Mora

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Mora waxeey ku taal waqooyiga gobolka Dalarna. Degmada waxeey ku taal dhul dabiici ah oo keymo iyo doog qurxoon leh waxeeyna ku ag taal goobta Siljan xeebteeda waqooyi.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

20461

Cabirla dhulka

3111 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka goobta dabaasha lehna biyo dhalaalaya oo xagga dambe laga arko, Gesundaberget.

Waxaa meeshaan yaal nolol dhaqameed iyo nolol isboortis oo qani ah, waxaa ka jira jawi shirkadeed iyo qanacsi xoogan. Waxaa intaas sii dheer isgaarsiin dhinaca gaadiidyada dadka ah oo aad u wanaagsan oo ku geynaya meel kasta hadeey ahaan laheeyd magaalooyinka waaweyn, kuwa yaryar ama aduunka intiisa kale. Mora waxaa sanad walba imaada dad dalxiis ah oo aad u badan waxeeyna u yimaadaan ciyaaraha ulaha barafka ee Vasaloppet, waxeeyna booqdaan matxafka Zornmuseet oo loogu magac daray farshaxanka caanka ah ee Anders Zorn. Mora waxaa yaal dhaqan, isku xirnaan iyo hammi hore usocosho ah. Aragtida mustaqbalka ee degmada Mora waa ineey noqoto degmo sii kobceysa oo siisa dadka degan adeeg casri ah iyo bey,ad wanaagsan, oo eey dadka usoo guuraan si eey u helaan mustaqbal wanaagsan oo ah dhinacyada shaqada, caafimaadka iyo xilli firaaqaha.

Deegaan

Mora waxaad degi kartaa guri aad adiga leedahay iyo mid aad kireysan kartid. Waxaa ku nool degmada Mora 12 000 oo qofood. 8000 oo kamid ah waxeey degan yihiin tuulooyin yaryar, oo eey ku yaallaan guryo wanaagsan.

Shirkada guryaha ee degmada waxaa la dhahaa Morastrand AB. Boggooda internetka waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan guryaha ka bannaan. Waxaa kaloo degmada ka jira shirkado kuwa gaarka loo leeyahay ah oo kireeya guryaha: Diös AB, Bo bra iyo Nils Skoglund AB.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Mora waxaa looga hadlaa luqado badan oo adduunka dacaladeeda ka kala yimid sida , carabi, af-soomaali, tigree, iiraani, teeylaandees iyo turkish.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Mora waxeey leedahay jaaliyado aad u firfircoon. Jaaliyado isboortis, ururo samafal, iyo jaaliyado dhaqameed soo bandhiga waxyaabo fara badan, xiiseyn iyo goobo lagu kulmo. Jaaliyadaha oo dhan waxaa laga heli karaa degmada Mora liiskeeda diiwaangalinta jaaliyadaha.

Nolol jaaliyadeed wanaagsan oo haqab tirta baahida dadka deegaanka waxeey qeyb ka tahay horumarinta degmada iyo ineey degmada noqoto meel qof kasta uu rabo inuu dego. Sidaas darteed ayeey degmada Mora waxeey jaaliyadaha u fidisaa caawimaad kala duwan sida caawimaad dhaqaale iyo kirada oo laga dhimo.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega iyo dukaamada

Bartamaha degmada Mora waxaa ku yaal xafiiska shaqada, xafiiska adeega bulshada, xafiiska ceymiska, bangiyo, boliis isteeshin, xafiiska daryeelka qoyska iyo qofka iyo meel lagu lugeeyo oo leh kafeteeriyayaal iyo dukaamo, sida Lidl, ICA supermarket iyo laangarta cas dukaankeeda gacan labaadka ee Kupan.

Dhanka bari ee laga soo galo Mora waxaa ku yaal suuqa weyn Norets köpcentrum oo eey ku yaallaan dukaamada Willys iyo ICA Maxi, Dollar Store, Ö&B, Biltema, El-Giganten, Intersport, Jula, Mio möbler iyo kuwa kaloo badan.dhanka waqooyi ee loo aado Älvdalen waxaa ku yaal Tuvan, waxaa meeshaas ku yaal dukaamada alaabta guryaha ee Jysk iyo Europamöbler iyo dukaanka gacan labaadka ee Återbruket.

