ilaaliyaan carruurta xuquuqdooda iyo inay dhagaystaan carruurta aragtidooda iyo fikradooda ku saabsan go'aan khuseeya iyaga laftooda. Tani micnaheedu waa in tusaale ahaan carruurtu ay cabbiraan fikradahooda ka hor intaan la gaarin go'aan raad ku yeelanaya iskoolka, wakhtiga firaaqada ama qoyska.

Ka fikir noocyada ilaalinta ee adigu aad haysatay iyo nooca xuquuqaha ku khuseeyay markii aad adigu aad ahayd carruur.

Carruurtu waxay xaq u leedahay in laga ilaaliyo dagaal

Dhammaan wixi dagaal ah ee lagula kacayo carruurta waa mamnuuc sida ku cad xeerka carruurta iyo sharciga Iswiidhan. Tani waxa ay khuseysaa dagaalka jir ahaan iyo maskax ahaan labadaba. Dagaal lagula kaco carruurta wuxuu ahaan karaa jir-dil, ku xadgudubyo galmo ama gudniinka gabdhaha.

Gudniinka gabdhaha waxaa badanaaba lagu sameeyaa carruur u dhaxaysa afar iyo 14 jir. Iswiidhan gudniinka gabdhaha iyo haweenka waa mamnuuc. Tani waxay khuseysaa xitaa haddii qofku uu oggolyahay arrintan. Qofka fuliya gudniinka haweenka waxaa lagu xukumi karaa xabsi. Qofka waxaa lagu xukumi karaa gudaha Iswiidhan xitaa haddii gudniinka gabdhaha ka dhacay dal kale. Xafiiska adeegga arrimaha bulshada wuxuu go’aan ku gaari karaa mamnuucid safar haddii ay jirto khatar ah in ilmo carruur ah loo gaysan doono gudniinka gabdhaha.

Xarunta Qaran ee ka hortagga xadgudubyada la xiriira sharafta iyo cadaadintu waxay haysaa buug yar oo ku saabsan gudniinka gabdhaha iyo haweenka. Buuggan yar waxaa la helayaa isagoo dhowr luqadood ah.

Guurka carruurta waa mamnuuc gudaha Iswiidhan

Guurka carruurta micnahiisu waa in qof ka yar 18 sano guursado qof kale oo ka yar 18 sano ama qof weyn. Guurka carruurta waa mamnuuc sida ku cad qaraarka carruurta iyo sharciga Iswiidhishka. Tani waxa ay khuseysaa xitaa guurka carruurta ee ka dhacay dalka dibediisa. Guur carruur ka dhacay dalka dibediisa ma ka aha ansax gudaha Iswiidhan.

Hedersförtryck.se waxay sameeyeen filim ku saabsan in lagugu khasbo guur aanad rabin. Filimka waxaa la helayaa iyagoo dhowr luqadood ah.

Ururo ka shaqeeya carruurta dantooda

Gudaha Iswiidhan waxaa ka jira dhowr urur kuwaas oo ka shaqeeya carruurta dantooda. Qaar ka mid ah waxa ay ka shaqeeyaan inay carruurta siiyaan caawimaad toos ah marka iyagu ay u baahanyihiin caawimaad. Qaar kalena waxay ka shaqeeyaan in carruurta xaqoodu uu kaalin weyn ku lahaado gudaha bulshada.

Wakaaladda danaha carruurta

Wakaaladda danaha carruurta waa hey'ad dawladeed taas oo ilaalisa in bulshadu raacdo qaraarka carruurta. Wakaaladda danaha carruurta waxa ay dawladda siisaa warbixinaha wixii galdaloolo ah ee ka jira gudaha Iswiidhan. Iyagu waxa ay xitaa dhiibaan hindisaha sida sharciyadda Iswiidhishka loo baddali karo si carruurta xuquuqodooda u sii fiicnaato gudaha Iswiidha.

Bris

Carruurta xaqooda gudaha bulshada, Bris, waa urur caawiya carruurta welwelsan ama ay haysato dhibaato. Waa bilaash in Bris laga waco telafoon lambarka 116 111. Halkaas ayaa dhammaan kuwa ka yar 18 sano wici karaan oo qof weyn kala hadli karaan wax kasta. Bris ma arki karaan telafoon lambarka soo wacay. Sidoo kale xisaabta telafoonka ma laga arki karo haddii qof wacay lambarkan. Bris waxa kale oo ay caawin kartaa dadka waaweyn ee ka welwelsan carruurtooda. Bris telafoonkeeda dadka waaweyn waxay dadka waaweyn ka wici karaan telafoon lambarka 077-150 50 50.

Hey'adda badbaadada carruurta

Hey'adda badbaadada carruurta waa urur caalami ah oo ka jira dalal badan oo gudaha Iswiidhan waxaa laga helaa ku dhowaad degmooyinka oo dhan. Iyagu waxa ay ka shaqeeyaan in qaraarka carruurta uu run u noqdo carruurta aduunka oo dha. Gudaha Iswiidhan waxaa Hey'adda badbaadada carruurta ka shaqaysaa in ay wax barto siyaasiyiinta, go'aan qaadayaasha, waalidka iyo dadka waaweyn ee kale. Iyagu waxa ay xitaa taageero iyo gabood siiyaan carruurta ku jira xaalad adag.