Jönköpings län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Jönköping waa gobolka lixaad ee ugu dadka badan wadanka oo dhan, gobolka waxuu ka koobanyahay 13 degmooyin waxaana ku nool dad gaaray 342 000 qofood. Dadka gobolka Saddax qeybood qeyd waxey ku nool yihiin degmada Jönköping. 10 kamid ah degmooyinka gobolka waxa ku soo badanaya dadka usoo guuraya. Jönköping waxeey ku taal meel istaraatiiji ah waxaana loo hormariyay si eey u noqoton xarun laga maamulo badeecooyinka la geeyo waqooyiga Yurub.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Jönköpings län

Dooro degmada ah Jönköpings län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Xaafadaha la dego ee gobolka Jönköping waxeey kasoo bilaawdaan wadnaha magaalada waxeeyna ku dhamaadaan banaanka magaalada. Masaafada yar ee u dhaxeeyso meelaha kala duwan waxeey dadka deegaanka fursad u siineeysaa ineey isku wadaan shaqada iyo howlaha firfircoonida e exilliga firaaqaha. Degmooyinka gobolka oo dhan waxeey sheegayaan ineey guryahooda ku filanyihiin dadka usoo guuro degmooyinka, laakiin mararka qaar ayaa waxaa dhacdo in guri la'aan eey ka jirto meelaha aadka loo dago. Sidaas darteed ayaa gobolka hada waxaa looga dhisaa guryo dheeraad ah.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolkan waxaa astaan u ah warshadaha wax soo saarka, beeraha iyo duurka iyo waaxda adeegyada oo kordhaysa. Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn gobolkan waa degmada Jönköping oo leh qiyaastii 11 000 shaqaale ah, waxaa ku xiga gobolka oo leh 10 000 shaqaale ah. Shaqo-bixiyayaasha baraayfadka ee ugu waaweyn waa Husqvarna AB, SAPA iyo Fläkt Woods. Gobolkan waxaa laga helaa shirkado badan oo yar iyo kuwa dhex-dhexaad ah kuwaas oo adeeg bixiyayaal u ah shirkado dalka iyo caalami ah. Qayb weyn oo ka tirsan gobolkan wax soo saarkiisa alwaaxa ayaa iyanna halkan laga helaa.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Jaaliyadaha aad ayeey ugu badan yihiin gobolka. Jaaliyadaha eey dadka isugu imaadaan waa kuwa isboortiska. Markeey kooxda HV71 eey ku cayaareeyso Jönköping waxaa garoonka Kinnarps Arena usoo daawasho tago dad ka kala yimid wadanka Iswiidhan oo dhan. Tartamada mootooyinka ee Vretlanda iyo Vaggerydstravet waa labo goobo oo eey dad badan usoo daawasho tagaan. Kaniisadaha iyo ururrada samafalka ayaa iyagana ah kuwo wax qabad la taaban karo ka geysto gobolka, waxeeyna degmooyinka kala duwan ee gobolka ka qaban qaabiyaan goobo eey dadka wadanka ku cusub ku kulmaan si eey wax isku weedaarsadaan.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Machad jaamacadeedka Jönköping waxaa loo maamulaa sida hey'ad samafal waxuuna ka kooban yahay afar qeeybood. Iskoolka caalamiga ah ee ganacsiga, Machadka caafimaadka, Machadka farsamada ee Jönköping iyo Machadka barida iyo wada xiriirka. Ardayda dhigata machadka oo dhan waxeey gaarayaan 10 000 oo arday, 1500 oo kamid ah ardaydaas waa kuwa ka kala yimid aduunka dacalladiisa. Xiriirka uu machadka la leeyahay iskoollo badan oo ku kala yaal dacallada aduunka ayaa wuxuu sababay in ardayda machadka eey waxbarasho u aadi karaan iskoollada eey xiriirka leeyihiin.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxaa ku yaal saddex isbitaal, Länssjukhuset Ryhov oo ku yaal Jönköping, Höglandssjukhuset iyo isbitaalka Värnamo. Dhamaantood wax badan ayay daboolaan, laakiin xaaladaha qaarkood aqoonta takhasuska ah meel ayaa lagu ururiyay. 31 ka mid ah rugaha caafimaadka ee gobolkan waxaa maamula gobolka halka inta kalena loo maamulo si baraayfad ah. Ryhov waxay leedahay 20 waax isbitaal ah iyo 500 oo boosas daryeel ah, halka labada isbitaal ee kalena ay wax yar ka yaryihiin.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolka waxuu leeyahay nololdhaqameed dhinaca hiddaha iyo dhaqanka ah iyo howlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha oo aad u ballaaran. Qeeybaha kala duwan ee dhinaca dhaqanka waxeey ka koobanyihiin xarumo kala duwan uu ugu horreeyo guriga hiddaha iyo dhaqanka Spira illaa dugsiyada hiddaha iyo dhaqanka ee dowladda. Meelo badan waxaa aad ugu uga firfircoon tiyaatarro degmeedka aan khibrad aad u weyn laheyn laakin la jecelyahay. Meel aad dadka eey u jecelyihiin waqtiyadii ugu dambeeyay waa xarunta farshaxanka Vandalorum ee degmada Värnamo. Waxaa ka jra jaaliyado fara badan oo dadka maaweeliso xilliyada firaaqaha sida jaaliyadaha isboortiska iyo kuwo kale. Gobolka waxaa ku yaal darjiinka caanka ah ee Store Mosse.

Howlaha dhaqanka iyo jaaliyadaha waxeey muhiim u yihiin is dhexgalka dadka.