Jämtlands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Jämtlands wuxuu ku yaalaa dhaxbartanka Iswiidhan waana mid ka kid ah gobolada ugu waaweyn wadanka. Halkan waxaa ugu badan dhul ahaan keymo,biyo mareeno iyo buuro. Gobolka wuxuu leeyahay 8 degmo- ay ku jirto degmada Östersund ee ugu weyn.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Jämtlands län

Dooro degmada ah Jämtlands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Dalxiiska waa qeybta ugu weyn gobolka. Dadka iyo howlaha waxey ku firirsan yihiin gobolka oo dhan, magaalada yarna ee Östersund waxaa ku yaala Mittuniversitet, dukaamo,gegida diyaaradaha iyo dhexbartanka magaala/farasmagaalaha.

Jiilaalka waa qaboow, lehna baraf badan, xagaagana wa kuleyl iyo iftiin. Gobolka waxaa ka muuqda usoo guuritaan weyn, waxaadna ka heleysaa Jämtland dad ka yimdi wadanka oo dhan iyo dunida oo dhan . Dalxiiska, qaabka nolosha e lala dhacay iyo dadka qiimaha badan, waxey soo jiidanayaan kumanaan dad ah in ay u soo guuraan sanad walba.

Howlaha dalxiiska, munaasabadaha dabaaldega muusiga iyo tartanka dunida, waxey soo jiitaan in ay dad badan usoo guuraan halkaan. Qofka raba dhul balaaran iyo dad wanaagsan markaas Jämtland ayaa ku haboon.

Muuqaalka magaalo ku taala Jämtland xilliga habeenkii

Xaalada guryaha

Gobolka waxaa la degi karaa labadaba dhexbartanka magaalada yar ee Östersund ama beer ku taala baadiyaha. Guud ahaan waa ka fududahay inaad ka hesho guryo gobolka Jämtland marka loo fiiriyo magaalooyinka gobolada waaweyn ee ku yaala koonfurta Iswiidhan. Åre iyo Östersund mustaha qiimaha waa sareeyaan lakiin meelaha kale ee gobolka qiimaha guryaha waa hoos.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Dalxiiska waxa uu yahay shaqo bixiye weyn oo gobolka ah, wuxuuna shaqaaleeyaa dad badan ugu horeyntii silsilada buuraleyda iyo Östersund. Shaqo bixiyaalka kale ee waaweyn waa adeega guud-hey'adaha dowlada, gmaamulka gobolada iyo degmooyinka. Gobolka waxaa ku yaala tiro badan oo shirkado yaryar ah.

Åre chokladfabrik

Iskoolaad iyo waxbarasho

Gobolka waxaa ku yaala ilaa uskuulo gaar ah ilaa heer jaamacad. Iskuulka aasaasiga iyo dugsiga sare waxey ku faafsan yihiin gobolka oo dhan, waxaana maamula dowlada ma shirkado gaar loo leeyahay.

Daryeelka bukaanka

Östersund waxey leedahay isbitaal gobol oo weyn kaasoo bixiya daryeel heersare ah. Halkaas waxaa loo diraa bukaanka ka yimaada rugta caafimaadka kala duwan ee gobolka. Rugyaasha caafimaadka waxey ka jiraan degmooyinka oo dhan. Daryeelka wuxuu leeyahay tayo sare, markii loo baahdana waxaa loo dirayaa bukaanka isbitaalka gobolka ee Umeå.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Helitaanka waxyaabaha xilli firaaqaha la sameeyo ee gobolkan way badantahay, gaar ahaan dhinaca xiisaha waxyaabaha dibeda lagu samayn karo iyo tababaryada. Baraf, jiilaal, ku socodka barafka, meelaha dhaq-dhaqaaqa, garoomada kubada cagta iyo nolol urur oo horumarsan ayaa bixiya hawlo badan sanadkii oo dhan. Ugaarsiga iyo kaluumeysigu way ku jiraan qaab nololeedkan. Ostersund waxaa laga helaa waxyaabo lagu qanco oo xiiso leh oo sannad kastana waxaa la diyaariyaa bandhiga muusigada ee Storsjöyran.