Överkalix

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Överkalix xaafada-dhexe waxeey si qorxoon ugu ag taalaa webiga-Kalix. Xaafada-dhexe oo sido kale loo yaqaano Bränna waxeey lee dahay jid-dukaameed iyo goob lagu tamaashleeyo. Dhamaan iskuulada, dukaamada, guriga degmada, daryelka ilkaha iyo xarunta caafimaadka waxeey ku yaala meel lug lagu tagi karo.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

3303

Cabirla dhulka

2919 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka magaalada Överkalix oo buuro ka muuqdaan xaga dambe. Magaaladan waxaa ku hareersan duur oo waxay ku dhinac taalaa webi yar.

Isgaarsiiska wuu fiican yahay, midka ku socdo magalooyinka xeebta Kalix iyo Luleå iyo meelaha macdanta laga soo saaro ee Kiruna, Gällivare iyo Pajala. Jiqooyinka weeyn, beeraha, webiyaasha iyo wabiyada yar waxeey qofka siinaayaan fursad uu ku helo howlo dibadeed. Kaluun-dabasho iyo miro-gurid waa caan.

Deegaan

Hey'adda samafalka Överkalixbostäder waxeey soo bandhigeeysaa guriyaal ka kooban 1 ilaa 4 qol iyo jiko. Guriyaasha badankooda waa laba dabaq oo aan wiish laheeyn, waxeeyna ku yaalan bartamaha Överkalix. Sido kale waxaa jiro dhowr shirkado oo gaar ah oo lagnaa kireeyto guriyaal. Soo galooytiga dalka ku cusub oo ka tirsan taabo galinta cusub, isku-xidhka qaxootiga ee degmada ayaa ku caawinaayo habeeynta guriga.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Iswiidhish iyo af finish ma ahane, luuqadaha looga hadlo Överkalix waa af isbaanish, af carabi, af daari, af soomaali iyo afka thayland.

Jaaliyado iyo ururu

Ururka isboortiga Överkalix ÖIF waa ururka isboortiyeed ee ugu weeyn. Waxaa jiro koox- ciyaarta xageeda barafka, koox-kubada cagta iyo koox-baasket loogu tala galay da' kasto. Wiilsha iyo gabadha si isku mid ayaa loo soo dhaweeynaa. Sido kale ÖIF waa isku dubbaridaha suuqa-xagaaga ee sanad kasto la qabto, halkaas waxaa ka buuxo iibye wareegaayo iyo gacansade xaafadeed oo gadaayo wax kasto oo jiro masaafad-suuqeed. Bogga Överkalix waxaad ka heli kartaa liis ururyada.

Kaniisada Iswidhan waxeey lee dahay howl masiixiyeed oo loogu tala galay caruur iyo dhalinyaro. Sido kale waxaa jiro ururka dineed ee bingst.

ABF, Studiefrämjandet och Studieförbundet Vuxenskolan waxeey qabqaabiyaan xalqad waxbarasho ee maadooyin kala duwan iyo xiisado.

Ku dhawaad tuulo kasto oo ku taalo degmada waxeey sameeysatay ururo, waxeeyna lee dahay guriyaal-tuulo oo hoowlo kala duwan lagu qabto, tusale ahaan cunta wada karin, qol laysku kululeeyo oo dabka lagu shiday qoray, biisada, xafaladeeynta soo dhaweynta xilliga guga, malawax iyo xaflado ugaarsi. Ururka-tuulooyinka waxuu sido kale qabqaabiya kaluumaayn iyo tartanka kaluumeeynta. Xilliga jiilaalka wadida mootada yar waa caan, markaasna dadka jecel mootooyinka yaryar waxeey isku soo aruuraan gooba-barafeed oo furan, guriyaha-tuulada ee tusaale ahaan guyaha-tuulada ee Kypasjärv.

Ururka howsha guriga, ururka farshaxanka Överkalix iyo ururka dhisada guriga Överkalix waxeey tusaale uu yihiin ururo kale oo ku yaalo Överkaix. Ururka riwaadaha ee Överkalix waxuu qabqaabiyaa ruwaayado oo leh qeeybaha ugu fiican oo laga doortay soo saarka ruwaadayadaha Norrbotten. In yar oo ka mid ah waxaa laga soo doortaa ruwaayadaha qaranka ee qani ka ah soo bandhigida, oo markaasna wareega dalka soona booqdo Överkalix.

