Luleå

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Luleå waa magaala madaxda gobolka Norrbotten oo eey baaxaddiisu la egtahay wadanka isiidhan afar meelood marka loo qeybsho qeyb ka mida. Magaalda waxeey ku taallaa xeebta gobolka Norrbotten, astaanta magaaladna waa biyaha hareeraheeda oo dhan ku xeeyndaaban. Magaalada waxeey leedahay dhul dabiici aadna u wanaagsan, cimilada kala duwan ee barafka iyo samarkaba isugu jira aad ayaa looga faa’ideystaa.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

78157

Cabirla dhulka

4911 kiilomitir oo laba jibaaran

Luleå waxeey leedahay nolol dhaqameed wanaagsan iyo wax soosaar ganacsi oo kala duwan. Waxaa ku yaal jaamacad eey dhigtaan arday gaaraya 19 000 iyo isbitaalka Sunderby oo isbitaal kawada dhaxeeya gobolka Norrbotten o dhan.

Deegaan

Degmada Luleå waxeey waxeey leedahay guryo nuucyo kala duwan leh oo isugu jira kuwo kiro iyo iib ah. Lulebo waa shirkadda guryaha ee degmada. Boqolkiiba 91 dadka degan guryaha Lulebo weey ku qanacsanyihiin guryahooda. Shirkadda Lulebo waxeey macaamiisheeda ka caawineysaa ineey ka kireyso guryo bartamaha degmada ah iyo kuwo ku yaal degmada banaankeeda. Waxaa jira shirkado gaar looleeyahay oo laga kireysan karo guryaha. Maamulka degmada waxuu dadka qaxootiga ah ka caawiyaa helitaanka guryo ee degaan.

Muuqaalka magaalada Luleå oo biyo ka muuqdaan xaga hore. Wajahad jaajuur ah iyo balakoon ku yaala dhismo guri ah ayaa xitaa laga arkaa xaga hore.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

6800 oo kamida 75000 qof ee degan Luleå waxeey ku dhasheen wadamo kale. Luqadaha ugu caansan ee degmada marka laga reebo luqadaha looga hadlo iskandaneefiyaanka waa carabiga, iiraani, daari, af-teeylaandees, burmees, af-shiinees, tigree, ingiriis.

Jaaliyado iyo ururu

Magaalada Luleå waxaa ka diiwaan gashan jaaliyado gaaraya 500. Waxeey sameeyaan meherado kala duwan sida isboortiska, hiddaha iyo dhaqanka, howlaha firfircoonida ee guriga dibaddiisa iyo caafimaadka iyo xanaaneynta. Waxaa degmada ku yaal kaniisado badan iyo ururo diimeed badan. Waxaa kaloo kaloo Luleå ka jira jaaliyado iyo ururo wax u qabto qaxootiga sida jaaliyada muslimiinta, jaaliyada dada reer burmo ee ku nool iswiidhan iyo jaaliyada ruushka ee Sputnik iyo kuwo kale.

Maxaa ka ag dhaw

Luleå waxaa yaalla waxyaabo badan oo aad kala dooran kartid. Nolol maalmeedka degmada aad ayeey ufududatahay, taasna waxaa keentay masaafada dhow eey shaqada, guriga iyo iskoolka isku jiraan. Magalaada waxeey leedahay dhaqdhaqaaq ah dhinaca isboortiska, dhaqanka iyo meelaha loo damaashaad tago makhaayadaha, dukaamada, meelaha jirjimicsiga, shaleemada iyo tiyaatarka Norbotttens teater. Luleå waxeey leedahay guriga hiddaha iyo dhaqanka, waxaana ku yaal maktab, goob farshaxan, good xaflad, biibitooyin iyo makhaayado. Luleå waxeey caan ku tahay suugaanta iyo muusiga. Meel aan saas ugu sii dheereyn magaalada waxaa ku yaal Hertsöträsket oo ah meel laga kalluumeysto, iyo meela kale oo ayagana tuulooyinka degmada ku yaal lagana kalluumeysto. Luleå waa magaalo laga dukaameysto lagana ganacsado. Waxeey leedahay goobo waaweyn oo laga ganacsado sida Storheden. Luleå waxaa kaloo ku yaal dukaamada gacan labaadka oo iibiya alaabta guryaha, qalabka farsamada, dhar, maacuunta, qalabka isboortiska iyo buugaag. Luleå waa magaalo isboortis waxeey leedahay seddaxda kooxood ee caanka ah Luleå Hockey, LF Basket iyo Northland Basket. Goob ciyaareedka Arcushallen waa kan ugu weeyn ee lagu qabto cayaaraha iyo bandhigyada waaweyn. Luleå waxeey leedahay 15 garoomada isboortiska ah iyo 23 goobo cayaareed, 4 meelaha lagu dabbaasho ah, 5 garoomada barafka ah iyo hal garoon oo loogu tala galay fardaha.

Xafiiska shaqada, xafiiska cashuuraha iyo xafiiska ceymiska waxeey ku yaallaan bartamaha magaalda, waxaa kaloo meesha ku yaal xafiiska adeega bulshada iyo xafiiska isdhexgalka dadka.

