Gnosjö

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Gnosjö waxeey Småland uga taal qeeybta galbeed. Degmada waxeey xarun uu tahay gobolka-Gnosjö oo ka mid ah qeeybta warshadeeyna ee Iswiidhan ugu xoogeeysan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9794

Cabirla dhulka

450 kiilomitir oo laba jibaaran

Gnosjö waxeey xaafad-bartameedka degmada, waxaana dagan ku dhawaad 4 500 oo qof. Xaafad-bartameedka markii laga soo tago, waxaa sii jiro six xaafad oo ka yar. Ku dhaawad 2 000 oo qof oo ka mid dad degmada waxeey daganyihiin baadiyaheed. Dhulka waa mid buuro leh, wanaa dhul caan ku ah jiqo iyo wabiyaal-yar. Degmada qeybteeda konfur-bariyeed, waxaa ku taalo beerta Store Musse oo leh wabiyo-yar oo qani ka ah shimbiro, dhul biyo badan iyo carro nafaqa leh iyo dhul qoyan oo jilicsan oo uu geed-gaab nadaray ka baxay oo ka mid ah koonfurta-Iswiidhan kuwa ugu weeyn.

Deegaan

Maamulaha iyo diyaariyaha guriyaha la kireeysto ee ugu weeyn, waa shirkada degmada ee Järnbäraren Fastighets AB. Haddii aad dooneeyso in aad istaagto safka-guriyaha, warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xaalada-guriyaha iyo aragtida guriyaasha banaan, intaas oo dhan waxaad ka sameeyn kartaa bogga Järnbäraren.

Sido kale degmada Gnosjö waxeey lee dahay shirkado guriyo oo madaxbanaan, oona kireeyo guriyaal.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Gnosjö waxaa lagaa helaa koox-luuqadeed kala duwan. Waxaa mudo dheer degmada soo dagaaye dad ka yimid meelo kala duwan ee calaamka. Waxaa ka mid ah luuqadaha ugu weeyn: afka fiietnam, af shineeska, af serbokroashiyaan, afka boosniya, af finish, afka shilee, afka booland, afka ruumaaniya, af danish, af soomaali iyo af carabi.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Gnosjö waxaa ka jiro hoowlo-urureed oo weeyn. Ururo-isboorti iyo ururo diimeed ayaa ugu badan, laakin waxaa sido kale inta ka jiro ururo-xiiso oo ka howl galo qeeybo kala duwan.

Maxaa ka ag dhaw

Gnosjö waxeey lee dahay soo bandhigid adeeg oo dhameeystiran, ee dhinaca rugta caafimaadka, xafiiska shaqada, qabilaada dhakhtarka ilkaha, systembolag, dukaamo cunto, farmashiye, dukaamo dhar, dukaamo sharsharaxaad iyo hadiyo, dukaan gacan labaad lagu gado, banki, maktabad, shaleemo, goob-xili firaaqeedka, kaalin shidaal, dukaanka macmacaanka iyo maqaayado.

Doonyo yar yar oo jooga halka lagu soo xiro doonyaha iyo meesha lagu dabaasho oo xaga dambe ka muuqata xilli ah maalin deyr ah oo qurux badan.

Sido kale inta waxaa ku taalo goobta-dabaasha iyo isboortiga oo ku ag taalo goob-xilifiraqeedka Töllstorp. Waxeey goobtaan lee dahay qalab-jimicsi iyo jid-iftimeed koronto ku shaqeeyo. Degmada waxeey lee dahay goob-dabaaleed badan oo ku ag yaalo wabiyada-yar. Beerta Store mosse iyo jirdiinada High Chapparalls waa meel sii weeyn dalxiisleeyda uu tagaan.

