Xuquuqda dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 20/12-2022

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay xuquuqda dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah. Innageena dadka ah waxaynu u shaqaynaa qaabab kala duwan. Laakiin marar badan waxay bulshadu u qaabaysantahay sidii aynu dhammaanteen si isku mid ah u shaqayno. Tani waxay keeni kartaa in dadka qaarkood aanay haysan fursado isku mid ah oo laga dhex saaray xaaladaha qaarkood. Dhinaca qof aan socon karin waxa ay ahaan kartaa wax aan suurtagal ahayn in la raaco bas aan ku haboonayn kuraasta dadka aan socon karin. Qof aan wax maqli karin waxaa ku adkaan karta in la fahmo waxa tusaale ahaan dhakhtarku u sheegayo haddii macluumaadkan aan lagu bixin xitaa qoraal ahaan ama iyadoo loo marayo turjubaanka luqadda dhegoolayaasha.

Nin aragtidiisu hooseyso oo kursi dheer la fadhiya eyga hagitaanka iyo xagga dambe oo laga arko calanka Qaramada Midoobey.

Waxaad akhrin doontaa noocyada kala duwan ee hoos u dhacyada awoodda iyo sida Iswiidhan sharciyadeedu u ilaaliyaan dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan nooca taageero ee loogu talogalay dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Noocyo kala duwan oo ah hoos u dhaca awoodda laxaadka ah

Hoos u dhac awoodda laxaadka ah waa hoos u dhac jir ahaan, maskax ahaan ama awoodda shaqo ee caqliyan. Gudaha Iswiidhan shantii qof hal qof ayaa leh hal ama dhowr ah hoos u dhacyada awoodda laxaadka ah. Waxaa jira dhowr noocyo kala duwan oo hoos u dhacyada awoodda laxaadka ah. Qaarkood way muuqdaan halka qaar kale aanay muuqan. Hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxa ay noqon kartaa in adiga ay kugu adagtahay in aad:

  • wax maqasho
  • wax aragto
  • fahanto macluumaadka
  • hadasho ama cabbirto fikirkaaga
  • dhaq-dhaqaaqdo
  • xamisho waxyaabaha qaarkood.

Dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah badanaaba waxaa loola dhaqmaa si ka liidata dadka kale. Iyagu waxa ay haystaan waxbarasho liidata, loo gaystaa dhibaato dagaal oo ay ku adagtahay inay helaan shaqo marka la barbardhigo shacbiga intiisa kale. Carruurta leh hoos u dhac awoodda ah badanaaba dareenkooda wanaag wuu liitaa gudaha iskoolka, waxay ka qaybqaataan hawlo xilli firaaqo oo yar oo waxay leeyihiin saaxiibo yar marka la barbardhigo carruurta kale.

Miyaad bixin kartaa tusaale ah hoos u dhacyada awoodda laxaadka ee muuqda iyo hoos u dhacyada awoodda laxaadka ee aan muuqan?

Qaramada Midoobay qaraarkeeda xuquuqda dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah

Qaramada Midoobay waxay leedahay qaraar gaar ah kuna saabsan xuquuqda dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Qaraarkan waa wax ay ku heshiiyeen dalal badan. Dalalka saxeexay qaraarkan waxaa waajib ku ah inay raacaan waxa ku qoran. Iswiidhan way saxeexday qaraarkan.

Qaraarkan waxaa ku qoran waxyaabo ay ka mid yihiin in dadka leh hoos u dhaca awoodda laxaadka ah ay xaq u leeyihiin inay wax bartaan. Tusaale ahaan waa in dadkan ay helaan caawimaadda inay bartaan luqadda dhagoolayaasha ee faraha laga hadlo iyo qoraalka indhoolayaasha haddii ay taas u baahdaan.

Qaraarkan waxa kale oo ku qoran in dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah aan la isticmaalin, loo gaysan dagaal ama xadgudub iyo in iyagu ay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan oo ay isu taagaan doorashooyinka siyaasadda.

Iswiidhan sharciyadeedu waxa ay ilaalinayaan dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah

Waxaa jira sharciyo gudaha Iswiidhan kuwaas oo dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah ka ilaalinaya in la takooro. Waxa kale oo jira sharciyo siinaya dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah fursada inay gudaha bulshada kaga qaybqaataan shuruudo la siman dadka aan lahayn hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Sharciyada gudaha Iswiidhan waxa ay sheegayaan waxyaabo ay ka mid yihiin sida soo socota:

  • Haddii adiga ay kugu adagtahay inaad dhaq-dhaqaaqdo waa inay jirto alaab caawimaad si aad u awooddo inaad ugu dhaq-dhaqaaqdo gudaha bulshada.
  • Haddii adiga ay kugu adagtahay inaad wax maqasho waxa aad xaq u leedahay alaab caawimaad iyo xaqa inaad barato luqadda dhagoolayaasha ee faraha laga hadlo. Adigu waxaad xitaa xaq u leedahay inaad hesho macluumaad qoraal ah ama hesho turjubaan luqadda dhagoolayaasha ee faraha laga hadlo ah hadddii tusaale ahaan aad booqanayso dhakhtar.
  • Adigu waxaad xitaa heli kartaa taageero gaar ah si aad u hesho shaqo ama wax aad ku mashquusho oo adiga kuu soconaya.
  • Iskoolka ayaa mas'uul ka ah inay caawiyaan ardayda leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Tani waxa ay ahaan kartaa in la helo wakhti dheeraad ah xilliga imtixaan iyo waajibka guriga lagaga soo shaqeeyo ama helitaanka alaab caawimaad si loo awooddo in looga qaybqaato waxbarashada.

Sharciyadda gudaha Iswiidhan waxa kale oo ay sheegayaan in aan laguu oggolayn in lagu takoor iyadoo ay sabab u tahay hoos u dhaca awoodda laxaadka. Takooridda noocaas ah waxay ahaan kartaa tusaale ahaan haddii shaqo aanad helin iyadoo ay sabab u tahay in aad adigu isticmaasho kursiga curyaamiinta. Waxa kale oo ay ahaan kartaa haddii aan laguu oggolaan inaad gasho maqaaxi cunto maadaama aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Inkastoo sharciyo yaalaan waxa jira meelo aanay geli karin dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Iswiidhan waxaa dhaleecayn kaga timi Qaramada Midoobay dhinaca galdaloolada sida meel loo geli karo jir ahaan. Tani waxay ku xirantahay in qaar ka tirsan dhismayaasha iyo deegaanada la dhisay aanay geli karin dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Miyaad bixin karta tusaale ah sharciyadda ilaaliya ee xoojiya xuquuqda dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah?

Taageero shakhsiyan ah

Si loo suurtagaliyo in laga qaybqaato bulshada si ah shuruudo siman waxaa jira taageerooyin shakhsiyan ah looguna talogalay dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Nooca taageero ee aad adigu heli karto waxay ku xirantahay hoos u dhaca awoodda laxaadka ee adigu aad leedahay iyo nooca taageero ee aad u baahantahay.

Waxa ay noqon kartaa in adigu aad heli kartid alaab caawimaad oo cayiman taas oo kuu fududeynaysa dhinaca nolosha maalinlaha ah. Haddii tusaale ahaan ay kugu adagtahay inaad wax maqasho waxaa jira qalabka maqalka iyo alaab caawimaad oo kale. Haddii ay kugu adagtahay inaad keligaa safarto ama aad tagto meelo kala duwan markaas waxa aad heli kartaa wehel ku caawiya. Adigu waxaad xitaa heli kartaa kaalmo dhaqaale ama caawimaad in aad gurigaaga waafajiso si adigu kugu haboon.

Dhinaca Qasnadda Caymiska ama adeegga arrimaha bulshada ee degmadaada ayaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah kuna saabsan nooca ama noocyada taageero ee adigu aad xaq u leedahay.

Sharciga taageerada iyo adeega ee qaar ka mid ah dadka awoodooda laxaadku kala dhantaalantahay, LSS

Haddii aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo baahsan waxa aad xaq u leedahay inaad codsato taageero si aad u awooddo nolol fiican oo isku filnaansho leh ilaa intii suurtagal ah. Tani waxay ku qorantahay sharci magaciisu yahay Sharciga taageerada iyo adeega ee qaar ka mid ah dadka awoodooda laxaadku kala dhantaalantahay, LSS.

Sharcigan wuxuu sheegayaa in adigu aad xaq u leedahay taageero iyo adeeg dhinaca noloshaada maalinlaha ah si aad u awooddo inaad u noolaato sida dadka kale oo dhan. Tani waxay ahaan kartaa caawimaadda dhinaca talobixinta iyo qof kuu wehelyeela markaad meel tagayso. Tani waxa kale oo ay ahaan kartaa in lagu noolaado hoy ku haboon baahiyahaaga. Adigu waxaad xitaa heli kartaa qof ku caawiya oo gaar kuu ah kaana caawiya adiga cunto karinta, dhar xirashada ama inaad daryeesho nadaafaddaada.

Adigu waxa aad taageeradan ka codsan kartaa degmadaada. Waa degmada mas'uuliyadeeda inay ogaato nooca taageero ee adigu aad u baahantahay iyo inay kugu casuumaan taageeradan. Adiga laf ahaantaada ayaa xaq u leh inaad raad ku yeelato sida taageeradan loo qorshaynayo. Waxaa loo baahan karaa in taas la baddalo inta lagu jiro sanadahaas si ay kuugu haboonaato adiga. Adigu ma u baahnid inaad wax lacag ah ka bixiso taageeradaada.