Älvdalen

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Älvdalen dhul ahaan markii loo fiiriyo waxeey ka mid tahay degmada Iswiidhan ugu weeyn. Degmada waxeey ka kooban tahay tuulooyin badan oo yar iyo xaafadaha weeyn Idre ee waqooyiga ayadoo ee degan yihiin 1000 qof, Särna ee dagan yihiin 1000 qof iyo Älvdalen oo jirta koonfurta ee degan yihiin ku dhawaad 5000 oo qof.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7068

Cabirla dhulka

7143 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir dayaarad lagu qaaday korka Särna lehna guryo iyo dukaamo.  Kaniisad dhinaca dhexda ee bidix iyo harada Särnsjön dhanka hoose ee bidixda.

Halkaan waxeey lee dahay dabiicad fiican oo ku goobaabineyso jawi howlo dibadeed, isboorti, ugaarsi iyo kalun dabasho. Waxaan lee nahay afar xiliyood oo baraf badan leh xilliga jilaallka iyo xilliga xagaaga oo fiican, taasi oo keeneeyso in aan noqono meel soo jiidasho uu leh dalxiis sanadka oo dhan. Sido kale waxaan lee nahay soo bandhig dhaqameed oo fiican iyo jawi heeso badan, sanadkastana la qabto dhacdo.

Deegaan

Degmada Älvdalen waxaa ku yaalo shirkado guri oo degmaeed iyo dhowr shirkadooo madaxbanaan oo guriyaal wada kireeyo. Norra Dalarnas Fastighetsbolag waa shirkad guri oo degmadeed oo guriyaal ku leh qeeybta degmada oo dhan. Shirkado guri oo kale waxaad ka heli kartaa bogga degmada Älvdalen. Sido kale degmada gudaheed waxaa ku yaalo dhulal guri lagu dhisan oo la gadan karo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Älvdalen waxaa dagan dad badan oo dhalashooyin kala duwan kala heeysto. Iswiidhish iyo ingriis markii laga tago, dad badan ayaa si fiican uu yaqaan af jarmal. Luuqadaha kale ee lagu hadlo waxaa ka mid ah af tigrinya, afka iraan, afka burma iyo afka thayland. Degmada Älvdalen waxaad joogo oo kale dadkii asalka ee samer oo ku hadlo sydsamisk. Älvdalen waxeey kale oo caan ku tahay lahjada älvdalska.

Jaaliyado iyo ururu

Ururka dimeedka babtiska ee Älvdalen waxaa howlo bulsho oo weeyn ka wada Älvdalen iyo Åsen. Laanta cas waxeey hoowl firfircoon ku lee dahay degmada. Sido kale ururkada dimeed ee Älvdalen iyo ururka dimeed ee Idre-Särna waxeey lee yihiin hoowlo-wadajir ah. Gudaha Idre, Särna iyo Älvdalen waxaa ku yaalo guriyaal xili firaaqo iyo goob-kulan oo loogu tala galay dhalinyarada dhamaantood.

Caruur yar yar oo xiran dharka kubada cagta oo jaale ama guduud ah oo isu mahad-celinaya ka dib ciyaar.

Degmada Älvdalen waxeey lee dahay ururo badan oo ka hoowl galo dhaqamada, heesha iyo isboortiga. In badan ayaa si firfircoon uga shaqeeyo hoowlaha caruurta iyo dhalinyarada taasi oo gacansiiso wadajir weeyn. Waxaad ururada firfircoon dhamaantood ka heleeysaa ururka-diiwaanka degmadeed.

Maxaa ka ag dhaw

Xaafadaha-bartamaha waxaa ku yaalo dukaamo sidii raashinka, ganacsiga tafaariiqda, farmashiye, goobta iibka qalabka dhismaha iyo dukaamo gacaan labaad iibiyo alaabta guriga, dharka iyo sharaxaada guriga. Degmada waxeey kale oo lee dahay xafiis-bulsho iyo jiheeyn-qaxooti.

Degmada waxaeey ka shaqeeysaa mashruuca hormarinta-gobolka, waxeeyna maktabad ku lee dahay xaafado badan.

