Gotlands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Dalka Iswiidan wuxuu u qaybsan yahay 21 gobol iyo 290 degmooyin. Gobolada oo idil oo aan ahayn ama ka reeban Jasiiradda Gotland, waxay leeyihiin dowlado hoose oo tiro badan. Laakiinse Jasiiradda Gotland waxay leedahay oo keliya hal dowlad hoose [Region Gotland]. Iyada ayaa mas’uul ka ah waxbarashada, adeegyafa bulshada, xannaanadda waayeelka iyo arrimaha daryeel-caafimaadeedka iyo bukaanka.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Gotlands län

Dooro degmada ah Gotlands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Jasiiradda Gotland waxaa badi ahaan lagu tilmaama, in ay tahay xudunta badda, waa Jasiirad isku ururiso oona midayso.Taariikh ahaan sidaas ayay ahaan jirtay, welina waa sidaasi. Jasiiradda Gotland waa Jasiiradda dalka Iswiidan ugu wayn, waxaana qiyaastii ku nool 58 000 qof. Taasoo ah tiro sannad kasta tiro jibaar noqota. Taasoo u sabab ah boqaalaallo kun oo u soo dalxiisa iyo booqasheyaal kale. Qofka Jasiiradda Gotland ku sugan kama foga magaallo iyo miyi. Jasiiradda waxay leedahay abuur cajiib ah. Waxay kaloo hodan ku tahay dhaqamada iyo dhaqdhaqaaqyada wakhtilummiska. Jasiiradda waxaa lagu tegi kara dayuurad iyo markab. Sababo badan dartooda ayaa halka loogu soo guura. Taasoo ugu wayn bay'adda ilmaha u roon, ururrada hab firfircoon ee jasiiradda ka hawlgala iyo suuqa fiican ee shaqada. Jasiiradda Gotland waxay leedahay cimiladaha xeebaha. Qaboow badan malaha xilliyada qaboowga. Sidaasoo kale, kuleel badan malaha xilliyada kuleelaha. Ku soo-dhawaada Jasiiradda Gotland!

Xaalada guryaha

Jasiiradda Gotland waxaa laga hela hoy kala nooc ah, ha ahaadeen kuwan miyiga ku yaalaan iyo kuwa ku yaalaan degmada gobolka ugu wayn oo ah degmada Visby. Dad badan ayaa doonaya inay degaan Visby, sidaas darteed waxaa jira fursado waaweyn in la helo guri sanadkii oo dhan ah laga helo meelaha kale ee ku yaala gobolkan. Guryaha la kireysto badidooda waxaa laga helaa shirkadda guryaha Jasiiradda Gotlandhem oo hanti ma gurto ah ku leh Gotland. Lacag la'aan ayaa isku qori karta safka guryaha.

Tan kale, waxaa laga hela shaqsiyaad leh hanti ma guurto oo guryahooda laga kireysto. Liis oo magacyadooda ku qoran yihiin waxaa tusaale ka heleysa bogga internetka ee Xafiiska dalxiiseyaasya ee Gotland [Gotlands turistbyrå]. Isla boggaas waxaa laga hela faahfaahinta xiriirka ee xafiiska Inflyttarbyrå, oo ka caawina kara warbixin ku saabsan u soo guurida Jasiiradda Gotland. Xafiiskan wuxuu hab joogto ah u qabanqaabiya dhacdooyin kala duwan, oo dadyoowga dhowaan gobolka u soo guuray ku kulmaan.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shirkadaha ka hawlgala Jasiiradda Gotland way da´ wayn yihiin, waxayna hab jooto ah hindisaan oona horumariyaan fikrado ganacsiyeed oo kala duwan, kuwaasoo ku sakaysan lamo ganacsiyeed tiro badan oo kala duwan. Shirkadaha yaryar ee jasiiradda ka hawlgala way badan yihiin, qiyaastii tobbankii shirkado sagaal iyaga kamid ah waa kuwa yaryar, oo tirada shaqaalahooda aan shan qof ka badnayn.

Kuwa laamaha beeraha, warshadaha dhegxaanta iyo warshadaha raashin soo saaara, ayaa kamid ah kuwa tan iyo sannooyin badan ugu muhimsan Jasiiradda Gotland. Soo-saareyaasha raashinka ee Jasiiradda Gotland, waxay sancaynta darteed adeegsadaan badeecadaha degmada. Tayada badeecadaha ay soo saaraan waa heer sare.

