Dalarnas län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Dalarna baaxaddiisa waxeey la egtahay wadanka Biljan oo dhan, laakiin farqiga u dhaxeeya waa in meeshaan eey degan yihiin 300 000 oo qofood, halka wadanka Biljanna eey degan yihiin dad gaaraya 10,5 malyan oo qofood.balliga ugu weyn ee Dalarna magaciisana la dhaho Siljan waxuu ka dhashay biriq wax la mid ah oo cirka kasoo dhacay 360 malyan oo sano ka hor. Maanta goobta eey Siljan ku taalo waa meel eey dad badan usoo dalxiis tagaan, waxeeyna leedahay aragti qurux badan markad firisid balliga iyo buuraha dhaadheer ee kaga yaal dhanka waqooyi.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Dalarnas län

Dooro degmada ah Dalarnas län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Falun oo laga arko webiga yar ee Faluån.

Xaalada guryaha

Ma ku fakereysaa inaad halkan usoo guurto? Sideed rabtaa inaad u degtid? Inteed rabtaa inaad degtid? Fursadaha yaallo Dalarna weey badan yihiin. Dalarna waxuu ka kooban yahay 15 degmadood, kulligoodna weey kala duwan yihiin. Ma waxaad rabtaa adiga inaad degto guri casri ah oo ku yaal bartamaha magaalada ama guri ku yaal magaalada baadiyaheed, oo lo'da ku jirta xerada looga jeedo daaqada, ama labadaas wax u dhaxeeya?

Nolosha Dalarna waxey noqon kartaa mid kala duwan. Waxaan u dhownahay buuraha, u dhownahay biyaha, waxaan u dhownahay baadiyaha-laakiin waxaan kaloo u dhownahay magaalada. Waxaan bixinaa fursado badan. Markii aad go'aansato inaad halkaan usoo guurto waxaan kugula talineynaa inaad la xariirto ee xiriirka guuritaanka markaas degmada ay khuseyso. Waxey heystaan xiriiro badan oo degmada ah kuna fadhiyo xog ku saabsan wax ay ka midka yihiin daryeelka casrruurta, deggaanka, iskuulada/waxbarashada.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Ganacsiga wax soo saarka Dalarna wax badan ayuu hayaa. Hadey ahaan lahayd shirkado caalami ah sida shirkada weyn ee birta SSAB iyo shirkada tamarta ABB ilaa iyo shirkado dhex-dhexaad ah iyo kuwa yar. Waxaanu leenahay kumanaan kun oo ah dad caqli ganacsi leh dhanka tusaale ahaan raashinka meel dhow laga soo saaro iyo tiro badan oo ah shirkadaha dalxiiska, kuwa waaweyn iyo qaar yar, kuwaas oo ku baahsan dhamaan gobolkan. Laga bilaabo badeecadaha cayrin iyo farsamada sare ilaa iyo adeega iyo daryeelka caafimaadka. Toban sano gudahood ilaa saddex meelood meel ahaan Gobolka Dalarna shaqaalaheedu waxay galayaan hawl-gab markaas baahida shaqaalo cusub way kordhaysaa sanadaha soo socda. Gudaha Dalarna waxaad helaysaa fursada ah inaad noloshaada shaqo ku fiicnaysiisid nolol tayo leh.

Bogga internetka ee dalarna.se waxaad ka heleysaa leeman kale oo kugu xiraya degmoyinka kale sida xafiiska wax soosaarka dhaqaalaha, warbixin ku saabsan taageerada shirkadaha iyo maal-gashiga, ururyada waxsoosaarka dhaqaalaha iwm.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Nololjaaliyadeedka weey xoogan tahay weeyna kala duwan tahay. Hey'adda bisha cas iyo hey'adda badbaada carruurta waxeey sida kaniisadooyinka door weyn ka qaataan horumarka gobolka, waxeeyna meherado kala duwan ka sameeyaan degmooyinka kala duwan si dadka qaxootiga eey ula kulmaan dadka kale ee degmooyinka. Degmooyin badan waxeey leeyihiin liis jaaliyadaha eey ku qoran yihiin, waxaadna ka fiirin kartaa degmo kasta boggeeda internetka ah.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Högskolan Dalarna waxaa la dhisay 1977 wakhtigaas wixii ka dambeeyayna kor uyuu usii kacay. Laba qeeybood ee machad jaamacadeedka waxeey ku kula yaallaan Falun iyo Borlänge waxaana laga bartaa 60 borogramyo iyo 1100 koorsooyin, waxbarashado la jaanqaadeyso shaqooyinka suuqa yaal. Machad jaamacadeedka waxaa dhigta arday gaareeysa 16000 waxaana ka shaqeeya 800 oo shaqaale. Waxaa ku yaal gobolka dugsiyo sare iyo dugsiyo hoosedhexe oo badan. Warbixin dheeraada o ku sabsan dugsiyada xanaanada carruurta waxaad ka heli kartaa degmooyinka bogogooda internetka.

Daryeelka bukaanka

Gobolka Dalarna wuxu bixiyaa daryeel caafimaad iyo bukaan oo la siiyo gobolkan dadka ku nool iyo kuwa soo booqda, oo ay ku jirto caafimaadka ilkahaha iyo afka. Marka adiga ama qof qaraabadaada ah aad xanuusataan una baahataan talobixin xilliga wakhtiga maalintii ee maalmaha caadiga ah, wac rugtaada caafimaadka. Rugaha caafimaad waxaad ka helaysaa halkan. Dhakhtarka rugta caafimaadka ama shaqaalaha daryeelka ayaa ka shaqeeya dhibaatooyinka caafimaad ee ugu caadisan, haddii loo baahdana qofka u gudbiya daryeel kale oo takhasus ah. Markaad u baahato daryeel dhakhtar oo deg-deg ah wac rugtaada caafimaadka ama 1177 Hagida Daryeelka ka hor intaanad tegin Rugta qaabilaada deg-degga. Haddii ay jirto xaalad halis ah oo adiga ama qof qaraabadaada ah aad u baahataan caawimaad dhakhso ah, wac 112.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Hiddaha iyo dhaqanku wuxuu keenaa in dadku horumaro. Dareenka fiican iyo awooda muujinta shucuurta, mala-awaalka iyo hal abuurnimada ayaa xoogaysata markaynu wax aragno, wax abuurno ee wax cusub barano. Meesha ay dadku ku horumaraan, halkaas waxaa ku horumarta xitaa dimoqraadiyada. Hadefka Gobolka Dalarna hawsdu waa in ay ahaato mid balaaran lehna tayo sare, kuna baahsan gobolka oo dhan. Taageerada la siiyo dhaqanka, wax barida dadweynaha, nolosha ganacsiga iyo iskoolada waxay kordhisaa fursadaha in dadka ku nool halkan oo dhan ay raad ku yeeshaan horumarinta bulshada. Qaybaha ku hawlan dhinaca dhaqanka iyo wax xbarida waa inay badnadaan. Jawiyo hal abuurid leh waxay kaalmeeyaan shabakada bulshada, horumarinta gobolka iyo kobcinta.

Bogga internetka ee Visit Dalarna waxaa ka heleysaa warbixin badan oo ku saabsan howlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha iyo munaasabadooyinka kala duwan ee gobolka lagu qabto.

Spelemän och folkdansare på väg till midsommarfirande.