Hbtqi-dadka ah xuquuqdooda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 29/3-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dookha noocyada galmada iyo dadka ah hbtqi xuquuqdooda. Gudaha Iswiidhan waxaad xaq u leedahay inaad wax caashaqdo oo aad wadajir ula joogto qofka aad doonaysid. Adigu waad guursan kartaa qof aad isku jinsi tihiin ama qof ah jinsi kale oo aan ahayn ka aad tahay. Waxaa jira sharciyo difaacaya xaqaaga in aad caashaqdo qofka aad doonayso.

Sawir farshaxan oo ay ku jiraan koox ah dadka HBTQI.

Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid tahay waxa hbtqi tahay. Waxaad akhrin doontaa xitaa wixii ku saabsan takoorida dadka hbtqi ah iyo sida xaaladu tahay gudaha Iswiidhan.

Waa maxay hbtqi?

Hbtqi waxaa loo soo gaabiyaa dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin, dadka labada jinsiba ka hela, dadka dareemaya inay yihiin jinsi kale oo aan ahayn ka sharciyan u qoran, dadka aan doonayn inay qeexaan jinsigooda ama jinsiga ay ka helaan iyo dadka labeebka ah. Calaamad caan u ah dadka hbtqi ah waa calanka leh midabada qaanso roobaadka. Kaasi wuxuu u taaganyahay ku faraxsanaanta cidda ay yihiin, fara badnaan, dulqaad iyo ixtiraamka walaalnimada xagga dadnimda. Waxa kale oo isticmaala dad badan si ay u taageeraan dadka hbtiq ah. Miyaad taqaanaa calankan?

Dookha noocyada galmada waxa ay sharraxaysaa nooca ama noocyada jinsi ee adiga ku soo jiita ama aad jeceyl u qaado. Qof dadka ay isku jinsiga yihiin ka hela waxaa soo jiita ama uu jeclaadaa dadka ay isku jinsiga yihiin. Qof labada jinsiba ka helana waxaa soo jiita ama uu jeclaadaa ragga iyo haweenka labadaba. Qof jecel dadka aanay isku jinsi ahayna waxaa soo jiita ama uu jeclaadaa qof ah jinsiga ka soo horjeeda.

Dadka oo dhan waxay xitaa leeyihiin shakhsiyad jinsi. Qofku shakhsiyadiisa jinsi wuxuu ku cabbiri karaa qaabab kala duwan. Qofka dareemaya inuu yahay jinsi kale oo aan ahayn ka sharciyan u qoran, ama doonaya inuu isu cabbiro, jinsi kale oo aanu ahayn ka qofkaasi ahaa wakhtigii dhalashada. Qaar ka mid ah dadka dareemaya inay yihiin jinsi kale oo aan ahayn ka sharciyan u qoran ah waxay xitaa dooni karaan inay wax ka baddalaan jirkooda ama jinsigooda sharciyan. Tusaale ahaan qof ahaa jinsiga haween markay dhalatay oo dareemaya in aanay sax ahayn, ayaa dooni kara helitaanka jir nin.

Adiga laf ahaantaada ayaa dooranaya haddii aad doonaysid inaad isku magacowdo qof ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin, qof labada jinsiba ka hela, qof ka hela dadka ay kala jinsiga yihiin ama wax kale. Dadka qaarkood ee aan doonayn inay qeexaan jinsigooda ama dabcigooda jinsi oo waxay isku sheegaan queer.

Qof labeeb ah wuxuu leeyahay sifooyin jir ahaan kuwaas oo qofkaas jirkiisa aan si fudud loogu qeexi karin jinsi si waafaqsan hannaanka bulshada ee jinsi. Hannaanyadan micnahoodu waa inay jiraan fikrado cayiman kuna saabsan nooca sifooyinka ee jirka haweenka ama jirka ninka leeyihiin.

Calanka in qofku ku faraxsanyahay waxa uu yahay oo suran bir calan oo ku babanaya hawada.

Sawir: Ida Edgren

Arrimaha hbtqi ee caalamiga ah

Qaramada Midoobay waxa ay go'aamisay in dadka aan lagu takoorin iyadoo ay sabab u tahay dookhooda noocyada galmada ama shakhsiyadooda jinsi. Qaramada Midoobay sharraxaadeeda xuquuqda bani'aadamka waxay sheegaysaa in dadka oo dhan ay isku qiimo iyo xuquuq leeyihiin.

