Älvsbyn

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Dadka deggan degmada Älvysby waxaa lagu yaqaan iney yihiin dad ganacsiga u furfuran. Degmada waxaa ka jira 800 shirkado oo ka hawlgala dadyowga degmada oo tiradoodu gaareyso 8000 qof. Degmada Älvysby waxay leedahay jawi ganacsi ee ugu wanaagsan gobolka Norbotten sida laga soo xigtay rugta ganacsiga Iswiidhan waxayna ku jiraan kuwa ugu wanaagsan marka laga hadlayo ganacsiga dumarka.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

8090

Cabirla dhulka

1795 kiilomitir oo laba jibaaran

Magaalada Älvsbyn oo laga arko hawada. Magaaladan waxay ku taalaa webi yar oo waxaa ku hareersan duur.

Degmada Älvsbyn waxaa kaloo ka jira nolosha ururada oo ah mid aad u xoogbadan oo firfircoon ee dhammaan dhinacyada ciyaaraha iyo dhaqanka. Älvsbyn waxaa loogu magac daraa "Dheemanka Norbotten" waxayna si deggan u dhex fadhidaa buuraha kaymaha leh ee ku dheggan Piteälven. Degmada Älvsbyn waxaa ku jira biyadhaceenka weyn ee xoogga badan kaasoo ah biyo dhaceen iskii u socda ee ugu weyn yurub.

Deegaan

Dadka badigoodu waxay degmada ka deggan yihiin tuulada dhexe Älvsbyn taasoo u dhaw dabeecadda, badda, meelaha barafka, daadegga barafka lagu ciyaaro iyo waxyaabo kale. Shirkadda guryaha ee Älvsnyn (Älvsbyns fastigheter) waa shirkad degmadeed ee guryaha taasoo iibisa guryo dabaq oo baaxado kala duwan leh ee ku yaala bartamaha tuulada Älvsbyn.

Cinwaano dheeraad ah ee milkiileyaasha guryaha waxaad ka heleysaa bogga internetka degmada ee Älvsbyns. Guryo filooyin, guryaha waqtiyada fasaxyada iyo guryaha xaqa deggenaansha ee bannaan ayaa waxay yaalliin tusaale ahaan shirkadda guryaha ee Älvsbyn.

Dadyowga cusub ee doorta iney aqbalaan marka hay'ada baasaboorada ama xafiiska shaqada uu soo dejiyo degmada Älvsbyn ayaa waxay caawinaad sidey guri ku heli lahaayeen ka helayaan mas'uulka isuduwaha isdhexgalka oo degmadu u shaqaaleysay hawshaa.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Afafka ugu waaweyn ee hadda looga hadlo degmada Älvsbyn waa afka beershiyaanka/daariga, afka soomaaliga, afka tigreega, afka carabiga iyo taylaandiga.

Jaaliyado iyo ururu

Ururka saaxiibtinimada ee Älvsbyn waxaa ku jira dad cusub oo iswiidhish noqday ee deggan degmada Älvsbyn. Waa barta kulanka ee dhammaan soo galootiga waddanka iyo dadka waddanka ku dhashay labadaba. Ururka saaxiibtinimada wuxuu gacan ka geysanayaa wanaajinta wadajirka dadyowga.Waxay abaabulaan noocyo kala duwan oo ah firfircooni sida tusaale ahaan qaxweysi iyo ciyaarta bilyaardiga si dadka loogu soo dhaweeyo wadahadallo iyo xiriir yeelasho isku xidhaya xuduudaha dalka gudihiisa. Waxaa kaloo intaa dheer in kaniisadaha kala duwani ay abaabulaan hawlo firfircoon iyo xarumo kulan.Kaniisadaha ku yaalla degmada Älvsbyn waxaa ka mid ah Korskyrkan, EFS-kyrkan iyo Svenska kyrkan.

Tartanka oradka ee caruurta. Caruur ordaysa iyo waalid dhinac taagan oo dhiiri-gelinaya.

Maxaa ka ag dhaw

Halkaa waxaa laga helaa dukaanada dharka iyo cuntada, maktabada buugaagta, xafiiska shaqada,xafiiska maamulka degmada ee qaabilaadda soo galootiga dalka iyo xafiiska adeegga bulshadda.Dukaanada gacan labaadka ( alaabaha la soo isticmaalay),maqaayado , goobaha qaxweysiga, rugta jimicsiga,isboortiga & dabaasha. Degaandegga lagu ciyaaro barafka ee ku yaalla Kanisberget iyo fursado wanaagsan oo lagu sameyn karo ciyaaro firfircooni ee xilliyada xagaaga iyo jiilaalka, tusaale ahaan ciyaarta xeegada barafka, ciyaaraha kubadda cagta iyo ciyaaraha kale ee barafka.

Dad ku ururay jidka dadku maraan. Dad fadhiya kuraas oo wax cunaya.

