Norrbottens län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Norrbotten waa gobolka ugu weyn uguna xiga dhanka waqooyi ee wadanka Iswiidhan oo dhan waxuuna ka kooban yahay 14 degmadood. Waa gobolka kaliya oo xuduud la leh laba wadan- Noorweey iyo Fiinland.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Norrbottens län

Dooro degmada ah Norrbottens län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Norrbotten waxuu leeyahay hanti dabiici ah oo badan oo isugu jiro keymo, biyaha iyo gododka macaadinata laga qodo oo eey ugu badan yihiin kuwa laga soo saaro biraha iyo macaadinta kale. Meeshaan waxaa waligeed deganaa dad dhaqamo kala duwan leh. Tusaale ahaan waxaa deganaay dadka iswiidhishka oo kasoo jeedo qowmiyadda saamerka, xuduuda u dhaxeeysa Findland waxaa ka jira dhaqanka isku dhex milmay ee iswiidhishfiinlaandeeska. Gobolka Norrbotten waa gobol wakhtiyada jiilaalka aad mugdi u ah wakhtiyada xagaagana qorraxda eey soo jeeddo illaa habeen barkii, waxuu leeyahay buuro dhaadheer, jaziirado yaryar, degaan miyi ah iyo magaalooyin waaweyn iyo dhaqamo badanoo kala duwan.

Xaalada guryaha

Si fiican ayeey howlaha ugu socdaan gobolka Norrbotten, tirada dadka weey sii kordheeysaa dhinaca shaqadana waxuu la mid yahay sida wadanka intiisa kale. Sida wadnaka intiisa kale ayeey baahida xaga guryha ee ka jirta degmooyinka ukala duwan yihiin. Degmooyinka gobolka laba marka loo qeybiyo qeyb ayaa guryo la'aan ka jirtaa taasna waxeey sababtay in qiimaha guryha uu kor isku shareero, waxaa kaloo dheeraaday safka loo galo guryaha la kireysto. Dhisitaanka guryaha cusub hoos ayuu ahaay sanadihii lasoo dhaafay, men hadda waxaa degmooyinka qaar laga dareemayaa in guryo badan laga dhisaayo. Dad badan degmada eey degan yihiin maahane degmo kale ayeey ka shaqeeyan. Masaafada eey isku jiraan degmooyinka waaweyn ee gobolka ma badna. Gaadiidka guud ee dadweynaha ee baska ayaa aada meelaha eey dadka intooda badan u safraan wuuna fiican yahay.

Dadweyne

Gobolka Norrbottens län waxa uu leeyahay 14 degmo, dadkiisuna waa qiyaas ahaan 250 000: Arjeplog, Arvidsjaur, Boden, Gällivare, Haparanda, Jokkmokk, Kalix, Kiruna, Luleå, Pajala, Piteå, Älvsbyn, Överkalix och Övertorneå. Arjeplog waa degmada ugu yar ee gobolka wuxuuna gaarayaa ku dhowaad 3000 qof. Luleå waa degmada ugu weyn qiyaas ahaan dadkuna waa 75 000 wuxuuna heystaa oo kale dad kororka ugu badan ee gobolka. Guud ahaan waxaa laga arki karaa gobolka dad koror fiican.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Macdanta, birta, keymaha iyo biyaha muhiim ayeey u yihiin gobolka iyo Iswiidhan oo dhan. Gobolka waxuu leeyahay shirkadaha wax soosaarka dibadda u dhoofiya, dalxiis iyo ganacsi soo badanaya iyo shirkado yaryar oo ahmiyad weyn kusoo yeelanaya dakhliga ganacsi ee gobolka.

Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn gobolka Norrbotten waa Gobolka Norrbotten oo leh ku dhawaad 7 500 shaqaale ah, waxaa ku xiga degmooyinka Luleå, Piteå iyo Boden. Shaqo-bixiyaha baraafyadka ee ugu wen waa LKAB. SSAB waa mid ka mid ah soo saarayaasha birta ee ugu horeeya aduunka.

Meel lagu keydiyo warbixinta kombiyuutarka oo eet leedahay shirkad weyn oo caalami ah ayaa laga furay Luleå taasna waxeey keentay in ganacsiga gobolka uu sii kordho. Keydkaas kombiyuutar waxuu abuuray xiiso badan ka timid aduun weynaha oo dhan waxuuna albaabaha u furay in shirkado kale eey maal gashi ku sameystaan gobolka. Maalgashiga shirkadaha ka jira gobolka wuu badan yahay. Shirkadaha ka shaqeeya macaadinta waxeey maalgashi gaaraya balaayiin ku sameeyeen meelo badan oo ka mid ah gobolka.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Norrbotten waxaa ka jira jaaliyado samafal oo dhalinyarada iyo dadka waaweyn fursad u siinaya ineey sameeyaan waxyaabaha eey xiiseynayaan. Waxaa jira xarun dadkii raba fursad u siineysa ineey heesaan, cayaaraan iyo ineey luqadaha kala duwan iyo cilmiga kale si qoto dheer u bartaan. Waxaa kaloo jira machadyada dadka oo fursado waxbarasho siinaya qofkii raba.