Jidka dadku maraan kuna yaala Luleå maalin xagaa ah. Haweenay ayaa socota oo wadata gaariga caruurta lagu jiido oo ay dhinac socdaan saddex caruur ah. Nin ku fadhiya kursiga wareega ee dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay oo uu dhaafayo nin kale. Laba qof oo ku fadhiya kursiga banaanka ee dheer.

Dalyeelka carruurta

Luleå waxeey u fiicantahay dadka qoyska ah. Degmada waxaa ku yaal wax kasta, laga billaabo dugsiyada xanaanada carruurta illaa heer jaamacadeed. Luleå waxeey leedahay dugsiyada xanaanada carruurta oo loogu tala galay carruurta jira 1-5 sano. Luleå waxeey kaloo leedahay meelo loogu tala galay in carruurta lagu heysto oo waalidiinta loogu tala galay iyo meelo kale oo loogu tala galay carruurta u baahan daryeel dheeraad ah sida carruurta dhagoolka ah ama kuwa cuuriyaamka ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Luleå waxeey rabtaa in iskoolladeeda dhan eey tayadoodu sarreeyso! Hammiga degmada Luleå waa in goobaha waxbarasho eey noqdaan meelo eey dadka ka shaqeeya iyo ardayda eey ku qanacsanyihiin.

Iskool kasta oo dawladdu leedahay waxeey mudnaanta koowaad siiyaan carruurta dagan xaafadaha eey ku yaallaan. Degmada waxeey dammaanad qaadeysaa in carruurtaada boos eey ka helaan iskoolada dowladda. Iskoollada dowladda waa lacag la'aan.

Luleå waxaa ku yaal iskoolka hiddaha iyo dhaqanka iyo iskoolka montessoriskolan iyo iskoollada gaarka loo leeyahay sida Norrskenet, Nya läroverket iyo Kvarnå friskola oo ku yaal Niemisel.

Gudaha Luleå waxaad kala dooran kartaa inaad wax ka dhigato Luleå Gymnasieby, kaaso oo ah dugsiga sare ee degmadu leedahay ama mid ka mid ah dugsiyada sare ee madaxa banaan. Dugsiga sare Luleå Gymnasieskola waxuu ku yaal bartamaha aaga waxbarasho ee Luleå Gymnasieby, halkaas waxaa jooga qiyaastii 2300 arday iyo 280 shaqaale ah, kuna urursan aag waxbarasho oo hal abuurid iyo dhiiri-gelin leh.

Luleå waxay leedahay xitaa dugsiyada hoose-dhexe iyo sare ee ardayda caqligoodu dhimanyahay kuwaas oo ku yaala isla dhismayaasha dugsiyadan hoose-dhexe iyo sare.

Furadaha waxbarasho

Waxaa jira fursado waxbarasho oo badan qofkii raba. Goobaha waxbarasho ee dadka waaweyn ee degmada waxaad ka baran kartaa luqadda iswiidhishka oo loogu tala galayu dadka qaxootiga ah. Waxaa kaloo lagu baraa waxbarashada heerka dugsiyada soosedhexe iyo sare.

Iskoolka Waxbarashada dadka waaweyn waxaa xitaa laga helayaa fursada in wax laga barto YH - Jaamicadda xirfada waxbarashooyinkeeda kuwaas oo ah heer dugsiga sare ka dib ah oo markastaba u dhigma baahida dhabta ah ee suuqa shaqada. Tani micnaheedu waa in nuxurka iyo jihada waxbarashooyinkan ay kala duwantahay oo si joogto ah loo haboonaysiiyo.

Luleå waxeey kuu diyaarisay goobo waxbarasho oo gaar u ah dadka 20 sano ka weyn isla markaasna qaba cudurro xagga maskaxda ah.

Luleå waxaa kaloo ku yaal iskoolka Sunderby oo laguugu diyaariyay koorsooyin kala duwan. Jaamacadda Luleå ayaa magaalada ku taal taasoo eey dhigtaan 19 000 oo arday, barnaamijyada lagu barto jaamacada waxeey u badanyihiin kuwa farsamada. Waxyaabaha kale oo laga barto jaamacada waa waxbarasho mamacallinnimo, dhaqaalaha, cilmiga bulshada, cilmiga dhaqanka iyo suugaanta iyo waliba cilmiga isgaarsiinta iyo warbaahinta. Waxaa kaloo jaamcada ka mashruucyo cilmi baaris eey iska kaashadaan jaamacada iyo shirkado caalima ah oo ku yaal wadanka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Shan qof oo ku socda jid barafoobay maalin jiilaal ah oo cad-ceed leh. Nin la socda ey buni ah oo xarig ugu xiran. Gadaasha dadkana gaadiidka barafka ayaa jidka barafka ka qaadaya.

