Ockelbo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ockelbo waa degmo yar, dadka iyo baaxada eey ku fadhiso weey yaryihiin. Dadka intooda badan weey is yaqaannaan, taasina waxeey keneysaa in adeega bulshada uu wanaangsanado.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

5928

Cabirla dhulka

1129 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir diyaarad lagu qaaday koorka aaga guryaha ee Ockelbo maalin xagaa ah.

Waxaan dhowrnaa dhulka dabeecadda iyo bii'ada, waana jecelnahay inaad wada shaqeyno mujtamacana aan ka dhigno mid nabad ah. Waan ka helnaa halkaan, laakiin haddii aan rabno inaan meel kale aadno weey fududahay inaad bas, tareen ama baabuur ugu safartid magaalooyin kale.

Ockelbo waxeey heshiis la leedahay Hey'adda laanta socdaalka oo ah martinta dadka qaxootiga ah isla markaana la siiyay sharci. Xarunta isdhexgalka dadka shaqdeedu waa ineey dadka marka eey imaanayaan siiyaan talo iyo caawimaad. Dadka soo galootiga ah waxaan ka caawineynaa waxyaabo kala duwan. waxaan isku taxalujineynaa inaan noqono dad shaqadooda ka soo baxo. Waxaan rabnaa inaan qof kasta siino fursad uu ku shaqeysto, waxna ku barto nolashiisana ku dhiso.

Goobta eey qaxootiga wadanka ku cusub iyo dadka kaleba ku kulmaan waa Gläntan. Halkaan waxaad ka heleysaa kafateeriya iyo bilyaard iyo shaqaale dhageysanaya waxyaabaha aad rabtid inaad sameysid.

Waxaan rabnaa inaad dadkeena cusub si fiican usoo dhaweyno. Waxaan rajeyneynaa in dadka inta usoo guurayo eey si fican uga qeyb galaan iney bartaan sida eey bulshada u shaqeyso, si fiicanna uga shaqeeyaan ineey gacmahoda isku masruufaan oo eey shaqeystaan. Si aad ugu soo guurtid degmada waxaa shardi ah ineey jiraan guryo banaan iyo inuu boos ka bannaan yahay xarunta leesku baro sida uu mujtamaca u shaqeeyo.

Deegaan

Shirkada guryaha ee Ockelbo waxaa la dhahaa Ockelbogårdar. Waxaa jira guryo la gato iyadoo loso maraayo dallaal.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Inkasoo eey Ockelbo yartahay hadanan waxaa degan dad badan oo adduunka dacalladiisa ka kala yimaaday; waxeey ka yimaadeen, Fiinlaand, Ostareliya, Teeylaand, Holand, Eretareeya, Afqaanstaan, Ciraaq, Iiraan, Soomaaliya iyo kuwo kale. Xarunta is dhexgalka dadka waxaa kuugu diyaar ah turjumaanada luqadaha carabi, daari, beershiyaan, tigree, cafar iyo kurdhish.

Jaaliyado iyo ururu

Halkaan waxaa ka jira jaaliyado fara badan sida kuwa dhaqanka, dabeecadda, beeraha, isboortiska, tiyaatarka iyo kuwa kaloo badan.

Ockelbo waxaa ka dhisan Kaniisada Svenska kyrkan. Waxaa kaloo ka jira kaniisadaha kala ah Ockelbo Missionskyrka iyo Tempelkällans mission.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxaa laga helayaa adeega loo baahan yahay oo dhan. Waxaa ku yaal kafateeriyo badan, makhaayado iyo dukaamo cunto, dhar, kabo, ubaxyo, barfuun, qalab, kalar, alaab dhismo, dukaamo gacan labaad iyo waxyaabo kaloo badan. Waxaa kaloo ku yaallo tima jarayaal, kan indhaha, angiyo, garaashyada baaburta iyo shirkado badan oo adeegyo badanoo kale. Dukaanka alaabta ee IKEA waxuu u jiraa 45 daqiiqo oo tareen ah, waxaa kaloo jira basas ka baxa Ockelbo, xaafadana waxaa ku yaal dukaanka gacan labaadka ah ee kanisada Missionskyrkan oo haya alaabyada kala duwan.

