Kiruna

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kiruna waxeey degmada banaaneed ku tahay habhab badan oo kala duwan. Bulshadooyinka kale waxeey taarikhdooda ku bilaawdeen sidii miro weey soo biqladeen, kadibna weey koreen. Laakin Kiruna waxaa lagu abuuray dhul cidla ah ku dhawaad 120 sano ka hor. Waxeeyna martaay heer tacbiir badan iyo aqoon. Waxeey uu kortay si weeyn. Halkaan meelaha iftiinka waa ugu sii badan yahay, qabooyga waa ku sii badan yahay, dhulka wuu ka sii weeynahay, meelaha sare waa ka sii sareeyaan, meesha ee degmada ku taalnaa meel iswiidhan uga sii koreeyso dhul ahaan ma jirto.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

22906

Cabirla dhulka

20553 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka Kiruna xarumaheeda cusub ee laga dhisayo meel saddex kiilomitir dhanka beri ka xigta ta iminka. Wiishashka dalacaada oo yaala dhismayaasha la dhisayo.

El gaar ah oo duwanaansho badan, halkaasi oo qoraxda afar iyo labaatan saac iftimeeyso 50 maalmood markii lagu jiro xilliga xagaaga, laga bilaaba dhamaadka bisha maayo ilaa dhexbartanka bisha luuliyo ayadoo ee san qoraxda marba hoos marin xariiqda dhulka iyo xirka. Mudada jilaalka waxeey lee dahay habeeno-cirf oo dhan 20 habeen iyo maalin, laga bilaaba 12 disimbar ilaa 31 disimabar. Markaasi qoraxda ma soo kormari karto xariqda dhulka iyo cirka. Kiruna waa meel sadax luuqad looga hadlo, halkaan dhaqanka iswiidhiska, saamiga iyo tornedalska ee isla wada nool yihiin. Kiruna waxeey dhinaca waqooyiga xudud la lee dahay Norge, dhinaca barigana dalka Finland, sidaas ayee xuduud ku tahay.

Deegaan

Iyadoo ay sabab u tahay xaaladda dhaqaale ee aadka u sarreysa iyo isbaddalka magaalada way weyntahay gabaabsiga guryaha oo dadka dalka ku cusub badankooda waxay hoygooda ugu horreeya ka helaan tuulooyinka Svappavaara och Vittangi. Masaafada uu dhaxeeyso Kiruna iyo Svappavaara waa 40 kiilomitir oo Vittangi waxay u jirtaa qiyaastii 70 kiilomitir. Si loo helo warbixin dheeraad ah kuna saabsan hoyga iyo si aad isaga diiwaan geliso safka guryaha, booqo bogga intarnatka ee Kirunabostäder.

Guri dheer oo ku yaala bartamaha Kiruna. Waa xilli xagaa ah. Xaga dambe waxaa laga arkaa godka macdanta ee Kiruna. Xaga horena waxaa yaala shan ah biraha calamada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Gudaha Kiruna ilaa iyo markii ay dhalatay magaaladan waxaa lagaga hadlaa Iswiidhish, Saami iyo Finlaandiiska Torne. Dhowr ka mid ah luuqadaha ugu waaweyn ee dadka dhawaan u soo guuray waa Daari, Faarsi, Soomaali, Tigrinya, Amxaari, Ingiriisi, Ruush iyo Taylaandiis.

Jaaliyado iyo ururu

Ayadoo leh ku dhawaad 400 ururo oo diwaangalsan, Kiruna waa degmada iswiidhan ugu urur badan. Waxeey taajir ka tahay soo bandhigyada ururada isboortiga iyo dhaqanka. Halkaan waxaa jiro ururka dineed ee masiixiga, uroro dineed sidii shuhud yaho iyo Kaniisada-Xurka. Kiruna ma lahan masaajid, dadka muslimiinta ah waxeey iskugu tagaan guriga ama meel ku meel gaar ah. Diiwaanka-ururada waxaad ka arki kartaa ururyada jiro.

Kaniisada Kiruna xilli jiilaal ah. Kaniisadan waa alwaax lagu rinjiyeeyay midab bunni iyo guduud isku dhex jira ah.

Maxaa ka ag dhaw

Dexbartanka Kiruna dukaamo in ku filan ayaa ku yaalo. Waxaa uu dheer labo dukaan oo gacan labaad gado iyo carwo weeyn. Maadama ee xaalada dhaqaale sareeyso dukaamo badan ayaa meesha ka asaasmay. Sido kale uu dhawaanshaha Noorweey iyo Finland waxeey Kiruna ka dhigeeysaa meel soo jidaasho leh.

Adeega bulshada oo dhan sidii Xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska iyo xafiiska canshuuraha waxeey dabcan ku yaaliin Kiruna. Svappavaara waxaa ku yaalo dugsi hoose, dukan, xafiiska boostada iyo goobta xiliga firaaqada. Vittangi waxaa ku yaalo dugsi hoose, maktabad, dukan, rugta caafimadka boostada iyo xafiiska shaqada iyo goobta xiliga firaaqada.