Dalyeelka carruurta

Qeeybaha kala duwan ee degmada waxaa ku yaal isku geeyn 16 dugsi xanaaneed oo loogu tala galay caruurta ku uu dhaxeeyso da'dooda 1 iyo 5 sano. Sadax ka mid ah waa dugsi xanaaneed gaar ah oo kala wadan madax kale. Caruurta uu dhaxeeyo 6 iyo 12 sano oo uu baahan haayn iskuulka ka hor iyo kadib marka ee waliidka shaqeeynaayaan, waxaa jiro guriga-xiliga firaaqaha.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa degmada ka jiro lix dugsi hoose-dhexe iyo hal dugsi sare (16-18 sano). Ardayda guriga uga hadasho luuqad aan iswiidhishka aheeyn, waxaa loo dhigi karaa afkooda, barashada-afka hooyo. Waxbarashada waxeey ku caawineeysaa ardayga in uu hormariyo afkiiska iyo in uu dhaqaankiisa in dheeraad ah ka sii barto.

Furadaha waxbarasho

Xarunta-waxbarashad ee Gnosjöandan waxaa ka jirto waxbarashada dadka waa weeyn ee ah nuuca waxbarashad asaaska ee dadka waa weeyn, waxbarshada heerka dugsiga sare ee dadka waa weeyn iyo waxbarasha iswiidhiska ee soo galooytiga.

Dhamaan dadka dibada ku dhashay oo degmada degan oo uu baahan waxbarashada asaaska luuqada iswiidhiska, waxaan uu soo bandhigeeynaa fursad ee uga qeeyb qaataan barashada af iswiidhiska ee leh isdhexgal, kuna jiheeysan shaqo. Markii mudo yarba la dhigto barashada iswiidhiska ee soo galooytiga waxaa qofka loo soo bandhigaa fursad oo uu isku dhex wado iswiidhiska iyo waxbarasho kombiyuutar, xisaab, cilmiga bulshada iyo koorsooyin jiheeyn oo ku dhex jiro waxbarashada asaaska ee dadka waa weeyn, tusaale ahaan waxbarashada liisinka ee diyaarista ah, shaqooyin iyo dhaqanka-shaqada iyo cilmiga jiheeynta bulshada. Maalintii ayaa la qabtaa waxbarashada badankeeda, laakin sido kale waxaan soo bandhigeynaa waxbarasho iswiidhiska ee soo galooytiga waqti habeeneed.

Magaalooyinka ugu dhow ee jaamacad leh waa Jönköping iyo Borås.

Caafimaadka

Gnosjö waxaa ku taalo rugta caafimaadka, rugta caafimaadka hooyooyinka iyo rugta caafimaadka caruurta. Isbitaalku ugu waxuu yaalaa Värnamo (30 kilomitir). Markii eek u saabsan tahay daryeel ilko, waxaa jiro midka gobolka "daryeelka ilkaha ee dadweeynaha" iyo kuwo madaxbanaan.

Caawinaad turjubaan

Degmada Gnosjö waxeey soo bandhigi kartaa turjumaadid 50-luuqad oo kale duwan.

Xiriirka gaadiidka

Si sahlan ayaa loo imaadaa, loogana tagaa degmada ayadoo la qaadanaayo bas iyo tareen. Tareenka Kust ee sucdo wadada-xeebta waxuu dhex socdaa Göteborg iyo Kalmar/Karlskrona. Tareemadaan weey istaagaan Gnosjö. Wadada kale ee Alvesta, waxaan xariir ku lee nahay dhinaca ku socdo Stockholm iyo Malmö/Köpenhamn. Baska gaadiidka-gobolka degmada ayuu ka dhexshaqeeya. Xiriir-baseedka ugu muhiimsan waa xariir-baseedka-Krösa 201 oo maro Gislaved-Gnosjö-Hillerstorp-Värnamo.

JLT
SJ

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Gnosjö waa degmad shirkado buuxaan. In badan oo ka mid ah shirkadooyinka waa shirkadooyin reereed oo yar laakin waxaa inta ka jiro oo kale goob-shaqooyin oo ka weeyn. Shaqo dhiibaha ugu weeyn waa xafiiska degmada Gnosjö oo leh 900 oo shaqaale. Shirkadooyinka kale oo waa weeyn waa Brännehylte, Handels AB, Thule Sweden AB, Garo AB, Troax AB iyo Hillerstorps Trä AB.