Kalix

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kalix waa degmad dabiici-raaxo leh, oo si sahlan looga heli meelo qorxoon oo aragtiidoodu lagu raxeeysto. Bartamaha-qeeybeed waxuuba ku yaala meesha biyaha webiga-Kalix ku kulmo badda Bottenviken. Kalix markasto uu ahaatay bartamaha, dhaqamada kala duwan iyo afarta geesba meel looga soo guuro. Waxeey taasi balaarisay habka aan aduunka uu aragno. Hal natiijo oo taasi keentay waa in maanta jawiga-shirkadeed uu yahay mid kala duwan, laga bilaaba warshado-weeyn ilaa shirkado yar oo qani laga yahay.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15927

Cabirla dhulka

3716 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Soo galooytiga cusub oo ka tirsan taabo-gelinta, isku duwaha qaxootiga degmada yaa ka caawinaayo habeeynta guri. Haddii aad dooneeysaan guri kale, in kale ka akhriso Bo i Kalix. Ama fiiri liiska shirkada-guriyaha ee bogga internetka degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Iswiidhish iyo af finish marki laga gudbo, Kalix waxaa looga hadla af finish, af fransiis, af jarmal, af ruush, afka thayland, af carabi, af tigrinya iyo af faarisi. Kalix waa meel lagu maamulo afka finishka iyo afka meänkiele.

Jaaliyado iyo ururu

Marka laga gudo shaqada kanisadeed ee caadiga ah, kaniisada Iswiidan, waxeey qabqaabisaa kulamo iyo howlo-taageero oo loogu tala galay muwaadiniinta, ayadoo la wada shaqeeyneeyso laanta iyo si gaar ah. Sido kale meesha waxa ku yaalo urur soomaali.

Isku dar waxaa bogga-internetka ee degmada ka diiwaangalsan 114 ururo.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Kalix waxaa ku yaalo xafiiska-maamulka, xafiiska bulshada, dukaamo nuuc kasto ah, carwo dukaamo leh, maktabad leh meel la iskugu tago, xafiska shaqada, dukaanka laanta cas ee dib uu isticmaalida iyo JUC dukaanka-dib uu isticmaalida.

Reer caadi oo caruur ku leh Kalix waxeey lee yihiin howl firifircoon ee dibada. Xiliga xagaaga dad badan ayaa jasiirado yaryar oo leh dabaal iyo xeeb-ciid. Xiliga jilaalka dadka xiiseeyo dabaasho waxeey galaan Kalix SportCity barkadeeda-dabaleed ee kulul ama waxeey baraf-ku raacida iyo qalabka-barafka-lagu raaco oo lagu raaco Rudträskbacken. Sido kale intana waxaa ka jiro ururo badan oo qancin karo hamiyada inta badankood. Laga bilaabaa riwaad-jilid-bilaaw ah, ciyaarta-alwaax-ridida iyo ciyaar ilaa faras-raacis, jilaad iyo tartan-baabur.

Dalyeelka carruurta

Reerka waxeey degmada uu baahnaa karaan warbixin iyo caawinaad ka socoto wax yaalo badan. Sidaas darteed bogga-internetka ee Kalix waxaa ku jiro isku-xidh ku geeynaayo warbixinta dugsiga xanaanada iyo iskuleed, taageero iyo talo ku saabsan caawinaad dhaqaale, talobinxinta-macmiilka iyo talo bixin shakhsi ahaan ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Kalinx waxeey lee dahay dugsi hoose-dhexe oo ku yaalo bartamaha iyo baadiyaha. Dugsiyada dhexe-hoose waxaa ku ag yaalo dugsi-xanaaneed iyo/ama guri-xanaaneed maalmeedka. Dugsiga-Dhaqanka waxuu mas'uul ka yahay howlo-dhaqameed oo ku jiro dugsiga xanaanada iyo iskkulka sido kalena waxuu la shaqeeyaa barnaamijka heesaha ee dugsiga sare iyo qeeybta heesaha ee dugsiga Sverigefinska ee dadka waa weeyn (ee la seexdo).