Hal urur-ruwaayadeed waxuu koor uu qaadaa awooda xafadeed oo qoraal ruwayadeed si gaar ah uu la imaanaayo, kuwaaso noqonayo ruwaayado la jeclaado. Eeyaasha iyo fardaha waxaa sanad kasto loo qabtaa tartan.

Maxaa ka ag dhaw

Xaafada-dhexe waxaa ku yaalo xafiiska shaqada, xafiiska degmada oo leh qaabilaad-qaxooti. Waxaa ku yaalo dukaamo-cunto, dukaamo dhar, farmashiye, dukaan telefishiyin iyo raadiyo, gacansiga-birta, ganacsiga-midabyada, maqaayado, kafeteeriyo iyo dukaanka gacanta labaadka ee laanta cas oo lagu gado alaab guri, dhar, maacoon iyo laambado. Xarunta dib uu isticmaalida, ku dhawaad 4 kilomitir ka baxsan tahay xafada-dhexe, waxeey sido kale lee dahay iibida alaab guri, maacuun iyo laambado la soo isticmaalay oo ka roon kuwa kale.

Guriga dadweeynaha waxaa lagu daawdaa filimaan. Laga bilaabaa bisha oktoobar 2013, waxaa sido kale lagu soo daayaa xaflado, ciyaaro banooni iyo barafeed oo toos ah.

Goobta dabaasha iyo isboortiga, goobta-barafeed iyo garoon bannooni. Jid iyo buuro baraf lagu raaco oo la diyaarshay, waxeey xaafada dhexe uu jiraan ku dhawaad 4 kilomitir. Xilliga xagaaga barkaad dabaal oo banaanka ayaa jirto.

Dalyeelka carruurta

Överkalix waxeey lee dahay labo dugsi xanaaneed: Dugsiga xanaanada Älven iyo Dugsi xanaanada Ängen. Sido kal ewaxaa jiro fasalka ebaaraadka, Björnen iyo guriga xilliga firaaqada ee Ekorren.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Överkalix waxeey lee dahay dugsi hoose-dhexe iyo dugsiga sare. Iskuulka Åker sanadka 1-3, Iskuulka Strand sanadka 4-9 iyo dugsiga sare ee Överkalix. Sido kale waxaa jiro dugsi hoose-dhexe oo madax banaan, Dugsiga madaxa banaan ee Överkalix oo ka bilaabmo fasalka 0 ilaa 9aad. Waxuu lee yahay labo barnaamij mid dhaqanka iyo midka bey'adda.

Furadaha waxbarasho

Sido kale waxaa jirta waxbarshada dadka waa weeyn. Halkaas waxaa ka mid ah oo ka jiro waxbarashada dadka waa weeyn ee dugsi sare iyo barashada iswiidhiska ee soo galooytiga.

Waxbarashada bulshada ee loogu talogalay dadka dalka ku cusub waxaa lagu bixiyaa dhanka fiidyow hal mar toddobaadkiiba. Waa 100 saacadood oo waxaa lagu qabtaa qol ku yaalo iskuulkan.

Caafimaadka

Maamulka gobolka Norrbotten wuxuu wadaa Xarun caafimaad oo leh rugta dhakhaatiirta iyo caafimaadka degmada lehna rugta caafimaadka caruurta, rugta caafimaadka hooyooyinka, ambulaans iyo qaybta ka warhaynta lehna shan boos oo daryeel. Shaqadan waxaa ka tirsan xitaa tababarka jirka marka qof xanuusanayo iyo caawinta dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jidhka, daryeelka daweynta cagaha, ku daweynta ilayska iyo shay-baar iyo qaybta raajada.

Daryeel-ilko waxuu ku xiran yahay xarunta-caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Fursad lagu caawinaad-turjumaaneed wee jirtaa markasto xariir lala yeelanaayo xafiis dowladeed. Sida caadiga turjumaanka waxu ku jiraa khadka talefoonka.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa lagu tago karaa bas, meelo badan oo dhaw, waxaa ka mid ah Luleå, Gällivare, Kiruna, Kalix iyo Haparanda. Gaddidka Gobolka Norrbotten ayaa maro meelahaas.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Överkalix ayaa ah shaqo dhiibaha ugu weeyn. Sido kale waxaa jiro shirkada yaryar ah oo ka hoowl galo laamo kala duwan oo uu baahnaa karo shaqale. Dad badan ayaa maalintii tareen uu raaco Kalix, qaarna isbuuci hal mar ee tareen uu raacaan Luleå, Gällivare, Kiruna och Pajala.