Gislaved

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Gislaved waxaan dhahnaa in waxkasto noo dhow yihiin. Dabiicada, aamusnaanta iyo xasiloonida. Laakin sido kalena dhawaansha dhaqanka, isboortiga iyo nolol firfircoonida dibada oo aan qani ka nahay.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

30008

Cabirla dhulka

1221 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada Gislaved waa qeeyb ka mid ah gobolka Gnosjö ee Småland, waa gobol lagu yaqaan jawiga shirkadeed. Degmada waa mid uu fiican reerka oo lehna daryeel waayeel iyo daryeel caruur oo soo horeeyo.

Deegaan

Ururka samafalka guriyeed ee gobolka Gislaved waxuu hayaa ku dhawaad 2 600 oo guri, oo kuu faafsan 8 xafadood ee gudaha degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af soomaali, af carabi, SKB (afka seerbiya, afka koraariya, afka boosniyo) af finish, afka albaaniyo, afka isbaanishka, afka greek waxeey ka mid yihiin luuqadaha ugu weeyn oo looga hadlo degmada. Dad badana waxeey ku hadlaan af faarisi, af dari iyo afka sawaaxiliga.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa jira jaaliyado badan oo kala duwan. Tusaale ahaan jaaliyadaha cayaaraha, jaaliyadaha dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Wesidka degmada waxaad ka raadin karaa jaaliyadaha ka diiwaangashan kadibna waxaad kadooran kartaa jaaliyada markaa adiga ku anfacaysa.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxaad ka heli kartaa waxkasto oo aad ku fakarto oo aad rabtid. Waxaa ku yaala maktabad, dukaan cunto iyo edeegyada kala duwan iyo dukaamo. Waxaa kale oo aad ka helaysaa dhismaha cayaaraha iyo waxyaabo kale duwan waqtiyada firaaqada- iyo dhaqan firfircoon. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wax yaabaha jira iyo hawlaha firfircoon ee dhacaya.

Dalyeelka carruurta

Dugsi xanaaneedka ee degmada san laheeyn waa la heli karaa. Degmada Gislaved waxaa sido kale fursad loo lee yahay xanaaneeyn caruur ee habeneed, saq-dhexe iyo sabtiga-axada.

Sido kale waxaa laga heli karaa xarun-reereed. Taasi waa howl loogu tala galay waalidiinta dhamaantooda iyo qofka waalid noqon rabo. Xarunta-reerka waa goob lagu kulmo oo qofka waalidka ah ama noqon rabo waalid uu fursad ugu tahay in uu xariir sameeyn san karo, talo kale heli karo, aqoon iyo tageero ku saabsan waalidnimada.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

17 dugsi hoose-dhexe ayaa ku yaalo Gislaved, Anderstorp, Smålandsstenar och Reftele. Dugsiyada badankoo waxey sido kale lee yihiin fasalka ebaaraadka.

Dugsi sare ayaa ku dhex yaalo degmada Gislaved. Marka la dhiganaayo Dugsiga sare ee Gislaved fursado badan ayaa la heli karaa, qof kastana wax uu xiseeyo ayaa ka jiro. Barnaamijyo badan oo kala duwan ayaa lagu bandhigaa.

Furadaha waxbarasho

Adiga ah, soo galooyti goor dhaw yimid, waxaad markasto fursad uu lee dahay in aad barato luuqada iswiidhiska. Degmada gudaheeda waxaa lagu soo bandhiga barashada luuqada iswiidhiska ee ajnabiga iyo maadada barashada bulshada. Waxbarashada luuqada sanadka dhan wee socotaa.

In kasto ee xaafadaha degmada ee yaryihiin, waxaa markasto fursad loo heli karaa in waxbarashada la sii wato. Degmada Gislaved waxeey gudaheed ku soo bandhiga jaamacad. Haddii la doonaayo in waxbarasho lagu dhigto dugsiga dadka waa weeyn, midka ugu dhaw waxuu ku yaalaa Värnamo, oo ku dhawaad 40 kilomitir uu jirto Gislaved.

Haddii la doonaayo in la dhigto jaamacad, waxaa soo jiidasho leh jaamacada Jönköping, jaamacada borås iyo jaamacada Halmstad ku taalo. Basas iyo tareemo loo raaco ayaa jiro magaalooyinka la soo sheegay.

Caafimaadka

Gudaha degmada Gislaved waxaa ku yaalo afar rug caafimaadeed oo ku yaalo Gislaved, Anderstorp, Smålandsstenar iyo Reftele. Sido kale Gislaved waxaa ku taalo qaabilaad dhalin yaro.

Daryeel caafimaadka dumarka waxuu ku yaal sadax xaafadood oo ku yaalo degmada.

Caawinaad turjubaan

Degmada waxeey lee dahay adeeg-turjumaan oo gaar ah. Adeegaas-turjumaneedna waxaa laga helaa 90-100 luuqadood. Adeega-turjumaanka waxuu soo bandhiga turjumaan qolka dhex joogo iyo mid qadka-telefoonka ku jiro.

Xiriirka gaadiidka

Jönköpings Länstrafik ayaa ku howl gasho gaadiidka guud ee degmada Gislaved. Degmada waxeey lee dahay xariir bas iyo tareen fiican oo tago xafadaha kala duwan ee degmada, iyo sido kale magalooyinka xoogaa ka weeyn sidii Jönköping, Värnamo, Halmstad, Borås iyo Göteborg.

Tusaalaha waqtiga safarka baska:

  • Gislaved - Smålandsstenar ku dhawaad 25 daqiiqo
  • Gislaved - Jönköping ku dhawaad 1 saac och 20 daqiiqo
  • Gislaved - Värnamo ku dhawaad 1 saac

Tusaalaha safarka tareenka ilaa Halmastad, Borås iyo Göteborg

  • Smålandsstenar - Halmstad ku dhawaad 1 saac
  • Hestra - Borås ku dhawaad 40 daqiiqo
  • Hestra - Göteborg, ku dhawaad 1 saac och 40 daqiiqo
JLT
SJ

Shaqo iyo ganacsi

Degmada ama meelaha la iskugu socdo waxaa ka jira shaqo bixiyayaal yar yar iyo waaweynba leh. Shaqooyinka jira ee la codsankaro waxad ka helaysaa oo lagu soo bandhigaa meesha ay ku qorantahay shaqooyinka banaan. Websidka degmada waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan qofka doonaya in uu furto shikad.