Xuquuqda loogu talogalay dadka laga tiro badanyahay iyo dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dalkan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 16 8 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dadka laga tirada badanyahay ee qaranka iyo dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dalkan. Gudaha Iswiidhan waxaa jooga dad asal ahaan ugu soo horeeyay dalkan oo lagu magacaabo Saamer. Iyagu waxay halkan ku noolaayeen dhowr kun oo sano, wakhti dheer ka hor intaan Iswiidhan noqon dal gaar ah. Waagii hore Saamerka waxay isku masruufi jireen in la ugaarsado, kaluumeysto iyo inay haystaan xoolaha cawsha ee ku nool Waqooyiga Yurub. Saamerka qaarkood waxay weli isku masruufaan sidaas. Saamerku waxay leeyihiin luqad gaar u ah, dhaqan gaar u ah iyo taariikh gaar u ah. Saamerku waxay xitaa leeyihiin calan gaar u ah iyo hees qaran oo gaar u ah. Laga yaabee inay jiraan dad asal ahaan ugu soo horeeyay xitaa dalka adigu aad ka timi? Laga yaabee inaad ka tirsantahay dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dalkaas?

Waxaad akhrin doontaa kuwa ay yihiin dadka laga tiro badanyahay ee qaranka. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan hawsha in la joojiyo takooridda dadka laga tiro badanyahay ee qaran iyo dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dalkan.

Waa kuwee dadyowga laga tiro badanyahay ee qaranka?

Dhowr kooxood ayaa muddo aad u dheer ku noolaa gudaha Iswiidhan. Waxaa jira shan ah dadyowga laga tirada badanyahay ee qaran oo laga aqoonsanyahay gudaha Iswiidhan: Yuhuuda, Roomar, Saamer, Finlaandiiska reer Iswiidhan iyo Tornedalingar. Dadyow laga tiro badanyahay taariikhiyan oo qaran waxa ay leeyihiin luuqad, dhaqan iyo taariikh ay wadaagaan. Qof kastaaba isaga ayaa keligi go'aansada haddii uu ka mid yahay dadyowgan laga tiro badanyahay.

Waxaa gudaha Iswiidhan ka jira shan ah luuqadaha dadyowga laga tiro badanyahay ee qaran: Yiddish, Roomaani Jiib, Saamiga, Finlaandiiska iyo Miyankiyeli. Maaha in dhamaan dadka ku jira dadyow laga tiro badanyahay oo qaran ay awoodaan inay ku hadlaan luuqada dadyowga laga tiro badanyahay.

Dadyowga laga tiro badanyahay waxaa jirta wakhtiyo si xun loogula dhaqmay gudaha Iswiidhan. Kooxaha qaarkood waxaa tusaale ahaan lagu khasbay inay guuraan, in aan loo oggolaan ku hadalka afkooda ama lagu khasbay inay dhiibaan carruurtooda.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Waa maxay farqiga u dhaxeeya shanta dadyow ee loo aqoonsanyahay in laga tirada badanyahay ee qaran iyo kooxaha kale ee dadyowga laga tiro badanyahay ee gudaha Iswiidhan ee wadaaga luuqad, dhaqan iyo taariikh?

Dadyowga laga tiro badanyahay ee qaran maanta xaaladoodu way sii fiicnaatay gudaha Iswiidhan

Xaaladda dadyowga laga tiro badanyahay maanta way ka fiicantay sidii ay ahayd waagii hore. Kooxahan laf ahaantooda ayaa kaalmo ka geystay isbaddalkan. Iyagu waxay u halgameen xuquuqdooda oo la yimaadeen shuuruudo ah in loo ixitiraamo sida dadka kale ee bulshada. Tusaale ahaan dadka Saamerka waxay bilaabeen inay is abaabulaan si ay u difaacaan xuquuqdooda wakhti laga joogo qiyaastii boqol sano. 1993 waxaa la aasaasay golaha Sametinget ee gudaha Iswiidhan. Iyagu waxay ka shaqeeyaan in la ilaaliyo oo la horumariyo dhaqanka dadyowga Saamiga.

Weli way dhacdaa in dadyowga laga tiro badanyahay la takooro. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in ay ku sii adkaato inay helaan shaqo, loola dhaqmo si ka duwan sida dadka kale haddii ay galaan dukaan ama lagu faquuqo gudaha iskoolka. Laakiin Iswiidhan waxa ay maanta ka shaqaysaa in dadyowga qaran ee laga tiro badanyahay aanay soo gaarin takoorid iyo in dhaxalkan dhaqan uu ka sii noolaado dalkeena.

