Mönsterås

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Mönsterås waa degmad xeebeed oo leh jasiiradooyin yaryar. Laagta yar ee biyood ee Alste iyo Em waxeey dhexmaraan degmada, taas oo abuureeyso bey’ad fiican oo dabiiciyeed.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

13488

Cabirla dhulka

941 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada Mönsterås waxeey lee dahay jawiga-shirkadeed ee ugu fiican gobolka, ayadoo la raacaayo naaqshadeeynta gobolada iswiidhan uu sameeysay Ururka Shirkadaha Iswiidhan. Degmada waxeey lee dahay shan xaafada, xaafad kastona waxeey ku yaalo xanaanad caruureed iyo iskuul ee caruurta midba si gaar ah loo fiirsho baahidiisa iyo waxuu ka bixi karo. Safka loo galo xanaanada degmada Mönsterås waa mid gaaban, guriyaalna waa laga heli karaa qeeybo kala duwan ee degmada. Xariir-baseed oo fiican ayaa tago Kalmar iyo Oskarshamn, waxaana jiro bas si toos ah uu tago meel ee ka mid tahay Stockholm.

Deegaan

Shirkada guriyaasha la kireeysto ugu weeyn ee degmada Mönsterås waa Mönsterås Bostäder. Waa shirkad degmadeed. Mönsterås waxeey lee dahay, hadna maamushaa in ka badan 1350 guri oo ku yaalo degmada Mönsterås. Guriyaashaan waxeey ku yaaliin Fkuseryd, Ålem, Mönsterås, Timmarnabben iyo Blomstermåla.

Qaabilaada qaxootiga waxaan hormarinaa in aan soo bandhigno guriyaal ku yaalo dhexbartanka Mönsterpås si ee uu sahlanaato tegida dugsiga barashad afka, xanaanada caruurta iyo xafiiska shaqada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af carabi, af Karen (Burma), af daari, af sooraani, afka albaaniya iyo af soomaali.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Mönsterås waxaa ku yaalo ururo diinto masiixga iyo kaniisada Iswiidhan. Sido kale degmada waxaa joogo dad muslimiin ah.

Degmada Mönsterås waxeey qani ka tahay ururada oo ku jeedo qeeybo kala duwan.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Mönsterås waxeey lee dahay dhowr dukaan-cunto oo waa weeyn sidii Netto, Coop/Konsum iyo ICA, waxeeyna degmada uga yaalaan qeeybo kala duwan. Degmada gudahedna waxaa ku yaalo dukan alaab iyo maacun guri oo la soo isticmaalay. Gudaha Mönsterås waxaa ku yaalo xafiis bulshadeed oo qaabilaada qaxootiga ku taalo, xafiiska shaqada iyo labadoo banki. Maktabad waxeey ku taala shanta xaafad oo dhan, ayadoo maktabada ku taalo Mönsterås goor dhaw la dhisay. Dhowr dukaamo dhar ayaa ku yaalo Mönsterås. IKEA waxuu ku yaalaa Kalmar, ku dhawaad afar iyo haaf maayl, waqooyiga Mönsterås.

Goob dabaal oo tiro badan oo dhalinyaro ah ku dabaalanayaan kana soo boodayaan halka laga soo boodo iyagoo galaya biyaha maalin xagaa ah oo kulul.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruurta ee degmada waxeey ku taala shanto xaafad. Goob xili firaaqo oo loogu tala galay caruurta tagi karaan inta aan xisadaha la bilaabin iyo kadib , waa marka ee waalidka shaqeeyaan. Waxaan lee nahay saf gaaban booska xanaanada caruurta iyo dugsi xanaaneed si fiican uu shaqeeynaayo.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Howsha degmada Mönsterås oo loogu tala galay caruurta iyo waxbarashada waxeey ahaaneeysaa mid lagu garanaayo xasilooni iyo nabadgalin oo xiseeynta waxbarashada keeneeyso natiijo fiican iyo fursada weeyn, ayadoo jawi demoqraadiyeed lagula kulmo tijaabooyinka nolosha.

Mabda'eena oo aan aragtideena ku fulineeyno waa:

  • in caruurta iyo ardayda loo fiirsho baahidooda iyo khibradahoodi hore
  • in caruurta iyo ardayda dhamaantooda gaari karaan bartilmaameedka, sameeyn karaan, mas'uuliyadna uu qaadi karaan waxbarashadooda
  • in shaqaale sax ah, meel sax ah la geeyay muujinaayo xiseeyn iyo habhab kala duwan oo loo shaqeeyo oo caruurta iyo ardayda ku hormari karaan ayagoo loo fiirinaayo waxa ee ka soo bixi karaan.

