Haweenka xuquuqdooda iyo sinnaanta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/11-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay haweenka xuquuqdooda iyo sinaanta haweenka iyo ragga. Sinaan micnaheedu waa in haweenka iyo raggu ay lahaadaan fursado, xuquuqo iyo waajibaad isku mid ah. Tani micnaheeda waxaa ka mid ah in haweenka iyo raggu lahaadaan awood isku mid ah, fursad isku mid ah inay aadaan iskool iyo inay qaybsadaan mas’uuliyadda guriga iyo carruurta. Waxaynu meel fog ka gaarnay sinaanta gudaha Iswiidhan, laakiin weli wax badan ayaa harsan in la sameeyo. Tusaale ahaan haween badan ayaa weli qaata mushahaaro ka yar ta ragga inkastoo ay iyagu leeyihiin waxbarasho iyo waajibaad shaqo oo isku mid ah.

Sinaanta oo loo sawiray sidii miisaan oo haweenay iyo nin mid walba dhinaciisa joogo lehna miisaan isku mid ah.

Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin sinaanta iyo raggu rabshada dagaal ee ay kula kacaan haweenka. Waxaad xitaa akhrin doontaa waxa Iswiidhan baarlamaankeedu sameeyo si Iswiidhan sinaanteedu u korodho.

Ololaha dheddignimada, sinaanta ragga iyo dumarka iyo sinaanta

Ololaha dheddignimada waa dhaq-dhaqaq ku dadaalaya in bulshadu sinaato. Tani micnaheedu waa in mabda'a sinnaanta ragga iyo dumarka doonayo in ragga iyo haweenka loola dhaqmo si isku mid ah oo ay lahaadaan xuquuq iyo fursado isku mid ah.

Dhowr arrimood oo aan ahayn jinsiga ayaa raad ku yeesha dadka xaaladahooda. Haweenka oo dhan ma haystaan xaalado nololeed oo isku mid ah sababtoo ah oo keliya inay yihiin haween. Sidoo kale ragga oo dhan sidaas maaha. Arrimo sida tusaale ahaan qowmiyadda, da'da, dookha noocyada galmada, diin ama hoos u dhac awoodda laxaadka ah ayaa xitaa raad ku yeelan kara qofka xaaladihiisa iyo shuruudaha gudaha bulshada.

Sinaan micnaheedu waa in dadka oo dhan ay isku qiimo yihiin oo ay tahay inay helaan xuquuqdooda oo laga haqabtiray. Sinnaanta waa fikrad ka balaaran Sinnaanta jinsiga.

Xaaladaha nolosha ayaa xitaa ku xiriirsanaan kara dhinaca dhaqaalaha iyo waxbarashada. Miyaad sheegi kartaa tusaale ah marka haweenay ay leedahay xaalado nololeed oo ka fiican ta haweenay kale?

Maxaa tani ku xirantahay?

Qaraarka haweenka

Xuquuqda bani'aadamku waxay caddaynayaan in haweenka iyo raggu lahaadaan xuquuq isku mid ah. Si kastaba ha ahaatee haweenka badanaaba waxaa loola dhaqmaa si ka sii liidata. Tusaale ahaan haween badan waxaa loo diidaa xaqa inay wax bartaan iyo inay helaan mushahaaro isku mid ah dhinaca shaqo isku mid ah.

QM ayaa sidaas darteed soo saartay qaraar ilaalin doona haweenka xuquuqdooda oo joojinaya dhammaan noocyada takooridda haweenka. Tani waxaa lagu magacaabaa qaraarka haweenka. Ku dhawaad dalalka QM oo dhan way saxeexeen qaraarka haweenka. Taas micnaheedu waa in dalalkan oo dhan ay waajib ku tahay inay sameeyaan wax kasta oo loo baahanyahay si loo joojiyo takooridda gabdhaha iyo haweenka. Iswiidhan waxay saxeexday qaraarka haweenka 1980.