Dalyeelka carruurta

Kiruna waxay leedahay wakhti saf oo runtii aad u dheer (qiyaatstii 6 bilood) dhinaca xannaannada carruurta laakiin dhinaca tuulooyinka Svappavaara iyo Vittangi wakhtiga safku wuu ka gaabanyahay. Xannaannada carruurtu waxay haysaa tayo macallinimo oo sare lehna hab gaar u ah dadka dalka ku cusub, haddii loo baahdo waxaa shaqaale loo qabtaa si carruurta dalka ku cusub ay u helaan taageerada ay u baahanyihiin. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xannaannada carruurta iyo dugsiyada hoose-dhexe waxaad ka helaysaa degmada boggeeda intarnatka.

Nin iyo haweenay socanaya oo wata gaariga caruurta lagu jiido kana talaabaya jidka. Baraf ayaa yaala dhulka iyo guryaha laga arko xaga dambe.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiyaal hoose waxeey ku yaaliin Kiruna, Vittangi iyo Svappavaara. Sido kale Kiruna waxaa ku taalo xarunta-luuqada oo leh fasal diyaaris ah oo loogu talo galay ardayda oo waxbarashad luuqada iswiidhiska ka maqan tahay.

Waxbarashada dugsiga sare waxaa kala wado Ururka degmada Lappland oo ka kooban Jokkbokk, Gällivare, Pajala iyo Kiruna. Dugsiga sare Lappland waxaa la asaasay 2010, waxuuna lee yahay soo waxbarasho badan oo tayo sare leh. Afarta iskuul waxeey lee yihiin ku dhawaad 20 barnaamij ee dugsi sare. Iskuulka waxuu lee yahay barnaamijyada guud, kuwa shakhsi ahaanta ah, kuwa gaarka ah iyo kuwa qarnka iyo dugsi sare oo gaar ah oo ku yaalo xaafad kasto. Waxeey kala wadan sido kale barnaamijka caanka ah ee farsamada-warshada ayado la wada shaqeeynaayo LKAB.

Sido kale Kiruna waxeey lee dahay dugsiyaal madaxbanaan oo leh jiheeyn kala duwan, tusaale ahaan dugsiga Frilufts, dugsiga sare Rymd iyo dugsi sare ee waxbarashada shaqooyinka gacmaha laga qabto ee ka mid tahay shaqada balbaayeeriga iyo waxbarashada shaqada oo qasabaha guriyaha guriga galiyo.

Ardayda dugsiga sare ee Svappavaara iyo Vittangi waxeey maalintii raacaan baska iskuulka oo ku tagaan Kiruna C, sido kale aye sameeysaan ardayda SFI iyo waxbarshada bulshada.

Furadaha waxbarasho

Xarunta waxbarashada Lappland waxeey ka shaqeeyaan waxbarasho ku xiran sida ee dadka waa weeyn uu soo dalbadeen, waxeeyna taasi kala socotaa ayadoo wada hadal dhaw lala yeesha jawiga-shaqada ee gobolka iyo wadashaqeeynta shirkadaha iyo hey'addaha oo lagal wadashaqeeyo qorsheeynta iyo gudogalinta waxbarashada. Xarunta-waxbarshada waxeey qabqaabisaa waxbarasho loogu tala galay dadka waa weeyn ee asaasiga iyo gaarka ah, SFI, dugsiga sare iyo heerka waxbarashada shaqada ee sare. Waxa ee soo bandhigaan waxaa ka mid ah waxbarshada xanaaneeynta, waxbarashada dadka waa weeyn ee shaqada oo leh iswiidhishka-shaqada oo loo habooneeysiiyaya dadka dalka ku cusub iyo waxbarasho badan oo ku socoto baahida warshada godka macdanta lagala soo baxo. Waxeey la shaqeeyaan Jaamacada farsamada Luleå, Jaamacada Umeå iyo isku duwayaasha waxbarashada si markaai loo soo bandhigo waxbarsho tayo sare leh iyo heerar kala duwan.

Dugsi dadka waa weeyn Malmfältens waa waxbarasho kale oo dadka waa weeyn dooran karaan, waxeey lee dahay koorso guud iyo barnaamijka-soo galooytiga oo soo bandhigaayo iswiidhish iyo iswiidhishka alifka looga bilabaayo.

Caafimaadka

Kiruna waxa ku yaalo isbitaal, rug caafimaad, rugta caafimaadka hooyoyinka, qaabilaada dhalinyarada, rugta caafimaadka caruurta, qaabilaada degdega iyo daryeelka ilkaha. Vittangi waxaa ku taalo rug caafimaad.

Caawinaad turjubaan

Fursad lagu helo caawinaad-turjumaan waa jirtaa markii lala xariiraayo hey'addaha dowlada. Turjumaanka waxaa marka koobad laga helaa telefoon.

