Eksjö

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Eksjö, oo ku taalo dhulka kor uu kacsan ee Småland, waxuu ku balaadhsan yahay laga bilaabaa magaalada Eksjö ee dhinaca galbeedka ilaa Mariannelund ee dhanka bari, oo saaran xuduuda Vimmerby. Inta uu dhaxeeyso waxaad ka dhex heleeysaa xaafado yar, iyo baadiyo cagaaran oo qurxoon.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

17762

Cabirla dhulka

874 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka jidka dhanka suuqa qadiimiga ah.  Jidkan waxaa ku hareersan guryo alwaax ah oo buluug iyo jaale ah.  Jidka dhinacyadiisa waxaa ku yaala dukaamo yar yar.

Gudaha dabiicada småland, degmada Eksjö waxeey usoo bandhigee dadka dagan iyo soo booqonaayo tayo nololeed oo sareeyso iyo howlo qani ka ah howlaha firaaqaha iyo dhaqanka.

Deegaan

Degmada Eksjö waxeey lee dahay baadiyo cagaaran iyo xafaadooyin degaan oo badan. Eksjöbostäder, oo ah shirkad guri ee degmada lee dahay, waa maamulaha iyo diyaariyaha ugu weeyn ee dhanka guriyada la kireeysto. Sido kale gudaha degmada Eksjö waxaa laga helaa shirkado gaar ah, oo kireeyo guriyo ee lee yihiin. Bogga degmada Eksjö ayaa lagaa helaa warbixin dheeraad ah oo ku sabaasan habhabka kala duwan ee loo dago.

Guryaha qoysaska oo ah jaajuur huruud ah lehna balakoono guduud ah.  Roog doog ah oo leex ka muuqato xaga hore.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Eksjö luuqado badan oo kala duwan ayaa ku matalan. In ka mid ah waa ingriis, carabi, dari, af faarisi, af ruush iyo afka jeejeeniyo.

Jaaliyado iyo ururu

Eksjö waxeey lee dahay urur-nololeed qani ah iyo firfircoon. Waxaa ku yaalo dhuwaad 300 oo ururo oo ka hawl galo qeeyb kala duwan. Waxa ka mid ah isboortiga, dhaqanka, dabiicada, siyaasada iyo urur-waxbarasho. Waxeey lee dahay kanisadooyin iyo ururo diimeed, waxaa ka mid ah kaniisada Iswiidhan, kaanisda bingistiga, kaniisada fidinta masiixiga iyo shuhuud yaho. Ururada dhamaantooda waxaa ka heleeysaa Degmada Eksjö diwaankeeda urureed.

Maxaa ka ag dhaw

Eksjö waxaa ky yaalo dukaamo yaryar oo badan. Waxa ee gadaan waxaa ka mid ah dharka, maacuun iyo alaabta caruurta ku ciyaaraan, iyo xooga dukaamooyin gado raashin. Eksjö waxaa ku yaalo Retro, dukaan gacan labadaadle ah oo iibiyo qalab la soo isticmaalay waa alaabta guriga, maacuunta, daaha, buugaag iyo in kale. Sido kale Eksjö waxaa ku taalo maktabad iyo matxaf iyo xafiis shaqadeed. Degmada xafadeehada sii yaryar waxaa sido kale ku yaalo dukaamo yaryar oo gado raashin. Xafiiska adeega ee qasnada ceeymiska iyo xafiiska canshuurha ugu dhaw waxee ku yaalaan Nässjö.

Dad ku jira maktabad ilays leh oo qaad weyn lehna khaanadaha buugta, miiska buugta iyo meelo koox koox loo fariisto.

Dalyeelka carruurta

Markii aad bilaabeeyso waxbarasho ama shaqo degmada Eksjö waxeey xanaanadeeyn caruur uu soo bandhigtaa dhamaan caruurta uu dhaxeeyo 1 ilaa shan sano.

Caruur ku ciyaaraysa goob ciyaar oo leh meelaha la koro iyo meesha laga soo siibto kuna hortaala dugsi xanaano xilli ah maalin qabow oo deyr ah.

Sido kale Eksjö waxaa ku taalo dugsi xanaaneed furan oo ah goob ee ku kulmaan waalidka leh caruur uu dhaxeeyso 0 ilaa 6 sano. Waa meel loogu tala galay ciyaar iyo waxbarasho ayadoo la qadaanaayo taas caruur kale iyo dad kale oo waa weeyn.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Eksjö iskuuladeeda hoose-dhexe waxeey ku yaalaan xaafadaha Eksjö, Hult iyo Höreda iyo Mariannelund iyo Ingatorp. Degmada Eksjö waxaa ku taalo labo dugsi sare, Dugsiga sare ee Eksjö iyo Dugsiga Nifsarps.

Akhri dheeraad ku saabsan dugsiga sare ee degmadan.

Furadaha waxbarasho

EksjöVux waxuu soo bandhigaa barashada afka iswiidhiska oo loogu tala galay soo galooytiga, sfi, waxbarashada asasaasiga hoose-dhexe iyo sare oo loogu tala galay dadka waa weeyn. EksjöVux waxuu sido kale oo bandhigaa tageero dheeraad oo ah hab tageerada ee dhanka luuqada, erayda-shaqada-iswiidhiska, qof gaar ah oo waxbarashada ka caawiyo, la taliye, macalin xariif oo gaar ah iyo qalab caawinaad loo adeegsado.

Campus i12 warxuu soo banndhigaa waxbarasho jaamacadeed, waxbarasho sare ee xirfad shaqo iyo koorsooyin madaxbanaan ayadoo lagala kaashado jaamacadooyin kala duwan.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Eksjö waxaa ku yaalo isbitaalka Högland oo ah isbitaal degdeg, si fiicana uu qalabeeysan. Eksjö iyo Mariannelund, labadaba waxaa taalo rug caafimaadeed iyo daryeelka ilkaha dadweeynaha.

Xarunta-reerka ee Eksjö waxaa ku dhexyaalo qaabilaada dhalinyarada, daryeelka caafimaadka dumarka iyo daryeelka caafimaadka caruurta.

Caawinaad turjubaan

Wee jirtaa fursad lagu helo turjumaan markasto oo xariir lala yeesho hey'addaha.

Xiriirka gaadiidka

Eksjö waxaa uga imaan kartaa Stockholm, Göteborg, Malmö iyo Köpenhamn in ka yar 3 saacadood. Degmada Eksjö waxaa dhexmaro jidadka qaranka ee 40, laga bilaabaa bari ilaa galbeedka. Goobaha-duulimaadka ugu dhaw waxeey ku taala Jönköping. Gaadidka-Gobolka Jönköping ayaa kala wado isku xidhka basaska iyo tareemada uu kala socdo degmooyinka qeeybahooda kal duwan, iyo kuwa uu socdo degmooyinka uu dhow, tusaale ahaan Nässjö, Vimmerby iyo Jönköping.

JLT

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Eksjö waxay leedahay nolol ganacsi oo xoog ah halkaas oo Maamulka degmada Eksjö, Gobolka Jönköping, Wasaarada Difaaca, Booliiska iyo Maxkamadu ay yihiin shaqo-bixiyayaasha ugu weyn. Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee degmada Eksjö wuxuu ka koobanyahay oo ugu muhiimsan shirkado yar yar iyo kuwa dhex-dhexaad ah. Kuwani waxay ka shaqeeyaan soo saarka guryaha alwaaxa ah, beerista geedaha, daryeelka caafimaadka ee gaarka ah iyo warshado.