Ujeeddada qaraarkan waa in dalalkani ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa sinaanta ragga iyo haweenka. In la gaaro sinaanta ragga iyo haweenka waxay ku saabsan tahay waxyaabo ay ka mid yihiin in gabdhaha iyo haweenku xaq u yeeshaan tegitaanka iskool iyo waxbarasho sare. Waxa kale oo ay ku saabsan tahay in haweenku ay fursad u helaan shaqo xirfad ah, inay u taliyaan noloshooda gaarka ah iyo qofka ay doonayaan inay guursadaan. Iyaga maaha inay soo gaarto dhibaato dagaal oo kaga timi raggooda ama qaraabada kale. Haweenka iyo gabdhaha oo dhan waa inay lahaadaan xuquuqahan oo ay awoodaan inay gaaraan go'aamada ku saabsan noloshooda.

Miyaad bixin kartaa tusaale ah dhinaca takooridda gabdhaha iyo haweenka?

Iswiidhan siyaasadeeda sinaanta ragga iyo haweenka

Waxaa jira tusaalooyin badan in bulshadu aanay sinayn. Waa kuwan dhowr tusaale:

  • Haweenku badanaaba lacagta ay shaqo ka helaan way ka yartahay ta ragga, inkastoo ay iyagu qabtaan shaqo isku mid ah.
  • Haweenku waxa ay sameeyaan shaqo bilaa lacag ah oo dheeraad ah sida shaqada guriga iyo inay daryeelaan carruurta.
  • Haween ka badan marka loo eego ragga ayaa ay soo gaartaa xadgudubyo dhinaca galmada ah.

Si ay u korodho sinaanta waxaa baarlamaanka Iswiidhan go'aamiyay in Iswiidhan lahaato siyaasadda sinaanta ragga iyo haweenka. Hadafka siyaasadda sinaanta waa in haweenka iyo raggu lahaadaan awood isku mid ah si loo qaabeeyo bulshada iyo noloshooda gaarka ah. Iswiidhan waxaa ka jira laba jinsi sharciyan, haweenay iyo nin. Waa kuwan waxa siyaasadda sinaantu ay ku salaysantahay. Waxa kale oo jira dad isku qeexa in aanay ahayn haweenay iyo nin midnaba ama ah jinsi kale oo aan ahayn kii lagu sheegay markay dhasheen.

Dawladda, hey'addaha dawladeed, gobolada iyo degmooyinka waa inay u shaqeeyaan in hadafyada siyaasadda sinaanta la gaaro gudaha Iswiidhan. Siyaasadda sinaanta waxa ay leedahay lix qaybood oo hadafyo ah. Qaybahan hadafyada ah waxay xooga saaraan dhinacyada ay weyntahay farqiyada u dhaxeeya haweenka iyo ragga gudaha Iswiidhan.

1. Qaybsasho siman dhinaca awoodda iyo raad ku yeelashada

Awoodda u dhaxaysa ragga iyo haweenka maanta waxay u qaybsantahay si aan sinayn dhinaca dhowr qaybood oo ka mid ah bulshada. Rag ka badan haweenka ayaa haya mansabyo sare dhinaca jaamicadaha iyo jaamicadaha sare oo rag badan ayaa hogaamiya shirkado. Waxa kale oo jirta in rag ka badan haweenka ay haystaan mansabyo leh awood badan. Tusaale ahaan Iswiidhan waxay yeelatay hal haweenay keliya oo ah ra’iisal wasaare. Ka hor intaan Magdalena Andersson noqon ra’iisal wasaare sanadka 2021 waxaa ra’iisal wasaarayaasha oo dhan ahaayeen rag. Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay Iswiidhan wuxuu bilaabay sanadkii 1876.

2. Sinaan dhaqaale

Suuqa shaqada siyaabo kala duwan ayuu u eegyahay dhinaca haweenka iyo ragga. Haween badan ayaa ka shaqeeya tusaale ahaan daryeelka cafimaadka, xanaanada iyo iskoolada halka rag badan ka shaqeeyaan dhinaca warshadaha iyo xirfadaha farsamada. Mushahaarooyinka dhinaca xirfadaha raggu ka shaqeeyo ayaa badanaaba ka sareeya marka la barbardhigo xirfadaha haween badan ka shaqeeyaan. Xitaa marka haweenka iyo raggu ay qabtaan hawlo shaqo oo isku mid ah waxaa dhici karta in raggu uu helo lacag ka badan. Haween ka badan marka la barbardhigo ragga ayaa xitaa shaqeeya wakhti nus ah, qaata fasax waalidnimo oo dheer oo badanaaba haya carruurta xanuusanaysa. Sidaas darteed farqiyada u dhaxeeya ragga iyo haweenka mushahaarooyinkooda iyo lacagtooda hawlgabka badanaaba wuu badanyahay.