Dugsiyada hoose waxeey ku yaalaan Ålem, Timmernabben, Fliseryd, Blomstermåla iyo Mönsterås. Midka dhexe waxuu ku yaalaa Blomstermåla iyo Mönsterås, dugsi sarena waxuu ku yaala Mönsterås.

Furadaha waxbarasho

Degmada waxeey maamusha dugsi dadka waa weeyn oo aad sameeynsan karto qorsho waxbarasheed oo gaar ah. Waxaa la helaa dugsiga barashada afka iyo fursad loo lee yahay waxbarasho-masaafadeed ee xarunta-jaamacadeed ee Mönsterås. Sido kale degmada waxa ku yaala dugsiga gaarka ah.

Kalmar waxaa ku taalo jaamcada Linné oo fursad tareen fiican looga raaco Mönsterås leh.

Caafimaadka

Rug caafimaad waxeey ku taala Mönsterås iyo Blomstermåla. Rugta caadimaadka hooyoynka, rugta caafimaadka caruurta iyo daryeelka ilkaha ee dadweeynaha waxeey ku yaaliin Mönsterås. Isbitaal waxuu ku yaalaa Oskarshamn iyo Kalmar.

Caawinaad turjubaan

Waa jirta fursad lagu turjumaan markii lala xariiraayo xafiis dowladeed, xanaanada caruurta iyo iskuulada.

Xiriirka gaadiidka

Tareen uu dhaxeeyo Kalmar iyo Blomestermåla sii joogto ayuu uu shaqeeyaam, bas uu socdo Kalmar iyo Oskarshamn si joogto ah ayuu uga baxaa shanta xaafad ee degmada. Mönsterås waxaa ka baxo bas toos ah uu tago Stockholm. Xariir-tareen oo tago Malmö, Göteborg iyo magoolooyin kale ee waa weeyn waxaa laga helaa xarunta dhexe ee Kalmar.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Mönsterås waxeey lee dahay jawiga-shirkadeed ee ugu fiican gobolka, ayadoo la raacaayo naaqshadeeynta gobolada iswiidhan uu sameeysay Ururka Shirkadaha Iswiidhan.

Hal sharaxaad oo ku beegan jawiga-shirkadeed ee fiican waa wadashaqeeynta ka dheexso degmada iyo shirkadaha iyo shirkadlaha ku leh boos shabakadooyin badan. Shirkadooyin hormaray waxeey shardi uu yihiin kobcida iyo hoddanimada.

Jawi-shirkadeed waxaa loola jeedaa natiijada dabeecada, sharciyada, hey'addaha iyo aqoonta la kulmeeyso shirkadaha iyo shirkad-wadlaha bulshada.

Anaga waxaan si firfircooni le uu shaqeeynaa soo hormarinta soo saarida iyo ganacsiga degmada gudaheed.

Aragtideena: Mönsterås waa in shirkadlayda iyo dadka gaarka ah u arkaan gobolkan degmadiisa ugu soo jiidashada badan in laga shaqeeyo oo lagu noolaado. Shaqo-bixiyayaasha waaweyn ee gobolka waa Maamulka gobolka Kalmar oo isibtaalo ku leh Kalmar iyo Oskarshamn labadaba iyo rugga caafimaad oo ku hareersan gudaha degmadan. Scania (warshad baabuur) oo ku taala Oskarshamn ayaa ah shaqo-bixiyaha ugu weyn iyo Södra Cell AB (warshada dhirta duurka iyo alwaaxa). Degmada Mönsterås waa shaqo-bixiyaha ugu weyn ee degmadan lehna wax kasta laga bilaabo daryeelka iyo xanaanada ilaa xanaanada caruurta iyo iskoolka.

 

In aad furato shirkad gaar ah

Degmada Mönsterps waxeey si firfircooni leh ugu shaqeeysaa in ee tageerto shirkadlaha-cusub. Waxaa ka mid ah taageerada in la qabto warbixin habeeno oo loogu tala galay qofka ku fakaraayo in bilaabo shirkad. Waxaa markaas qofkaas helaa warbixin buuxdo oo ku saabsan dhaqaale, suuq-galin, xisaab-xidh iyo canshuraha. Degmada waxeey qabataa warbixintaan ayadoo kaashaneeyso ALMI Företagspartner AB.

Mönsterås Utveckling AB, Muab waa shirkad degmadeed oo uu shaqeeyso in gacan siiso shirkado tayo-xoog leh.