Övertorneå

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Övertorneå waxeey ku taal dhincabi bari ee Norrbotten. Meel qurxon ee ku sii taala ee Torneälven agteeda. Wareega cifiyada dhilka waxuu degmada ka dhexmaraa dhinaca waqooyiga, degmada xududeeda bariyeed waxeey ka mid tahay xududa aduunka ugu amaansan xududa dhanka Finland.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

4321

Cabirla dhulka

2488 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada Övertorneå waa degmeda bey'adeed oo ugu horeeysay Iswiidhan, taas mecnaheed waa in degmada si firfircooni le huga shaqeeyso bey'adda iyo horumar jiraayo. Waxeey lee nahay iskuulada Iswiidhan ugu fiican, dhaqaale fiican, canshuur-degmadeed oo hooseeyso, degaan rakhiis ah, xaneenya caruurta iyo weeylka oo tayo fiican, iyo dhawanaashaha dabiicada. Hadafkeenu waxuu yahay in dhamaan qaxootiga noo imaado, in ugu yaraan 75 % degmadu uu dagaan si joogto ah. Natiijo cabiridii ugu danbeeysay waxey muujisay in aan gaarnay 45 %.

Deegaan

Övertorneå, doorashada dhinaca guriyaasha waa balaaran tahay, guriyaasha la kireeysto iyo filooyinka. Waxaa la dooran karaa in la dago dhexbartanka magaalada ama tulooyinka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Meesha waxaa looga hadlaa af iswiidhish, af finish, af meänkieli oo mecnaheed tahay "luuqadeena". Af meänkieli dadka meesha degan muhiim ayuu uu yahay, waxaana loo arkaa dhaqan-sidaha koobaad ee meesha. Luuqado kale oo meesha looga hadlo waa af ruush, af isbaanish, af thailand, af carabi, af faarisi, af soomaali, af tigrinya iyo af daari.

Jaaliyado iyo ururu

Dhaqdhaqaaqa-urureed waa mid fircooni leh, waxaana jiro ururo isboorti iyo jimicsi oo leh isboortiyaal badan iyo howlo jimicsi. Ugaarsi iyo xabad-shuudid. Ururo-tuuladeed oo ku beegan dhaqamo kala duwana wee jiraan. Kaniisada Iswiidhan iyo urur dineedka bingst.

Degmada gudaheed waxaa ku yaalo goob-isboorti, goob-dabaal, buurar barafka lagu raaco, goobta dhismaha barafka iyo barkada dabaasha ee dibada ku taalo.

Maxaa ka ag dhaw

Xafiiska maamulka degmada oo leh qaabilaada-qaxootiga, matkabad, xafiiska shaqada. Goog-xili firaaqo, dukaamo, dukaamo isboorti iyo dhar, dukaamanka-dib uu isticmaalada ee laanta cas. IKEA waxuu ku yaala Haparanda oo jirto 70 kilomitir.

Dalyeelka carruurta

Degmada Övertorneå waxeey lee dahay dugsi xanaaneed ku yaalo Övertorneå, Jouksengi iyo Pello. Dugsi xanaaneed gooni ah oo madax kale leh, waxeey ku yaalaan Hedenäset iyo dhexbartanka Övertorneå. Hoowsha xanaaneedka waxeey asal uu dhigeeysaa waxbarasha cilmiga nolosha oo dhan. Waxeey ahaaneeysaa mid amaan, farxad leh iyo waxbarasho leh. Hoowsha xanaanada waxaa looga hoowl galaa caruurta uu dhaxeeyso da'da 1 ilaa 5 sano oo waalidkooda shaqeeyqo, si firfircoon shaqo uu raadiyo, waxbarto ama ku jiro fasaxa-waalidiinta.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxbarashada nolosha oo dhan waxeey muhiim ka tahay bulshada maanta oo horumarka si dhaqso horay ugu socdo. Degmada Övertorneå waxeey lee dahay fursad fiican ee dhanka waxbarashada laga bilaabaa dugsi xanaaneed ilaa waxbarashada dadka waa weeyn.

Dugsi hoose-dhexe waxuu ku yaala Svanstein iyo Övertorneå. Iskuul madax banaan ayaa ku yaalo Hedenäset. Dugsi sare ee Gränsalvs waxuu ku yaala dhexbartanka Övertorneå, waxuuna qani ka yahay soo bandhiga barnaamijyada.

Dhamaan ardayda ku jirto fasalka 7 ilaa 9 iyo dugsiga sare waxeey lee yihiin kombiyuutaro gaar ah oo nuuca la gacanta lagu wato. Sido kale ardayda iyo macalimiinta waxeey gali karaan adeega internetka ee Natonalencyklopedin. Fasalada waxaa ku qalabeeysan sabuurada-casriga ah ama fiideeyokanon. Bogga-waxbarashada SchoolSoft ayaa la isticmaalada, taasi oo mecnaheedu tahay in waalidka ee gali karaan oo ka arki karaan internerka natiijada caruurtooda iyo jadwalkooda.

Degmada Övertorneå waxaa lagu magacaabay degmada sananeed ee UF 2011 iyo 2012, dadaalka ee uu sameeyeen shirkadeeynta-dhalinyarada dartiis. Ardayda dhamaantood inta ee dugsi sare dhiganaayaan waxeey tijaabin karaan in ee bilaabaan shirkad gaar ah.

Furadaha waxbarasho

Utbildning Nord, waa hey'ad samafal oo waxbarasho dhanka suuqa shaqada siiso ardayda ka socdo Iswiidhan, Noorwey iyo Finland. Dugsiga-dadka weeyn ee Tornedalens iyo Ururuka-Waxbarashada-Sare Östra Norrbotten waa kuwo kale oo waxbarasha ka qabqaabiyo degmada.

Caafimaadka

Waxaan xarun caafimaadeed ku lee nahay Övertorneå, daryeelka ilkahana waxuu ku yaalaa Matarengivägen 8C gudaha Övertorneå.

Caawinaad turjubaan

Turjumaan khadka telefoonka ku jiro waa la heli karaa markasto xafiis dowladeed kulan lala yeelanaayo.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-Gobolka ee Norrbotten.

Shaqo iyo ganacsi

Wax yaalaha lagu soo saaro degmada Övertorneå waaa inta badan lagu suuq galiyaa kalimada "Polcirkelland". Degmada waxaa ku yaalo jardiino ka ganacsado ubaxyo oo horumaray.

Warshada-soo saarka ee degmadeed waxeey dhistaa gadiidka sii culus, waxeeyna soo warshadeeysaa blastigada, filooyinka-kombiyuurka iyo qeeybaha elegtroonikada ka kooban tahay. Dhaqan ahaan ganacsi dad gureeynti iyo ganacsiga tafaariqda ah waa kuwo balaaran. Shabakada sanaaciga ah (optofibernät), meelo badan ayee degmada uga soo jeedaa.