Xiriirka gaadiidka

Kiruna weey lee dahay xariir duulimaad, tareen iyo bas. Waxeey qaadaneeysaan Stockholm in loo duulo hal saac iyo xoogaa. Tareenkana waxuu ku geeynaa dhinaca waqooyiga iyo koonfurtaba. Tuulooyinka iyo dhinaca hoose ee xeebta waxaa loo raaci karaa bas. Diyaarada iyo tareenka waa lee yihiin Jadwalka-socodka. Sido kale jawdal loogu tala galay Gaadiidka-gobolka iyo basaska-xafadeedka jadwalkooda.

Sido kale xariirka-kombiyuutareed oo leh qalabka-isku xirka internetka si fiican ayuu uga dhisan yahay degmada oo dhan.

SJ
Meel lagu ciyaaro kuna taala bartamaha Kiruna oo leh tareen guduud ah. Waa xilli xagaa ah oo labo ah khaanadaha ubaxyada ayaa yaala meesha lagu ciyaaro.

Shaqo iyo ganacsi

Maanta Norrbotten oo dhan waa gobol sii weeynanaayo, Kiruna waxeey ku jirtaa xaalad dhaqaale oo sareeyso, dad badan oo dalka ku cusub ayaa shaqo helay waqtigii danbe, gaar ahan shaqooyinka farsamada iyo daryeelka, xaalada dhaqaale ee sareeyso waxeey sido kale soo jiideeysaa baahi-shaqaaleeynta shaqaalaha adeega, ganacsiga iyo adeega uu dhow.

Kiruna waxay leedahay qodista macdanta dhulka hoostiisa ee ugu weyn aduunka iyo ganacsi macdanta oo ah degmadan xididkeeda nolosha. In ka badan 100 sanno ayaa macdan soo saaridda birtu ka socotay Kiruna iyadoo aanay si macno leh raad ugu yeelan qaybaha bartamaha magaalada. Sanadkii 2004 ayaa shirkadda macdanta LKAB soo bandhigta saadaasha sida muuqaalka dilaacan u gaari doono meesha iminka ah bartamaha magaalada. Taas ayaa bilow u nootay isbadalka magaalada. Macdan soo saaristan waxay aasaas u tahay nolosha ganacsi ee Kiruna oo sidaas darteed ayay Kiruna diyaar u tahay inay qaybo ah magaalada rarto maadaama macdanta birta marinkeedu uu si toos ah u hoos maro magaalada badhtamaheeda.

Inta lagu jiro sanadaha soo socda huteelo, hoy dhaqan, dhismayaal ganacsi iyo guryo ayaa ka taagmi doona xarunta cusub ee magaalada.

Sido kale LKAB ayaa si degdeg ah uu fureeyso sadax god macdan laga soo saaro gudaha Kiruna iyo Svappavaara sanadooyinka soo socdo. Todobo shirkado oo ajnabi ah, shirkado yar ee meesha laga lee yahay iyo shakhsiyaal gaar ah ayaa wado qorsheeynta iyo tijaabinta qodka macdanta gudaha Kiruna.

Guri weyn oo ah alwaax cagaar ah kuna yaala Kiruna oo la rarayo. Guri alwaaxa ah oo saaran buudiga baabuurka xamuulka qaada.

Xaalada dhaqaale ee sareeyso iyo badalka-magaalada waxeey keeneeysaa in hamiga laamaha kale uu kor uu kaco, goobaha ganacsiga iyo maqaayadahana asaaskooda ayaa badanooyo. Sido kale waxaa badanooyo ganacsiga-booqashada, waxaana la maalgalinooyaa ganacsiga-dalxiiska ee buuraha. Waxaa uu sii dheer in dad badan howl gab ka noqonayaan degmada gaar ahaan daryeelka, xanaaneeynta iyo iskuulada. Shaqolaantii kor uu kacsaneed weey dagtay, waana meesha ee shaqo la'aanta dalka dhan uga yar tahay.

Isla maantaba baahi loo qabo shaqaale ayaa jirto, baahidana waa badan doontaa sababtoo gobolka oo dhan kor ayuu uu socdaa taasi oo keeneeyso in shaqooyinka lagu tartamo. Si loo dabaro masruufta-shaqeeynta waxaa loo baahan yahay in uu soo guurka degmada uu bato iyo shaqaale soo galooyti oo shaqo oo yimid dalka. Jabinta macdanta iyo shaqooyinka ka soo baxo waa kuwa degmada ugu badan laakin maamulka degmada waxeey goor dheer tageeraayeen hormarinta goobta sadax meel "lug", hawada sare iyo bey'adda halkaasi ee waxbarasho iyo baaris degmada ka wado goobahaan (Esrange, IRV iyo Tarafala goobta-baarista) iyo goobta dalxiiska halkaasi ee shirkado weeyn ka asaasan yihiin (tusaale ahaan Icehotel iyo dhismo-buur). Dalxiiska iyo nadaafada waa labada goob-ganacsi ee ugu weeyn tuulooyinka.

Degmada Kiruna xarunteeda cusub ee Kristallen. Xarunta cusub ee degmada dhinaceeda waxaa ku taala dhismo saacad oo ka samaysan bir.