Boden

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Boden waa magaalo yar oo waxa badankood uu dhow. Halkaan waxaa ka jiro fursado lagu helaayo isla hal degmo gudaheed jawi magaalo iyo jawi baadiyo. Sido kale Boden waxeey taajir ka tahay jawiga ururada iyo fursada helida degnaansho oo leh sicir macquul ah. Bartamaha magaalada agagaarkeeda waxaa ku yaalo tuulooyin yar oo eey ku dhexyaaliin shirkadeeyn xoog leh.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

28072

Cabirla dhulka

4290 kiilomitir oo laba jibaaran

Afar dhalinyaro ah oo heesaya oo ciyaaraya muusig. Laba ka mid ah dhalinyrdan waxay ciyaarayaan kaman. Hal gabar way heesaysaa. Xaga dambena haweenay ayaa ku ciyaaraysa durbaan.

Deegaan

Gudaha Boden hoy'gaada waa ka kireeysan kartaa ama waa ka gadan kartaa. Haddii aad dooneeyso in aad kireeysato waxaan lee nahay shirkad guri oo degmadu lee dahay, oo la dhaho BodenBo. Bogga degmada waxaa ku jiro liiska guri kireeyaha dhamaantood iyo xafiiska dalaalka guriyaha Boden.

Sido kale Boden waa degmo leh qaabilaada qaxootiga cusub oo guri ka helaayo Hey'adda socdaalka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-luuqadeedka ugu weeyn, markii laga saaro iswiidhishka waa dari, afka iraan, af soomaali, af carabi, af faransiis, af tigrinya iyo af ruush.

Jaaliyado iyo ururu

Boden waxaa ku yaalo urur kasto laga bilaabaa ururada isboortiga ilaa ururada dhaqanka iyo urarada diinta iyo siyaasada. Markii haddii aad dooneeyso in aad xoog saarto ku bada cagta, koox hees, ciyaaraha tagareeynta, ciyaarta shaxda ama wax kale. Ururaada ka hesho waad heli doontaa. Ururada badankood waxaad ka heli kartaa diwaankeena-urureed.

Sido kale waxaa ku Boden ku taalo ururo soomali iyo urur afhgaani ah iyo urur dhaqamo kala duwan oo aad xariirkood ka heleeysid adiga adeegsanaayo studieförbundet ABF.

ABF
Koox dansi ay ayaa ku daansaya banaanka dukaanka dharka. Xaga hore waxaa taagan gabar gacmaheeda kala bixisay.

Maxaa ka ag dhaw

Boden waxaa ku taalo Hey'adda socdaalka iyo Xafiiska shaqada. Sido kale degmada waxeey lee dahay xafiiska isdhex galka oo gooni ah oo ka caawin karo la xariirka hey'addaha dowlada ama su'alahaada kuugu jiheeyn karo meesha saxda ah ee aad la tageeysid.

Bartamaha Boden sido kale waxaa ku taalo maktabad iyo dukaamo badan. Sido kale waxaan lee nahay dhowr dukaamo oo gacaan labaad ah oo aad ka gadan karto dhar iyo alaab guri oo rakhiis ah. Bartamaha Boden waxaa ku yaalo dukaanka laanta cas Kupan iyo suuqa dib uu warshadeeynta. In yar oo ka baxsan bartamaha waxaa ku yaalo dukaanka gacan labaadka ee kaniisada bingist.

Sido kale waxaan lee nahay dukaamo cunto, uu ka mid yahay Willys, ICA iyo Coop.

Suuqa raashinka oo shan qof taaganyihiin miis ay ka buuxaan cuntooyin kala duwan. Haweenay iyo inanteeda ayaa dhinac taagan miiskan.

Dalyeelka carruurta

Gudaha Boden waxaa ku jiro dugsiyaal xanaano oo degmada lee dahay iyo kuwo madaxbanaan. Si uu canugaada uu bilaabo dugsi xanaano waa in aad codsato boos, taasi oo ka sameeyn karto bogga degmada. Haddii aad uu baahan tahay in codsiga lagaa caawiyo waxaad la xariiri kartaa xafiiska isdhex galka ee degmada. SIdo kale waxaad la hadlii kartaa kaniisad si aad uu fiiriso haddii ee lee yihiin hoowl maalmeed tusaale ahaan, waqti-hees oo loogu tala galay caruur iyo waalid.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Gudaha Boden waxaa ku yaalo dugsiyaal hoose oo badan, halkaasi ee dhigtaan caruur jiro laga bilaabaa 6 sano ilaa 16 sano. Caruurta afkooda hooyo uu yahay luuqad aan iswiidhiska aheeyn waxeey bilaabi karaan fasalka diyaarinta kadibna waxeey uu wareegi karaan dugsiga caadiga.

