Waa maxay xuquuqda bani’aadanimada?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 20/12-2022

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay xuquuqda bani’aadamka. Waa hubaal inaad maqashay ereybixinta xuquuqda bani’aadamka. Laakiin maxay tahay taas micnaheedu, iyo qofkee ayay khuseysaa xuquuqda bani’aadamka? Aasaas ahaan waxay xuquuqda bani’aadamka ku saabsanyihiin waxyaabo adigu aad xaq u leedahay sababtoo ah inaad tahay bani’aadan. Xuquuqahan waxay khuseeyaan dadka oo dhan. Adigu waxaad xaq u leedahay tusaale ahaan daryeel bukaan iyo waxbarasho. Adigu waxaad xaq u leedahay inaad wax cunto oo dheregto. Adigu waxaad xaq u leedahay inaad lahaato dal aad ku noolaato oo aad muwaadin ka ahaato.

Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin aasaaska xuquuqda bani’aadamka, waxa xuquuqahan micnahoodu yahay iyo Qaramada Midoobey hawsheeda dhinaca xuquuqda bani’aadamka.

Sawir farshaxan oo ah shaqaalaha daryeelka bukaanka, sixni cunto saarantahay iyo fasal iskool.

Xuquuqda bani'aadanimada waxay ku yimaadeen kacdoon iyo ficil-celino lagaga soo horjeeday xadgudubyo halis ah oo balaaran iyo xaalado xun.

Xuquuqda bani'aadamka waxay ku salaysanyihiin fikradda ku saabsan in dadka oo dhan leeyihiin xuquuq caalami ah oo isku mid u ah dadka oo dhan, iyadoo aan loo eegayn jinsi, dookha noocyada galmada, dhaqan, qowmiyad ama waxyaabo kale oo keeni kara in lagaga duwanaado dadka kale.

Aasaaska xuquuqda bani'aadamka

Fikradda in qof kastaa leeyahay xuquuq bani'aadanimo waxay la da' tahay diimaha aduunka ee kala duwan. Si sax ah nooca xuquuqahni yihiin waxaa ka hadlayay boqolaal sano dadweyne ka tirsan dhaqamo iyo diimo kala duwan aduunka hareerihiisa.

Laakiin waxay ahayd ugu horeyn bartamihii 1900-yadii markii ilaalinta xuquuqda bani'aadamka noqotay arrin caalamka ku baahsan. Xilligaas waxaa socday dagaal weyn oo u dhaxeeya dala ka tirsan aduunka oo dhan. Dagaalkani wuxuu socday 1939 ilaa 1945 oo waxaa lagu magacaabaa dagaalki labaad ee aduunka. Dagaalkii labaad ee aduunka waxa uu ahaa dagaaladi ugu dhimashada badnaa taariikhda. 50–60 milyan oo qof ayaa ku dhintay. Intii dagaalku socday naasiyiinta ayaa haystay awooda gudaha Jarmalka. Naasiyiintu waxay u arkeen in dadka oo dhan aanay lahayn qiimo isku mid ah.

Naasiyiintu waxay ay ciqaabeen, adoonsadeen oo nafta ka qaadeen lix milyan oo Yuhuud ah intuu dagaalku socday. Xasuuqan dadweyne ee Yuhuuda waxaa lagu magacaabaa dabargoyntii tirtirka. Laakiin naasiyiintu may weerarin Yuhuuda oo keliya. Tusaale ahaan Roomarka, dadka ka hela dadka eey isku jinsiga yihiin, dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah iyo dadka lahaa aragtiyo kale ayaa xitaa dhibbane u noqday naasiyiinta. Markuu dagaalku dhamaaday magaalooyin badan oo Yurub iyo Aasiya ah ayaa burburay. Dadkii ka badbaaday dagaalka way qaxeen oo waxay noqdeen bilaa guryo iyo cunto. Dalal badan waxay doonayeen inay hubsadaan in wixii dhacay aanay dib u dhicin. Si wadajir ah ayay u go'aansadeen in la abuuro ururka Qaramada Midoobay, QM.

