Kalmar län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Kalmar wuxuu heystaa 12 degmo:Västervik, Vimmerby, Hultsfred, Högsby, Oskarshamn, Mönsterås, Nybro, Emmaboda, Torsås, Mörbylånga, Borgholm och Kalmar. Degmada Högsby waa degmada ugu yar gobolka qoyaas ahaan 5700, Kalmarna waa degmada ugu weyn waxeyna gaarayaan qiyaas ahaan dadkeeda 64 000 waxeyna heystaa dad korarka ugu badan gobolka. Guuud ahaan waxa uu tusinayaa gobolka sanadihii ugu danbeeyay dad koror fiican.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Kalmar län

Dooro degmada ah Kalmar län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Guryaha ku yaal gobolka waxeey la egyihiin baahida jirta ee dhinaca guryaha ah. Guryaha la kireeysto aad looma dhiso in kastoo eey dadka u baahan yihiin guryahaas oo kale. Meelaha qaar waxaa laga dhisaa guryo loogu tala galay dadka cuuriyaamiinta ah iyo dadka da'da ah si dadka qeybihiisa kala duwan eey isugu milmaan. Marar dhif ah ayaa la dhisaa guryo loogu tala dhalionyarada, ardayda, dadka wadanka ku cusub iyo dadka is fura iyo wixii la mid ah. Caqabadaha horyaal in guryo sidaas oo kale la dhiso ayaa waxeey yihiin qarashka lagu dhisayo oo aad u badan iyo dadka dadka degmada oo hoos usii dhacayo.

​Dadweyne

Gobolka Kalmar wuxuu heystaa 12 degmo:Västervik, Vimmerby, Hultsfred, Högsby, Oskarshamn, Mönsterås, Nybro, Emmaboda, Torsås, Mörbylånga, Borgholm och Kalmar. Degmada Högsby waa degmada ugu yar gobolka qoyaas ahaan 5700, Kalmarna waa degmada ugu weyn waxeyna gaarayaan qiyaas ahaan dadkeeda 64 000 waxeyna heystaa dad korarka ugu badan gobolka. Guuud ahaan waxa uu tusinayaa gobolka sanadihii ugu danbeeyay dad koror fiican.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolkan wuxuu leeyahay dhaqan dheer dhanka shirkadaha iyo nolosha ganacsiga oo waxaa astaan u ah warshadaha wax soo saarka, shirkadaha yar iyo beeraha iyo duurka. Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn gobolkan waa Gobolka Kalmar maamulkiisa lehna ku dhawaad 6000 shaqaale ah, waxaa ku xigga degmooyinka waaweyn ee gobolkan. Shaqo-bixiyaha ugu weyn ee baraayfadka ah waa Scania SV AB. Marka la barbardhigo dalka intiisa kale waxaa dadka ku nool ku yar tirada dadka leh waxbaraasho dugsiga sare ka dib ah.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

2013 waxaa la saxeexay istaraajiyad dhanka is dhex galka bulshada oo wadajir ah looguna talogalay gobolka oo ay ku jireen 27 ah dhinacyada ka wada shaqaynaya , si loo abuuro fursado fiican looguna talogalay dadka dalka dibediisa ku dhashay inay jeclaadaan ku noolaanshaha iyo ka hawl-gelida gobolka Kalmar: ALMI företagspartner, Xafiiska Shaqada, Företagarna, Qasnadda Caymiska, Hushållningssällskapet, Region Kalmar län, Lantbrukarnas riksförbund, Linnéuniversitetet, Länsstyrelsen, Hey'adda Socdaalka, Regionförbundet, samtliga länets kommuner, Hey'adda Canshuuraha, Svenskt näringsliv iyo Booliiska. Laan Qayrta Cas, Smålandsidrotten iyo ururada waxbarashada iyaguna xitaa way ka qayb-qaataan shaqada gobolka ee is dhexgalka bulshada.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Linneuniversitetet waxeey xarumo ku leedahay magaalooyinka Växjö iyo Kalmar waxeeyna leeyihiin 60 barnaamiyo waxbarashadeed, waxaana jaamacada laga bixiyaa 1200 koorsooyin oo 50 maaaddo ka kala socda. Kalmar waxaa ka jirta cilmi baaris xooggan oo dhinaca sayniska ah. Waxaa kaloo Kalmar ka jira mac'hadka badmaaxnimada oo heer caalami ah iyo waxbarashada naqshadeynta oo heerkeedu sarreeyo kuna taal Pukeberg, Nybro.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxuu leeyahay saddax isbitaal. Isbitaalka hobolka Kalmar waxuu leeyahay 18 takhasusyada kala duwan ah iyo 350 goobo bukaan jiif ah, isbitaalka Oskarshamn waxuu leeyahay shan qeeybood iyo 80 goobo bukaan jiif ah, isbitaalka Västervik waxuu leeyahay 16 qeybood iyo 150 goobo bukaan jiif ah. Xarumaha caafimaadka asaasiga ah waxuu ka koobanyahay 28 xarumood waxaana weheliya 11 rug oo kuwa gaarka loo leeyahay ah.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolkan waxaa lagu xayeysiiyaa inuu yahay gobol caafimaad oo wuxuu leeyahay wax badan oo hodan ah dhanka dhaqanka iyo hawlaha wakhti firaaqaha, deegaano xiiso leh oo dabiici iyo dhaqan ahaan ah iyo meelo la booqdo oo la jecelyahay sida Astrid Lindgrens värld, Glasriket iyo Ottenby oo ku taala qaybta koonfureed ee jasiirada Öland. Maktabadaha ku yaala dhowr magaalo waa goob dhaqan oo lagu kulmo halkaas oo dad meelo kala duwan ka soo jeeda iyo da'yo kala duwan ku kulmaan. Madxafka Kalmar, Matxafka farshaxanka, Xarunta muusikada gobolka iyo farshaxanka iyo masraxa gobolka waxay dhamaantood ka shaqeeyaan in dhaqanka loo isticmaalo is dhex galka bulshada si loo abuuro nolol dhaqan oo cajiib ah.