Orsa

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Orsa waa degmo yar oo eey degan yihiin ku dhowaad 7000 oo qofood. Dhulka eey degmadu ku fadhiso wuu ballaaran yahay. Waqooyiga degmada waxaa ku yaal keymo waaweyn iyo dhul aanan la deganeyn, koofurna waxaa ku yaal warshado iyo dhul beereed.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6919

Cabirla dhulka

1797 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Badankood dadka degan degmada Orsa waxeey degan yihiin fillooyin. Waxaa xataa ku yaal guryo dabaqyo ah oo la kireysto. Waxaa meeshaan ku yaal deegaan loogu tala galay caruurta iyo dhalinyarada wadanka galay iyagoo kaligood ah. Waxaa jirta shirkad guri oo eey degmadu leedahay leedahay, Orsabostäder, iyo iyo shirkado kale oo bifaati ah. Hadaad raadineysid guri ama dhul waxaad la xiriirtaa dallaal.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada yar ee Orsa waxaa looga hadlaa luqado kala duwan. Waxaa ku nool meeshaan dad qowmiyado kala duwan ka soo jeedo. Marka laga reebo luqadaha iswiidhishka iyo ingiriiska, oo dadka intooda badan ku hadlaan, waxaa kaloo degan dad badna oo luqado kale ku hadla. Sababtana waa egmada oo sanado badan gudahood qaabilaad weyn u fidisay qaxootiga. Af-soomaali, carabi, sawixili, teeylaandees, filibiiniyaan, ingiriis, faransiis, serbiyaan, kurweeshiyaan, hangari, iiraani, siirilaankees, tigree, isbaanish, turki, kurish iyo boolish.

Jaaliyado iyo ururu

Orsa waxeey leedahay nolol jaaliyadeed firfircoon isla markaana kala duwan. Jaaliyadaha degmada ka howlgalo oo dhan waxaad ka heleysaa liiska diiwaangalinta jaaliyadaha ee degmada. Degmada waxaa ka dhisan 140 oo ka shaqeeya meheradaha kala duwan ee dhaqanka, diinta, isboortiska iyo aalamiitada. Waxaa kaloo jira meelo lagu luga baxsado oo qurux badan.

Shan caruuur ah, saddex wiil iyo laba gabdhood oo qawmiyado kala duwan ka soo jeeda oo xiran dharka hidaha iyo qaranka kuna ciyaaraysa qalab muusig.

Degmadu waxeey leedahay nolol muusikeed qani ah oo soo jiita yaryar iyo waaweyn. Borogoraamka"Moraeus med mera" waxaa lagu duubay meesha lagu dhisto taamuuga. Degmada waa meesha eey kasoo jeedaan"Orsa spelmän", iyo "Körslaget" oo raayay tartan telefishanka laga soo deyn jiray. Maalmaha arbacada ee bisha Julaay sanad kasta waxaa degmada jidadkeeda iyo suuqyadeeda qabsada "Orsayran". Farshaxana iyo dhaqanka ayaa ka muuqda degmada bannaankeeda. Waxaa kaloo meeshaan ka dhisan jaaliyad caalami ah iyo kaniisadaha Svenska kyrkan, Missionskyrkan, Filadelfia iyo Orsa Baptistförsamling.

Maxaa ka ag dhaw

Waxaa meeshaan ku yaal dukaamo raashin oo badan, suuqyada ganacsiga, makhaayado iyo kafeteeriya.

Bartamaha degmada waxaa ku yal maktabad, xafiiska shaqada iyo xafiiska daryeelka qoyska iyo qofka, ICA, Coop iyo Willys waa dukaamada cuntada ee degmada. Skattungbyn (ku taal 15 km bannaanka bartamaha degmada) waxaa ku yaal dukaan cunto iyo wixii la mid ah. Alaabta guriga iyo dhar waxaad waxaad ka gadan kartaa dukaanka gacan labaadaka oo ku yaal bartamaha degmada.

Orsa waxeey labaatan daqiiqo oo baabuur ah u jirtaa Mora, halkaasoo eey ku yaallaan xafiiska cashuurta iyo xafiiska ceymiska. Goobta Mora Noret waxaa ku yaal bakhaar alaab oo lagu gado alaabta guryaha iyo wixii la mid ah.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada carruurta waxad ka heli kartaa degmada oo dhan.