Dhaqanka iyo xilli firaaqaha

Bartamaha Mora waxaa ku yaal maktabad, guriga dhaqanka, shineemo. Waxaa kaloo meeshaan ku yaal matxafka matxafyada Vasaloppsmuseet iyo Zornmuseet. Tuulada Nusnäs oo ku taal bannaanka Mora waxaa lagu sameeyaa alaabaha farshaxanka sida dalahästen, oo calaamad lagu garto ah gobolka Dalarna iyo Iswiidhan oo dhan. waxaa degmada Mora ku yaal garoomo badan oo isboortis iyo xarun dabbaal. Waxaa kaloo meehaan ka jira meelo lagu luga baxsado iyo waxyaabo kale.

 

 

Faraska guduudan ee dala ee dhowrka mitir dhererkiisu yahay oo taagan banaanka iyadoo biyo laga arko xaga dambe.

Dalyeelka carruurta

Degmada Mora waxaa ku yaal 17 xanaana carruureed oo eey degmada maamusho iyo 11 oo kuwa gaarka loo leeyahay ah iyo lix guryaha xanaanda carruurta ah (kuwaasoo hal kamid ah gaar loo leeyahay) waxaana loogu tala galay ilmaha da, doodu u dhaxeeyso 1-5 sano. Waxaa kaloo jira 13 xanaanada xilli firaaqaha ah oo loogu tala galay ilmaha da,doodu u dhaxeeyso 6-13 sano. (illaa xilli dugsiyeedka xillliga guga sanadka uu ardayga buuxinayo 13 sano). Warbixin dheeraad ah iyo sida loola xiriiro iskool kasta waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoosedhexe waxaa lookala qeeybiyay 13 qeeybood oo ku faafsan degmada qeybaheeda kala duwan oo dhan. iskoollada badankood waa kuwo ku yaal tuulooyin ardayda dhigata waxeey u dhaxeeyaan 20-200 oo arday. Iskoolka ugu ardayda badan waxuu ku yaal bartamaha degmada waxanaana dhigta 600 oo arday.

Dugsiga hoosedhexe ee degmada Mora waxuu gaaray natiijooyin wanaagsan marka laga hadlaayo ardayda meeshii loogu tala galay ineey gaareen iyo in kale sanadihii ugu dambeeyayna waxaa toos u gashay waxbarashada heerka dugsiga sare boqolkiiba 93% ardayda degmada. Degmada Mora boggeeda internetka waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraada oo ku saabsan dhamaan iskoollada degmada.

Mora waxaa ku yaal dugsi sare, Mora gymnasium, waxaana lagu bartaa waxbarasho kuu diyaarineysa inaad u gudubtid waxbarasho heer xirfadeed iyo mid heer jaamacadeed, waxaa kaloo jira waxbarasho xagga isboortiska ah oo soo jiidata arday ka yimaada Iswiidhan oo dhan.

Furadaha waxbarasho

Dadka waaweyn oo yimaada degmada Mora waxeey iskoolka Mora gymnasium ka barna karaan waxbarashada dadka waaweyn ee komvux, sfi iyo särvux oo loogu tala galay dadka waxbarashada eey ku adagtahay. Waxaa kaloo heynaa barashada aqoonta arrimaha bulshada oo loogu tala galay dadka wadanka ku cusub waxeeyna wada shaqeyn nagala dhaxeysaa DalaWux. Baddalka waxbarashada dadka waaweyn ee degmada waxaad bilaabi kartaa Mora folkhögskola, Skeriol. Waxeey dhigaan koorsooyin luqadda iswiidhishka ah oo loogu tala galay dadka wadanka ku cusub.

