Älmhult

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kusoo dhawow Älmhult! Kommun-ka Älmhult waxa degan ama ka shaqeeya dad ka kala yimi in ka badan 50 wadan, taasina waxay noo suuro galisay inaan yeelano jawi caalami ah oo dhaqamo badan oo kala duwan leh. Inay Älmhult tahay wadnaha IKEA waxay kordhisaa caalaminimadayada. Waxa halkan ku yaala dugsi caalami ah oo waxbarashadiisa oo dhan ay Ingiriisi ku baxdo.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

17644

Cabirla dhulka

978 kiilomitir oo laba jibaaran

Suuq ay ku urureen dad badan. Bartamaha suuqan waxaa ku yaala masrax.

Halkani in lagu noolaadaayi way fududahay, wax walbina way kuu dhawyihiin – shaqo, dugsi, waxyaalaha lagu maaweelo waqtiga firaaqada ad tahay, dabeecad qurxoon, goob ganacsi, magaalooyin waawayn iyo goobo laga tukaamaysto.

Deegaan

Waxan rabnaa in Älmhult ay dadku ku noolaadaan deegaan caafimaad qaba, la jeclaysto oo ammaan ah. Adiga raadinaya guri aad degto waxad haysataa doorashooyin dhawr ah Älmhult guryaha iyo deegaanka ay ku yaallaan guryuhu way noocyo badanyihiin. Haddii ad rabto meel u dhaw kayn iyo biyo, waad u helaysaa fursad tiiyoonad waqti dheer u safrin. Haddii ad rabto inaad degto badhtamaha magaalada, waad ku degi kartaa qiimo macquul ah. Älmhult waxad ku haysataa suurtagalnimada ah inaad wax doorato.

Kirayso ama iibso guri

Guryaha kiro-u-jooga ahi way badanyihiin. Älmhult waxa ku yaala shirkado guryo iyo shirkado guryaha kireeya oo ku leh guryo kommun-ka oo dhan. Waxa ka mid ah shirkadahaasi, shirkadda guryaha ee kommun-ku leeyahay oo la yidhaa Älmhultsbostäder AB. Illaa iyo 1300 oo guri iyo tiro badan oo bakhaaro ah ayay leedahay shirkadani. Xasuusnow in inta badan shirkadaha guryuhu nidaam kuyuu oo ay dadka ku kala horaysiiyaan leeyihiin (kösystem).

Haddii ad xiisaynayso inaad guri iibsato waxad la xidhiidi kartaa guri iibiye.

Dhiso guri cusub

Ma xiisaynaysaa inaad dhisato guri cusub? Kommun-ku wuxu iib kuugu hayaa boosas ama jagooyinka laga dhisto guryaha yaryar iyo kuwa waawayn ee warshadaha. Haddii ad rabto inaad iibsato jago guri waxad is qori kartaa kuyuuga jagooyinka guryaha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Kommun-ka Älmhult waxa degan oo ka shaqeeya dadyow ka kala yimi wadano fara badan. Sidaas darteed dadka kommun-ka degani waxay ku hadlaan luuqado badan oo kala duwan. Marka laga reebo Iswiidhish-ka iyo Ingiriisiga waxaa ka mid ah luuqadaha ugu waawayn ee lagaga hadlo degmada, Carabiga, Soomaaliga iyo Xabashiga. In ka mid ah dadka deegaanka ahi waxay sidoo kale ku hadlaan Ruushka, Af-Kurdi (Kurmaanyi) iyo Af-Hindi.

Jaaliyado iyo ururu

Waxa ka mid ah waxa lagu garto nolosha dhaqan ee Älmhult kala duwanaanshaha, xiisaha iyo farxadda. Halkan qofku wuu ka qayb qaadan karaa kana mid noqon karaa nolosha dhaqameed.

