Habo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Habo dadkeeda waa is daneeyaan. Halkaan waxaa lagu dareemi karaan amaan iyo wadajir, waxaana isla markaas qeeyb laga heli karaa wax kasto oo ka jiro Jönköping, oo jirto labado mayl dhinaca koonfurta.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

12316

Cabirla dhulka

462 kiilomitir oo laba jibaaran

Xalaado gaar ah ayaa si xoog leh fa'iido noo ah: degmo yar oo weeynaaneeyso oona uu dhaw Jönköping, jawi-shirkadeed geeso badan leh, meel qurxon uga taalo Vätterbygden dhanka koonfurta, bey'ad caruurta uu fiican. Waaliidin caruur leh oo badan ayaa doortay in ee degaan degmadeena sababto maalgelin weeyn ayaa galina xanaanada caruurta, iskuulada iyo jid dadka iyo baskiilada maraan oo aamin ah. Doorashada xurka ah ee dhinaca degaankana waxeey qorshaheena ka tahay hadaf muhiim ah.

Deegaan

Degmada Habo waxeey lee dahay bey'ad-degaan oo fiican, oo leh qurux baadiyeed iyo dhawaansho ee ka mid yihiin iskuulada. Qeeyb tira badan oo ka tirsan degmada Habo waa dhismo-filooyin. Shirkada guriyaha ee degmada, Habo Bostäder AB, waxeey lee dahay hadana maamushaa inta ugu badan kuriyaha la kireeysto oo ku yaalo degmada Habo. Guriyaasha la kireeysto badan kooda waxeey ku yaaliin xaafada Habo, Furusjö, Fagerhult, Brandstorp iyo Baskarp.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Habo waxaa joogo dad ku hadlo luuqadooyin badan oo ka duwan, markii la iska dhaafo iswiidhiska, waxaa tusaale ahaan degmada looga hadlaa af carabi, af dari, af soomaali, af Tigrinya, afka thayland, afka hoolland, af ingriis iyo af ruush.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Habo waxaa ku yaalo ururo badan, diiwaanka-ururada waxaa ku jiro 92 urur. Tusaale ahaan waxa waaye ururka-sameeynta, ururo-isboorti iyo ururo kala duwan ee kaniisadeed.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Habo waxay leedahay bartamo magaalo oo fir-fircoon. Waxaa intaas sii dheer in aanay daqiiqado badan qaadan in lagu gaaro Jönköping haddii qofku doonayo inuu dareemo xarakaadka magaalo weyn. Bartamaha Habo waxaa ku yaala laba dukaan oo raashin, iyo dukaamo yaryar oo badan, maktabad, xafiiska shaqada iyo xafiiska arrimaha bulshada oo leh qaybta qaabilaada qaxootiga. Waxaa ku yaala laba dukaan oo iibiya alaabta la soo isticmaalay hal dukaan oo alaabta la soo isticmaalay oo ku yaala Habo, Erikshjälpen, kaas oo furan laba maalmood toddobaadkiiba.

Degmada Habo waxeey ku taala gobolka Västergötlan laakin waxeey ka tirsan tahay Jönköpings län. Degmada waxeey ku jirta mudo ee si xoog leh uu weeynaaneeyso. Dhulal soo jiidasho leh, hadana leh aragti-biyeed ee dhanka Vättern, waxeey keeneeysaa in reerar saf ugu jiraan si uu gadan lahaayeen dhul ee ku dhistaan guriga ee ku riyoodaan.

Qeeybaha-dalxiiska Habo waxeey can uga tahay kaniisad-alwaxeedka ee degmada keli ku tahay. Dadka degan Habo aad aye uga mahadnaqsan, waana ku faraxan yihiin in kaniisad-alwaxeedkooda ee kali ku yihiin, wali meesha ku taalo.

Dhanka Habo, wax kasto waxeey ku saabsan yihiin dhawaanshaha-yar. Waa sahlan tahay in loo soo dhawaado dabiicada, ayadoo la rabo in si gaar ah loo joogo oo nabad iyo jawi degan laga helo ama dad kale haddii la soo raacoba.

Dalyeelka carruurta

Degmada Habo waxaan ku lee nahay 11 dugsi xanaaneed oo loo ku kala qeeybsan sadax goo bee xanaanadeed.

