Blekinge län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Blekinge waxuu u dhow yahay, jawiga dabiiciga ah, badda iyo xeebaha. Gobolka waxuu ka kooban yahay afar degmooyin xeebeed Karlskrona, Ronneby, Karlshamn, Sölvesborg iyo Olofström. Blekinge waxaa ku nool 153 000 oo qofood.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Blekinge län

Dooro degmada ah Blekinge län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Magaalooyinka gobolka Blekinge waxeey ku ag yaallaan badda. Waxeey ka wada siman yihiin ineey u dhow yihiin adeegyada bulshada oo dhan.

Magaalooyinka waxeey leeyihiin guryo iyo xaafado wanaagsan waxeeyna leeyihinn adeega gaadiidyada bulshada oo fiican. Waxeey leedahay xaafado ku yaal xeebaha agtooda, kuwaasoo leh doomo isku xira xaafadahaas iyo goobaha kale ee magaalada sida xarumaha hiddaha iyo dhaqanka iyo xaafadaha kale ee ka og dhow keymaha.

Magaalooyinka Blekinge waxeey soo jiitaan dadka ku cusub wadanka.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Blekinge waxay leedahay dhaqan warshadeed oo dheer, laakiin waxaa kale oo jira shirkado dhowr ah oo koraya dhinaca laamaha ganacsiga ee kala duwan. Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn waa gobolka iyo degmooyinka. Blekinge waxaa laga helaa shirkado calaamadoodu caan tahay sida Volvo, Ericsson, ABB, Tarkett, Dynapac, Roxtec, Auralight, AArhusKarlshamn, Telenor iyo SAAB. Militarigu door xoog leh ayuu ku leeyahay gobolkan iyadoo dalka saldhigiisa ciidanka badda ku yaalo Karlskrona iyo guutada cirka F 17 kuna taala Ronneby. Masafooyinka gudaha Blekinge way koobanyihiin markaas way sahlantahay in dhanka shaqo loo safro inta u dhaxaysa degmooyinkan.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Machadka farsamada ee Blekinge, BTH, waa mid ka mid ah machadyada wadanka kuwooda loo qiray ineey caan ku yihiin farsamada iyo teknaloojiyada xoogana eey saaraan.

BTH, aragtideeda mustaqbalka waa in teknaloojiyada iyo farsamada eey dhex galiyaan waxbarashada kale sida dhaqaalaha, naqshadaha, caafimaadka iyo culuumta bulshada.

BTH waa machadka aduunka ugu fiican marka laga fiiriyo dhinaca teknaloojiyada borogoraamyada iyo dhinaca horumarka tayada sare leh. Baaritaanka machadka waa saddax qeybood qeyb ka mid ah shaqooyinka machadka oo dhan.

Daryeelka bukaanka

Isbtaalka gobolka Blekinge waxaa la dhahaa Blekingesjukhuset. Goobaha isbitaalka waxeey ku yaallaan labada degmo ee Karlskrona iyo Karlshamn. Tala siinta dhinaca caafimaadka waxeey leeyihiin oo laga waco 1177, waxeey leeyihiin bog internetka ah, 1177.se, oo aad ka heleysid warbixin ku saabsan isbitaalka Blekingesjukhuset iyo qeeybihiisa kala duwan iyo sida dadka loo qaabilo. Waxaad kaloo ka helee talfeenada rugta caafimaadka iyo waano siin ah sida loo daaweeyo cudurada.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Blekinge waxaa ka ag dhow jawi dabiici ah iyo goobaha lagu damaashaado xilli firaaqaha. Gobolka waxuu leeyahay meelo badan oo loo dalxiis tago iyo magaalada Örlogsstaden Karlskrona oo eey ku yaallaan Unescos världsarvslista. Beerta iyo darjiinadda Ronneby Brunnspark waxeey ka mid tahay darjinnada ugu qurxoon Iswiidhan oo dhan. Waxaa jira goobo badan oo lagu soo bandhigo farshaxanka, muusikada iyo tiyaatarka. Matfaxyada gobolka waxaa ka mid ah Marinmuseum iyo Blekinge museum.