QM waxaa la aasaasay sanadkii 1945. Xilligaasi waxay ahaayeen 51 dal xubnuhu. Iyagu waxay QM u bilaabeen in laga hortago dagaal dhaca mustaqbalka. Laakiin xitaa in la ilaaliyo qof walba xuquuqdiisa. Ilaa intii QM la aasaasay waxay ka shaqeeyeen waxyaabo ay ka mid yihiin in la abuuro nabad iyo in la caawiyo dadka ku jira xaalado deg-deg ah. QM waxay caawimaad ka gaysataa waxyaabo ay ka mid yihiin hawlaha nabad ilaalinta, raashinka, biyaha iyo daryeelka caafimaadka ee dalalka uu ka jiro dagaal. Maanta 193 dal ayaa xuno ka ah QM.

Miyaa dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd ay xubin ka yihiin QM?

QM sharraxaadeeda guud ee ku saabsan xuquuqda bani'aadamka

Mid ka mid ah hawlihii ugu horeeyay ee QM waxay ahayd in lagu heshiiyo xuquuqda dadka oo dhan leeyahay, kuwa cidnaba aanay dafiri karin ama ka qaadi karin. 1948 ayay QM soo bandhigtay sharraxaada guud ee ku saabsan xuquuqda bani'aadamka. Tani waxay ahayd dukumentigi caalamiga ee ugu horeeyay ee si cad u sharraxa dadka oo dhan xorriyadahooda iyo xuquuqdooda.

Wax badan oo ku qoran sharraxaadan xuquuqda bani'aadamka waxay ku saabsan tahay in waxyaabihii xumaa ee dhacay intii uu socday dagaalki labaad ee aduunka aanay dib u dhicin. Waxa ku qoran waxyaabo ay ka mid yihiin sidan:

  • Dadka oo dhan waxay dhasheen iyaga oo xor ah oo isku qiime iyo xuquuq ah.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay nolol xor ka ah dhibaato dagaal.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay inaad sheegto aragtidaada oo la wadaagto dadka kale.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay in aad noolaato oo dareento amaan.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay shaqo oo adigu waxa aad xaq u leedahay nasasho iyo fasax aad ka hesho shaqada.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay in aad tagto iskool.
  • Adiga maaha in laguula dhaqmo si liidata iyadoo ay sabab u tahay in adigu aad leedahay jinsi ama midab maqaar oo gaar ah.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay caafimaad iyo daryeel bukaan oo fiican.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay in aad guursato oo samaysato qoys.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay raashin, dhar iyo hoy.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay inaad u cararto oo magan-gelyo ka raadsato dal kale haddii noloshaadu ku jirto khatar.
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay in aad aaminsanaato diinta aad adigu doonaysid. Adigu waxaa kale oo aad xaq u leedahay in aadan aaminsanaan wax diin ah.

Sharraxaadan guud ee xuquuqda bani'aadamka waxaa ku jira isu geyn 30 xeer, kuwaas oo lagu magacaabo qodobo.

Qaraaradu waxay ilaaliyaan kooxaha si gaar ah ugu nugul dhibaatayn

Si dalalku u raacaan sharraxaadan guud ee xuquuqda bani'aadamka waxay QM diyaarisay qawaaniinta ah sida ay u shaqaynayaan. Qawaaniintan waxay ku jiraan wax lagu magacaabo qaraaro. Qaraaradan waa nooc heshiis oo u dhaxeeya dalalka. Dalalka saxeexay qaraar waxay ballan qaadayaan inay raacayaan waxa ku qoran. Waxaa jira dhowr qaraar. Qaraar walba waxaa ku jira tiro xuquuqo ah dhinaca arrimo cayiman ah.