Xitaa Midowga Yurub (E) waxay go'aansatay in cidnaba aan la takoorin. EU-da xeerkeeda xuquuqda aasaasiga ah wuxuu mamnuucayaa takooridda ku salaysan dookha noocyada galmada. Tani micnaheedu waa in dadka hbtqi ah aan si ka liidata dadka kale loogula dhaqmin isbitaalada, iskoolada iyo goobaha shaqada ama meel kale oo ah gudaha bulshada.

Takooridda dadka hbtqi ah

Aduunka hareerihiisa dadka hbtqi ah waxay la kulmaan takoorid, dhibaatayn iyo xadgudubyo. Xitaa gudaha Iswiidhan dadka hbtqi ah waxay si dheeraad ah ugu nugulyihiin in la kadeedo, hanjabaad iyo dagaal marka la barbardhigo dadka kale ee bulshada. Dagaalka iyo takooriddu siyaabo kala duwan ayay u eekaan karaan. Waxa ay ahaan kartaa tusaale ahaan haddii wiil la garaaco iyadoo ay sabab u tahay inuu xiriir jeceyl la yeeshay wiil kale. Ama in qof dareemaya inuu yahay jinsi kale oo aan ahayn ka sharciyan u qoran loo diido shaqo iyadoo ay sabab u tahay shakhsiyadooda jinsi.

Dalal badan waa mamnuuc in qofku ka helo dadka ay isku jinsiga yihiin oo qaar ka mid ah kuwaas waxaa ciqaabtu noqon kartaa nafta oo laga qaado. Sidaasi maaha arrintu gudaha Iswiidhan. Gudaha Iswiidhan takooridda dadka oo ay sabab u tahay dookha noocyada galmada, shakhsiyadda jinsi iyo cabbirka jinsi waa mamnuuc. Tani waxay ku qorantahay sharciga takooridda.

Xaaladdu way sii fiicnaatay gudaha Iswiidhan

Xaaladda dadka hbtqi ah way sii fiicnaatay gudaha Iswiidhan. Laakiin wakhti saas u sii fog may ahayn markii dadka hbtqi ah xuquuqdoodu xadaysnayd. Ilaa iyo 1944 in qof ka helo qof ay isku jinsi yihiin waxay dembi ka ahayd gudaha Iswiidhan. Ugu horeyn 1979 ayaa Maamulka arrimaha bulshada ay in qof ka helo qof ay isku jinsi yihiin ka saartay liistada cudurada.

Intii u dhaxaysay 1972 iyo 2013 waxaa dawladdu shuruud kaga dhigi jirtay in dadka dareemaya inay yihiin jinsi kale oo aan ahayn ka sharciyan u qoran ee doonaya inay wax ka baddalaan jirkooda laga xiro dhalmada, micnihii in aanay dhalin wax carruur ah. In ka badan 600 qof ayaa laga xiray dhalmada. Sanadkii 2018 ayay go'aamisay dawladdu in dadkii laga xiray dhalmada iyaga oo aan oggolayn ay helaan magdhabid loogu talogalay sidii dhibta lahayd ee dawladdu ula dhaqantay.

Sanadkii 2003 ayaa dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin ay xaq u yeesheen inay soo korsodaan carruur. Sanadkii 2009 ayaa la oggolaaday in dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin ay isku guursadaan kaniisadda Iswiidhan.

Inkastoo sharciyadda iyo aragtiyuhu ay sii fiicnaadeen haddanna dad badan oo hbtqi ah waxay weli dareemayaan in la takooro. Sidaas darteed wuu sii socdaa halgankii dhinaca dadka hbtqi ah xuquuqdooda. Sanad kasta ayaa xafladaha Pride lagu sameeyaa gudaha Iswiidhan. Dhoollatus Pride ee ugu weyn waa ka Stockholm. Waa xaflad loogu dabaaldego halganka xorriyadda, sinaanta iyo xaqa dadka oo dhan u leeyihiin in qofku jeclaado qofka uu doono. Waxa kale oo ay tahay mudaharaad loogu talogalay in dadka la tuso takooridda lagu hayo dadka hbtqi ah.

Ururka RFSL wuxuu ka shaqeeyaa in uu ka dhigo bulshada mid u sii fiicnaata dadka hbtqi ah. RFSL waxaa laga helaa meelo badan oo gudaha Iswiidhan ah waxay leeyihiin xitaa mashruuc loogu talogalay dadka dalka ku cusub .