Kommun-kan Älmhult waxa laga helaa nolol dhaqameed balaadhan iyo waxyaalo badan oo la qabto waqtiga uu qofku firaaqada yahay, taasi oo u suuro galisa dadka deegaanka iyo kuwa soo booqda inay ku noolaadaan nolol qani ah oo caafimaad badan. Kommun-ka waxa ka jira ururo noocyo badan leh oo illaa 200 ah iyo 140 dhisme oo ay ku shaqeeyaan ururadaasi. Halkan waxa laga helaa ururo madadaalo, ciyaaro, dhaqan iyo suugaaneed. Waxad ka eegi kartaa halkan liis ururada ah föreningsregistret​.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega

Agagaarka Älmhult waxa jira ama laga helaa wax kasta ood u baahan karto. Halkan waxa ku yaala Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen), Pensionsmyndighet, Försäkringskassa iyo Skattekontor meel kaliya, Gotthards gata. Waxa jira bangiyo dhawr ah oo ku yaala badhtamaha Älmhult.

Xitaa maamulka arrimaha bulshada/qaabilaada qaxoontiga ayaa ku yaala jidka Gotthards gata. Iyaga ayaa caawin kara adigaaga ku cusub Iswiidhan inaad si sax ah wax u hesho bilowga hore.

Ganacsiga

Älmhult waxa ku yaala noocyada kala duwan ee tukaanada farmasii, tukaanada dharka, kuwa cuntada, kuwa qalabka elektarooniiga iyo isboortiga.

Adiga raba inaad iibsato qalabka guriga lagu sharaxdo iyo wax kasta oo kale oo gurigu u baahanyahay, waxa jira tukaanka wayn ee IKEA, oo ku yaala goobta ganacsiga. Sidoo kale waxa jira tukaano kale oo iibsha qalabka guryaha lagu sharaxdo. Haddii aad rabto inaad iibsato alaab baali ah (secondhand) waxa jira tukaanada ay ka midka yihiin Kompaniets secondhand, Pingstkyrkan secondhand iyo Röda korset secondhand. ​

Maktabad

Maktabadda Älmhult waa bar-kulan dadka oo dhan u dhaxaysa. Waaxda maktabadaha Älmhult waxay maktabada dhexe ku leedahay badhtamaha Älmhult iyo tiro maktabado yaryar oo ku yaala deegaanada ama tuulooyinka yaryar ee kommun-ka. Maktabaduhu waxay kuu hayaan buugaag aad u tiro badan oo ku qoran luuqado kala duwan. Halkan waxa yaala suugaan iyo madadaalo daawasho iyo dhagaysi leh, waxyaalo da'aha oo dhan xiise galiya iyo waliba suurta galnimo waxbarasho. Ka akhri intan ka badan bogga maktabadda ama booqo si uu kuu caawiyo shaqaalaha maktabaddu.

Dalyeelka carruurta

Guud ahaan kommun-ka Älmhult waxa ku yaala 18 xadaanadood oo kommun-ku leeyahay iyo dhawr xadaanado guriyeed ah. Waaxda xadaanaduhu waxay u shaqaysaa caruurta da'doodu u dhaxayso hal illaa shan sano. Waaxdani waxay caruurta ugu shaqaysaa inay ku hayso qaab xadaanadeed dugsi oo kale ah, qaab xadaanad guriyeed iyo qaab xadaanad furan. Haddii ad rabto in ilmahaagu uu helo adeega caruurta ama aad rabto inaad warbixin dheeraad ah ka hesho adeega caruurta la xidhiidh utbildningsförvaltningen i Älmhults kommun.

Xaddaanadaha furan oo loo yaqaano "Kotten" waa lacag la'aan, waxana loogu talogalay waalidiinta iyo caruurta da'doodu u dhaxayso 0 6 sano. Xadaanahadan furani waxay suurto galiyaan inaad la kulanto waalidiin kale, caruurtuna ay ciyaarayaan, wax sawiraan isla markaana heesaan.

Haweenay fadhida oo ilmaheeda dhabta ku haysa oo kor ugu akhrinaysa buug caruureed.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Hawl badan baa la galiyaa dugsiyada Älmhult yadoo lala shaqaynayo suuqa ganacsiga iyo warshadaha. Hadafka dugsiyada Älmhult waa inay noqdaan, "dugsigyada ugu wanaagsan Iswiidhan marka dhinaca ardayga laga fiirsho". Kommun-ka Älmhult waxa uu kuu hayaa dugsi hoose-dhexe iyo dugsi sare.