Qaraaradii QM ee ugu horeeya waxaa la soo bandhigay ku dhawaad isku wakhtigii sharraxaada guud oo waxay ku saabsanaayeen qaxoontiga xuquuqdooda, waajibka in laga hortago xasuuq dadweyne iyo mamnuucidda takoorida cunsuriyadda ku salaysan.

Intii lagu jiray 60-yadii waxay QM soo saartay qaraaro ku saabsan xuquuqda muwaadinimo iyo siyaasadeed. Isla mar ahaantaas waxay soo saareen qaraarada ku saabsan xuquuqda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ahaan. Laakiin inkastoo QM go'aamisay in dadka oo dhan lahaadaan xuquuq isku mid ah may raacin sidaas dalalka oo dhan. Tusaale ahaan 70- iyo 80-yadii waxaa la ogaaday in dalal badan ay weli aqbalaan guurka carruurta iyo in gabdhaha laga mamnuuco inay tagaan iskoolka. Sidaas darteed ayaa QM qortay qaraaro gaar ah oo si cad u mamnuucaya takooridda haweenka oo oggolaanaya xuquuqda carruurta.

Arrimo kale oo muhiim ah oo QM soo saartay waa qawaaniinta dhinaca mamnuucidda ka hortaga jir-dilka iyo xuquuqda dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Iyagu waxa kale oo ay mawqif ka istaageen xuquuqda dadka hbtqi-ah, dadka ka hela dadka eey isku jinsiga yihiin, dadka labada jinsiba ka hela, dadka dareemaya inay yihiin jinsi kale oo aan ahayn ka sharciyan u qoran, dadka aan doonayn inay qeexaan jinsigooda shakhsiyan ama jinsiga ay ka helaan iyo dadka labeebka ah.

Iswiidhan waxa ay saxeexday qaraaro badan. Qaraaradan waxay ku saabsan yihiin arrimahan:

  • Carruurta xuquuqdooda
  • Mamnuucidda dhammaan noocyada takooridda haweenka
  • In la joojiyo dhammaan noocyada takooridda cunsurnimada ku salaysan
  • Xuquuqda dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah
  • Xuquuqda muwaadinnimo iyo siyaasadeed
  • Xuquuqda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ahaan
  • In laga hortago jir-dilka iyo noocyada kale ee ula dhaqmid foolxun, naxariista daran ama bahdilaada ah ama ciqaabta.

Ka fikir waxa uu yahay farqiga u dhaxeeya qaraar iyo sharci.

Maxaad u malaynaysa inay dhacdo marka dal uu jebiyo qaraar?

Sharciyadu waxa ay ilaaliyaan xuquuqdeena bani'aadanimo

Haddii hey'ad dawladeed ama shakhsi gaar ah jebiyo xuquuqda bani'aadanimo markaas dawladda ayay ugu horeyn saarantahay mas'uuliyadda ah inay hubsato in qofka dhibbanaha ahi helo caawimaad. Gudaha Iswiidhan waxaa xuquuqda bani'aadamka lagu ilaaliyaa dhinaca sharciyo dhowr ah. Dawladda Iswiidhan waa inay hubsato in dadka oo dhan helaan xorriyadahooda aasaasiga ah oo laga ilaaliyo xadgudubyo. Dawladdu waa inay xitaa dadka siiso baahiyahooda aasaasiga ah kana shaqayso in dadka oo dhan loola dhaqmo si isku mid ah, iyadoo aan loo eegayn waxa qofku tusaale ahaan yahay jinsi ahaan ama midabka maqaarka.