Degmada Orsa waxaa ku yaal 5 dugsiyada xanaanada caruurta ah, oo ukala qeybsan 14 qeeybood. Badalka dugsiyada xanaanada waxaa jira labo xanaanada guryaha ah iyo hal xanaano oo kuwa gaarka loo leeyahay ah. Dugsiyada xanaanada ee degmada waxeey ku yaallaan meelo qurux badan oo isla markaana u dhow dhul dabiici ah, xanaanooyinka badankood waxeey u dhowyihiin geedo iyo jawi qurux badan.

Ilmaha da'da iskoolka gaaray waxaa loogu tala galay 4 dugsiyada xilli firaaqaha ah oo wada shaqeyn eey ka dhaxeeyso dugsiyada hoosedhexe ( saddax degmada eey maamusho iyo mid gaar loo leeyahay). Warbixin dheeraada oo ku saabsan dugsiyada xanaanada iyo kuwa xilli firaaqaha waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Xarunta Waxbarashada ee Orsawaxaa ka jira fursado waxbarasho oo loogu tala galay dadka waaweyn inay wax bartaan. Halkan waxaa laga helaa koorsooyinka akhriska-iyo qoraalka, sifi, waxbarashada dadka waaweyn, waxbarashada dadka waaweyn ee laxaadkoodu kala dhantaalanyahay iyo waxbarashada dadka waaweyn oo lagu baran karo iyadoo goobta aan la joogin oo qof ku hagayo. Mora waxaa ku yaal hal dugsiyada waxbarashada bulshada ah iyo waxbarashooyinka Siljansutbildarna, kuwaas oo qofku ka qaadan karo koorsooyin iyadoo aan la joogin goobta waxbarasho oo ah heerka jaamicadda.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Orsa waxaad ku yaal hal rug caafimaad oo kaa caawineysa tala siin dhinaca caafimaadka ah, qaabilaad dhakhtar, qaabilaad kalkaaliso, qaabilaad dhinaca hab u noolaashaha wanaagsan, qaabilaad wada hadal, umuliso iyo daryeelka hooyada, ilmaha iyo dhalinyarada, baxnaanin, caafimaadka qaxootiga, qaabilaada heeganka, daryeelka lugaha iyo baaritaanka sheybaarka. Isbitaalka Mora waxuu leeyahay qeybo takhasus oo badan waxuuna isbitaal degdeg/emerjensi u yahay dadka dega ama booqda galbeedka gobolka Dalarna. Isbitaalka degdega ah oo kale waxuu ku yaal Falun.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriireysid degmada ama xafiisyada kale ee dowladda waxaad xaq u leedahay in turjubaan laguu qabto hadaad luqad aanan iswiidhish aheyn ku hadashid. Luqada badan ayaa la turjumaa. Qaxootiga la meeleeyo lana dajiyo waxaa mararka qaarkood turjubaan looga dalbaa wakaalada turjumida ee magaalada Borlänge. Hadaad u baahatid caawimaad turjubaan waxaad la xiriri kartaa iskudubbaridaha qaxootiga.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Orsa waxaa ku yaal tareen isteeshin oo mara jidka u dhaxeeya Mora-Östersund-Mora. Labada tareen isteeshin ee SJ iyo Tåg i Bergslagen, ee ugu dhow waxeey ku yaallaan bartamaha Mora. Meehsaas waxaad ka qaadan kartaa baska Dalatrafik.

Akhri dheeraad ku saabsan gaadiidka dadweynaha ee degmadan.

Shaqo iyo ganacsi

Waxsoosaarka ganacsi ee degmada Orsa waxuu ku xiran yahay shirkadaha yaryar, waxaa kaloo jira shirkado shirkado xoogaa waaweyn. Dakhliga kasoo gala dalxiiska wuu sii kordhayaa, waxaana laf dhar u ah goobta Grönklittsgruppen, oo ku taal degmada Orsa.

Dad badan oo Orsa degan waxeey shaqo maalin kasta u aadaan degmooyinka Mora, Älvdalen, Rättvik iyo kuwa kaloo ka ag dhow.