Älmhult way jiraan dugsiyo kommun-ku leeyahay iyo kuwo gaar loo leeyahayba.

Dugsiga hoose/dhexe

Kommun-ka waxa ku yaala kow iyo toban dugsiyo hoose-dhexe ah, kuwan oo sagaal ka mid ah uu kommun-ku leeyahay, halka laba ka mid ah gaar loo leeyahay. Mid ka mid ah dugsiyada kommun-ku leeyahay ee hoose-dhexe ayaa ah mid caalami ah oo leh fasalo ka bilawda dugsiga hoose ee xadaanada illaa iyo fasalka sagaalaad. Dugsigan caalamiga ahi waa mid ay aqoonsadeen ururka caalamiga ah ee la yidhaa, International Baccalaureate. Waxbarashada dugsigan oo dhan waxay ku baxdaa afka Ingiriisiga. Bogga kommun-ka waxad ka heli kartaa warbixin ku saabsan dugsiyada hoose-dhexe ee kommun-ku leeyahay.

Dugsiga sare

Faras magaalaha Älmhult waxaa ku yaala dugsiga sare iyo dugsiga sare ee caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay ee degmada ee Haganässkolan kuwaas oo leh dhowr barnaamij oo qaran lehnan jihooyin kala duwan iyo International Baccalaurate Programme.

Furadaha waxbarasho

Haganässkolan marka laga reebo waxbarashada dugsiga sare waxay leedahay xarun waxbarasho oo leh waxbarashada dadka waaweyn, waxbarashada dadka waaweyn ee dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay iyo iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (SFI). SFI wuxuu bixiyaa waxbarashada iswiidhishka oo bilaash ah looguna talogalay adigaaga ku cusub Iswiidhan. Xarunta waxbarashada (Lärcentret) waxay bixisaa xitaa waxbarashada xirfada ee dadka waaweyn kuna jiheysan dhanka maqaaxiyaha cuntada iyo raashinka iyo daryeelka iyo xanaanada caafimaadka.

Fursado waxbarasho waa laga heli karaa xitaa xafiiska shaqada ee kuugu dhow.

Saddex haween ah oo ku socda jid oo wada sheekaysanaya. Haweenkan gadaashooda waxaa socda laba nin. Mid ka mid ah nimankan wuxuu ku hadlayaa telafoonka.

Caafimaadka

Badhtamaha Älmhult waxa ku yaala laba xaruumood oo caafimaad, Helsa iyo Achima Care Älmhults vårdcentral. Halkan waxad ka helaysaa labo xaruumo caafimaad oo la tacaala xanuunada ilkaha: Tandhälsan iyo Tandvårdshuset. Adigaa dooranaya xaruunta caafimaad iyo dhakhtarka ilkaha eed rabto inaad u tagto ama la macaamisho.

Älmhult waxa ku yaala xaruunta caafimaadka qoyska familjecentral, xaruuntaasi oo ay ku yaalaan, qaybta umulisooyinka iyo la socodka ilmuhu inta uu caloosha hooyadii ku jiro, la tacaalista xanuunada da'yarta ee ku dhaca habdhiska taranka iyo xubnaha taranka iyo waliba qaybta daryeelka caafimaadka caruurta yaryar.

Cusbitaalka ugu dhaw ee leh qaybta qaabilista xanuunada kusoo boodaaga ahi wuxu ku yaalaa Ljungby ama Växjö.

Haddii ad u baahantahay talobixin caafimaad ama warbixin caafimaad waxad booqan kartaa boggan, 1177 vårdguidens hemsida.

Caawinaad turjubaan

Haddii ad u baahantahay in turjumaan ku caawiyo marka ad soo booqanayso kommun-ka Älmhult ama hay'adaha kommun-ka, waa inaad sii balansataa ka hor balantaada. Waxad la xidhiidhi kolba hay'adii ad u baahantahay inaad booqato si ay kuugu balamiso turjumaan.

Si ad u hesho caawimo turjumaan marka ad soo booqanayso kommun-ka Älmhult waxad la soo xidhiidhi socialförvaltningen.