Afar nin iyo haweenay wata kamano iyo qalabka muusigga ee la kala bixiyo

Degmada waxaa ku taalo goobo-isboorti, goob barafeed iyo goob dabaal oo leh 50 mitir oo barkad lagu dabaasho. Goobta-barafka ee Älvdalen waxeey le dahay goob lagu ciyaaro ciyaarta hockeyga oo weeyn iyo boosas ee fadhiisataan 7000 oo dawaadyaal. Hoowlaha-hockeyga iyo xilliyada raacida guud goobta barafka waa la buuxaa. Laakin halkaan boos waa loo hayaa in kale oo badan.

Halkaan waxaa ka jiro fursado dorasho ee nolol firfircoon oo leh jid wareeg iyo baaskiil gudaha jiqda iyo bey'adda buraaha iyo jidad baraf oo dheer iyo jidad si fiican uu dhisan oo qalabka skoterka lagu raaco lehna baraf dabiici ah hadana si leh buurka-barafka lagu raaco ee reereed oo ugu fiican Iswiidhan.

Sawir laga qaaday hoyga qadiimiga ah ee quruxda badan ee maxkamada oo iminka ah iskoolka muusiga.  Gurigan nijaarad farxad leh ayuu leeyahay waana cagaar.

Dalyeelka carruurta

Degmada Älvdalen waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano, xanaano reered iyo xanaano furan oo le goobo ciyaar oo sii fiican loo qorsheeyay, kuwaasi oo ku yaalo meelo qurxoon.

Gabar iyo wiil xiran dharka jiilaalka iyo koofiyadaha adag oo jooga xaga sare ee buurta kabaha barafka lagaga soo siibto.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Älvdalen waxeey lee dahay dugsi hoose fasalka 0-9 iyo dugsi sare oo lagu qabto xarunta-waxbarashada Älvdalen. Sido kale waxaan wadashaqeeyn-dugsi sare la lee nahay degmada Mora, dugsiga sare St: Mikael.

Furadaha waxbarasho

Degmada Älvdalen waxeey soo bandhigeeysaa barashada iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga, barashada bulshada ee loogu tala galay dadka dalka ku cusub iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Xarunta waxbarashada Älvdalen waxeey lee dahay waxbarashada sare ee xirfoodyinka iyo waxbarasho ku beegan shaqooyin la soo diray.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka Idre, Särna iyo Älvdalen waxeey soo bandhigaan daryeel caafimaad oo loogu galay reerka oo dhan. Halkaan waxaa ka jiro oo ka mid ah qaabilaada dhakhtarka, rugta caafimaadka caruurta, rugta caafimaadka hooyoyinka, qaabilada dhalinarada iyo xarunta caafimaadka qaxootiga. Daryeelka ilkaha waxuu ka jiraa Idre, Särna iyo Älvdalen.

Caawinaad turjubaan

Turjumaan ku jiro khadka telefoonka waxaa laga heli karaa qeeybta isdhexgalka degmada.

Xiriirka gaadiidka

Dalatrafik ayaa mas'uul ka ah isgaarsiinta guud ee gudaha meesheena.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Älvdalen waxeey waxbarasho uu lee dahay fursado fiican. Dad badan oo ku jiro hoowlaha degmadeed iyo shirkadaha waxeey ku jiraan xilliga hoowlgabka, taasi oo mecnahed tahay in shaqooyinka degmada laga dalban karo ee sii badandoonaan. Shaqo dhiibayaasha weeyn waxeey ku jiraan dalxiiska, warshada sameeynta, warshada geedaha, qeeybta adeega guud iyo qeeybta dhismaha. Shaqo dhiibayaasha ugu weeyn waa, markii la iska dhaafo degmada Älvdalen, waa Idre Fjäll, Pressmaster, Rindi, Byggmäster, Blybergssågen, Caverion, Hotell Älvdalen, Älvdalens besparingsskog, Älvdalsbygg iyo xarunta waxbarshada Älvdalen.

Markii ee ku saabsan tahay shirkadeeyn waxaa jiro xafiiska-jawiga shirkadeed oo dhiibo talobixin lacag la'an ah oo loog uu tala galay qofka doonaayo in furto shirkad, gato shirkad ama shirkadleey ah mudo dheer ka hor.