Leksand

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Leksand waa meel caan oo la soo booqso, waxaana inta badan lagu tilmaantaa isboortiga, dhaqamada iyo kuwa nuuca lagu faano. Sido kale Leksand waa degmo sii weeynaaneeyso ayadoo leh shirkado badan oo xoog leh, ururo dhaqdhaqaaq badan iyo hami uu cad degmada in ee sii wado kobcidi.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15781

Cabirla dhulka

1410 kiilomitir oo laba jibaaran

Aragtida degmada maanta ee 15 300 deganyihiin waxeey noqon doonaan 18 000 oo qof ilaa 2025. Dadka dagan Leksand waa dad furfuran, soo dhaweeynaayo dadka hadana uu arko bulsho dhaqamo badan in ee tahay mid xoog leh. Degmada waxeey sanadooyin badan uu lee dahay khibrad fiican dhanka qaabilaada qaxootiga iyo isdhexgalka. Markii laga gudbo xaafadaha Leksand, Insjön, Siljasnäs iyo Tälleberg waxaa sii jiro 90-yano tuulooyin sii yar oo gudaha degmada ku taalo.

Deegaan

Qaabilaada qaxootiga waxeey si firforcooni leh ugu shaqeeyneeysaa in ee qabato howl looga hortagaayo deganaanshaha midab kala sooca. Anayoo la wada shaqeeynaayo shirkadeena guryiyaal ee degmadeed Leksandbostäder AB waxeey soo bandhigeeysaa guriyaal loogu tala galay qaxootiga ee bartamaha xaafada Leksand. Sido kale waxaa jiro oo badan shirkado guri oo madaxbanaan kireeyana guriyaal.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Iswiidhishka iyo ingriiska ma ahane, oo dadka badan ee Leksand ku hadlan, luuqada ajnabiyeed ee ugu weeyn waa af carabi. Luuqadaha kale ee meesha lagu arko waa af iraani, af dari iyo tigrinya. Maadamana lala lee yahay badalid calaami ah magaalada Tobetsu ee dalka Jabaan, afka jabaan waxuu noqday af ee dad badan oo Leksand dagan yihiin, gaar ahaan ardayda dugsiga sare, ee hami uu hayaan.

Jaaliyado iyo ururu

Leksand waxaa lagu xisaabyiyaa Iswiidhan magalooyinka ugu fiican dhanka isboortiga, sharaxaad muhiimna ah waxaa ah in degmada ururada isboortiga ee badan oo hormaray. 200 oo urur oo kala duwan ayaa ka jiiro degmada, waxaa ka mid ah ururka dhaqamada kala duwan iyo ururka dhaqanka ee Sadaka. Diwaanka-urureed ee degmada waxaad ka akhrisan kartaa ururada jiro.

Maxaa ka ag dhaw

Leksand waxeey ajnabiga dalka cusub uu haysaa adeegayada aan laga maarmiin oo dhan. Xaafada bartamaha waxaa tusaale ahaan ka jiro barashada iswiidhiska ee loogu tala galay ajnabiga, xafiiska bulshada, xafiiska shaqada, maktabad iyo qasnada ceeymiska. Waxaa jiro dukaamo badan oo gacan labaad lagu gado, bartamo magaale oo raaxo leh, suuq xooga yar oo ku yaalo Hjultorget gudaha Insjön (oo ka tirsan degmada Leksand) suuq weeyn oo waxyaalaha ku yaalo ee ka mid yihiin IKEA gudaha Borlänge, waa 45 daqiiqo lee in uu jirto Leksand.

Adigoo ah qof dalka ku cusub waxaad fursad uu heli kartaa in aad hesho qof caawiye ah oo kuugu caawinaayo si aad uu dhexgali laheeyd bulshada. Fursadas waxaa lagu magacabaa Jiheeynta-qaxootiga Dalarna, waxaana lakala wadaa ayadoo ee degmada Leksand iyo kaniisada Iswiidhan ka wada shaqeeyaan taasi.

