Gävleborgs län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Gävleborg wuxuu ka koobantahay labada mandaqadood ee Gästrikland iyo Hälsingland, waana gobolka ugu keymaha weyn Iswiidhan oo dhan. Gobolkan wuxuu ka koobantahay toban degmo waxaana degan isugeyn qiyaastii 280 000 kun oo qof.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Gävleborgs län

Dooro degmada ah Gävleborgs län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Degmada ugu weyn waa Gävle oo ay deganyihiin 97 000 oo qof. Degmooyinka kale waa Sandviken, Hudiksvall, Bollnäs, Söderhamn, Ovanåker, Hofors, Nordanstig iyo Ockelbo. Gävleborg waxeey ku taala goob istaraatiiji ah waxeeyna hal saac oo kaliya u jirtaa garoonka diyaaradaha Arlanda, hal saac iyo barna waxeey u jirtaa Stockholm. Sanado badan waxaa gobolkan lahaa qaabilaada qaxootiga ah oo weyn.

Xaalada guryaha

Gobolka Gävleborg waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwan leh. Degmooyinka waaweyn waxaa ka jira shirado dowladeed oo guryaha kireeya, waxaa kaloo jira shirkado gaar loo leeyahay oo iyagana kireeya guryaha. Sida guryaha loo helo waxeey ku xirantahay degmada aad guryaha ka raadsaneysid. Warbixin dheeraada waxaad ka heleysaa meesha degmo kasta lagu soo bandhigo.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Dhaqaalaha gobolka waxuu ku dhisanyahay soo saarida biraha iyo warshadaha garaashyada. Shirkadaha waaweyn ee gobolka waa Sandvik, Ovako, Korsnäs iyo Iggesund. Sanadihii ugu dambeeyay waxaa kor u kacay shirkadaha baraayfatka ah. Waaa shirkadaha ugu korriimaha fiican, waxeeyna shaqaaleeysiiyaan dad badan, waxaana laga yaabaa ineey mustaqbalka dhow horumariyaan shirkadaha enerjiga iyo sancada jawiga. Sanadihii waxaa iyagana soo kordhay shirkadaha ka shaqeeya farsamada sida GIS, fiberoptik, industriell IT iyo Contact centers. Ilaha dhaqaale ee ugu kobciga og gobolka waa dhaqaalaha ka soo gala dalxiiska.

Ku dhowaad 40 % waxey ka shaqeeyaan caafimaadka, iskoollada iyo daryeelka.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Gävleborg waxaa ka jira wada shaqeeyn eey iska kaashadaan hey'daha, degmooyinka, shirkadaha iyo ururyada samfalka si loo abuuro jawi eey bulshada iyo dadkeeda ugu noolaan si wanaagsan, hadeey ahaan lahaayeen dadka caadiga ah, kuwa shirkadlayaasha ah iyo kuwa qaxootiga ah ee wadanka ku cusub.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Gobolka waxuu leeyahay machad ku yaal Gävle. Waxaa la aasaasay 1977 waxuuna caan noqday bartamihii 90-shagaashameeyadii. Iskoolka waxuu aad ugu guuleystay inuu isku dubbarido howlahiisa dhinacyao badan oo bulshada ah. Waxaana ka mid ah horumarinta xiriirka ee qiimaha badan ee shirkadaha gobolka sida Sandvik iyo Korsnäs.

Daryeelka bukaanka

Gobolka Gävleborg wuxuu mas'uul ka yahay dhamaan dadka degan gudaha gobolka Gävleborg inay helaan daryeelka iyo daryeelka ilkaha ee ay u baahdaan. Gobolku waxaa kale oo uu mas'uul ka yahay dadka si ku meel gaar ah u jooga halkan ee u baahan daryeel caafimaad oo deg-deg ah. Waxay noqon kartaa tusaale ahaan qaraabo, saaxiibo iyo dadka macaariifta ah ee qof ku soo booqday Gävleborg iyo xitaa dalxiisayaasha iyo qaxoontiga. Gobolka wuxuu leeyahay saddex isbitaal, mid ku yaal Gävle, Hudiksvall iyo Bollnäs.

Isbitaallada marka laga reebo waxaa ku yaal rugag caafimaad oo baraayfat ah.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolka qeeybahiisa kala duwan waxaa ka jira nolol xaga hiddaha iyo dhaqanka, isboortis iyo howlaha firfircoonida ee guriga dibaddiisa. Degmooyinka kala duwan ee gobolka waxaa ku yaal jaaliyado fara badan oo meherado kala duwan sameeya. Waxa meeshaan yaal dhul qurux badan oo dabiici ah, balliyo, beero iyo keymo ku siinaya xusuusta dabeecadda qurxoon.