Waa kuwan dhowr tusaale oo ah sharciyadda ilaaliya xuquuqdeena bani'aadanimo:

  • Sharciyadda aasaasiga ah ee Iswiidhan waxay ilaaliyaan dhowr xuquuqood. Waxay sharciyadda aasaasiga ah mamnuucaan waxyaabo ay ka mid yihiin xukun dil ah, jir-dil iyo ciqaab loo geysto jirka. Dastuurku waxa kale oo uu sheegayaa in qofka loo tuhunsanyahay dembi xaq u leeyahay maxkamad caddaalad ah.
  • Sharciga iskoolka wuxuu dhigayaa in carruurta oo dhan ay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho.
  • Sharciga waalidka iyo qaraarka carruurta waxay sharraxayaan waalidka iyo bulshada mas'uuliyadda ka saaran carruurta oo ilaaliyaa carruurta xuquuqdooda.
  • Sharciga takooridda wuxuu mamnuucayaa takoorid loo gaysto dadka oo ay sabab u tahay diintooda, jinsigooda, shakhsiyadooda jinsi, dookhooda noocyada galmada, kooxdoda qowmiyad ahaan, hoos u dhaca awooddooda laxaadka ama da'dooda.
  • Sharciga caafimaadka iyo daryeelka bukaanka wuxuu sheegayaa in dhammaan dadka ku nool Iswiidhan ay xaq u leeyihiin inay helaan daryeel caafimaad. Adigaaga haysta sharciga deganaansho waxaad leedahay xuquuq daryeel caafimaad oo la mid ah ta muwaadinka Iswiidhishka ah.

Xuquuqda bani'aadanimo waxa kale oo ilaaliya Qaraarka Yurub iyo Qaraarka qaxoontiga.

Qaraarka Yurub

Qaraarka Yurub waxaa ku jira xeerar ilaalinaya xuquuqda bani'aadamka iyo xorriyadaha aasaasiga ah. Qaraaradan waxaa ku qoran in qofnaba aan loo geysan jir-dil ama takoorid iyo in dadka oo dhan xaq u leeyihiin inay ku dhaqmaan diintooda.

Qaraarka Yurub wuxuu sharci ka yahay gudaha Iswiidhan. Tani micnaheedu waa in dhammaan sharciyadda iyo go'aamada gudaha Iswiidhan ay khasab tahay in la waafajiyo waxa ku qoran Qaraarka Yurub.

Waxaa jirta maxkamad gaar ah oo aad la xiriiri karto haddii xuquuqdaada lagu xadgudbay. Taas waxaa lagu magacaabaa Maxkamadda Yurub.

Qaraarka qaxoontiga

Waa xaq bani'aadanimo in loo cararo dal kale haddii noloshaadu ku jirto khatar. Si gabood loo siiyo qaxoontiga waxaa jira qaraar lagu magacaabo qaraarka qaxoontiga. Qaraarka qaxoontiga wuxuu sheegayaa in qof qaxoonti ah aan lagu khasbin ku noqoshada dal ay halis ugu jiraan in nafta laga qaado, xabsi la geliyo ama loo gaysto xadgudubyo.

Waxaa jira qawaaniin gaar ah dhinaca qofka ah qaxoonti. Adigu waxa aad tahay qaxoonti haddii aad caddayn karto in aad hayso sabab aad uga cabsanayso in lagu dhibaateeyo iyadoo ay sabab u tahay:

  • Nooca jinsiga
  • dalka loo dhashay
  • aragti diin ama siyaasadeed
  • jinsi
  • dookha noocyada galmada ama
  • in adigu aad ka tirsan tahay koox bulsho oo cayiman.

Waxa dhici karta in hey'addaha dawladeed ee dalka hooyo ay yihiin kuwa dhibaataynaya qof. Waxa kale oo dhici karta in hey'addaha dawladeed aanay doonayn ama aanay awood u lahayn inay qofkan ka ilaaliyaan hanjabaad iyo dhibaato.

Waa maxay micnaha in "adigu aad awooddo inaad caddayso" in aad hayso sabab aad u cabsanayso oo u baahantahay magan-gelyo?

Ku xadgudubyada xuquuqda bani'aadamka

Dalal badan oo hareeraha aduunka ay ayaa ku xadgudba xuquuqda bani'aadamka aduunka hareerihiisa. Ku xadgudubyada xuquuqda bani'aadamka waxay ka dhacaan xitaa dalal aanu ka jirin dagaal. Dad badan ayaa loo geystaa dhibaato iyo cadaadin. Dalal badan aad ayay u yihiin sabool oo ma haystaan awood ay dadka oo dhan ku siiyaan xuquuqdooda.