 

Dalyeelka carruurta

Degmada Leksand waxeey lee dahay soo bandhig weyn ee xagga dugsiyada xanaanada ee degmadadeed iyo kuwo madaxbanaan. Shaqaalaheena xirfada haboon leh waxeey canug kasto baahidiis xoog ee saaraayaan, waxeeyna uu shaqeeynaayan si canug kasto uu helo dareen amaan, aqoon iyo asal fiican ee mustaqbaleed.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Caruurta ka hooseeyo 16 sano waxaa boos looga soo bandhigaa in ka mid ah dugsiyadeena hoose. Dhalinyarada uu dhaxeeyo 16 iyo 19 waxeey fursad uu lee yihin dhigashada dugsiga sare. Dugsiyada waxeey wadaa waxbarasho leh taya sareeyso. Ardayda aan luuqada iswiidhiska aqoon waxeey heli karaan kaalmo waxbraasho ee hal maado ama maadooyin badan, waxana lagu caawinaa afkooda. Caruurta guriga uga hadlo luuqad aan iswiidhiska aheeyn waxaa loo dhigi karaa afkooda hooyo.

Furadaha waxbarasho

Qof weeyn waxaa loo soo bandhigi karaa waxbarashada-sfi (iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga). Hadafka waxuu yahay in aad fahamto iyo in aad ku hadasho luuqadasha iswiidhiska markii ee tahay nolosha caadiga, shaqooyinka ama iskuulada gudahood. Waxbarashada waxaa loo habooneeysiinaa waxbarashadaada iyo khibradaha hore ee waxbarasho. Haddii aad lee dahay waxbarasho iyo khibrad shaqo oo ka socoto dalkaada hooyo, aqoontaada-xiradeed waa la qiimeyn doonaa. Markii la barta iswiidhish badan oo in ku filan wabxarasho la sii wato waxaa la lee yahay isla fursada ee dadka kale ku dhigtaan waxbarashada. Sido kale waxaad lee dahay fursad aad ku dhigato waxbarashada ku saabsan bulshada iswiidhan oo loogu tala galay qofka iswiidhan ku cusub.

Arday io macalimiin joogta fasal ku yaala Waxbarashada dadka waaweyn.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka Leksand waxuu soo bandhiga fursad lagu helo wada hadal caafimaad, baaritaan caafimaad iyo markii loo bahdoo dhakhtar takhasus leh. Rugta caafimaadka waxaa lagu so bandhigaa oo kale daryeelka hooyoyinka iyo caruurtaba. Dhakhtar ilko isla sarta ayuu jooga. Isbitaalka-degdega waxuu ku yaala Mora iyo Falun.

Caawinaad turjubaan

Haddii aadan si fiican u aqoonin luqada iswiidhishka waxaad xaq u leedahay tarjumaan marka aad la xiriireyso xafiisyada dowlada oo dhan. Waa mas'uuliyada dowlada in ay qabsadaan tarjumaan ka hor inta eydaan la xiriirin.

Xiriirka gaadiidka

Sadax boosteejo-tareemeed ayaa ku yaalo degmada Leksand, waana sahlan tahay in bas iyo tareen loo raaco xaafadaha dhaw sidii Insjön, Tällberg iyo Rättvik. Dad badan oo dagan Leksand waxeey sido kale maalin kasto tagaan meelaha xooga ka weeyn sidii Borlänge, Mora ama Falun. Gaadiidka la raaco waxaa kala wado SJ, Tåg i Bergslagen iyo Dalatrafik.

Akhri dheeraad ku saabsan gaadiidka dadweynaha ee degmadan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Leksand waa shaqo dhiibaha ugu weeyn ayadoo leh 1 500 shaqaale ee ku wado jiro 190 shaqooyin oo kala duwan. Bogga degmada waxaad ka akhrisan kartaa shaqooyinka ka banaan degmada iyo in ku saabsan degmada shaqo-dhiibe ahaan.

Sido kale waxaa jiro ku dhawaad 1 000 shirkad oo yar iyo waa weeyn ee ka hoowl galo laamanka kala duwan, taasi oo ah kuwa aan si caadi aheeyn uu badan badan markii loo fiiriyo weeyninka degmada. Shirkadaha weeyn ee caanka ah waa Clas Ohlson, Bergkvist Insjön , Tomoku Hus, Leksandsbröd och Ejendals. Tällberg waxaa ku yaalo hoteelo badan, Leksandna waxaa ku yaalo meelaha ugu badan ee lagu hawo gadisto ee Iswiidhan, Leksand sommarland iyo kooxda ciyaaraha barafka Leksands IF.