3. Waxbarasho siman

Waxa haboon dhinaca waxa hannaan u ah ragga iyo haweenka waxaa raad ku yeelan kara doorashadooda waxbarasho iyo xirfad. Tani waxa ay keentaa in suuqa shaqadu uu siyaabo kala duwan u eegyahay dhinaca haweenka iyo ragga. Natiijooyinka waxbarasho ayaa xitaa muujinaya in wiilashu ku sii liitaan iskoolka oo ay haystaan shahaado ka hooseysa ta gabdhaha. Gabdhahan badanaaba way ka istarees badanyihiin gudaha iskoolka oo dareenkooda wanaag sii liitaa.

4. Qaybsasho dheelitiran dhinaca hawsha guriga ee bilaa lacagta ah- iyo hawsha xanaanada

Haweenku wax dheeraad ah ayay guriga ka qabtaan marka loo eego ragga, sida nadiifinta, cunto karinta iyo daryeelidda carruurta. Haweenku waxa ay xitaa daryeelaan qaraabada si baahsan, xitaa lamaanahooda qaraabadiisa. Waa sababaha in haween badan shaqeeyaan wakhti nus ah. Sidaas darteed haweenku waxay ay badanaaba helaan lacag shaqo oo ka yar ta ragga.

5. Caafimaad loo simanyahay

Haweenka iyo raggu ma helaan daryeel caafimaad oo leh xaalado isku mid ah. Waxaa caadiyan ah in haweenka laga helo caafimaad darro maskaxiyan ah marka loo eego ragga. Haweenka ku maqnaanshahooda xaunuun waxa uu ku dhawaad labanlaab ka sareeyaa ka ragga. Rag ka badan haweenka ayaa leh dhibaato dhinaca khamriga ah ama daroogada. Ragga naftooda iska qaada ayaa ka badan haweenka.

6. Ragga dagaalka ay ku hayaan haweenka waa inuu joogsado

Qayb weyn oo ka mid ah dagaalka lagula kaco gabdhaha iyo haweenka wuxuu ka dhacaa gudaha qoyska. Badanaaba waa rag kuwa gaystay dhibaatada dagaalka. Haweenka loo gaysto xadgudubyo galmo ayaa ka badan ragga. Sanad walba haween dhowr ah ayaa naftooda ay ka qaadaan rag ay iyagu la leeyihiin ama la lahaayeen xiriir dhow.

Si hadafyada siyaasadda sinaanta u noqoto wax run ah waxaa loo baahanyahay in waxyaabo ay ka mid yihiin go'aamo siyaasadeed iyo wax ka badalka sharciyada. Waa kuwan dhowr tusaale dhinaca isbaddalo sharci kuwaas oo Iswiidhan siiyay sinaan dheeraad ah:

  • Saddex bilood oo ka mid ah fasaxa waalidnimo waxaa loo kaydiyay mid walba oo ka mid ah waalidka si dad badan si sinaan dheeraad leh ugu qaybsadaan fasaxa waalidnimada.
  • Shaqo-bixiyayaasha waxaa waajib ku ah inay sanad walba isbarbardhigaan haweenka iyo ragga mushahaarooyinkooda goobta shaqada si meesha looga saaro farqiyada caddaalad darrada ah ee u dhaxeeya mushahaarooyinka haweenka iyo ragga.
  • Iswiidhan waxa ay dhaqangelisay sharciga oggolaanshaha. Sharcigan micnahiisu waa in qofka doonaya inuu galmo la sameeyo qof ay mar walba khasab ku tahay in la hubsado in qofka kalena doonayo galmo. Sharcigan waa inuu xannibo xadgudubyada galmo.