Halkaan waxeey dadka sameeyaan howlaha firfircoonida ee dhaqanka iyo isboortiska. Ibsoortisyada ugu waaweyna waa kubadda cagta, kubadda kolayga, kubadda usha, ciyaarta kabaha barafka iyo ciyaarta jiheynta. Waxaa halkaan ku yaal hool dabbaal oo weyn iyo hool gudaha oo lagu dabbaasho. waxaan heysannaa shaleemo filimaan badan tusiso isbuuc kasta iyo maktabad loogu tala da'ooyin kasta. Waxaad ku akhrisan kartaa joornaal ama waxaad amaahan kartaa kombiyuutar waana bilaash.

Xarunta damaashaadka ee dhalinyarada waxaa la dhahaa Underground waxeeyna ku taal isla guriga iskoolka dhaqanka oo loogu tala galay ineey carruurta ku bartaan sida loo garaaco qalabka muusikada. Iskoolka dhaqanka waxuu kamid yahay kuwa ugu fiican Iswiidhan oo dhan.

Dada badan oo meeshaan degan waxeey jecel yihiin ugaarsi kalluumeysi. Waxaa ku yaal keymo iyo warar badan. Waqtiga qaboobaha waxaa ymaada baraf badan dadkana waxeey markaas jecelyihiin ineey kabaha iyo ulaha barafka ku cayaaraan ama eey wadaan mootada barafka.

Maalin jilaal ah iyo baraf aan la taaban.  Dhexda sawirka waa qof xiran dharka jiilaalka, muraayadaha indhaha ee barafka iyo koofiyad oo saaran gaadiidka barafka oo ah midabka liinta oo kale ah.

Dalxiisayaasha waxeey jecelyihiin ineey tagaan beeraha Wij trädgårdar, beer keymo eey xeywaano ku nool yihiin leh, tareen kuwa qadiimiga ah iyo meelo kaloo wanaagsan oo loo dalxiis tago. Laba mar sanadkii waxaa la abaabulaa suuqa Ockelbo waxaana imaada dad badan.

Gudaha Ockelbo Natur iyo beerta xayawaanka goodirka u eeg waxaa si raaxo leh dhulka duurka u jiifa nin uu la joogo goodir yar oo dhalaan ah oo wehel u ah.

Dalyeelka carruurta

Weey fududahay in Ockelbo laga helo xanaanada carruurta. Waqtiga bilowga eey carruurta baranayaan xanaanada waxeey qaadaneysaa laba isbuuc waxaana goob joog ahaan doonoturjumaan. Iskoollada xanaanada waxaa dhigta carruurta eey da'doodu u dhaxeeyso 1-6 sano waxaana loogu tala galay carruurta eey waalidiintoda shaqeeyaan. Carruurta eey waalidiintooda shaqa la'aanta yihiin waxeey iskoolka xanaanada xaq u leeyihiin 15 saac isbuucii.

Ockelbo waxaa ku yaal iskoollo xanaaneed yaryar waxeeyna ku yaallaan meelo ammaan ah aadna u degan oo ah bartamaha Ockelbo iyo xaafadaha Jädraås, Åmot iyo Lingbo. Waxaa kaloo jira guri xanaaneed caruur oo guryahooda ku haya maalintii carruurta da'doodu eey tahay 1-6 sano.

