Hannaanyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay hannaanyada. Hannaanyadu way ka jiraan bulshooyinka oo dhan. Hannaanyadu waa fikrado iyo qawaaniin aan qornayn kuna saabsan sida innageena dadka ah la inaga filayo inaynu ahaano, u noolaano una eekaano. Tani waa waxa loo arko inay tahay ”caadi” dhinaca xaalad ama gudaha bulsho. Hannaanyadu waxay raad ku yeeshaan sida aad ula dhaqmayso dadka kale iyo sida dadka kale ula dhaqmayaan adiga. Waa hannaanyo waxa hogaamiya tusaale ahaan sida aynu saf u galayno gudaha dukaan cunto iyo sida aynu isu salaamayno.

Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan waxa hannaanyadu yihiin. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan hannaanyada xadeeya dadka iyo sida hannaanyada noocaas ah ay u soconayso in wax laga baddalo.

Waa maxay hannaanyo?

Hannaanyadu way ku kala duwanaan karaan dalalka dhexdooda. Gudaha Iswiidhan waxaa hannaan ka ah in aynu is gacan qaadno marka aynu qof is barayno markii ugu horeysay ee la kulmay. Tusaale ahaan marka aynu is baranayno ee la joogo wareysi shaqo. Hannaan kale waa in aynu kabaha iska bixino guriga gudihiisa, laakiin qaybo badan oo aduunka ka mid ah sidaas ma la sameeyo. Haddii aad timaado dal cusub waxaa adkaan karta in la ogaado nooca hannaanyada khuseeya isla halkaas.

Hannaanyadu way isbaddalaan oo way kala duwanyihiin iyagoo ku xiran dhaqan, wakhti iyo meesha qofku ka joogo aduunka. Haddii aynu dib u eegno taariikhda waxa aynu heli karnaa sida hannaanyadu isu baddaleen. Tusaale ahaan waxaa moodo u ahayd ragga taajiriinta ee Iswiidhan inay xirtaan kabo dhaadheer, timo been ah iyo xammuuradda dabnaha la marsado xilliyadii 1700-yadii. Tusaale kale waa in 1800-yadii ay ahayd wax aan caqliga gelin in haweenay xaas ah gudaha Iswiidhan ay banaanka u baxdo iyadoo aan qarin timaheeda.

Hannaanyo waa loo baahanyahay bulshooyinka oo dhan oo dhinacyo badan waxay hannaanyadu noqon karaan wax fiican. Iyagu waxay abuuri karaan nidaam oo inageena ah dadka inoo fududeyn karaan in loo noolaado wadajir. Gudaha Iswiidhan waxaa hannaan ah in la istaago saf oo qofku sugo doorkiisa marka lagu jiro dukaanka raashinka. Marka qof jebiyo qaanuunkan aan qornayn ee dadka kale ka hor galo safka waxay keentaa in nidaam darro ku dhacdo dadki sugayay. Qofkii jebiyay hannaankan wuxuu dareemi karaa in uu sameeyay khalad isagoo aan ogayn sababta.

Miyaad heshay wax ah hannaanyo ilaa iyo intii aad adigu timi Iswiidhan?

Ka fikir sida dadku u ficil-celinayaan haddii aad safka ka hor boodo ama jebiso hannaan kale.

Hannaanyada xadeeya dadka

Hannaanyadu waxay dadka u hogaamin iyo kantarooli karaan qaab xun. Hannaanyadu waxa ay keeni karaan in dadku aanay ku dhiiran inay ahaadaan sidoodi caadiga ahayd. Waxay xitaa takoori karaan dadka aan waafaqin hannaankan. Waxaa jira dhowr tusaale oo ah hannaanyada xadeeya dadka. Dhowr ka mid ah waa:

  • Hannaanka in dadka oo dhan yihiin dad ka hela jinsiga ka soo horjeeda. Hannaankan micnahiisu waa in haweenka laga filayo inay soo jiitaan ragga oo ay jeclaadaan ragga. Ragga laga filayo inay soo jiitaan haweenka oo jeclaadaan haweenka. Hannaankan waxa uu takoorayaa dadka aan ahayn dadka ka hela jinsiga ka soo horjeeda. Hannaankan micnahiisu waa tusaale ahaan in haweenay xaas u ah haweenay kale ay la kulmayso ficil-celinyo ka xun marka la barbardhigo haweenay xaas u ah nin.
  • Hannaanka iyo hoos u dhaca awoodda laxaadka. Hannaanka micnihiisa waa in dadka oo dhan laga filayo inay dhaq-dhaqaaqaan, wax arkaan, maqlaan oo fahmaan macluumaadka qaab isku mid ah. Hanaanku wuxuu keenaa in dadka leh hoos u dhacyada awoodda laxaadka ah ay helaan soo gelid liidata dhinaca bulshada oo sidaas darteed ay xadaysanyihiin. Tusaale waa marka qof baahi u qaba wiishka dabaqyada dhaadheer ama turjubaan luqadda dhagoolayaasha ee faraha laga hadlo oo aan loo helayn.

Innaga dhammaanteen waxaa raad inagu yeesha hannaanyada jinsiga, midabka maqaarka, hoos u dhaca awoodda laxaadka, arrimaha galmada, da'da iyo diinta. Hannaanyo waxay keenaan in inagu badanaaba aynu u malayno sida qof uu ahaanayo kuna salaysan qofkaas ka tirsanaantiisa koox. Farqi ayaa u dhaxeeya tusaale ahaan nooca hannaanyada iyo waxa loo malaynayo ee ku saabsan haddii haweenay ay socon karto iyo haddii haweenay ay ku fadhido kursiga dadka aan socon karin. Hannaanyadu sidaas darteed waxay la xiriiraan takooridda iyo awoodda. Dadka ku haboon hannaanyada waa la aqbalaa, helaan fursado badan iyo awood dheeraad ah in ay raad ku yeeshaan bulshada iyo naftooda gaarka ah. Dadka aan ku haboonayn hannaanka waxay khatar ugu jiraan in loola dhaqmo si liidata, la dhibaateeyo oo la takooro.

Innageena ah dadka ayaa abuurna hannaanyada. In la fahamsanaado hannaanyada ina xadaynaya ayaynu innagu wax ka baddali karnaa iyaga si dad badan ay u soo dhex geli karaan bulshada. Dhaleecaynta hannaanyada waa qaab badanaaba la isticmaalo si loo baaro sida hannaanyada kala duwan ay raad ugu yeeshaan dadka noloshooda maalinlaha ah iyo bulshada fikradaheeda aasaasiga ah. Iyadoo caawimaad laga dhiganayo dhaleecaynta hannaanyada ayaynu ku arki karnaa qofka haysta awood iyo qofka ay ka maqantahay awood ama ay xadeeyeen hannaanyadu. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in qofku baddalo luqaddiisa iyadoo la oranayo "lamaane" oo baddal u ah "saaxiibad". Markaasi waxaad ku salaysay aragti dhaleecaynaysa hannaanyada taas oo adigu aanad ka hor sii go´aamin nooca jinsi ee lamaanaha qofku leeyahay.

Hannaanyada waa la baddali karaa

Xilliyadii 1950-yadii waxaa hannaan ka ahayd Iswiidhan in haweenku joogaan guriga si ay u daryeelaan carruurta iyo guriga, halka ragguna shaqaynayeen oo masruufayeen qoyska. Taasi waxay keentay in xaasku ay dhaqaale ahaan ku tiirsanaato ninka. Tan iyo xilligaas hannanyadu way is badaleen. Intii lagu jiray 1960-70-yadii go'aamo siyaasadeed oo badan ayaa kalmeeyay in haweenka loo soo saaro suuqa shaqada. Maantana haweenka shaqeeyaa way badanyihiin oo la midyihiin sida ragga.

Iswiidhan baarlamaankeeda iyo dawladeedu siyaabo kala duwan ayay uga shaqeeyaan in wax laga baddalo hannaanyada xadeynaya dadka ee abuuraya takoorid. Tusaale waxaa ah siyaasadda sinaanta ragga iyo haweenka taas oo Iswiidhan baarlamaankeedu go'aamiyay. Tusaale kalena waa sharciga takooridda.

Ka fikir nooca hannaanyada isbaddalay gudaha bulshada aad adigu hore ugu soo noolayd.