Raggu dagaalka ay kula kacaan haweenka

Dhibaatada dagaal ee gudaha xiriiryada dhow iyo rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska wuu ka jiraa aduunka oo dhan. In lala dagaalamo dhibaatadan dagaal waa hawl caalami ah taas oo ku salaysan dhowr qaraar, tusaale ahaan Qaraarka haweenka iyo Qaraarka carruurta. Iswiidhan waxa ay dejisay dhowr sharci si dhammaan noocyada dhibaato dagaal looga dhigo sharci darro, ta ka dhanka ah gabdhaha iyo haweenka labadaba iyo xitaa wiilasha iyo ragga.

Dhibaato dagaal caadiyan waxa ay ahaan kartaa waxyaabo badan oo kala duwan. Waxa ay ahaan kartaa tusaale ahaan in lagu garaaco, laguugu yeero erayo xun ama lagugu khasbo galmo adigoo aan oggolayn.

Dagaalka gudaha xiriiryada dhow

In si xun uu kuula dhaqmo qof qaraabo dhow ah waxaa lagu magacaabaa dhibaato dagaal gudaha xiriiryada dhow. Tani waa tusaale ahaan in qof ay dhibaato dagaal ka soo gaarto ninka la is qabo, xaaska, qof la wada noolyahay, lamaanaha, waalidka ama qaraabo kale.

Dagaalka gudaha xiriiryada dhow badanaaba waxaa isku dhex jira dagaal maskaxiyan, galmo ahaan iyo jir ahaan ah. Waxaa laguugu yeeri karaa erayo sharaf ridid ah, tusaale ahaan bilaa qiimo, dhillo ama qof nacas ah. Waxaa dhici karta in qofka alaabtiisa laga burburiyo, in qofku aanu helin lacagtiisi gaarka u ahayd iyo qofku inaanu helin erayo sir oo gaar ugu ah koontooyinka dijitaalka ah. Waxa kale oo ay ahaan kartaa in qofka loo gaysto kufsi, hanjabaado halis ah iyo jir-dil.

Miyaad bixin kartaa tusaalooyin ah dagaal jir ahaan ah?

Maxaa loola jeedaa isku dhex darka dhibaato dagaal oo maskaxiyan, galmo ahaan iyo jir ahaan ah?

Rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska

Qoysaska qaarkood iyo qaraabada waxaa jira aragtiyo xoogan oo ku saabsan sida haweenka iyo gabdhuhu ay tahay inay u dhaqmaan. Waxay ahaan karaan qawaaniin qoys kuwaas oo sheegaya dadka loo oggolyahay inay la kulmaan, nooca dharka ay xiranayaan iyo in ay khasab ku tahay inay ahaadaan bikrado ilaa marka ay guursanayaan. Waxa kale oo ay ahaan kartaa qawaaniinta dookha noocyada galmada ee qoyska ama qaraabadu aqbasho. Mararka qaarkood waxaa ku filan inay jiraan shakiyo ku saabsan in wax dhaceen. Haddii qof loo ciqaabo in qofkaas jebiyay qoyska ama qaraabada qawaaniinteeda waxa tani lagu magacaabaa rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska.

Rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska waa nooc ka mid ah rabshada raggu kula kaco haweenka. Badanaaba dhowr qof ayaa wadajir u fuliya rabshadan ama cadaadiska. Dadka dhibta gaysanaya uma baahna inay ahaadaan lamaane. Waxay ahaan karaan waalidka, walaalada, qaraabada ama dad ay is yaqaanaan qoyska. Qoyska ama qaraabadu waxa ay rabshad u isticmaalayaan inay dib ula soo noqdaan sharafta ay u arkaan inay ka luntay. Kuwa ka qaybqaata cadaadiskan laf ahaantooda waxay ahaan karaan kuwa la dhibaateeyay, tusaale ahan hooyooyin iyo rag dhalinyaro ah. Maaha oo keliya haweenka iyo gabdhaha kuwa lagu dhibo rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska, laakiin waa xitaa wiilal, rag iyo dadka ah hbtqi-ga.