Ardaydeena dhigato dugsiga sare Furuhed ee degmadu lee dahay. Waxuu maanta dugsiyaan soo bandhigaa barnaamijyo qareemeed oo aad uu badan. Taasi waxeey keeneeysaa i badana ardayda uu baahneeyn in ee ka guuraan xaafadooda inta ee dhiganaayaan dugsiga sare. Ayadoo wadashaqeeyn lala lee yahay jawiga-shirkadeed, waxeey keeneeysaa in barnaamijyo badan ee dugsigeena sare sido kale xariir sax ah la lee yihiin shaqada iyo xaqiiqda sugeeyso.

Furadaha waxbarasho

Fursad kala duwan ayaa waxbarashada loo lee yahay Kalix. Dugsi dadka waa weeyn oo ku jiheeysan warbaahinta iyo saxaafada, dugsiga sare ee cilmiga dabiicida, waxbarasho uu diyaarinta xirfada. Waxbarashada bulshada oo loogu tala galay soo galooytiga cusub waxaa lagu dhigaa iskuxidh-fiideeyo, waana 60 saacadood. Kalix UniverCity waa magac loo soo gaabshay degmada maaliyada ee galiyasay waxbarashada dadka waa weeyn, laga bilaabaa dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed. Kalix UniverCity waxuu isku xiraa dhamaan waxbarashada dadka waa weeyn, markii la isku daro jaamacad, waxbarashada iswiidhishka ee soo galooytiga iyo waxbarashada uu diyaarida xirfada. Haal saac gudaheed waxaa ku tageeysaa Jaamcada farsama Luleå, hareeraheedana waxaa ku yaala dugsiyaal dadka waa weeyn. Fursad ayaa loo lee yahay markii rabto ha ahaate in la bilaabo waxbarasho heer dugsi sare, oo masaafad laga baranaayo, waxaana go'aan laga gaari karaa hab-socodka waxbarashada inta ee la ahaaneeyso.

Caafimaadka

Maamulka gobolka Norrbotten ayaa maamula daryeelka bukaanka ee Kalix oo isbitaalkan waxaa laga helaa 60 boos oo daryeel lehna isbitaalo iyo qaabilaado kala duwan.

Degmada Kalix waxay leedahay laba xarumood oo caafimaad oo ay socodsiisiyaan maamulka gobolka. Si wadajir ah ayay ula shaqeeyaan degmada Kalix dhanka daryeelka caruurta iyo caafimaadka hooyada ee ku yaala Familjens Hus.

Daryeelka ilkaha ee dadweeynaha waxuu ku yaala agagaarka isbitaalka.

Caawinaad turjubaan

Turjumaan khadka telefoonka ku jira waa la adeegsan markasto oo hey'adda dowlada iyo qeeybaha daryeelka loo tago.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-Gobolka ee Norrbotten waxuu mara jidadka weeyn, tareena waa loo raaci karaa Luleå iyo Haparanda.

Gaadiidka xaafadaha Kalix waxuu ka dhex shaqeeyaa goobaha la deganyahay ee bartanka iyo tulooyinka uu dhow.

Shaqo iyo ganacsi

Warshada ugu weeyn ee Kalix, laga yaaba in ee tahay mida ugu weeyn bariga Norrbotten, soo saarida waa walxaha iyo waraaqadaha ee Billerud Karlsborg oo leh ku dhawaad 430 shaqaale, soona gasho 1,8 miljaar karoon/sanadkii.

Degmadu waxay leedahay qiyaastii 1 700 shaqaale ah iyo Gobolka Norrbotten oo leh qiyaastii 775 shaqaale ah.

Kuwo ka mid ah warshadeeynta-elegtrooniga oo Iswiidhan ugu caansan ayaa saldhig ku leh Kalix. Caretech oo ah shirkad calaamka ku hormarsan dhinaca qalabka-digida. Waxeey waxbarasha iyo cilmi baaris kala wada shaqeeyaan xarunteena-waxbarasho, Kalix UniverCity.

Kalix waa xarun-elegtrooni oo leh boqolaal ka shaqaaleeysan laanta telefoon-qabitaanka oo adeeg siiya wadamada waqooyiga yurub oo dhan.

Wadashaqeeynta shirkadaha-alawaax soo saarida waxeey hormariyaan najaarada iyo qalabka-dhisida. Setra Rolfs Såg waa shirkada soo saarto minshaar oo leh 80-yaamo shaqaale oo warshadeeyo geedaha Norrbotten ee goor danbehoodii uu koray.