Xorriyadda diinta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 16 8 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay xorriyadda diinta. In keligaa aad doorato diinta ama caqiidada aad doonaysid inaad lahaato waa xaq bani’aadanimo. Tani micnaheedu waa xitaa in aad xaq u leedahay inaad doorato in aanad haysan wax diin ah gebi ahaanba. Xorriyadda diinta micnaheedu waa in dadka oo dhan ay xaq u leeyihiin in ay ku dhaqmaan diintooda. Adigu waxaad xaq u leedahay inaad tukato oo xusto duco Ilaahay. Adigu waxaad xitaa xaq u leedahay inaad u dabaaldegto ramadaanta, ciidda masiixiga, ciida Yuhuuda ee shanuuka ama munaasabadaha kale ee diiniga ah. Waxaa jira sharciyo difaacaya xaqa aad u leedahay inaad aaminsanaato diinta ama caqiidada aad doonayso. 

Waxaad akhrin doontaa waxa xorriyadda diinta micnaheedu yahay. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan sharciyada iyo qaraarada difaacaya xorriyadda diinta.

Dhammaan dadka jooga Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin inay ku dhaqmaan diintooda

Kiristaannimadu boos weyn ayay ku soo lahayd Iswiidhan taariikhdeeda. Waagi hore Iswiidhishka oo dhan waxay ku khasbanaayeen inay ka tirsanaadaan urur diineed Kiristaan ah. Wax micno ah may samayn jirin haddii iyagu ay aaminsanaayeen diin kale ama aanay waxba aaminsanayn. Markii ugu horeysay sanadkii 1951 ayaa xorriyadda diinta ay sharci ka noqotay Iswiidhan oo maanta xorriyadda diinta waxay qayb ka tahay dastuurka Iswiidhishka.

Xorriyadda diinta micnaheeda waxaa ka mid ah in:

  • Dadka oo dhan xaq u leeyihiin inay ku dhaqmaan diintooda. Tani waxay noqon kartaa tusaale ahaan in la tukado ama la bilaabo ururo diini ah.
  • Qofkii aan doonayn inuu ka sheekeeyo diintiisa ma u baahna inuu sidaas sameeyo.
  • Carruurta khasab ma ku aha inay doortaan diin la mid ah ta qoyskooda.
  • Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay baddalaan diin marka iyagu doonayaan.
  • Dadka oo dhan xaq ayay u leeyihiin inay u dabaaldegaan munaasabadaha weyn ee diiniga ah.
  • Shaqo-bixiyayaashu waa inay u fur-furnaadaan in shaqaaluhu ku dhaqmaan diintooda. Tani waxay ahaan kartaa in salaadda inta lagu jiro wakhtiga shaqada la oggolyahay marka aanay tani arbushaad ku ahayn shaqada. Si la mid ah ayaa khuseysa in la xirnaado calaamado ama dhar diini ah.
  • Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin in laga aqbalo doorashadooda diin ama doorashadooda in aanay lahaan wax diin ahba.
  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Miyaad garanaysaa xuquuqahani inay ka jireen dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd?

    Xuquuqyo noocee ah ayaa ka jira halkaas?

    Xuquuqyo noocee ah ayaa ka maqan?

Qaramada Midoobay waxay ilaalisaa xorriyadda diinta

Xorriyadda diinta waa xuquuq bani'aadanimo. Taasi waxay ku qorantahay Qaramada Midoobey sharaxaadeeda guud ee ku saabsan xuquuqda bani'aadamka. Tani waxay ku qorantahay xitaa Qaraarka Yurub iyo qaraarka carruurta.

Takooridda iyo xorriyadda diinta

Dalal badan xorriyadda diinta way xaddaysantahay. Dalalka qaarkood dadka waa la dhibaa, la cayrsadaa oo naftooda laga qaadaa iyadoo ay sabab u tahay waxay aaminsanyihiin ama diintooda. Xitaa gudaha Iswiidhan way dhacaan ku xadgudubyo dhinaca xorriyadda diinta.

Sharciga waxaa ku qoran in aan la oggolayn in cidnaba lagu takooro sababtoo ah diintooda ama caqiidada ay aaminsanyihiin oo kale. Dhakhtar tusaale ahaan ma kuu diidi karo daryeel bukaan iyadoo ay sabab u tahay diintaada. Qaab la mid ah ayaa shaqo-bixiyana loo oggolayn in ay iska dhaafaan inay kuugu yeeraan wareysi shaqo sababtoo ah in adigu aanad haysan diin la mid ah tooda.

Iswiidhan waxaa caadi ka ah in aan la aaminin wax Ilaah ah. Tani waxay keentaa in mararka qaarkood dad caqiido aaminsan la takooro inkastoo ay jiraan sharciyo ka soo horjeeda taas.

Sharciga waxaa la isticmaalaa ereybixinta diin iyo aaminaada caqiido kale. Diin micnaheedu waa tusaale ahaan Hinduuga, Yuhuudinimo, Kiristaanimo iyo Islaamka. Aaminaada caqiido kalena micnaheedu waa tusaale ahaan Buudiga, dadka aan wax caqiido ah aaminsanayn iyo kuwa aaminsan in aan la caddayn karin inuu jiro wax Ilaah ah.