Waxaa jira kooxo dhinaca QM ah oo ay tahay inay hubsadaan in dalalku raacaan qaraaradan. Haddii dal aanu raacin qawaaniintan markaas kooxdan way dhaleecayn kartaa una sheegi kartaa waxa ay tahay in la hagaajiyo. Kooxahan waxaa lagu magacaabaa guddiyada ilaalinta. Iswiidhan waxaa tusaale ahaan dhaleecayn uga timi QM in ay qaxoonti u musaafurisay dalal ay khatar ugu jiraan in loogu geysto jir-dil ama xukun dil ah.

Dalal badan oo aduunka ah ayaa fiicnaysiiyay shaqadooda dhinaca xuquuqda bani'aadamka. Dhowr tusaale waa in ay yaraadeen dadka xukun dil ah nafta looga jaray iyo in ay bateen dadka helay waxbarasho iyo daryeelka bukaanka. Laakiin weli wax badan ayaa harsan in la sameeyo si dadka oo dhan u helaan xuquuqdooda bani'aadanimo.

Maxaa micno ah oo xuquuqda bani'aadamka u leeyihiin dadka dhinaca noloshooda maalinlaha ah?

Waxaynu isticmaalnaa xuquuqdeena maalin walba. Waxa aynu ka caban karnaa haddii aanaynu helin waxa aynu xaq u leenahay. Sidaas darteed ayay muhiim u tahay in aad ogaato waxa ay yihiin xuquuqda aad leedahay.

Marka adiga ama carruurtaadu aad tagtaan iskool ama jaamicad waxa aad isticmaalaysaan xaqa aad u leedihiin waxbarasho. Iskoolka iyo jaamicaddu waa bilaash gudaha Iswiidhan. Haddii aad xanuusato una baahantahay qallitaan, ma u baahnid inaad ka welwelto inta uu noqonayo kharashka lacagta qallitaanka. Xaqa loo leeyahay daryeel caafimaad oo ah shuruudo isku mid ah gudaha Iswiidhan micnaheedu waa in inagu aynu si wadajir aynu dadka oo dhan daryeelkooda bukaanka lacagteeda bixino, dhinaca canshuurta.

Adigu maaha inaad ka cabsato in booliisku ku joojiyo adiga ama ku qabtaan adigoo aan lagugu tuhunsanayn wax dembi ah. Haddii lagugu eedeeyo dembi waxaad helaysaa garyaqaan bilaash ah maadaama dadka oo dhan simayihiin sharciga hortiisa oo ay leeyihiin fursad isku mid ah inay is difaacaan.

Adigu waxa aad xaq u leedahay inaad bilowd koox ama urur, oo ururo badan waxa ay kaalmo dhaqaale ka helaan dowladda. Laga yaabee adigu inaad doonaysid inaad bilowdo urur isboorti ah, ama dhaqan? Ama laga yaabee koox waxbarasho si looga hadlo siyaasadda? Adigu waxa aad xaq u leedahay in aad la kulanto oo aasaasto kooxo oo ka wada hadashaan waxa adigu aad doonaysid.

Xuquuqdaadu waxa ay khuseeyaan xitaa dhinaca noloshaada shaqo. Haddii shaqo-bixiye aanu doonayn inuu ku shaqaalaysiiyo iyadoo ay sabab u tahay in aad leedahay diin qofka madaxda ahi aanu jeclayn waxa aad tusaale ahaan caawimaad ka helaysaa xafiiska ka hortaga takooridda. Iyaga ayaa ku siin karo talobixin iyo taageero haddii laguu gaystay takoorid. Iyagu waxa ay xitaa kaa caawin kartaa inaad ka askhatooto wixi dhacay.

Sidee ayaad u isticmaashaa xuquuqdaada bani'aadanimo dhinaca nolosha maalinlaha ah?