Iswiidhan waxay aqoonsatay in Yuhuuda, Roomar, Saamer, Finlaandiiska reer Iswiidhan iyo Tornedalingar yihiin dadyowga taariikhiga ah ee laga tiro badanyahay ee qaran. In la aqoonsaday dadyowga laga tiro badanyahay ee qaran ee taariikhiyan waxay Iswiidhan ku muujisay inay qiimo weyn u aragto in kooxahani ay kaalmo ka gaysteen dalkan dhaqankiisa iyagoo wakhti dheer ka soo mid ahaa dalkan taariikhdiisa.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Miyaad bixin kartaa tusaale ah kooxo laga tiro badanyahay oo jooga dalal kale oo aan ahayn Iswiidhan kuwaas oo la takooray oo aan xor u ahayn inay ku hadlaan luqadooda ama ku dhaqmaan dhaqankooda?

Heshiisyada iyo ballanqaadyada

Si loo ilaaliyo dadyowga laga tiro badanyahay xuquuqdooda waxaa Golaha Yurub soo saareen heshiisyo u dhaxeeya dalalka Yurub. Golaha Yurub waa Yurub ururkeeda ugu muhiimsan dhinaca xuquuqda bani'aadamka.

Waa laba heshiis kuwa ansaxa ka ah gudaha Iswiidhan ilaa iyo sanadkii 2000:

  • Golaha Yurub heshiiskeeda guud ee ilaalinta dadyowga laga tiro badanyahay ee qaran. Dalalka saxeexay heshiiskan waa inay ka hortagaan takooridda dadyowga laga tiro badanyahay ee qaran. Dalalka saxeexay heshiiskan waa inay xitaa u shaqeeyaan sidii dadyowga laga tiro badanyahay ee qaran caadooyinkooda iyo dhaqankooda loo dhowro oo uu ka sii noolaado gudaha bulshada. Tusaale ahaan qof ah Roomar ah waa inuu fursad u helaa inuu ku hadlo oo wax ku qoro Romaani Jiib marka uu la xiriirayo hey'addaha dawladeed ee Iswiidhan.
  • Xeerka Yurub ee luqadaha qaybaha dalka ama dadyowga laga tiro badanyahay. Ujeedada xeerkan waa in la ilaaliyo luqadda khatar ugu jirta in la waayo.

Waxaa jira xitaa heshiisyo gaar ah kuna saabsan xuquuqda bani'aadamka si loo ilaaliyo dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dalka, sida tusaale ahaan Saamerka:

  • Qaramada Midoobay bayaankeeda ku saabsan dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dalka xuquuqdooda. Kani wuxuu sheegayaa waxyaabo ay ka mid tahay in dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dalka ay xaq u leeyihiin inay u taliyaan aayahooda. Dad asal ahaan ugu soo horeeyay dal inay u taliyaan aayahooda waxay ku saabsantahay xaqa in keligood ay go'aamiyaan waxa ugu fiican ee dan u ah dadyowga ka tirsan dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dal.
  • Ururka shaqaalaha ee caalamiga ah (ILO) qaraarkiisa ku saabsan dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dal iyo dadyowga qabiilada ee gudaha is-maamulada dalalka. Iswiidhan may saxeexin qaraarkan laakiin kuwau halgamaya Saamerka xuquuqdooda waxay doonayaan in Iswiidhan sidaas oo kale samayso.

Waa dawladda, hey'addaha dawladeed, gobolada iyo degmooyinka gudaha Iswiidhan kuwa ay tahay inay hubsadaan in la raaco waxa dalalka ku jira Gudida Yurub iyo Qaramada Midoobay ay ku heshiiyeen. Haddii dal aanu raacin qawaaniintan waxaa dhaleecayn kara Gudida Yurub iyo Qaramada Midoobay oo sheegaya waxa ay tahay inay sii fiicnaysiiyaan. Iswiidhan waxaa lagu dhaleeceeyay in Saamerka, Roomarka iyo dadyowga kale ee laga tiro badanyahay la takooro. Iswiidhan waxa kale oo lagu dhaleeceeyay in dembiyada laga galay dadyowga laga tiro badanyahay ee qaran aan badanaaba lagu eegin dhinaca maxkamad.