Xiriirka gaadiidka

Kommun-ka Älmhult in layskaga safro dhexdiisu way fududahay. Sidoo kale way fududahay in loo safro meelaha ka baxsan kommun-ka sida wadanka intiisa kale iyo adduunkaba. Almhult waxad si sahlan ugaga safri kartaa tareen, baabuur ama bas.

Älmhult waxay saarantahay jidka tareenka ee ugu muhimsan, waxana istaaga maalin kasta illaa iyo 75 tareen. Tareenadaasi faraha badani waxay u sahlaan safarka dadka ka shaqeeya magaalooyinka agagaarka ah. Tareenku wuxuu si sahlan kuu gaadhsiiyaa magaalooyinka sida Malmö, Göteborg iyo Stockholm. Gegooyinka diyaaradeed ee Köpenhamn iyo Kastrup waxay kuu jiraan illaa labo saacadood oo tareen ah, halkaasna waxad uga sii gudbi kartaa adduunyada kale. Haddii ad diyaarad ku safrayso waxad ka duuli kartaa xerada diyaaradaha ee Smålands Airport, Växjö, oo yadna u jirta Älmhult illaa hal saac.

Älmhult waxa ku yaala wadooyin tiro badan oo baaskiil iyo shabakad basas oo si fiican isugu xidhan. Waxa jira bas lacag la'aan ah oo ka noqnoqda badhtamaha magaalada iyo goobta ganacsiga dhawr mar halkii saacba. Gaadiidlayda baabuurta wadataayi waxay heli karaan wadooyin fiican.

Tareen taagan xarunta tareemada. Meesha tareenka laga raaco ee dhinaca kale waxaa joogta haweenay joornaalo u qaybinaysa dadka.

Shaqo iyo ganacsi

Älmhult waxa ka shaqeeya shirkado badan. IKEA ayaa ugu wayn waxana uu degamada ku leeyahay 14 shirkadood. Waxa IKEA soo raaca shirkado badan oo laamo ganacsi oo kala duwan ah. Waxan ka shaqaynaa sidii ay shirkadaha kommun-ka joogaayi u sii balaadhan lahaayeen eey horumar u samayn lahaayeen, iyo sidii shirkado cusub halkan uga unkami lahaayeen.

Suurtagalnimada shaqada

Kommun-ka waxa ka jira suurta galnimo shaqooyin kala geddisan. Waxa halkan laga helaa shirkado yaryar iyo kuwo dhexdhexaad ahba, warshado, tukaano iyo waaxo dalxiis. Shirkadaha IKEA ayaa ka shaqeeya oo qaata shaqaale ka shaqeeya tusaale ahaan horumarinta, wax soo saarka iyo bakhaarada kaydka. Isugayn waxaa ka diiwaan gashan kommun-ka illaa iyo 500 oo shirkadaha nooca waawayn ee saamilayda ah (aktiebolag) iyo 1 500 oo shirkadlay ah.

Kommun-ka Älmhult laftiisu waa shaqaalaysiiye wayn. Si joogto ah ayaan u horumarnaa, waanan aragnay faa'idada kala duwanaanshiyaha isla markaasna ixtiraam baan u haynaa kala duwanaanshiyaha waxanan si firfircoon uga shaqaynaa isu dheeli tirka haweenka iyo ragga. Haddii ad noqoto shaqaalahayaga waxad nasiib u helaysaa shaqo fiican oo horumar leh iyo deegaan shaqo oo aad u fiican.

Bilaw ama furo shirkad ama ganacsi

Ma xiisaynaysaa inaad bilawdo ganacsi ad adigu leedahay? Way kuugu rumoobi kartaa Älmhult riyadaada ah inaad bilawdo shirkad ad adigu leedahay. Haddii ad rabto inaad bilawdo ganacsi ama shirkad ad adigu leedahay waxad la xidhiidhi kartaa NyföretagarCentrum ee Älmhult. NyföretagCentrum wuxu ku siini talo lacag la'aan ah haddii ad ka fikirayso ama qorshaynayso inaad bilawdo ganacsi ad leedahay.