Dhinaca korniinka adeegyada waxaa ugu muhimsan ganacsiga booqasheyaasha. Tirada booqasheyaasha oo aad u badan, waxay dhalisay helida bosas shaqo oo tiro badan, sida kuwa xilliyada kuleelaha.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Jasiiradda Gotland waxaa laga hela dhawr ururro oo siyaabo kala duwan, ka shaqeeya arrimaha isdhexgalka bulshada. Waxaa kamid ah ururrada: Rädda Barnen, Röda korset, Demokrati för Barns Framtid, Kiniisadaha iwm, urur-diimeedyada, Isbahaysiga ururrada isbooortiga ee Jasiiradda Gotland, iyo ururro isboorti tiro badan, ABF, Bilda, Studiefrämjandet, Jaamacadda ummadda, Isbahaysiga dugsiyada dadka waawayn, Sensus iyo ururada isdhexgalka dhaqamada.

Degmooyin waxaa ka hawlgala ururrada istikhyariga. Badidooda waxay qaban-qaabiyaan dhaqdhaqaaqyo, waxayna leeyihiin goobo lagu kulmo oo kala duwan. Sida tusaale goobaha kulanka ee Lanqayrta cas "Kupan" oo ku yaalaan degmooyin badan.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Gotland waxaa ku taallo hal jaamacad, (Uppsala Universitet Campus Gotland). Jaamacadda waxay leedahay koorsooyin iyo waxbarasho badan oo kala duwan, sida baayoloji, dhaqaalaha iyo barnamijyeenta kombyuutarada.

Kulliyadaha shicibka iyo dugsiyada dadka waawayn ee dowladda hoose, waxay leeyihiin waxbarasho heer dugsiyada biloowga/hoose/dhexe iyo heer dugsiyada sare iyo koorsooyin jihayn-waxbarasheed gaar leh. Korta vägen Visby waa waxbarasho ku salaysan iskudiyaarinta suuqa shaqada oo loogu talagalay jaamiciyiinta ka yimi dal shisheeye ah degan Gotland. Waxbarashada waxaa laga hela jaamacadda Stockholm. Dadka waawayn oo la siiyay ruqsadda degenaanshada oo waa ka diiwan gashan Gotland waxay baran karaan luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (SFI) ee Gobolka Gotland.

Daryeelka bukaanka

Gotland waxaa laga hela xarumaha daryeel-caafimaadeedka oo tiro badan. Haddii aad talo iyo daryeel u baahan tahay, waa inaad marka hore la xiriirta xarumaha daryeel-caafimaadeedka. Haddii loo baahdao takhtarada xarumaha daryeel-caafimaadeedka waxay ku gudbinayaan isbitaalada. Visby waxaa ku yaallo isbitaal casri ah, oo ka hawlgalaan shaqaale leh karti-xirfadeed kala duwan.

Xarumaha daryeel ilkaha ayaa ku yaala dhowr meelood oo Gotland ah.

Talo-bixinta ku saabsan daryeelka caafimaadka iyo helitaanka xarunta caafimaad ee kuugu dhow waxaad ka helaysaa bogga Hagaha Daryeelka ama iyadoo loo marayo telafoonka 1177. Xiliga xaalado deg-deg ah ama xaalado nolosha halis ku ah waxaad wacaysaa lambarka gurmadka ee 112.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Jasiiradda Gotland waxaa ka hawlgala ururrada taclinta dadka waawayn oo tiro badan, kuwaasoo qabanqaabiyaan koorsooyin iyo dhaqdhaqaaqa. Waxaa xitaa laga hela ururro tiro badan oo ka hawlgala lamaha isboortiga iyo dhaqamada. Wakaaladaha dhaqamada waxaa kamid ah, sida fanka (Gotlandsmusiken), teater (Länsteatern) iyo madxaf (Länsmuseet).

Maktabadaha waxaa lacag la'aan laga aamahan kara buugag, ku aqrisan karta wargeysyada, ku isticmaali karta kombyuutarrada yaalan, ka raadsan karta warbixin ama su'aallo waydiin karta. Waxaa halkaas laga hela dhaqdhaqaaq barashada luqada lagu horumariyo, makhaayadaha luqadaha, sheekoxariir luqado kala duwan oo carruurta loogu talagalay, buugag ku qoran af-iswiidish fudud iyo sheekooyinka luqadaha. Maktabadaha waxay qabanqaabiyaan dhacdooyin tiro badan, halkaas aad kula kulmi karto dad badan. Degmooyin badan oo jasiiradda ku yaalaan ayaa maktabadaha laga hela.

Xarumaha dhallinyada waa goobo dhallinyarada ay ku kulmaan oo muhim ah. Waxaa xarumaha laga hela dhaqdhaqaaqyo lacag la' aan ah oo loogu talagalay dhallinyarada da'dooda u dhaxayso 13 ilaa 19 sano.