Dhibaatada xooggan waxay u eekaan kartaa siyaabo kala duwan. Waxay ahaan kartaa dagaal jir ahaan, hanjabaado halis ah oo dagaal jir ahaan ah iyo xaaladaha xun xitaa dagaal dhimasho keena. Dhibaatada dagaal waxa kale oo ay ahaan kartaa kantaroolid adag iyo ilaalin. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in qofka lagu khasbo guur inkastoo qofku aanu doonayn. Gudaha Iswiidhan waa sharci darro in qof lagu khasbo guur iyaga oo aan doonayn iyo loo guuriyo qof ka yar 18 sano. Dembiyadan waxaa lagu magacaabaa dembiyga guur khasab ah iyo dembiga guur ilmo carruur ah. Waxa kale oo dembi ah in gabdhaha ama haweenka loo gaysto dhibta gudniinka ama in qof lagu khasbo inuu dalka dibediisa u baxo si loogu guuriyo iyo gudniin. Xafiiska adeegga arrimaha bulshada wuxuu go’aan ku gaari karaa mamnuucid safar haddii ay jirto khatar ah guur iyo/ama gudniinka gabdhaha.

Hedersförtryck.se waxay samaysay filim ku saabsan gudniinka gabdhaha iyo haweenka. Waa filim leh macluumaad looguna talogalay waalidka iyo kuwa haysta mas’uuliyadda sharci ee ilmo. Filimkan wuxuu leeyahay qoraal leh dhowr luqadood.

Xarunta Qaran ee ka hortagga xadgudubyada la xiriira sharafta iyo cadaadintu waxay haysaa buug yar oo ku saabsan gudniinka gabdhaha iyo haweenka. Buuggan yar waxaa la helayaa isagoo dhowr luqadood ah.

Maxaa rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska uu kaga duwanyahay dagaalka ka dhaca gudaha xiriiryada dhow?

Waxa jirta caawimaad la helo

Haddii adiga ama qof aad taqaano loo gaystay dhibaato dagaal waa inaad wargeliso booliiska iyadoo la wacayo 114 14. Wac 112 haddii ay tahay xaalad deg-deg ah. Adigu waxa kale oo aad la xiriiri kartaa saldhiga booliiska ee meesha aad ku nooshahay.

Degmada ayaa ka mas'uul ah ilaalinta dadka loo gaysto dhibaato dagaal. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in la siiyo hoy gabood ah. Adeegga arrimaha bulshada waa inay taageero iyo caawimaad siiyaan carruurta, haweenka iyo ragga ku nool dagaal ka jira gudaha xiriiryada dhow iyo rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska.

Heeganka haweenka waa urur taageero iyo gabood siiya haweenka iyo carruurta loo gaystay dhibaato dagaal ee gudaha xiriiryada dhow ama rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska. Waxa kale oo jira heeganyada gabdhaha looguna talogalay dadka dhalinyarada ah. Heeganyada haweenka iyo heeganyada gabdhaha badankooda waxaa hawshooda socodsiiya ururo samafal ah. Heeganyo haween iyo heeganyo gabdho ayaa ku yaala dalka oo dhan.

Degmooyin badan waxaa ku yaala ruggaha qaabilaadda xaalad dhibaato looguna talogalay haweenka iyo carruurta. Ruggaha qaabilaadda markay jirto xaalad dhibaato waxay caawiyaan dadka loo gaystay dhibaato dagaal ah. Waxa kale oo jira ruggo gaar ah oo qaabilaadda xaalad dhibaato kuwaas oo ragga ka caawiya inay joojiyaan isticmaalka dagaal. Xitaa ragga loo gaystay dhibaato dagaal way heli karaan cawimaad.

Haddii lagugu dhibaateeyay hanjabaad iyo dagaal waxaad wici kartaa Khadka nabadda haweenka. Khadka nabadda haweenka wuu furanyahay mar walba. Waa bilaash in la waco. Adigu ma u baahnid inaad sheegto magacaaga marka aad wacdo. Telafoon lambarku waa 020-50 50 50.

Adigaaga ka yar 20 sano waxaad helaysaa ungarelationer.se. Iyagu waxa ay taageero iyo macluumaad siiyaan adigaaga loo gaystay dhibaato gudaha xiriir, saaxiib la ah qof sidaas ku dhacday, ama ah qofka dhibtan gaysta. Waxay ahaan kartaa wax hadda socota ama wakhti hore dhacday. Xitaa qoraal ayaa lagula sheekaysan karaa haddii aad u baahantahay inaad la hadasho qof.