Hallands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Halland waxaa lagu ammaanaa xeebahadeeda dabbaasha o aad u wanaagsan iyo dhulka dabiiciga ah oo isugu jiro buuro iyo keymo. Gobolka waxuu ka koobanyahay lix degmooyin Laholm, Halmstad, Hylte, Falkenberg, Varberg och Kungsbacka.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Hallands län

Dooro degmada ah Hallands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Dadka iyo horumarka gobolka aad u kordhaya aawgeed waxaa tobankii sanoo ugu dambeeysay dhacday in aan la dhisin guryihii loo baahnaay si loo haqab tiro baahida dhinaca guryaha ah. Bilowgii qrnigii 2000 ilaa iyo hadda waxaa degmooyinka xeebaha leh ee gobolka ka jirto gur'yo la'aan weyn. Qeeybaha eey aad u saameysay guryo la'aanta waa dhalinyarada kireysta guryaha yaryar oo waqtiyadaan aad u adag sida loo helo, ardayda waxbarashada ki jira iyo dadka u baahan guryo khaas u ah xaajaadkooda.

Dadweyne

Dadka gobolka Halland iyo wax soosaarka dhaqaale ee gobolka wuu ka fiicanyahay kan wadanka oo dhan. Dadka usoo guuraya gobolka weey sii bateen tobankii sanoo ugu dambeeyay. 31 bishii desembar ee sanadkii 2013 waxeey dadka gobolka Halland gaareen 306 840 oo qofood. Halmstad waa degmada ugu weyn gobolka waxaa degan 94 000 oo qofood waana magaala madaxda gobolka. Dadka usoo dalxiiso gobolka weey badan yihiin, wakhtiga xagaagana weey sii laba jibaarmaan, waxeeyna noqdaan ku dhowaad malyan barkiis.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Wax soosaarka dhaqaalaha ee gobolka Halland waxuu ku saleeysan yahay shirkadaha yaryar. Qaababka eey u dhisan yihiin shirkadaha yaryar waxey keentay natiijooyin fiican oo xagga dhaqaalaha ah, sida ineey soo bateen shirkadaha nuucaas oo kale ah, in dhaqaalahooda uu kor u kaco iyo shirkadaha oo sii weeynaada. Waxyaabaha eey shirkadaha gobolka Halland eey ku fiicneyn waa ineey dadka leh shirkadaha badankood eey aqoontooda gaarsaneyn heer sare iyo ineey xiriir la laheen jaamacadaha iyo bulshada kale. Degmada Halmstad waa shaqa bixiyaha ugu weyn ee gobolka waxuuna shaqaaleysiiyay 7800 oo qofood, waxaa ku soo xigo degmo goboleedka Halland oo eey u shaqeeyaan 7200 oo qofood.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Halland waxaa ka jira howlaha firfircoona ee xilli firaaqaha oo aad u badan waxeeyna sameeyaan meherado kala duwan oo eey dadka xiiseeyaan sida hiddaha iyo dhaqanka, taarikhda, isboortiska, farshaxanka, muusikada iyo tiyaatarka. Jawiga dabiiciga ah ee kala duwan waxuu ku siinayaa meelo badan oo loo damaashaad tago waxaana dhulkaas dabiiciga ah ku yaal 160 meelo oo la xafiday si eey dadka usoo daawasho tagaan iyo 50 dhismooyin oo taariikhi ah.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Machadka waxbarashada ee Halmstad waxaa laga bartaa barnaamijyo waxbarashadeed badan. Qeybta baaritaanka weey weyntahay waxeeyna caan ka tahay aduunka meelo badan. Campus Varberg waxaa lagu bartaa waxbarasho farsamadeed badan.

Daryeelka bukaanka

Machadka waxbarashada ee Halland waxaa laga bartaa barnaamijyo waxbarashadeed badan. Qeybta baaritaanka weey weyntahay waxeeyna caan ka tahay aduunka meelo badan. Campus Varberg waxaa lagu bartaa waxbarasho farsamadeed badan.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Isbitaallada Halland waxey ka kooban yihiin isbitaallada Kungsbacka, Halmstad iyo Varberg. Isbitaalladaas oo dhan waxaa ka shaqeeya 3500 oo qofood waxaana laga maamulaa hal meel. Marka laga reebo isbitaalladaas waxaa jira rugag caafimaad oo badan.