Växjö

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kusoo dhowoow Växjö - Magaalada ugu cagaarka badan Yurub! Växjö - Magaalada ugu cagaarka badan Yurub waxeey ka dhigantahay mustaqbal wanaagsan oo aan wax u dhimeyn bii'ada. Tiigsigu magaalado waa ineey noqoto magaalao wax lagu curiyo waxna laga soo saaro qaabka loo shaqeeynayana uu ahaado mid bii'ada u fiican, dhaqaale kobcaya, qalbi furnaan, wada jir u shaqeyn loo shaqeynayo mustaqbalka. Wadajir ayaan wax ku bedeli karnaa!

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

93827

Cabirla dhulka

1914 kiilomitir oo laba jibaaran

Lix qof oo baaskiin wata oo si isku xigta u safan joogana halka jidka ee dadku ka talaabaan. Dadka baaskiilada wata xagooda dambe waxaa jooga baabuur safan.

Deegaan

Växjö waa magaalo sii koreeysa waxaana ka jira qaab guryo oo kala duwan. Waxaad kireysan kartaa guri ama waxaad gadan kartaa guri. Waxaad degi kartaa magaalada, ama baadiyaha ama xaafadaha kale oo leh isusocod wanaagsan xaga gaadiidka ag. Degmada boggeeda internetka ah waxad ka heli kartaa sida loola xiriiri karo shirkadaheena guryaha kireeya.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Växjö waxaa loga hadlaa luqado badan, sida carabiga, soomaaliga, tigreega, ingiriiska, af-kurdiga, af-iiraaniga, teeylaandees, af-yukreen iyo romaaniyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Växjö waxaa ka jira jaaliyado badan. Waxaad ka raadin kartaa diiwaanka jaaliyadahah ee degmada waxa aad xiiseyneysid. Diiwaanka jaaliyadaha waxaad ka heleysaa sida aad ula xiriiri kartid jaaliyadaha.

Maxaa ka ag dhaw

Gudaha iyo bannaanka bartamaha magaalada waxaad ka heleysaa dukaamo gacan labaad ah, halkaasoo aad ka heli kartid waxyaabo kala duwanoo fiican. Waxaa jira goobo lagu kulmo oo kala duwan oo loogu tala galay da' kasta waxaadna sameyn kartaa waxyaabo badan aad xiiseyneysid ama waxaad la qaxweyn kartaa asxaabtaada.

Xafiiska muwaadiniinta ee Araby wuxuu kaa caawinayaa inaad qaabka ugu fiican si sax ah u hesho gudaha bulshada, qoysaska qaxootiga ee cusubna waxay helayaan xitaa xarunta qaabilaadda ee Xarunta luqadaha iyo aqoonta.

Jidka dadku maraan ee gudaha bartamaha Växjö. Dad badan oo jooga jidkan.

Dalyeelka carruurta

Carruurta da'doodu eey u dhaxeeyso 1 illaa 5 sano waxaa loo hayaa iskoollada xanaanada carruurta. Waxa jira iskoollo xanaanada carruurta oo eey degmada gacanta ku heyso iyo gaar eey leeyihiin shirkado baraayfat ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaa degmada Växjö ku yaal 40 dugisiyo hoosedhexe ah oo eey degmada gacanta ku heeyso. Iskoollada degmooyinka kasokoow waxaa jira iskoolo eey leeyihiin iskoollo madax bannaan. Degmada boggeeda internetka waxaad ka akhrisan kartaa macluumaad ku saabsan iskoollada kala duwan iyo sida aad ula xiriiri kartid.

Saddex caruur ah oo ku ciyaaraya farshaxan ka samaysan alwaax. Hal waalid ayaa caawinaya ilmo yar oo koraya farshaxankan.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waweyn ee degmada waxaa loogu tala galay ineey dadka waaweyn dhigtaan. Waxaa jira heerar kala duwan oo waxbarasho laga billaabo heer asaasi ah illaa iyo kor. Haddii aad wadanka ku cusubtahay waxaa jira Sfi, iswiidhish loou tala galay dadka ajnabiga ah.

Degmada bogeeda internetka ah waxaad ka heleysaa barnaamijyada waxbarasho oo dhan oo aad ka dalban karitd degmada. Växjö waa magaalo waxbarasho. Haddii aad rabtid inaad sii wadatid waxbarashada waxaa marka laga reebo machadyada dhigan kartaa jaamacadda Linnéuniversitetet.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Caafimaadka

Xarunta caafimaadka ee 1177 waxaad weydiin kartaa su'aalo iyo talooyin iyo sida loo helo warbixin ku saabsan goobaha caafimaad ee Växjö. Waxaad booqan kartaa bogooda internetka ee www.1177.se ama waxaad wici kartaa taleefanka 1177.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriireysid xafiisyada waxaad xaq u leedahay in laguu qabto turjumaan haddii aadan fahmeyn luqadda iswiidhishka. Degmada Växjö haddii aan nahay waxaan qabsanaa turjumaan marka aan leenahay kulamo aan ognahay in loo baahan yahay sida kulamada waalidiinta, kulanka wadahadalka ee ku saabsan waxbarashada ardayga kulanka xafiiska bulshada iyo kuwii la mid ah.

Xiriirka gaadiidka

Siyaabo kala duwan ayaad ugu safri kartaa Växjö sida diyaarad, tareen, bas ama baabuur. Leemanka socodka ee basaska degmada Växjö weey wanagsan yihiin. Magaalada waxeey dadka ku dhiirri galineysaa ineey baaskiilka wadaan waxaana jira jidad badan oo baaskiillada eey maraan oo ku wareegs magaalada oo dhan.

Shaqo iyo ganacsi

Shirkadaha weey la xiriiri karaan xarunta ganacsiga ee degmada. Waxeey leeyihiin aqoon baaxad weyn oo ku saabsan qeeybaha kala duwan ee ganacsiga waxeey kalo xiriir la leeyihiin meelo kala duwan oo kuu fududeen karo inaad qorshahaaga ganacsi ka dhabeysid. si eey wax kasta si fudud kuugu dhacaan waxaa ku caawinaya shaqaale oo loogu tala galay caawinta shirkadaha degmada.