Waxaa kaloo jira xanaanada furan oo ku yaal xarumaha qoysaska, waa goob eey ku kulmaan carruurta aan dhiganin iskoolka xanaanada carruurta iyo waalidiintooda.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Ockelbo waxaa ku yaal laba iskool oo loogu tala galay ardayda da'doodu eey tahay 6-12 sano iyo hal iskool oo loogu tala galay ardayda da'doodu eey u dhaxeeyso 13 illaa 16 sano. Hadda waxaan ku howlannahay dhisdda iskool dugsi hoosedhexe ah oo dhismihiisa la dhameyn doono xilliga dayrta ee sanadka 2015.

Dugsiga sare ee ugu dhow Ockelbo waxuu ku yaal Gävle iyo Sandviken. Jiheeyaha waxbarashada iyo xirfadda ee degmada Ockelbo waxuu ku siin karaa haddii aad rabtid barnaamij waxbarashadeedka kala duwan ee lagu barto dugsiyada sare.

Furadaha waxbarasho

Qof kasta oo qaxooti cusub ah waxuu ka waramayaa waxa uu yaqaano iyo waxa uu rabo inuu ka shaqeyo. Markaas kadib waxaan qoreynaa qorshe uu ku baranayo sida eey bulshada iswiidhishka ah u shaqeeyso. Waxbarashada dadka waweyn ee ah barashada luqada iswiidhishka ee loogu tala galay ajnabiga (sfi) waa qeyb ka mid ah horudhaca qorshahaas.

Caafimaadka

Ockelbo waxaa ku yaal xarun caafimaad aad tegi kartid haddaad jiratid. Halkaan waxaad ka heleysaa dhakhtarka ilkaha, ambalaas iyo adeega badbaadada. Gävle waxaa kiu yaal isbitaal weyn oo leh qeybta emerjensiga, qeyb takhasus iyo qeybta dhalidda.

Degmada waxaaka dhisan guri cusub oo webiga aad uga jeedid, waxaana loo dhisay dadka gaboobay oo aan kaligood waxba ku qabsan karin guryahooda.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriireysid xafisyada kala duwan, degmada, xarumaha caafimaadka waxaad xaq u leedahay in lagu qabto turjumaan haddii aadan ku hadli karin luqadda iswiidhishka. Waxaa lasii bokimanaa inta aadan imaanin kulanka.

Xiriirka gaadiidka

Si fudud ayaad tareen iyo bas uga qaadan kartaa Ockelbo waxaadna u raaci kartaa xaafadaha iyo magaalooyinka. Gävle waxuu tareenka kugu geeynayaa 15 daqiiqo Bollnäs na 35 daqiiqo. Sandviken waxuu baska kugu geynayaa 40 daqiiqo.

Uppsala iyo madaarka Arlanda waxey kuu jiraan 1,5 saac Stockholm na 2 saac.

Hal saac oo tareen iyo bas ah wayaa waxaa ku yaal suber market ka weyn ee Valbo köpcenter oo u dhaxeeysa Gävle iyo Sandviken, halkaas waxaa kaloo ku yaal IKEA.

Basaska isku kala goosha xaafadaha degmada Ockelbo waa lacag la'aan waqtiyadana waxeey la jaanqaadayaan marka eey baxayaan tareemada iyo basaska meelaha kale sii aadaya. Masaafada eey isku jirto bartamaha Ockelbo weey yartahay si fudud ayaa loogu tagi karaa baaskiil ama lug.

Shaqo iyo ganacsi

Xarunta isdhexgalka dadka ee Ockelbo waxeey wada shaqeyn fiican la leedahay Xafiiska shaqada. Mashruuca aan wadno ee "Walk on" waxaan dadka cusub si dhaqsi ah ugu sii gudbinaa baraaktiik eey goobo shaqo ka shaqeynayaan. Shaqa bixiyayaasha ugu waaweyn ee degmada Ockelbo waa Ockelbo kommun, Opass AB, Atlas Copco, Berendsen iyo Atlings. Waxaa Ockelbo ku yaal shirkado yaryar oo badan. Dad badan ayaa waxeey u shaqo tagaan Gävle iyo Sandviken.