Caafimaadka

Luleå waxay qayb ka tahay Maamulka gobolka Norrbotten oo maanta waxaa degmada ku yaala sagaal xarumood oo caafimaad. Xarumaha caafimaadka ayaa kula kulmaya noloshaada oo dhan. Marka adiga oo cusub oo dhashay lagugu miisaamo ee lagugu dhereriyo xarunta daryeelka caruurta. Marka uu kugu dhaco cuno xanuunkaaga ugu horeeya, lugtu ku murkacato ama nabar caloosha ahi kugu dhaco. Marka aad waayeel noqoto ee laga yaabee aad u baahato baaritaano joogto ah iyo dawooyin. Dhakhaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad, kalkaaliyayaasha caawinta dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jidhka iyo shaqaalaha tababarka jirka marka xanuun jiro, iyo kuwa kale oo ku takhasusay bani'aadamka oo dhan. Dhinaca xarumaha caafimaadka waxaa la doonayaa in lagu bixiyo daryeelka loo baahanyahay marka loo baahdoo.

Magaalada Luleå waxaa ku yaal isbitaalka Sunderby sjukhus oo ah isbitaalka ugu weyn ee gobolka Norrbotten. Isbitaalka waxuu leeyahay qeeybaha caafimaad badankood wuxuuna u dhowyahay dadka deggan magaalooyinka Luleå iyo Boden. Isbitaalka waxuu leeyahay qeybta emerjensiga iyo qeeybaha caafimaad oo dhan marka laga reebo qeeybaha qalliimada laabta iyo dareemayaasha ama neerfayaasha.

Qeybta dhalliinka waa tan ugu weyn marka loo fiirsho magaalooyinka waqooyiga ka xiga Uppsala oo dhan, sanadkastana waxaa ku dhasha 1 900 dhallaan. Isbitaalka waxaa lagu sameeyaa qalliinada gobolka oo dhan.

Xilligii guga sanadkii 2011 waxuu isbitaalka Sunderby billaabay inuu qaato ardayda barta dhakhtarnimada si eey tababar u helaan. Ku dhowaad 60 arday dhakhaatiirnimada barta ayaa wax ka barta iskoolka.

Caawinaad turjubaan

Markaad la kulmeeysid xafiisyada dowladda waxaad xaq u leedahay caawimaad turjubaaneed hadaadan ku hadli karin luqada iswiidhishka. Goobta aad ballanta ku leedahay ayaa kuu dalbeysa turjubaanka. Xaq waad u leedahay xataa hadaad dhagool tahay. Luleå waxeey leedahay xafiis qaabilsan xiriirinta turjubaannada oo loo diyaariyay dadka degan degmada. Xafiiska waxuu kaa caawinayaa inaad heshid turjubaan toos ah ama mid xagga taleefanka wax kaaga tarjuma. Waxaa kaloo jira meelo lagu fasiro waraaqaha ama dokumantiyada.

Xiriirka gaadiidka

Luleå wax kasta weey kuu dhowyihiin. Bartamaha magaalada iyo madaarka diyaaradaha oo ah kan shanaad ee ugu weyn iswiidhan waxeey isku jiraan 10 daqiiqo. Waxaa sanad walba ka duula hal malyan oo qof waxaana maalin kasta diyaardo aada 15 jiho oo kala duwan isuguna jira gudaha iyo dibedda. Luleå waxeey leedahay gaadiid guud oo aad u wanaagsan oo isugu jira basas iyo tareenno.

Luleå waa magaalo lug iyo baaskiilba lagu mari karo. Waxeey kaloo leedahay Luleå dekkada ugu shisheeysa ee xagga waqooyi ee iswiidhan oo eey ka baxaan 600 lix boqoloo maraakiib sanad walba.

Muuqaalka magaalada Luleå oo laga arko badda. Waa xilli xagaa ah oo biyaha ka horeeya magaaladan way dhalaalayaan. Minaarada kaniisada ayaa ka dhex muuqata guryaha saqafkooda.

Shaqo iyo ganacsi

Degmadan oo leh 6 500 shaqaale ah waa shaqo-bixiye weyn oo mas'uul ka ah iskoolada, xanaanada waayeelka, jidadka iyo jardiinooyinka. Shirkadaha ugu waaweyn waa tusaale ahaan SSAB tunnplåt iyo Ferruform. Shaqo-bixiyayaasha kale ee waaweyn waa Maamulka gobolka Norrbotten iyo Coop Norrbotten. Waxaa kaloo jira shirkado badan oo kale oo ku xiriirsan Jaamicada Farsamada ee Luleå, kana mid ah dhanka qaybta taknoolajiyada casriga ah. Luleå Science Park oo ku agtaal jaamicada waa xaafada taknoolajiyada ee ugu weyn Norrland oo waxay leedahay 80-meeyo shirkado dhanka aqoonta ah. Facebook waxay dooratay Luleå iyadoo ay sabab u tahay aqoonta farsamo ee sareysa, qabowga dabiiciga ah iyo khad koronto oo xasiloon. Rugtaas kombiyuutarada ee ku taal xaafada Porsön waxay noqonaysa ta ugu weyn ee nooceeda ah gudaha Yurub.