Sido kale Boden waxaa ku yaalo dugsi sare oo loogu tala galay dhalin yaro uu dhaxeeyso 16 iyo 20 sano. Inta waxaa ku yaalo barnaamijyo badan oo qofkasto waxuu jecel yahay ka dooran karo, tusaale ahaan farsamada, heesaha, bulshada, gaadiidka ama xanaaneeynta. In kale oo ku saabsan barnaamijyada kala duwan waxaad ka heleeysaa bogga dugsiga sare ee Björknäs. Haddii ee san afkooda hooyo uu san aheeyn luuqa iswiidhiska waa in aad ka bilaawdo fasalka diyaarinta.

Laba wiil ayaa fadhiya miiska oo mid walba haysto warqadiisa. Wiilasha gadaashooda waxaa taagan baabuurka iibiya jalaatada.

Furadaha waxbarasho

Markii aad weeyn tahay habab badan oo kala duwan ayaad wax uu baran kartaa. Xarunta waxbarashada degmada waxaa ka jiro koorsooyin badan oo loogu tala galay qofka dalka ku cusub. Halkaan waxaad ka dhigan kartaa iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga. Sido kale waxaa ka dhigan kartaa waxbarasho ku socoto qofka aan afka iswiidhiska uu san aheeyn afkiisa hooyo.

Sido kale Boden waxaa uu dhow Jaamacada Luleå oo aad ka dhigan karto waxbarasho ka heer sareeyso.

Laba gabdhood iyo laba wiil ayaa hor taagan khariidada aduunka ee wareegsan. Mid ka mid ah wiilasha ayaa farta ku fiiqaya meel ku taala khariidada aduunka ee wareegsan. Ardaydan xagooda dambe waxaa suran tabeelaha ogeysiisyada ee derbiga.

Caafimaadka

Waxaan lee nahay afar xarun caafimaad oo ku taalo Boden, waxeeyna ku kala yaaliin Björknäs, Sanden, Erikslund iyo Harads. Meesha aad dagan tahay ayee ku xiran tahay xarunta caafimaadka aad tageeyso. Xarumaha caafimaadka badankood sido kale waxaa ku yaalo rugta caafimaadka hoooyinka iyo rugta caafimaadka caruurta. Björknäs waxaa ku sii yaalo daryeelka ilkaha.

In yar oo ka baxsan Boden waxaa ku yaalo oo kale isbitaalka Sunderby oo ah isbitaalka ugu weeyn gobolka. Halkaan waxaa ku sii yaalo daryeelka takhasuska ee qeeybaha badankood. Si aad daryeel halkaan uga hesho marka koobaad waa in aad dhakhtar kula kulantaa xarunta caafimaadka.

Haddii aad xanuusato oo u baahato caawimaad deg-deg ah habeenkii iyo fasaxyada waa inaad wacdo 1177 si loo helo talo-bixin.

Haddii aad u xanuusato si khatar ah oo u baahato daryeel deg-deg ah, xilli kasta oo maalintii iyo habeenkii ah, waa inaad wacdo 112.

Caawinaad turjubaan

Waxaa jirto fursad lagu heli karo caawinaad turjumaan ayadoo la adeegsanaayo telefoonka xariirada badankood lala yeesho hey'addaha dowlada.

Xiriirka gaadiidka

Boden waxaa ka jiro gaadiid goboleed oo leh basas ka baxo xarunta-safarka ee ku ag taalo jidka-tareemada. Sido kale waxaa jirto bosteejo-tareemeed oo aad ka qaadan karto tareenka uu socdo dhanka kor uu socdo ee Kiruna tagaayo ama dhanka hoos uu socdo oo tageeyo Umeå, Stockholm iyo koonfurta Iswiidhan.

Sido kale Boden waxaa ka jiro basas-xaafadeed. Jadwalka-safarada iyo jidadka ee basaska marayaan waxaad ka heli kartaa bogga gaadiidka-xaafadaha.

In Boden uu jirto 4,2 maayl waxaa ku taalo goobta duulimaadka Luleå. Halkaas waxaad uga duuli kartaa diyaarado ka dhax shaqeeyo Iswiidhan iyo kuwa dibadeedba.

Akhri dheeraad ku saabsan gaadiidka dadweynaha ee degmadan.

Gabar xiran jaakad midabka roosada ah iyo maro timaha ugu xiran oo faras bunni ah ku haysata xarig. Gabartan waxay dhunkatay faraskan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Boden waa shaqo dhiibaha ugu weeyn degmada, waxeeyne degmada lee dahay shaqaale in yar kor uu dhaafaayo 2 500. Halkaan waxaa inta badana looga baahan yahay shaqaale ku meel gaar ah oo waqti gaaban ama waqti dheer, tusaale ahan shaqooyinka xanaaneeynta-waayeelada. Sido kale degmada waxaa taalo Wasaarada Difaaca oo ah shaqo dhiibe weeyn.

Shaqo dhiibayaasha madaxabanaan ee gudaha degmada waxaa ugu weeyn Inre kraft oo ka shaqeeyso kalmeeynta gaarka ee shakhsiga.

Haddii aad dooneeyso in aad si gooni ah uu furato shirkad waxaad caawinaad ka heleeysaa xarunta-shirkadeeynta.

Gabar iyo wiil fadhiya miis yaala maktabad. Xagooda dambe waxaa taala khaanad ay ka buuxaan buug.