Rättvik

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ku dhawaad 11 000 oo qofood ayaa degan degmada Rättviks. Intooda badan agagaarka Rättvik, laakiin badankood toolooyinka raacsan Siljansringen xaga woqooyi ilaa iyo Ore iyo Furudal.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

10944

Cabirla dhulka

2139 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir laga qaaday dhulkoo bilaa baraf ah buurta lagu ciyaaro ciyaaraha barafka ee Rättvik iyo Rättviken

Magaalooyinka ugu waaweyn waa Rättvik, Vikarbyn, Boda Kyrkby iyo Furudal. Waxaan qabnaa in aan haysano deegaan wanaagsan waxaana ku faraxsanahay in aan nala wadaagto!

Deegaan

Degmadeena dadku badanaa waxa ay degan yihiin vilooyin ay ayagu leeyihiin. Magaalada ku taala bartamaha Rättvik iyo Vikarbyn iyo Furudal waxaa haysta shirkada guryaha ee degmada Rättviks Fastigheter AB, guryaha kirada ah. Liis ay ku qoran yihiin kuwa guryaha laga kiraysto ayad ka helaysaa websidkeena.

Guryo isku dherersan oo huruud ah oo saddex dabaq ah lehna balakoonyo guduud ah, dhanka bidix waxaa ka muuqda goobta caruurtu ku ciyaarto.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqada ugu horaysaa waa iswiidhishka waxaana ku xiga ingriiska. Waxaa sidookale haysanaa dad luqudoodu hooyo tahay af holendeeska, af isbaanishka, af norwijiyanka, af tigreega, af soomaaliga, dari, af carabi, af pooliska, af gaeliska, af jarmal, af ruushka, slovenska, serbiga, af talyaaniga, af taylandeeska ( oo lahjado badan leh) iyo afka albaaniyiinta.

Jaaliyado iyo ururu

Degmadeena waxa aa ku yaala jaaliyado badan oo kala leh waxyaabo badan oo xiiso leh. Jaaliyadaha intooda badan waa kuwo aad u firfircoon.

Rag dhalinyaro ciyaaraya iyo haween oo saf ku jira.  Waxay ciyaarayaan qalab muusig iyagoo xiran dharka hidaha iyo dhaqanka.

Maxaa ka ag dhaw

Magaalada bartankeeda waxa ku yaala maktabad, guriga dhaqanka, xeeb, meesha barafka lagu ciyaaro, meesha qolfka lagu ciyaaro, meesha lagu ciyaaro xeegada, meesha cayaaraha, maqaayado, mesha shaaha lagu cabo, heteel, kaambada iyo wax yaabo kale oo badan. Markasta oo la gaaro xiliga gu'a iyo dayrta waxaan leenahay suuq wayn oo ay soo booqdaan dad kabadan 100 000 oo qofood iyo 1 000 suuqyada waaweyn ah. Meesha suuqa waxaa laga abaabulaa wax yaabaha qadiimiga ah iyo gaarida gadaal waxyaabaha lagu iibiyo xiliga xagaaga. 3 dukaamo oo waaweyn oo cuntada, bangi, kabo, dhar, cayaaraha iyo xiliga firaaqada dukaamadahooda. Meesha kabada lagu talo, maxyaabaha carruurta ay ku ciyaaraan, ubaxyo, cunto caafimaad, qurxinta, waxyaabaha qadiimiga ah, gacan labaad, mashiinada guryaha, rinjiga, meesha indhaha, farsamada gacanta, shidaal, dukaan iyo wixiila mid ah ayaa laga helaa magaalada bartankeeda. Marki la isku geeyo waxaan leenahay qiyaasti 50 dukaamo oo ku yaala bartanka magaalada iyo kuwo kale oo badan oo ku yaala koobaha u dhadhaw. Xataa Vikarbyn, Boda kyrkby, Bingsjö iyo Furudal waxaa ku yaala dukaamada cuntada.

Maktabad leh kabadhada buugta, meesha wax lagu akhristo iyo miisas wareegsan oo leh dhowr kursi.

Xafiiska shaqada waxa uu ku leeyahay Rättvik xafiis adeeg iyo xafiiska caymiska oo ku yaala Mora. Xafiiska bulasha iyp booliskawaxa ay yaalaan Rättvik iyo xafiiska cashuurta oo ku yaala Falun.

Koonaha hoyga dhaqanka ee Rättvik.  Xaga hore waxaa ka muuqda cagaarki gu’ga.  Gurigan waa guri alwaax ka samaysan oo bunni ah lehna daaqado waaweyn oo wax laga daawado.

Dalyeelka carruurta

Waxaa haysana daryeelka carruurta ee aad loo qorsheeyay iyo dugsiga xanaanada ee Rättvik, Vikarbyn, Ingels, Boda Kyrkby iyo Furudal. Waxa kale oo xataa ku yaala xanaanu maalmeedka qoyska.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxa ku yala dugsi hoose ( fasalada 15) ee Rättvik, Vikarbyn, Sätra, Söderås, Ingels, Boda Kyrkbyn iyo Furudal. Fasalada 6-9 waxa ay ku yaalaan Rättvik iyo Furudal. Iskoolka qaaska ah waxa uu ku yaala Rättvik sidoo kale dugsi sare iyo dugsiga sare ee qaarska ah. Rättvik waxaa xataa oo ku yaala iskoolka muusikada.