Falun/Borlänge waxaa ku yaal machadjaamcadeedka Högskolan Dalarna oo laga dhigto koorsooyin loogu tala galay dadka qaxootiga ah oo wadamadooda jaamacadaha kusoo dhigtay waxaa kaloo lagu bartaa borograamyo iyo koorsooyin kaloo badan. Xarunta Mora Högskolecentrum waxeey fursad kuu siineysaa inaad adigoo Mora degan inaad meelo kale wax kabaratid (waxbarasho masaafo). Mora Högskolecentrum waxeey wada shaqeyn ka dhaxeeysaa jaamacado badan sidaas darteedna waxeey ku siin karaan koorsooyinka ama barnaamijyada aad ratid inaad baratid.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Isbitaalka Mora lasarett waa mid ka mid ha gobolka labadiisa isbitaal. Halkaan waxaa yaal takhasusaadka kala duwan, qaabilaada degdega ah, rug caafimaad, rug daryeelka ilmaha, rug daryeelka hooyada, rugta daryeelka ilkaha, rugta daryeelka carruurta iyo farmashiiye. Bartamaha Mora waxaa ku yaal rug kale oo daryeelka ilkaha ah, farmashiiye iyo daryeelka ilkaha oo kuwa gaarka loo leeyahay ah.

Kadinka isbitaalka Mora.  Dhismahan waa afar dabaq waana cadaan.  Xaga hore waxaa laga arkaa dhir caleen badan.

Caawinaad turjubaan

Maadaama isfahanka uu aad muhim uyahay weey fiicantahay in turjubaan la qabsado marka loo baahdo. Waxeey ahaan kartaa marka lala kulmayo, iskoolka, xarumaha caafimaadka, xafiiska shaqada iyo xafiisyada kaloo dowladda ama kuwa degmada. Turjumida badankood waxeey ka tarjumaan dhinaca taleefanka, xafiiska kasta ama urur kasta asigaa ka mas,uul ah inuu qabsado turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Mora waa meel halbowle u ah gobolka Dalarna waxeeyna leedahay xiriir fiican oo ah dhinacyada baabuurta, basaska, tareennada iyo diyaarada kuwaasoo aad u raaci kartid wadanka intiisa kale. Shirkada Dalatrafik waxeey mas,uul ka tahay basaska iyo tareennada gobolka. Bogga internetka waxaad ka heli kartaa jadwalka waqtiyada iyo gaadiidyada kala aadda tuulooyinka iyo xaafadaha kala duwan.

Tareenka shirkada tareenada oo taagan boosteejada iyo caruur iyo dad waaweyn oo xiran dharka xagaaga oo koraya kana degaya.

Tareennada aada gobolka bannaankiisa waxaa maamula shirkadaha SJ iyo Tåg i Bergslagen. Shirkado bas oo badan, oo eey ka mid yihiin Swebus iyo Masexpressen, ayaa ukala goosha Mora iyo Stockholm iyo degmooyin kaloo waaweyn. Mora waxaa kaloo ku yaal garoonka diyaaradaha Mora/Siljan flygplats, meeshaas waxaad safar qaadanaya 50 daqiiqo, ugu sii duuli kartaa garoonka Arlanda.

Garoonka diyaaradaha Mora/Siljan oo xaga hore laga arko diyaarad leh laba matoor iyo hangarka iyo hoolka sugitaanka oo xaga dambe laga arko.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyayaasha ugu weyn Mora waa degmada Mora (qiyaastii 1800 oo shaqaale ah) iyo maamulka caafimaadka ee gobolka Dalarna. Warshadaha waxsoosaarka, dalxiiska iyo ganacsiga waa saddexda ganacsi ee baraayfatka ah ee gaar loo leeyahay ee ugu waaweyn. Akhri dheeraad ku saabsan Mora nolosheedad ganacsiga kuna qoran degmada boggeeda intarnatka. Adigaaga doonaya inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah waxaa jirta fursada ah inaad hesho taageero iyo caawimaad iyadoo la sii marayo dhanka degmada.

Mora waa degmo dadkeeda qeyb badan eey ka shaqeeyaan degmooyin kale. Xiriirka gaadiidka dadweynaha oo fiican ayaa wuxuu sababay inuu qofka degi karo degmada Mora isla makaana uu ka shaqeysan karo tusaale ahaan degmooyinka Rättvik, Orsa, Älvdalen, Leksand, Borlänge, Falun, Malung, Sälen iyo Vansbro.