Norrbotten waxaa ka jira ururo diimeed badan oo kala duwan kuwaasoo dadka isku keena. Hey'ado badan oo ka dhisan Norrbotten ayaa ka shaqeeya sideey u kordhin lahaayeen isdhexgalka dadka dega gobolka iyo kuwa usoo guuro.

Gobolka Norrbotten waxaa ka jira koox Shaqo Gobol looguna talogalay isdhexgalka bulshada kana kooban Maamulka gobolka, Xafiiska Shaqada, Hey'adda Socdaalka, Gobolka, Hela Sverige ska leva, Företagarna, Qasnadda Caymiska, Kaniisada Iswiidhan, Ururka Isboortiga, Ururka wax barida, Laan Qayrta Cas iyo ururka Badbaadinta Caruurta iyo dhamaan degmooyinka. Kooxdan waxay kor u qaadaan dhinacyada horumarinta ee muhiimka ah, ururiyaan dhinacyada xiisaha u haya oo yihiin shabakad wax lagu kala barto. Qof kasta oo u soo guura gobolkan waxaa loo arkaa faa'iido loo baahanyahay si loo sii wado kobcinta iyo horumarinta gobolkan.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Luleå tekniska universitet waa jaamcadda kaliyah ee laga barto tekniiga iyo farsamda oo ku taal waqooyiga ugu shisheeya ee wadanka oo dhan. Waxyaabaha laga barto jaamacadda waa farsamada, dhaqaalaha, culuumta bulshada, caafimaadka, warbaahinta, muusikada iyo macalinnimada. Jaamacada Luleå tekniska universitet waxeey shan xarumood waxbarasho ku leedahay magaalooyinka Luleå, Piteå, Skellefteå, Kiruna iyo Bergsskolan oo u taal magaalada Filipstad. Gobolka Norrbotten waxaa ka jira machadyo badan oo waxbarasho xirfadeed badan laga barto. Waxbarashada ayaa qofka siineysa aqoonta eey u baahan yihiin shirkadaha eey mustaqbalka u shaqeyn doonaan maadaama machadka iyo shirkadaha eey ka dhaxeeyso wada shaqeyn.

Daryeelka bukaanka

Gobolkan waxaa ku yaala shan isbitaal: isbitaalka gobolkee Sunderby kuna yaala Luleå, isbtiaalka Gällivare, isbitaalka Kalix, isbitaaalka Kiruna iyo isbitaalka Piteå Älvdals. Waxaa kale oo jira 34 xarumo caafimaad. Badankooda waxaa maamula gobolka laakiin qaar ka mid ah waxaa daryeel bixiyayaal baraayfad ah. Degmo kastaa waxay leedahay ugu yaraan hal xarun oo caafimaad.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolka waxaa ka jira waxyaabo bdan oo lasameyn karo oo isugu jiro dhinacyada hiddaha iyo dhaqanka iyo howlaha firfircoonida ee la sameeyo xilli firaaqaha, dhul wanaagsan oo dabiici ah, bii'ad dhaqan fiican leeh iyo meelo qurux badan oo loo damaashaad tago. Waxyaabaha la xiriira dhaqanka waxaa ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo tiyaataro nuucyo badan isugu jiro. Waxaa gobolka ku yaal tiyaatar weyn, laakiin waxaa kaloo jiro xarumo kale oo iyagana lagu qabto tiyaatarada. Sanad walba guduhiis waxaa la abaabulaa manaasabooyin iyo suuqyo banaanada lagu kala ganacsado oo eey dad badan oo degmooyinka kala duwan ka socda yimaadaan. Gobolka Norrbotten waxaa ka dhisan matxafyo badan. Tusaale ahaan matxafka Ájtte museum ee ku yaa Jokkmokk, meeshaasoo eey dad badan soo booqdaan si eey warbixin dheeraada ugu hilaan dhaqanka saamerka.

Norrbotten waxuu leeyahay dhul dabiici ah oo aad u qurux badan qeybo kala duwana leh, kuwaasoo kheeyraad muhiima u ah gobolka. Goblka waxaa ku yaal 354 goobaha waxyaabaha dabiiciga ah lagu ilaaliyo, meelahaasoo aad ku luga baxsan kartid kana guran kartid miraha kala duwan islamarkaasna fiirsan kartid buuro eey biyaha kasoo dareeraan. Meelo badan oo gobolka ka mid ah waa la ogolyahay in laga kaluumeysto, laga ugaarsado iyo in lagu wado mootooyinka barafka. Gobolka waxaa ka jira fursado badan oo aad uga qeyb gali kartid isboortiska kala duwan oo isugu jira kuwa xagaaga iyo jiilaalka. Isboortis barafka lagu ciyaaro oo wanaagsan. Gobolka Norrbotten waxuu leeyahay jaaliyado isboortis oo laagu tala galay da'kasta.