Caruurta dugsiga hoose-dhexe oo ka qayb-qaadanaysa munaasabad isboorti iyadoo dadka waaweyn filim ka duubayaan oo taageerayaan.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn Leksand-Rättvik waxa ay bixisaa macluumaad ah iswiidhishka dadka ajnabiga ah (sfi). Waxaa kale oo jira waxbarashada caafimaadka, waxbarashda xirfada, koorsooyinka dugsiga sare iyo waxbarashada dadka waayen oo gaar ah. Warbixin dheeraad ah iyo in la sameeyo qorsho waxbarasho ee leh waxbarasho- iyo xirfad lataliye.

Caafimaadka

Bartanka magaalada Rättvik waxa ku yaala farmashiye, rugta caafimaadka med dhaqtarka meesha lagu qaabilo, umuliso, daryeelka hooyooyinka, daryeelka carruurta, daryeelka ilkaha, dhaqan celinta, latalinta dhalinyarada, iyo kuwa kale oo badan. Waxaa xataa jira xafiis dhaqtar oo gaar looleeyahay meesha oo tusaale ahaan lagu sameeyo baaritaanka caafimaad, lakulmid dhaqtar iyo talaalada aya laga sameystaa. Rugta caafimaadka waxay u bandhigtaa dhamaan magalyo doonayaasha iyo qaxootiga wadahadal caafimaad. Warbixintaa oo loogu sharxayo sida uu u shaqeeyo caafimaadka wadanka iswiidhen. Warbixinta waa bilaash lacag maahan. Qaybta daryeelka degdega ah waxa ay ku taalaa Mora iyo Falun.

Caawinaad turjubaan

Marki aad balan qabsato tusaale ahaan rygta caafimaadka ama xafiiska bulshada waxaad xaq u leedahay turjubaan. Waa in aad sii sheegtaa marki aad balanta qabsanayso in aad turjubaan u baahantahay. Ilmaha kaligood socda oo qaxootiga ah waxa ay leeyihiin qof ka masuul ah oo marki loo baahdo u qabanaya turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Magaalada Rättvik dhexdeeda waxaa ku yaala xarunta safarada meesha ay tariinada iyo basaskuba istaagaan. Waxa ay leedahay fursad fiican in la isku raaco hadii ay shaqadaado tahay Falun, Borlänge, Leksand iyo Mora. Warbixino ku saabsan tariinada waxa aad ka heli kartaa SJ iyo Tågkompaniet iyo warbixin kale oo ku saabsan safarada basaska magaalada iyo kuwa gobolada.

Qiyaas ahaan inta loo raaco gaari magalada Leksand waa 19 daqooqadood, Borlängana waa 53 daqiiqadood, Falun waa 42 daqiiqadood iyo Mora oo ah 30 daqiiqadood. In gaari loo raaco ama tariin magaalada Stockholm waxa ay qaadataa ku dhawaad 3 saaxadood, basna waa 3,5 oo saacadood. Masexpressen waxa oo u kala socdaa inta u dhaxaysa Mora iyo Stockholm. Swebus waxa kamid ah meelaha oo u kala socdo Stockholm iyo Göteborg.

Birka Cruises waxa ay leeyihiin basas gooni ah oo u kala socda laga bilaabo Rättvik ilaa iyo meesha ay doonto ka baxdo Birka hadana laga bilaabo Stockholm ilaa iyo Mariehamn. Viking Line waxa ay leeyihiin basas mara Rättvik ilaa iyo doonta ee Stockholm (Stadsgården). Viking Line waxa ay doontoodu aadaa ilaa iyo Åland, Åbo iyo Helsingfors.

Akhri dheeraad ku saabsan gaadiidka dadweynaha ee degmadan.

Shaqo iyo ganacsi

Wax soosaarka ganacsiga ee Rättvik waxa lagu gartaa quwada ay ku socdaan boqolaalka qabdraas iyo shirkadaha yar yar. Dadka ku nool degmada doonayana in ay ka dhexshaqeeyaan ayagaa samaystay goobtooda shaqada ayaga ee isticmaalaya wax soosaarodooda gaarka ah iyo kuwa kaleba. Taana waxa ay aasaas u tahay dhaqanka soo jireenka ah ee ganacsiga iyo awoodfulinta ay ku noolyihiin shirkadaha maxaliga ah ee magaalada.

Maalin talaado xiiso leh gudaha Rättvik oo leh suuq, muusig iyo raashin.

Laamaha ugu waaweyn ee degmada waa dalxiiska, ganacsiga, warshda geedaha iyo dhulka iyo beeraha. Ganacsigu waxa uu ka koobanyahay shikadaha taqasuska u haysta tusaale ahaan farsamada, habka dhismaha iyo naqshada sawirka.

Ganacsigu hada hore ayuu u socdaa iyo horumar uu ku jiraa, iyo xafiiska ganacsiga oo aad u dhaqeeya si ay u ilaaliyaan edeegooda fiican ay magaldu ku baratay.