Dalyeelka carruurta

Degmada Älvsbyn waxaa ku yaalla 8 dugsiyada xanaanada caruurta ee leh guud ahaan 21 waaxood. Celcelis ahaan waxaa ku jira 17 caruur waaxdiiba. Dugsiga xanaanada wuxuu ku dadaalayaa dugsi tayo wanaagsan sidii caruurtoo dhammi u heli lahaayeen dugsi xanaano oo leh jawi deggan oo aamin ah. Waqtiga sugitaanka ee in qofku caruurtiisa u helo dugsiga xanaanada waa 4 bilood.

Toddoba ah caruurta dugsiga xanaanada iyo laba macalimiin ah oo si wareeg ah u fadhiya dhulka qol.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Älvsbyn waxay leedahay lix dugsiyo oo loo kala qaybiyey dhammaan fasalada 1-9. Waxaa kaloo haddana ka jira dugsi sare oo leh barnaamijyo waxbarasho kala duwan.Warbixino dheeraad oo ku saabsan waxbarashada waxaad ka heleysaa bogga internetka ee degmada Älvsbyn.

Shan caruur ah oo xiran dharka maadeyska.

Furadaha waxbarasho

Waxaad halkan ka jira fursado fiican oo ah waxbarashada dadka waaweyn ee dhammaan heerka dugsiga hoose, dugsiga sare iyo waxbarashada jaamacadda. Bogga internetka ee Älvsbyn waxaa ku jira waxbarashada sfi, särvux, komvux, barashada xirfadaha (yrkesutbildning) iyo fursado wax lagu baranayo adigoo meel fog jooga (distansundervisning) oo aad ka baran karto jaamacadda Luleå iyo Umeå. Barashada mujtmaca dalkan waxaa lagu dhigaa Luleå ayadoo lagu baranayo afka hooyo.Ma jiro waqti sugitaan ee dugsiga SFI.Warbixin dheeraad oo ku saabsan hababka kala duwan ee waxbarashada waxaad ka heleysaa bogga internetka ee degmada Älvsbyn.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Caafimaadka

Magaalooyink waaweyn ee Älvsbyn waxaa ka jira xarumo caafimaad oo aad ka heleyso daryeelka caruurta iyo hooyooyinka,Daaweynta masaajeynta,tababarka xubnaha jidhka iyo rugta qaabilaadda dhallinyarada.Daryeelka caafimaadka ee dhakhtarada takhasuska waxay ka jiraan Piteå(50 km) iyo Sunderbyn (65 km). Cusbitaalka ilkaha wuu ku yaalaa tuulada.

Caawinaad turjubaan

Fursad ah in la helo caawimaad tarjumaada waxay ka jirtaa xafiisyada dawladda oo dhan.Badanaaba dhinaca telefoonka ayaa caawinaadda tarjumaadda luqado qaar waxay ka jiraan tuulada.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxaa isku xera gaadiidka dadweynaha. Warbixin ku saabsan jadwalka waqtiyada iyo siyaabaha kala duwan ee safarda waxaad ka helaysaa websidka degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Älvysbyn waxay leedahay jawi ganacsi ee ugu wanaagsan gobolka Norbotten sida laga soo xigtay rugta ganacsiga Iiswiidhan waana kuwa ugu wanaagsan marka laga hadlayo ganacsiga dumarka,waana kan ugu sareeya ee gobolka dhinaca ganacsi abaabulka cusub. Älvsbyn waxaa ka jira dhaqaale ganacsi xoogan oo kala duwan ee leh 800 shirkado shaqeeya.

Shirkadda macdan qodista ee Boliden ayaa waxay qorsheyneysaa iney ka bilowdo qodista macdanta naxaasta qaybaha galbeedka degmada sanadka 2020. Haddii ay godka macdanqodista ka furaan waxay u baahan doonaan shaqaale gaaraya 700 qof.

Shirkadaha ugu waaweyn ee degmada Älvsbyn waa Polarbröd iyo Älvsbyhus. Waxaa xitaa ku yaalla shirkadaha ku tijaabinta gaadiidka cimilada qabow sida Arctic Falls ee leh tijaabooyinka joogtada ah ee ugu horeeyey iswiidhan ee tijaabinta gawaarida xilliga qabowga jiilaalka waana tan ugu weyn iswiidhan ee tijaabinta taayirada baabuurta.

Waxaa kaloo jira shirkado dad iska leh ee ku yaalla meelo aan fogeyn sida shirkadda biraha ee SSAB ee ku taalla Luleå iyo warshadda waraaqaha ee Smurfit Kappa Kraftliner ee ku taalla Piteå.

Warbixin dheeraad ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ganacsi waxaad ka heli kartaa adoo booqda bogga internetka ee degmada Älvsbyn.

Dad ku socda jid leh dukaamo kala duwan. Baraf yaala dhulka oo waa mugdi.