Xanaanooyinka ee san degmada madax ka aheeyn oo ee san maamulin, waxaa loo yaqaana xananooyin madaxbanaan. Habo waxaa ku yaalo afar dugsi xanaaneed oo ee maamulaan madax aan degmada Habo eheeyn. Labo ka mid ah waxeey lee yihiin astaan ku dhisan howl dhinaca masiixiga, mid waxaa madax ka ah kaniisada Salem, mid kalena kaniisada Smyrna. Labada kale waxaa leh shirkad gaar ah, dugsi xananeedka Montessori Upptäckaren iyo dusgi xanaaneedka Äventyret.

Degmada Habo ma lahan dugsi xanaaneed oo furan laakin kaniisada iswiidhan iyo kaniisada bingst ayaa dugsi xanaaned oo furan ku leh degmada.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Habo waxaa ku yaalo iskuulo loogu tala galay caruur da'dooda laga bilaabo 6 ilaa 15 sano. Intana waxaa ku yaalo meel-xili firiqaded oo habeenkii uu furan caruur da'doodu uu dhaxeeyso 11 iyo 18 sano. Ku dhawaad 1 500 arday, waxeey dhigtaan hal ka mid ah 7 dugsi hoose-dhexe ee Habo. Dugsiyaasha hoose-dhexe waxeey ku kala qeeybsan yihiin afar-goob ee dugsiyeed.

Ardayda guriga uga hadlo luuqad kale oo an iswiidhish aheeyn, luuqadooda ayaa loo dhigi karaa, afka-hooyo. Waxbarashada waxeey ku caawineeysaa ardayga in uu hormariyo luuqadiisa iyo in uu in kale ka barto dhaqankiisa.

Ardayda uu dhaxeeyo 16 sano ilaa waxii ka sareeyo, waxaa dugsi sare ugu yaala magoolooyinka hareero Habo. Inta badana waxeey uu safar tagaan dugsi sare oo ku yaalo Jönköping.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada-dadka waa weeyn, tusaale ahaan barashada luuqada, gacan-koobaad ahaan waxaa lagu qabtaa Jönköping. Dalabka iyo jiheeynta koobad waxa lagu qabtaa gudaha Habo.

Magaalada ugu dhaw oo jaamacad leh waa Jönköping.

Caafimaadka

Habo waxaa ku taalo rug caafimaad. Halkaana waxaa ku yaalo daryeelka caafimaadka dumarka iyo daryeelka caafimaadka caruurta sido kalena, daryeelka ilkaha. Isbitaalka iyo qaabilaada degdega oo ugu dhaw waxeey ku yaalaan Jönköping.

Caawinaad turjubaan

Degmada Habo waxeey adeega turjumaanimada uu adeegsataa Jönköpings tolk och översättningsservice markaasto wadahadal la turjumaayo.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Habo iyo meelaha kale ee Iswiidhan, xariir-gaadiid oo fiican ayaa ka jiro, ayadoo la qaadanayo bas iyo tareeyn. Tusaale ahan intu safarka Jönköping qaato:

  • Laga bilaabaa bartamaha ayadoo 13 daqiiqo oo tareen ah ama 30 daqiiqo oo bas ah.
  • Laga bilaaba Furusjö, waxee qaadaneeysaa 50 daqiiqo.
  • Laga bilaaba Brandstorp 1 sac iyo 10 daqiiqo.

Haddii tareen laga qaato bartamaha Habo, waxee qadanee ilaa Göteborg 1 saac iyo 45 daqiiqo, Malmö waxeey qaadanee 3 saac, Stockholm waxeey qaadanee 3 saac iyo 30 daqiiqo.

Shaqo iyo ganacsi

Shirkada ugu weeyn ee degmada Habo waa Fagerhults Belysning AB oo leh 625 shaqale, waa shirkad caan ah kana mid ah kuwo horeeyo dhinaca iftiimada. Shirkado kale oo can eh waa Portsystem 2000 AB, Borgårdsand AB iyo Sibelco Nordic (waagi hore eheed Baskarpsand). Sido kale Habo waxaa ku yaalo shirkad yaryar ah oo badan ee ka hoowl galo qeebo kala duwan. Guud ahaan hada waxa degmada ka hoowl galo ku dhawaad 300 oo shirkad.

Dad badan oo joogo Habo ayaa tareen uu raaco goobahooda-shaqo oo ku yaalo degmooyinka dhaw, tusaale ahaan Jönköping.