Mörbylånga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Mörbylånga waxeey ku taal koofurta Öland. Waa degmo yar oo ku agtaal Kalmar. Halkaan waxaa ku yaal xaabo iyo dhul dabiici ah oo ballaaran sida Stora Alvaret oo aad ka heleysid dhir aan caadi aheyn.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15132

Cabirla dhulka

3038 kiilomitir oo laba jibaaran

Goobta dabaasha Näsby oo laga arko korka buur yar oo ciid ah.  Ubaxyo jaalo ah oo xaga hore ka muuqda iyo laba baaskiil oo la dhigtay taag ka hooseeya xeebta.

​Koofurta dhaxal aduuneedka Öland ayeey degmada Mörbylånga ku taal. Waxaad arkeysaa dhul dabii ah aadna u qurux badan, nolol shimbireed aad qani u ah, taariikh nool iyo hidde iyo dhaqan.

Deegaan

Guri kireeyaha ugu weyn waa Mörbylånga bostads AB, oo guryo ku leh degmada oo dhan. Waxaa kaloo jira guryo kireeyayaal braayfat ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Mörbylånga waxa degan dad aan luqadda iswiidhishka luqada aan aheyn ku hadla sida boosniyaan, af-daari, af-iiraani, carabi, af-ruush, teeylaandees iyo ingiris. Iskoolka ayaa qabanqaabiya barashada luqada hooyo haddii eey jiraan arday badan oo isku af ku hadla. Marka lala xiriirayo xafiisyada kala duwan waxaan sii qabanaa turjumaan nagala soconayo taleefanka ama mid goob joog ah.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Mörbylånga waxeey qani ku tahay jaaliyadaha waxeeyna kala yihiin kuwa isboortiska iyo kuwa hiddaha iyo dhaqanka.

Maxaa ka ag dhaw

Dukaamada gacan labaadka waxeey ku yallaan Mörbylånga, Färjestaden iyo Södra Möckleby.

Dukaanka Nettobutik waxuu ku yaal Färjestaden. Coop waxuu ku yaal Färjestaden iyo Mörbylånga. Ica waxuu ku yaal Färjestaden, Mörbylånga, Södra Möckleby iyo Grönhögen.

Xafiiska cashuuraha waxuu ku yaal Kalmar.

Cunto wadamo kala duwan ka kala timid waxaa laga helayaa Norrliden, Kalmar.

Maktabad waxey ku taal Färjestaden, Mörbylånga iyo Södra Möckleby.

Suuqa maalin gu’ oo qabow lehna ubaxyada gu’ga, geedo iyo guryo alwaax ah oo xaga dambe ka muuqda.

Dalyeelka carruurta

Degmada Mörbylånga waxeey iskoollada xanaanada caruurta ku leedahay degmada oo dhan.

Iskoolka xanaanada carruurta waxuu leeyahay qorshe waxbarasheed sheegaya waxyaabaha laga rabo in la sameyo.

Iskoolka xanaanada carruurta waxuu waxuu sameeynaa waxa eey ardayda u baahi qabaan.

Haddii aad xiiseyneysid iskoolka xanaanada carruurta waa inaad carruurtaada galisaa safka loo galo iskoollada xanaanada.

Haddii aad tahay magangalyo dalab isla markaana aadan shaqeyn ama aadan wax wax baranin waxeey carruurtaada xaq u leeyihiin ineey iskoolka xanaanda carruurta dhigtaan 15 saac isbuucii. Iskoolka xanaanada carruurta ee guud waxaa loogu tala galay carruurta eey da'doodu u dhaxeeyso 3-5 sano.

Haddii aad shaqeysid ama aad waxbaratid waxeey carruurtaada xaq u leeyihiin iskoolka xanaanada inta aad adiga rabtid. Iskoolka xanaanada waxaa loogu tala galay carruurta jirta 1-5 sano.

Iskoolka xanaanada furan

Xarunta qoyska ee Färjestaden waxaa ku yaal xanaanada furan oo loogu tala galay haddii aad guriga la joogtid ilmahaaga jira 0-5 sano. halkaas waxaad la kulmeeysaa waalidiin kale waana good eey carruurta wax ku bartaan. Adiga ka waalid ahaan xataa waxaa heleysaa caawimaad xaga bulsho dhax galka ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa ku yaal sideed dugsi hoosedhexe ah laga billaabo Glömminge oo dhinaca waqooyi ku taal illaa Möckleby oo dhinaca koofureed ku yaal. Waxaan ka shaqeeynaa ineey carruuta helaan bii'ad ammaan ah iyo ineey natiijo fiican keenaan.

Waxaan heynaa fasallo wax lagu diyaariyo oo loogu tala galay ardayda wadanka ku cusub.

Iskoolka degmada ee fasallada 7-9-skolan waxuu ku yaal Mörbylånga. Iskoolka Ölands friskola waa iskool baraayfat ah oo ka kooban fasallada 7-9- waxuuna ku yaallaa Färjestaden.

Dugsi sare

Degmada Mörbylånga waxeey ardaydeeda dugsi sare u aadaan Kalmar waxeeyna qeyb ka yihiin ururka Kalmarsunds gymnasieförbund.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waweyn

Kalmar waxaa lagu hayaa waxbarasho dadka waaweyn ah oo heerar kala duwan leh laga billaabo dugsi hoosedhexe, sare illaa heer jaamacadeed. Waxaa halkaan ku yaal dugsi xarfado iyo kan dadka waaweyn. Kalmar waxaa ku yaal jaamacadda Linnéuniversitetet.

SFI - Iswiidhishka loogu tala galay dadka ajnabiga ah

Waxbarashada SFI-ga waxaa lagu bartaa Mörbylånga.

Caafimaadka

Haddii aad u baahato goob caafimaad waxaad booqataa rugtaada caafimaad. Waxeey ku yaallaan Färjestaden iyo Mörbylånga.

Rugta hooyada iyo dhallaanka iyo rugta caruurta waxeey ku yaallaan xarunta qoyska ee Färjestaden.

Caawinaad turjubaan

wadahadallada muhiimka ah waxaa lagu qabanayaa turjumaan.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka gaadiidka ee Kalmar läns trafik (KLT) waxuu leeyahay leeman basa oo ka shaqeeya qeybo badan oo degmada ka mid ah. Waxaad Kalmar iyo Borgholm ku imaaneysaa bas.

Kalmar waxaad ka qaadaneysaa tareen ah oo ku geynaya Malmö/Köpenhamn. Haddii aad Stockholm swaxaad tareenka ka badalaneeysaa Alvesta.

Garoonka diyaaradaha ee Kalmar waxaa ka duulo diyaarado wadanka gudahiisa iyo dibaddiisa u duulo.

Talludden, kaytka hawada ku duula iyo buundada Ölandsbron oo xaga dambe ka muuqata.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Mörbylångawaa shaqa bixiyaha ugu weyn. waxaa degmada ka jira shirkado waaweyn iyo kuwo yaryar labadaba waxeeyna ka howlgalaan badeecooyinka, ganacsiga kala duwan, wax soosaarka iyo ganacsiga. Beecmushtarka degmada waxeey wax fiican kasoo galaan dalxiiska iyo dadka soo booqanaya agagaarka Kalmar. Öland waxaa sanad walba yimaada dalxiisayaal fara badan sidaas darteed ayeey degmadu waxeey leedahay goobo ganacsi oo badan, xarumo iyo goobo loogu tala galay dadka dalxiiska ah iyo farshaxan artiistanimo.